Total Pageviews

Tuesday 28 July 2015

Mareykanka maxaa beddelay?

Warbixin aan 2005 ka qoray Mowduucan
Madaxweynaha Mareykanka, Barak Obama, oo toddobaadkan booqday Nairobi iyo Addis Ababa wuxuu ku boorriyay Dowladaha Kenya iyo Ethiopia dagaalka ay ciidammadoodu kula jiraan Shabaab ee gudaha dalka Soomaaliya.

Taageerada uu muujiyay Madaxweynuhu ma ahayn wax la yaab leh maaddaama sannado badan ay arrintaasi socotay.

Haddii aan xusuustaada dib u celiyo toban sano, Mareykanku wuxuu ka digay oo weliba is hor taagay in dalalka safka hore - waa Ethiopia, Kenya iyo Djibouti ay ka mid noqdaan ciidanka loo dirayo Soomaaliya. Wuxuu ku tilmaamay in ay habboon tahay in ay ka joogaan Soomaaliya, sida aad ka arki karto warbixinta halkan ku lifaaqan.

Mareykanku wixii uu ka digay toban sano ka hor in uu hadda ku boorriyo labada dal ee aan deriska nahay maxaa keenay? Yaase u sabab ah?

Warbixin ay xuquuqdeeda leedahay BBC oo aan 2005 ka qoray mowduucan ayaan halkan ku soo lifaaqay.

Fadlan akhriso ka dibna xusuuso in aad ra'yigaaga halkan ku dhiibato.




12 comments:

  1. Fadlan halkan ku dhiibo aragtidaada.

    ReplyDelete
  2. yuusuf garaad waad mahadsantahay, waxa ay ila tahay in uu mareykanku tageero howlgalka ethopia iyo kenya ee somaliya waxa keenay dadka somaliyeed ee diiday in ay siwada jir ah aayahooda uga tashtaan.
    Somalidu waxa ay ku mashquushay is qabsi iyada dhaxdeeda ah, hadii ay sidaan kusii socotana 10ka sano ee soo socoto waxa xigi doonta inuu marekan taageero in somaliya loo kala qeybiyo ethopia iyo kenya, waa sida hada socoto'e..................ilaahow umuuraha sahal

    ReplyDelete
  3. yuusuf garaad waad mahadsantahay, waxa ay ila tahay in uu mareykanku tageero howlgalka ethopia iyo kenya ee somaliya waxa keenay dadka somaliyeed ee diiday in ay siwada jir ah aayahooda uga tashtaan.
    Somalidu waxa ay ku mashquushay is qabsi iyada dhaxdeeda ah, hadii ay sidaan kusii socotana 10ka sano ee soo socoto waxa xigi doonta inuu marekan taageero in somaliya loo kala qeybiyo ethopia iyo kenya, waa sida hada socoto'e..................ilaahow umuuraha sahal

    ReplyDelete
  4. Dowlada maraykan wax badan baa iska bedelay siyaasadaas fiicneyd marka dib loo fiiriyo kow maraykan wuxuu ku jabay dagaaladii uu huriyey ee meelo badan caalamka ka socday wuxuuna goostay inuusan sii huri karin nafafyaal kale oo americana oo uu ku waayo dagaaladan sii holcaya markaas buu doortay inuu helo kuwo askartoodu raqiis tahay dano u gooniyana leh sida xabashida iyo kenyanka oo uu ku maalgeliyo iney ciidamo u diraan hadba meeshii maraykan qatar u arko sida soomaaliya oo kale waxana masuuliyadaas qaadanay kow madaxda soomaalida oo aan lahayn dan qaran ee leh dan shaqsi, marba haddii saas xaal yahay aniga wax dan uma arko in alshabaab laga adkaado oo weliba xabashi iyo kenyankan ka adkaadan ee waxan jeclahay iney soomaaliya ku jabaan oo isaga cararan har cad maraykana markaas siyaasadiisa arrimaha dibeda ee soomaaliya ku wajahan uu wax ka bedelo oo uu markaas garowso in soomaalida la dowladeeyo oo la xoojiyo ciidan ahaan asagoo toos u hareer maraya dalabka wadamada deris ah ee dhahaya soomaaliya yaan nalagu quweyn.

    ReplyDelete
  5. Yusuf hadii aan fahmay hadalkii Madaxweyne Obaama, labada dalka xataa waa kala duwanaayeen, oo Ethopia moodaysay in uu dhabar ka taabasho u sameeyay, , hadaan u soo laabto su,aashada ah maxaa USA,waxaan isleeyahay Somaliya xanuun ku dhacay xanuun ka tan wayn midkii xiligaa hayay ee ahaaa Qabyaald awood ku raadinta, mida kale USA nama aqoon, waxay noo haysatay bulsho leh wax kabadal waxay isku hayaan , lehna wax ay wada ilaashadaan, taas oo waayuhu bareen in aanay jirin,, waxaad ka ogaan kartaa 2006_2007Dagaalii Ethopia laga la hortagay hada sida xaaladu tahay, oo loo arkayo xoogii Dalka Somaliya, waana laga yaabaa xanuunka na ilowsiiyo colaadii taariikheed ee Ethopia in ay soo abuureen...

