Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay Cadaado uga qeyb galay caleema saarka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo bishaan July horraanteedii loo doortay Madaxweynaha GalMudug.
Qormadaan kooban waxaan ku iftiiminayaa dhowr caqabadood oo mid kastaa ay wiiqi karto maamulka muluqa ah ee GalMudug, haddaanuu uba dhiman. Caqabadaha aan soo bandhigi doono waa kuwa xagga siyaasadda iyo amniga oo keliya. Aakhirkana
waxaan soo bandhigi doonaa dhinac iigu muuqda in sida uu ula dhaqmo Cabdikariin
Xuseen Guuleed ay saameyn ku yeelan karto hirgelidda maamulka hadda la unkay.
Qoonsiga Puntland
Curinta Galmudug waxay shaki ku abuurtay deriskeeda woqooyi, Puntland,
oo sheegtay in aanay go’aankii Cadaado u aqoonsanayn dowlad Goboleed. Puntland
waxaa carada ka keenaya in ay GalMudug u aragto in ay sheeganeyso Mudug oo dhan, oo uu ku jiro Mudug dhinaceeda woqooyi oo ka tirsan Puntland. Xeel iyo xoog mid ay noqotabana ay GalMudug damacsan
tahay in Gobolku uu gacanteeda soo wada galo.
Aqoonsi iyo is tixgelin waa wax wanaagsan in la helo,
la’aantoodse looma dhinto. Si aan loo dhiman ugu yaraan waa in la kala nabad
galaa.
Si nabadda labada dhinac ka jirta loogu negaado looguna daaqo, waxay ila tahay in ay
lagama maarmaan tahay in GalMudug ay si aan mugdi ku jirin u caddeyso in
soohdintu ay hadda qabiil tahay oo lagu sugayo xal aan xabbad ahayn oo mustaqbalka
looga gudbo soohdinta qabiilka.
Dadka Mudug wey isla noolaayen weligood laakiin waxa soohdin qabiil
dhex dhigay oo kala shakiga abuuray waa wax dhacay taariikhda dhow ee
Soomaaliya. Soohdin dadkii dhigtay ayaa iyaga oo isaga raalli ah wadajir u
qaadi kara marka shakigu ka baxo. Laakiin hal dhinac keligiis ma qaadi karo
xataa haddii ay ka dhab tahay in iyaga uu shakigii ka baxay. Shakigu in uu kaa baxay waa in aad ficil ku caddeysaa, waxaase ka sii muhiimsan in lagaa rumeysto.
Waa in GalMudug caddeysaa marnabana in aanay jiri doonin maamul aanay
raalli ka ahayn, waxna ka dhisin in la isku dayo in beesha deriska ah lagu khasbo.
Xaqiiqadu waxay tahay in aanay jirin cid awoodda in ay labada dhinac
ee Mudug khasab isugu darto.
Garowshiyo doonka ASWJ
Degaanno badan oo Gobolka
Galguduud ka tirsan waxaa gacanta ku haya ciidanka Ahlu Sunna oo aan aqoonsanayn
natiijada shirka Cadaado. Taas ayaa u sabab ah in Madaxweyne Goboleedka lagu
caleemo saaro isla magaaladii lagu doortay saddex usbuuc ka hor.
Ahlu Sunna, waxay in muddo ah ka dagaallamaysay Gobolka oo ay
Shabaab ka hor taagnayd, iyada oo rag badan oo GalMudug ka tirsan aan wax colaad ahi kala dhaxeyn Shabaab kuna
noolaayeen dhul Shabaab ka taliyo. Hadda hubka kuma dhigi doonaan annaga ayaa
nala doortay ee kala taga.
Ahlu Sunna waxay isu aragtaa in wixii ay ayaga la ahayd in ay
mudnaayeen aanay ka helin qeybta meesha ka dhacday. Si kastaba ha
ahaatee, Maamulka cusub ayaa looga baahan yahay in uu xal ka gaaro dudidda
Ahlu Sunna oo ay dadka qaar tuhunsan yihiin in ay si uun ugu daaban tahay Dowladda aan
deriska nahay ee Ethiopia oo ah qodobkeyga kan xiga.
Gacmaha Ethiopia
Gobolka waxaa qeybo ka mid ah ku sugan Ciidanka Ethiopia oo ka
tirsan ciidanka AMISOM. In badan ayaa aamminsan in ay Ethiopia isku daaban yihiin
Ahlu Sunna. Waa dhinac kale oo u baahan macaamil iyo isfaham. Waana dhinac fududeyn kara isfahamka Ahlu Sunna ama cusleyn kara.
Intaasi haddii ay kula tahay howl adag, waxaa wehliya al Shabaab oo
ku sugan degaanno ka tirsan GalGuduud Bari iyo Galguduud koofureed,
gaarsiisanna ilaa Mudug Bari. Waa lagama maarmaan in GalMudug ay la timaaddo
xeel iyo xoog sidii ay maamulkeeda ku gaarsiin lahayd Gobolka oo dhan.