    ReplyDelete
  6. Dawlad la'aantii Soomaaliya oo sii daba dheeraaey iyo Xooga Al-shashabaab oo noqdey mid ka xoogan sidii lamoodayey xuduudana ka talaabey una wadamadda deriska.

    ReplyDelete
  7. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  8. Aragtidyda jwb tu waa 3:

    1. Siyaadda gudaha ee Maraykanka; saamayn badan ku keeni mayso khasaaraha soo gaadha dadka/dalalka u adeega/dhinta danaha Maraykanka.

    2. Dhaqaalaha; waxaa kaga baxaya jab(%) aad uga yar, intii ku bixi lahayd, hadduu ciidankiisu fuliyo iskiis ahdaaftiisa siyaasadeed.

    3. Technology ga; waxaa la gaadhay casri, uu askari qaxwe ku cabaya California toogan, qarxin, dhagaysan ama daawan karo cadow jooga qaarad kale.

    Inaad Hawiye ama Daarood tahay, waqooyiga ama koonfurta Gaalkacyo midkaad dagtid iyo sidoo kale askariga danihiisa u fulinayaa calanka uu huwanyahay midna macne wayn ku fadhiyo.

    Muhiimku waa danihiisa stratiijiyadeed ee uu ka leeyahay gobolka. Mar walbana wuxuu u fulinayaa qaabka ugu sahlan uguna jaban.

    ReplyDelete
  9. Yussuf waan kusalamay waxaad tahay nin waxbadan og.mareykanka marka hore wuxuu udiiday cidamada dalalka deriska ah.
    Wuxuu ogaa in ay yihiin cadawga somaliyeed oo wdliba soo jireen ah
    Dhul somaliyeed kumaqanyahay hadii ay galaana
    Dagaalkooda somali dib umideen karo waayo 10 sano kahor dad waxaa laheli karay wadaniyada ay ku dhaxnooshahay

    Hada wuxuu utageeray wuxuu ogaaday in tii ay dhimatay oo hada dhankii sterinka loo jaraba ay u leexan karaan wadaniyadii sinjigii uu ka dhintay oo
    Heer cadawga somaliyeed iyo saxiibka somaliyeed lakala garan waayo

    Hadaba 10 sano hada kadib maxaa dhici karo

    In hadii saan sii ahaato groupna lasiiyo ethiopia
    Gruopna kenya

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  10. Yussuf waan kusalamay waxaad tahay nin waxbadan og.mareykanka marka hore wuxuu udiiday cidamada dalalka deriska ah.
    Wuxuu ogaa in ay yihiin cadawga somaliyeed oo wdliba soo jireen ah
    Dhul somaliyeed kumaqanyahay hadii ay galaana
    Dagaalkooda somali dib umideen karo waayo 10 sano kahor dad waxaa laheli karay wadaniyada ay ku dhaxnooshahay

    Hada wuxuu utageeray wuxuu ogaaday in tii ay dhimatay oo hada dhankii sterinka loo jaraba ay u leexan karaan wadaniyadii sinjigii uu ka dhintay oo
    Heer cadawga somaliyeed iyo saxiibka somaliyeed lakala garan waayo

    Hadaba 10 sano hada kadib maxaa dhici karo

    In hadii saan sii ahaato groupna lasiiyo ethiopia
    Gruopna kenya

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  11. Yusuf waan ku salaamay.
    Soomaaliya markii hore siyaasad ahaan waxaa laga hagi jiray xafiisyo ku yaala Nairobi hadana kaba dhow waxaa laga hagaa xafiisyo kuyaal Xalane.
    Soomaaliyana waxay dageysaa marka midkamida ah wadamada deriska ee aad kor kusoo sheegteen uu dagaal sokeeye oo siyaasadeed kadhaco, ooy ay shacabkiisu usoo qaxaan Soamaaliya sida hadaba kataagan Yemen, ogowne Yemen iyo Libiya waa cadawgii hore ee soomaaliya...........Qola qasareeda waa qola kale faaiidadeeda. Mahadsanidiin waan kudheeraday

    ReplyDelete
  12. Waxaay ila tahay 2 qodob.

    Cabsidii mareykanka qabay ee aheeyd armaa shacabka xasaasiyad ka qaadaa dalalka deriska ah oo meesha kabaxday oo dadku hada caadi ayaay la tahay in aay magaalada joogaan ciidama Ethopia ama kenya . inta badan markaa weeydiisana waxaa laguugu jawaaba adeer anagaa tashan weeynaye hanaloo taliyee dadkaaga dhinac karaac

    tanlabaad waxaa lawaayay Dowlada kale oo diyaar ciidama la ah oo Shabaab la dagaali karo madaxda doowladana kala celin kara ayaa lawaayay

    ReplyDelete