Hooska Federaalka
Arrinta kale ee hortaalla GalMudug waa arrin uu si uga dhawaajiyay Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas, mar uu durayay shirka Cadaado. Wuxuu ku tilmaamay in dadka
Cadaado ku shiray ay yihiin dad Muqdisho dayaarado looga soo daad gureeyay.
Taa anigu caddeyn uma hayo, laakiin waxaa ii muuqata mid ka khatarsan. Waxay halis iiga muuqataa in dano qabiil iyo dano siyaasadeed ama degaan
dartood ay GalMudug iyo Madaxdeedu ay halis u yihiin in ay ku milmaan, amaba
way ku milan yihiine ay ku guuleysan waayaan in ay gooni ka noqdaan, Dowladda
Federaalka iyo welidba sidoo kale caasimadda dalka.
Taas ulama jeedo in ay Dowladda Federaalka Cadow ka yeeshaan iyo in
haddii ay dhacdo in sida ay rabaan ay ka waayaan ay ku hanjabaan in ay xiriirka
u jarayaan.
Waa loo baahan yahay in Dowlad Goboleedku ay xiriir wanaagsan la
leedahay Dowladda Federaalka, maanta iyo berriba, laakiin haddana ma ahan in
la kala aqoon waayo Xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka - xag howlwadeen, xag ra'yi, xag dan iyo xag Xarun.
Ma aha in xiriirrada ay Dowlad Goboleedkani la lahaaneyso Dowladaha
Gobollada kale iyo hey’adaha caalamiga ah ee dalka ka howlgalaa in uu ahaado
hummaagga xiriirka Federaalku la leeyahay dhinacyadaas.
Si kale haddii loo dhigo, GalMudug ma ahan in ay u shaqeyso sida
Wasaarad ka mid ah Wasaaradaha Federaalka.
Waxaan arkayay Xildhibaanno ka tirsan GalMudug oo Muqdisho seminar
loogu qabtay iyo qaar casho la qaatay Madaxweynaha. Hore uma arag Dowlad
Goboleed kale oo Baarlamaankeeda Xamar seminar loogu qabtay iyo ayaga oo Villa
Soomaaliya lagu casumay.
Midda kale, marka Xildhibaannada GalMudug ay Muqdisho
mushaaxayaan waxaa dayacan howshii markii horeba iyada oo aan cidi ku khasbin
ay u xusul duubeen in ay qaban yaqaanniin, rabaanna in ay qabtaan. Taas waxaan
rajeynayaa in aanay ku ekeyn doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka iyo maalmaha munaasabadaha ee Xamar madaxda ka tegeysa ay hore u sii raacaan.
Middi laba Af leh
Intaas oo dhan marka laga soo tago, GalMudug, waxay haysataa fursad
aad u fiican. Laakiin waa haddii xoogagga siyaadeed iyo kuwa dhaqaale ee
Gobolku ay kala gartaan waxa uu yahay tartan siyaasadeed iyo kooxeysi oo dhinac
ah iyo Danta Gobolka oo qeyb ka ah danta Guud ee dalka.
Si kale haddii aan u dhigo, laba kooxood oo ay Geedfadhi u yihiin kooxo diimeed, ganacsato dalka gudihiisa, deriskiisa iyo dibadda fogba fadhiya, Xildhibaanno iyo Wasiirro Federaal ah oo ku kala daaban ayaa doorashada isku herdiyay. Wareeggii kowaadna isku barbardhacay. Doorashadii wey dhammaatay, in hardanka heer Gobol uu intaa ku dhammaado iyo in
ay isku aakhiro seegaan, waxaa farsamdeeda laga rabaa kooxda Guuleysatay.
Guusha Doorasho laga soo hooyaa waa billowga siyaasadda ee ma ahan
dhammaadkeeda. Sababta oo ah kooxda Guuleysatay way u baahan tahay in ay gacan
ka hesho kooxda ay ka guuleysatay.
Kooxda laga guuleystay iskama tegi doonto. Dowlad Goboleedka ayay la shaqeeyn doontaa, haddii ay Dowlad Goboleedku diiddo ama garan weydana iyada ayay ka shaqeyn doontaa.
F. G.
Adiga
oo ku mahadsan in aad qormadan wada akhrisay, waxaan kaa codsanayaa in aragtidaada oo oo aan xanaf lahayn aad ku soo bandhigto isla boggan qeybtiisa hoose.
Waa qorma qiima leh, marka laga reebo qeybta aad uga hadashay ASWJ oo aaney ka muuqan xogogaalnimo iyo hufnaan.
ReplyDeleteAad baad kaaga mahadcelinayaa haddii aad xogtaas ila wadaagto. Haddii aanad dooneyn in aad halkan ku soo bandhigto, fadlan facebook iigu soo dir iyada oo msg ah.
DeleteASWJ Maanta go'aan siyaasadeed leh oo lagala xaajoodo kama jirto gobolada dhexe.
DeleteMarkii ey jirtay lagama faaiideysay oo tixgalintey mudneed ma helin, hadda oo ey tagtay in la baadigoobaahi waxa ey sii fogeyneysaa xalka degaanada g/dhexe.
Waxa booskoodii galay Maamulka G/DHEXE inkastoo raggii aswj ka tirsanaa ka dhexmuuqdaan haddana runtu waa inuu yahay maamul aan go'aankiisa ahlusunna ka go'in inkastoo lagayaabo iney saameyn ku leeyihiin.
Maamulkaas oo loogu yeero ASWJ waxa ey lamid tahay C/kariin Guuleed oo loogu yeero (wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka)
Yusuf waad mahadsan yahay
ReplyDeleteLakin intaa oo qodob oo aad tirisey waa muhiim
Laakiin waxaa ka horreeya
inaad tukato waxaa shardi u ah inaad muslin tahay
Maamulka galmudug waxaa ugu horreyn la gudboon inuu ugu horreyn dastuurka waafaqo oo noqdo maamul si sharci ah dastuurka ugu dhisan waayo hal hobol iyo bar kuma yaal dastuurka la wada samaystey. Markuu arrinkaa saxo oo xalaal dastuuri ah noqdo cid kasta wey soo dhoweyn waana la garab istaagi laakiin maamulkan hadda cadaado wuxuu dadka intiisa badan ugu muuqdaa arrin lagu dhisey caadifad iyo taxaaluf siyaasadeed oo aan xiaaabtan fogi ka muuqan .
Waa qormo qurux badan oo aad u faahfaasan. Dhammaan arrimaha aad soo bandhigtayna waa kuwa meesha ku jira, waxanse rabaa inaan laba qodob ka hadlo. oo midna aan kugu raacsanahay, midna aan kaaga soo horjeedo. 1- qodobka aad ugu magac dartay qoonsiga puntland. waan kugu raacsanahay qaabka aad u dhigtay, waayo wax quman ma ahan ummad kala didsan in lasii kala didiyo oo kala shaki baas lasii wado. Galmudug waxaa la gudboon in dastuurkeda ay ku qorto in gobol iyo bar yahay maamulkooda, oo iyadoo aan laga soo noqon oon la iska saamixin xumihii 90-aadki dhacay , yaan loo noqon doqonnimo kale, oo arrinta hadane laga dhigin hawiye vs daarood, waana ay ku socotaa qaab sidaas u ege. Marki galmudug ay ka dhigto maamulkeeda gobol iyo bar, markaa waa in dastuurka federalka la waafajiyo hadba sida ugu macquulsan, lkn dhibta jirta hadane puntland iyo jubaland oo heyb ahaan isu raacsan ayaa hadane kasoo horjeesanaya, waayo hawiye ayaa sidaasi 3 maamul goboleed ku yeelanaya - waa hadii benadir maamul goboleed goni ah laga dhigo- iyadoo ay usii dheertahay tan federalka oo chance-ka ugu badan ay leeyihiin. Marka arrintu waa sadbursi, iyo rag iska riix. 2- Qodobka aad ugu magac dartay hooska federalka, absolutely waan kaaga soo horjeeda, waayo maamul goboleed kasta waa inuu noqdaa hooska federaalka arimaha ku saabsan xiriirka maamul goboleedyada kale iyo hay'adaha caalamiga ah. sideedabana alif beetada hannaanka federalka ah ayaa ah, in Member state ama maamul goboleed uusan yeelan karin wasaarad arrimo dibad/iskaashi caalami iyo wasaarad gaashaandhig, waayo labadaasi waxaa iska leh dawlada dhexe. saa arimaha ku saabsan xiriirka hay'adaha caalamiga ah, maamul goboleed kasta waa inuu u hoggaansamaa siyaasada dawlada dhexe, hadii kale arrintu waxay noqonaysaa sida qaabta daran oo wajigabaxa ah oo hadda madaxda soomalida u dhaqanto. Qodob kale aan raacsado, sida ii muuqata for the long term, federalismka somalia wuu fashilmi doonaa 100%, waayo kala aamin baxa ummada iyo dadka oo beryahan dambe madaxtinimo wada jeclaaday ayaa keenay ma ahane, dad u samaysan ma ihin. Waxaan rajaynayaa, in la helo ciidamo militariisku dhaf ah oo awood buuxda leh, u kaadiya ilaa inta siyaasiyiinta ka dhabjinayaan siyaasada haddaba calowsan ee soomaliya, oo ay helaan fursad u saamexeysa inay dalka (koofurta) awood ku wada qabtaan, ka dibna ay keenaan midnimo walaaltinimo iyo gorgortan siyaasadeed ku timaada oo lala galo walaalaha woqooyi. Waa sida aa niyada ka jeclahay, ilaahayna wuu ka dhabeyn karaa.
ReplyDeleteWaad ku mahadsan tahay marka hore sida wanaagsan ee aan dhanna u janjeerin oo aad ra'yigaaga noola wadaagtay. Meelo qaar oo welwel aad ka muujisay waan kugu raacsanahay, meelo kalana heerka aad gaarsiisay kulama qabo. Tan u dambeeysaba aan soo qaato oo ah is dhex yaaca Galmudug iyo Dowlada Federalka oo u muuqaal eg tan Gobolka Banaadir iyo Dowlada Federalka. Aniga waxaan dhaliilsanaa qaabka ay dowladu ula macaamisho Gobolka Banaadir, sida muuqatana waxaa wadadaas mari doono Galmudug iyo midka soo socda ee Shabalaha dhexe iyo Hiiraan. Bal maxaa dhici doona hadii doorashada 2016 uu kusoo baxo madaxweyne aan u dhalan beeshaan dowladi federalka iyo maamuladii gobaladooda isku qasatay ? Aan waqtiga u daayo jawaabta.
ReplyDeleteDhanka kalee Puntland iyo Ahlu Sunna caqabad burburin karta Galmudug uma arko. Sida aad xustay maamuladu qaab beeleed ayeey ku abuurmeen Galmudugna uma tallaabi karto dhanka waqooyi wixi la doonaba hala dhigtee. Puntland iyagana si lamida waxeey doonto ha sameysee dhankan koofurta Mudug uma soo tallaabi karto maxaa yeelay waxaan dagaal qabiil aheyn kama dhalanayaan. Nin aan dhalasho ahaan kala fogeyn aniga iyo isaga ayaa waxaa laga sheegay " 21 sano Maxaad Siyaad burkaas ow degenaay, anna burkaan shiikh Muxidiin Celi aan daganaay juuqna iskuma dhihin ee sa balaayadaan biriga dhacday heerki kiciyay waxeey ka helaan ey leeyihiin". Reer Puntland meeshaas aan ku guntay iyaga.
Ahlu Sunna sidaan ognahay waxaa taageeray beelo gobaladaan dega oo haddana dhistay Galmudug, ilama ahan ineey ku dhiirran karaan ineey sidi shabaab ula dagaalamaan dowlada Cabdikariin Guuleed se wixi xoog tusad iyo sadbursi ineey tolkood ka raadsadaan waa gaar. Itoobiya waxba uma tari karto hadeeysan ku daabneyn qabiiladi shalay dagaalka ku taageeray. Sidaas darteed iyaga caqabad burrin karta maamulkaan cusub ilama ahan.
Yuusuf adeer waan ku salaamayaa anigoo ah nin ree puntland ah ree gaalkacyood ah ,waad ku mahadsan tahay saad noogu soo gudbisid ra'ayigaag qaaliga ah , walaaloow waan kugu raacsanahay inta badan qoraalkaaga lkn HAL QODOB ood ogtahay oo ah qodobki uguba muhiimsana uguna horeeyay waan fahmi waayay sababtaad uga booday , Qodobkaas waa in GALMUDUGTA cusub tahay HAL GOBOL IYO BAR , waana waaqiciga jira walaal dastuurkuna ma qabo in hal gobol iyo bar noqon karo maamul goboleed taasoo ka dhigayso in ama DASTUURKI lagu heshiiyay La tuuro AMA Galmudug labadoooda mid baa Beenoobaya , aan kuu kuu raacshee maalin dhawayd Raisul wasaruhu wuu la soo shir tagay in puntland aqoonsato hal gobol iyo bar taso ah xaaraan iyo bur bur hor leh Bal II CADEE SABABTAAD U XUSI WAYDAY ARINKAN
ReplyDeleteMohamed Bulshaale's photo.
Yuusuf adeer waan ku salaamayaa anigoo ah nin ree puntland ah ree gaalkacyood ah ,waad ku mahadsan tahay saad noogu soo gudbisid ra'ayigaag qaaliga ah , walaaloow waan kugu raacsanahay inta badan qoraalkaaga lkn HAL QODOB ood ogtahay oo ah qodobki uguba muhiimsana uguna horeeyay waan fahmi waayay sababtaad uga booday , Qodobkaas waa in GALMUDUGTA cusub tahay HAL GOBOL IYO BAR , waana waaqiciga jira walaal dastuurkuna ma qabo in hal gobol iyo bar noqon karo maamul goboleed taasoo ka dhigayso in ama DASTUURKI lagu heshiiyay La tuuro AMA Galmudug labadoooda mid baa Beenoobaya , aan kuu kuu raacshee maalin dhawayd Raisul wasaruhu wuu la soo shir tagay in puntland aqoonsato hal gobol iyo bar taso ah xaaraan iyo bur bur hor leh Bal II CADEE SABABTAAD U XUSI WAYDAY ARINKAN
ReplyDeleteMohamed, waad ku mahadsan tahay faallada iyo su'aasha. Qormadeydu waxay ku saabsan tahay waxybaaha caqabadaha ku ah GalMudug ee horyaalla. Tan ku saabsan in ay laba Gobol tahay iyo in kale, waxaa keliya oo ka dhawaajiya waa Puntland oo aan ahayn hey'addii saxda ahayd ee go'aamin lahayn. Mar haddii aan Dowladda dhexe aanay lahayn GalMudug ma buuxin shuruudihii, ayaan aniguna ka reebay caqabadaha hadda taagan ee xalka deg degga ah u baahan. Si kastaba ha ahaatee dooddaas waxaa ku eegay qormo tan ka horreysay oo uu cinwaankeedu ahaa Mudug mise NusMusug? oo soo baxday 15 July 2015.
DeleteMohamed walalkey wax xaaraana ma jiraan dastuurku waa wax dad sameystaan oo wax lagu daro waxna laga reebo Isla markaana marwalbo la badali karo. In dadka mudug maanta oo 2015 lakala jaro ayaa ka dhibadan in Dastuurka edit lagu sameeyo oo qodobka maamulada gobol iyo badh laga dhigo.
DeleteMudane mohamed bulshaale, Adiga iyo walaalo kale oo wanaag jecli qoraalkooda ka muuqato ya aka dhawaajiyay qodobka Dastuurka ee 2da gobol, waxa aanan jeclaan lahaa in aan idin iraahdo Hal dhinaca wax ha ka eegina.
DeleteWaxaa biyo kama dhibcaan ah GM laba gobol ma haysato dastuurkii lagu heshiiyayna ma waafaqsana. Ha ahaatee waxyaaba badan oo xal loo arkay baa jira oo dastuurka ama waafaqsanaa oo la buriyay, iyo kuwa aan ku jirin oo la meelmariyay.
1- roadmapka saxiixayaasheeda waxa ka mid ahaa Galmudug oo sheegasho mooyee dhul badan u talin. Rasalwasaare saacid baa ku yiri adeer saxiix maahane ama Galgaduud raaca ama PL wax ku darsada. Intii somali iyo xal jecel waa sax buu yiri nin qalin wax ko kobacso is lehna anaka oo saan ah baan saxiixnay roadmap buu yiri. Tii saacid baa meel martay PL Siyaasad anfacda bay ahayd in Dowladdu heshiiskii uga baxdo GM.
2- Axmed madoobe Iyada oo jubooyinka inta ugu badan ay Shabaab haystaan reer Gedona badi diidanyihiin buu dhistay maamulka JL reer PL na waa ku saacideen oo hanabaad iyo goodi siyaasadeed kadib Dowladu waa aqbashay ayada oo badi dadkii taladu ka go'day maqanyihiin. PL taasna waa u riyaaqday.
3- reer bay iyo bakool oo cuqdad ka qabay duudsiin jubooyinka toodii ay ka cabanayeen baa dowladu ku sasabtay Lafoole iyo jaziira baydhaba ka maamula iyada oo dadkoodu leeyihiin ma rabno, Xalbaa la biday ee dastuur maahan in dad la qasbo. PL taasna waa u riyaaqday.
4- Dastuurka waxa ku qoray dadku iyaga ayaa xor u ah halka ay wax ku darsanaayaan, Iyadoo saasa baa reer Galdogob iyo dad Waqooyiga Mudug kasoo jeedaa Yiraahdeen shirka Cadaado baan wax ku darsanayanaa, PL waa maamul soo dhisnaa waa xaqdarro in la farataysto lakiin dastuurka kuma taal ayagaa qasbi kara dadka hoosyimaada saas ooy tahayna dowladu reer Galdogob shirkii waa ka saartay cadaado. Taasna PL waa u riyaaqday Intaas maadama afartaa qodob oo lid ku ah beesha Dowladda loo xagliyo ay xal dartiis u qaateen miyaanay la gudbonayn in reer PL ay tan xal si loo gaaro oo sanado dhaw doorasho loo gaaro ay u sabraan tan. mise waa wax kasta anigu aan yeeriyo.
Tan kale marka dastuurka iyo sharciyadda lagasoo tago miyaanay PL goblka mudug u qornayn maxay GM ugu qasbaayaan koofur Mudug qoro o miyaanay sool iyo sanaag u qornay ayada oo la ogyahay cidda u talisa maxaa keenaaya in la buunbuuniyo oo waa duulaan la yiraahdo iyada oo la ogyahay cid cid u duulaysaa in aanay jirin hadeerto maxaa shacabka loogu carbinaaya colaadda.
Walaalayaal horay uun aan u socano wlhi aniga degmada reerkaygu kasoo jeedo waxa aan aqbali lahaa in nin islaameed u taliyo ama maamul been ah laga dhiso haddii aan ka filaayo in dhowrsano kadib dowladnimo la gaari karo inta aan iskadaba wareegi lahayn ina adeerkayna inta xoolahayga xado aniga igu owrkacsanlahaa maalinta booskiisa siyaasadeed sibqada. Mahadsanid
Yuusufoow waxaaaad Noo Sheeegtaaaa Raga Shabaaaab Ku hoos noolaay Oo Maaamulka Galmudug Madaxda Ka Ah teeda Kale Kooxdaan Heysata Dhuusa mareeb Waxaad ka qortay Waaa wax xaqiiqda ka Fog Oo Aaaad u Sameysay Buun.buunin Awooodeeed Waxaaadna Noo sheeegtaaa Aswj Aaad sheegtay Yeeeyihiin ?
ReplyDeleteMadax GalMudug ma oran. Fadlan dib u akhri qormada.
DeleteAad iyo aad ayaa ugu mahadsantahay qormadaan iyo kuwii horeba.
ReplyDeleteWaxaa kaliya ee aan rabaa inaa wax kaaweydiyo Arina mudug Somalia federalism mey qaadatey mise Tribalism (qabiileysi) fadlan qormo ka sooqor. Mahadsanid
Su'aalo Muhiim ah:
ReplyDelete1. ASWJ taladeedu cidday ka go'daa?
2. Puntland hadday aqoonsato GalMudug, iyadoo aan ku salaynayn dastuurka, sow gacanteeda iskuma baabi'innin? Illeen waxaa ku xigta in Xamar aqoonsato Khatumo, taasna ma diidi karto hadday tan aqbasho e?
3. Ethiopia danteedu ma in Hawiye iyo Daarood kala adkaadaan/heshiiyaan baa mise waa in marba koox Addis looga waco, dhabarkana laga soo taabto?
4. Markaad dib u xasuusatid yagleelkii Jubbaland siduu Madaxwayne Xassan Sh. Uga cagajiidayay iyo siduu aasaasidda GalMudug u daadihiyay, qabiil ma laga dhadhansan karaa? Reer Puntland iyo reer Jubbaland in isbahaysigooda lagu eedeeyo mid qabiilaysan "xidhhiidhka wanaagsan" ee Galmudug iyo DF mid caadi ah ma gar baa?
5. Yusuf, Garaadow, adoo Alle ka baqaya, loollanka ma waxaad u aragtaa loollankii qabaa'ilka u dhexeeyay ee qoriga lagu xallin waayay, oo loo baddalay qalin iyo shax la isu jaakidhayo mise wxd u aragtaa in qolo qolo ku gar darroonayso?
Mahadsanid
Waa qormo CAIIB ah qodob kasta wax lagam dhihi karo lkn qodobada aan anigu muhiimka u arko waa 1Galmudug kudabnaashaaha Dowlada Somaliya waa fursad eeysan heeysan maamulo badan marka waa uguul ayaag 2Guusha ugu weeyn ee madaxweeyn Guuleed waa Ahlu sunna oo si dhab ah maamulka qeeyb uga noqda Gaalkacyo oo la mideeyo waxaa ka muhiiman inta hada maamulku kajiro oo la mideeyo 3Itoobiya Gobolka nabad ilaalin ayey ku joogaan dabcan dhinacan waa la safan yihiin lkn markey magac Amisom wataan waxeey xaq uleeyihiin ineey Madxweyn Guuleed la shaqeeyan hadey la shaqeeyn waayaana waa arin moowduuceda leh
ReplyDeleteWaan wada akhriyey qormadaan, Waxaan dood ka qabaa arinta muranka puntland iyo galmudug. waxay isku hayaan waa sheegashada mudug oo dhan. waxaad xisaabta ku dartaa in Puntland ay sheegato sidaasoo kale dastuurkeedana ku qorantahay.
ReplyDeleteFederal qabiil ayaad ku talisay. Meeqa magaalo soomaaliyeed ayaa la kala bari doonaa?
Yuufus G., wxd ku jirtaa, dad ka farokutiris ka ah, ee aan jeclahay inaan akhriyo waxa ay qoraan. Kama dhigna inaan kugu raacsanahay fikrahdahaaga oo idil ama aynu isku qabiil nahay(wxn ahay Daarood, adna Hawiye, lkn thumma WLH in badan oo daarood ah adaan kaa jeclahay, waayo Alle kama baqaan, umana arko inay iga kaa xigaan: yaa hubiyay in Dir-Daarood theory sax tahay? Wxn kuu arkaa inaad tahay walaalkay).
ReplyDeleteBadanaa wxd wax ku qortaa qalin bisil, oo ka soo maaxda maan xor ah, dhincyo badanna waad ka sawirtaa doodda si ayna u dheelliyin.
Lkn wxn u arkaa, in qormadan aad ku dafirtay in dastuurku muhiim yahay markaad leedahay:
"Tan ku saabsan in ay laba Gobol tahay iyo in kale, waxaa keliya oo ka dhawaajiya waa Puntland oo aan ahayn hey'addii saxda ahayd ee go'aamin lahayn". Iyo: "Xaqiiqadu waxay tahay in aanay jirin cid awoodda in ay labada dhinac ee Mudug khasab isugu darto". Dastuurku ma aha/laha awooddaas miyaa?
Haddii dastuurka la dafiro, oo la yidhaahdo xuduudaha qabiilkaa sax, Somaliland xadkeedu soo ma noqon doono xadka "beesha dhexe"?
Ugu danbayn wxn eedda saarayaa Dawladda Federalka oo Puntland na heshiis kula gashay dastuurka: laba gobol iyo ka badan, Galmudugna ku aqoonsatay hal gobol iyo badh.
Marka dowladduu jiritaankeedu ku salaysanaa dastuurka madaxdu ku dhaaratay wuu baaba'ay. Sharciyaddeediina iyadaa burisay.
Waxaa ku xiga 4 qodob mid uun:
1. In Soomaaliya u kala googo'do, dawlado yaryar oo xuduudohoodu tahay kuwa qabaailka.
2. Dagaal sokeeye.
3. In dastuurka la aqbalo.
4. In dastuu cusub la sameeyo( oo macal 4.5 la laalo).
Mustaqbalka Soomaaliya ma qurux badna.
Allaahu aclam.
Walaalkeey aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay kalsoonida iyo xikmadda aad igula hadashay. Ra'yiga aan ka qabo qabaa'ilka Soomaalidu runtii waa ka fog yahay sida loo dhigo. Umana haysto in magacyada lagu abtirsadaa ay yihiin niman dadka ku abtirsanaya oo dhan dhalay ee waa isgaashaanbuureysi aan haddadaas aan aragno kuwo lagu biirayo iyo qaar laga baxayo. Kaba soo tag, Dastuurku wax cirka ka soo degay ma ahan, laakiin waa waxa keliya oo Soomaalidii ugu badnayd oo meel isugu tagtay ay ku heshiisay. Waana in loo hoggaansanaadaa inta aan ka gaarno in dadka afto la weydiiyo in ay isaga oggol yihiin, in ay wax ka beddelayaan iyo in ay mid kale sameysanayaan.
DeleteMidda kale, ma ahi nin taageersan soohdimaha qabiilka. Markii laba Cabdiweli ay ku saxiixeen Garowe waxaan ka qoray qormo kooban oo aan keenay su'aasha ah haddii aan hal magaalo la mideyn karin sidee dal loo mideynayaa?
Laakiin Puntland iyada ayaa dooratay in soohdin reereed ay samayso. Markii ay sameyneysayna duruufo ku khasbayay ayaa jiray. Welina laga yaabo in qaarkood ay taagan yihiin. Marka anigu waxa aan leeyahay waa yaan la is khasbin la iskuna xad gudbin. Puntland hore ayay u jirtay. Soohdimaheeda ha loo daayo, haddii aan waan waan iyo is afgarad wax looga beddeli karin. Wax walba aniga waxaa iiga muhiimsan in aan lagu noqon colaad iyo isdil.
Yusuf G., adna waad ku mahadsantahay jwb taada iyo iftiiminta mowqifkaaga ku aadda xad-qabiileed ka.
DeleteAragtida aad ka qabto asalka abtirka qabiilka waan kula qabaa 100%. Soomaalida wxn u aqaan dad isku dhiig ah(beelaha waaweyn) iyo dad la dhaqan/af ah lkn aan la dhiig ahayn( waa kuwa laga tirada badanyahay intooda badan).
Dalka ugu awoodda badan caalamka(USA) waxaa u taliya wiil aabihii uu ahaa arday ajnabi ahaa oo dalkaas u yimid waxbarasho.
Yaa innaga inoo diiday inuu nin Gabooye ah noqdo Madaxwayne, nin Jareerwayne ah RW, nin Cadcad GB?
Waan kugu raacsanahay, dastuurka aynu qoranay waxyi ma aha. Wax badan baa ka khaldan, diiniyan iyo akhlaaqiyan, xalaal iyo xal waara midna ma noqon karo.
Lkn waynu ognahay foolxumadii dagaalka sokeeye keenay ayaa loogu talogalay in lagaga gudbo.
Ugu danbayn, muhiimaddu ma aha tuulo hebel gobolkee xukuma iyo gobol hebel kumaa ka taliya. Muhiimku waa: 1. Nabadda. 2. Caddaaladda.
Haddii nbd la isla qaadto isjiidjiid kadib meel unbaa la isugu iman. Caddaalad haddii la helana, soomaali oo idil hal gobol baa inaga badan. Ninka beeshiisu ugu tiro yar tahayna talada iyo xukunka waynu u dhiiban karnaa.
Ilaahay taas ha ina fahansiiyo.
Cadawgeenu waay shaydaan ka faaiidaysanaya jahligeena.
Mar walba se waxa aynu qorano aynu ku dhaqanno sax iyo qalad, intaan la baddalin. Haddii la baddalana waa halkeeda.
Scw.
sida ii muqata somaliweyn kala socotay oo midnimo waa laga salguurey.
ReplyDeletesaar qabiil ayaa si qotodheer loo la saqraamay.
guurti qabiil baarlamaan lagu sheegey iyo dowlad gobaleed ayaa la saqramay.
qarnigaan la sugi maayo mamul mideysan oo kataliya buur gaabo ilaa saylac.
milateri haybad leh iyo mamul tolmoon.
madax cadalad ah iyo shacab doonaya wadajir iyo walaltinimo.
wax walba somalia waa ku kala tagtay .
waxayse wali ka mideysan tahay afka guud '' lingue franca '' iyo midabka
Waad ku mahadsantahay sidaad xaqiiqda jirta u ifisay. Qodobadani dhamaantood wa caqabado jira, loona bahanyahay in xal loo keeno.mhdsnd.
ReplyDeleteAsc waad mahadsan tahay Yusuf-garaad Aragtida fiican anfacaad badan ayee leedahay caqligaada Alle hakuu siyaadiyo Haddii aan ugudbo fikirgeyga waan hubaal in la heshiindoono waxaan kacodsanaa madaxda namatasha ama xukunka heysa in ey deegaanka iyo dadka uturaa guushana waa udhawdahee ee geesiyaal noqdaa Galmudug waxee ubaahan tahay Geesi Daacad ah Hoolkar Garaad badaa Caaqil Gartii Yaqaana Daniistashaa ku Abtirsada Galmudug waxan leeyahay dadka kadhax baxa dulmikana kadaaya isjiidjiid waqtiga hanooga dhameenina Galmudug Guul Insha Allah
ReplyDeleteYuusufoow marka hore waan ku salaamay, salaan kadib waxaan rabaa inaan kula wadaago muddo 5 sano kadib Galmudug inay hadda xoogaa wax iska badaleen hasa ahaatee aanu wali koow iyo laba bahashu joogin. Maanta aan wax soo qoraayo taariikhdu waa 01-Maarso-2020 waxaa meesha ka baxay awooddii ASWJ balse wali waxaa haray Awooddii Shabaab ee Dagmooyinka qaar gacanta ku haaya iyo Siyaasaddii dan wadaagga eheed ee ka kala dhaxeysay kuwa hadda ka arrimiya Maamulka Galmudug iyo Siyaasiinta kale ee kasoo Jeedda isla Maamulka Galmudug, Anigoo ka tagin Ex- Madaxwayne Xaaf oo isagane fadhiya Gaalkacyo, hase ahaatee waxaan is dhihi karaa Shalay Maanta ayey ka dhawdahay Siyaasadda Galmudug, waa haddii si fiican loo wajaho Mahadsanid Mudane.
ReplyDelete#Danjire
ReplyDelete#waziir
#Wariye
Rug cadaa siyaasadeed
Qormadan aniga ahaan aadban ula dhacay xaqiiqdii waxana dhihi lahaa qof walba oo reer galmudug ah waa in uu aqriyo oo uu wax ku qaato isaga oo aanan xolana xigsaneyn
Waxan filaa caqabadahaas maanta qaarbaa jiro weli
Ee mudane adiga ahaan sidee baad u aragtaa caqabadihii maalintaas jiray oo aan weli xal loo helin xalkooda?
#Danjire
ReplyDelete#waziir
#Wariye
Rug cadaa siyaasadeed
Qormadan aniga ahaan aadban ula dhacay xaqiiqdii waxana dhihi lahaa qof walba oo reer galmudug ah waa in uu aqriyo oo uu wax ku qaato isaga oo aanan xolana xigsaneyn
Waxan filaa caqabadahaas maanta qaarbaa jiro weli
Ee mudane adiga ahaan sidee baad u aragtaa caqabadihii maalintaas jiray oo aan weli xal loo helin xalkooda?
#Danjire
ReplyDelete#waziir
#Wariye
Rug cadaa siyaasadeed
Qormadan aniga ahaan aadban ula dhacay xaqiiqdii waxana dhihi lahaa qof walba oo reer galmudug ah waa in uu aqriyo oo uu wax ku qaato isaga oo aanan xolana xigsaneyn
Waxan filaa caqabadahaas maanta qaarbaa jiro weli
Ee mudane adiga ahaan sidee baad u aragtaa caqabadihii maalintaas jiray oo aan weli xal loo helin xalkooda?
Waxay iila muuqataa inay hadda qodobadaas qayb kamid ah is badaleen lkn wali ay taaganyihin qayb kamid ah kuwii aad maalinkii ka hadlaysay
ReplyDeleteManta Qoorqoor waa ka jaanis roonyahay abdikarim