Total Pageviews

Thursday, 16 July 2015

Mudug mise NusMudug?

Alif wax ma leh iyo wax buu leeyahay sax ma wada noqon karaan. GalMudug waxay ka kooban tahay Mudug iyo Galguduud ama Dowlad Goboleed ma aha. Haddii sida magaceeda ka muuqata ay tahay Mudug iyo Galguduud, Puntland ayaa loo qarinayaa in la doonayo in Mudug oo dhan laga xukumi doono Dhuusa Marreeb, taas oo xaaladda maanta taagan aan u maleynayo in aanay suurta gal ahayn.

Haddii kale, waa magac lagu sasabayo dadka deggan Gobollada Dhexe, oo waxaa loo caleemo saarayaa Dowlad Goboleed ka kooban Gobol iyo bar oo markaa aan buuxineyn shuruudaha Dastuurka ku qoran.

Dowladda Federaalku waxay ku gabbatay Guddiga Soohdimaha in loo daayo oo isagu go’aan ka gaaro muranka Mudug ka taagan.

Waxa aan ka fekeray talooyinka aan is leeyahay Guddigu wey ka fekeri karaan si xal loo gaaro.

Guddigu wuxuu ku talo bixin karaa ayaan is iri in:

1)   Mudug oo wada jirta la raaciyo Puntland.
2)   Mudug oo wada jirta la raaciyo GalMudug.
3)   Mudug laga dhigo laba Gobol oo midba dhinac raaco.
4)   Mudug oo hal Gobol ah, sida qabiilka ku saleysan ee uu hadda u qeybsan yahay loo daayo, oo Galguduud iyo NusMudug maaddaama aanay noqon karin Dowlad Goboleed lagu daro maamulka hadda loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
5)   Dastuurka la beddelo oo laga dhigo Gobol iyo ka badan in ay noqon karaan Dowlad Goboleed.
6)   Dastuurka la beddelo oo laga noqdo nidaamka Federaalka gebigiisba.

Qodobbada kor ku xusan, waan jeclaan lahaa in aad ila wadaagto midka aad doorbidi lahayd. Sidaas oo kale, xal aan intaas ka mid ahayn haddii aad igu biirin kartana fadlan qeybta ra’yiga ku soo bandhig.  

Wax kasta oo ay noqotaba, reer Mudug iyo siyaasiyiinta Federaakaba waxaa la gudboon in ay ahmiyadda koowaad siiyaan nabadgelyada. Xalka la doonayaa ha ahaado wax si nabadgelyo ah lagu aqbali karo. 

Nabadda maanta taalla Gaalkacyo waxaa u sabab ah madax ay horsed u ahaayeen Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Maxamed Faarax Caydiid oo laba ciidan oo dagaalay isu keenay, magaalada wada dejiyay, kana yeelay in ay wadajir u ilaashadaan amnigeeda. Labadaas mas'uul waxaan wakiilladooda dood ugu qabtay magaalada Gaalkacyo gudaheeda sannadkii 1996. Waxaan si wanaagsan u xusuustaa in iyaga oo hadalka isku maagaya, mid walibana uu isagu sheeganayo in nabaddu ay ku timid dulqaadkiisa in haddana la is oggolaa oo la is qaddarinayay. Tan ugu muhiimsanina ay ahayd in la aqbalsanaa in la wada noolaado.

Degmooyinka kale ee Gobolka Mudug ma aha kuwo la wada deggan yahay ama hadda muran la gelin karo dhanka ay ku kalsoon yihiin in ay ka tirsanaadaan oo Dowlad Goboleed ay la wadaagaan.

Waxaan u haystaa in 2015 qofka isku daya in uu magaalo Soomaaliyeed xoog ku qabsado ee ku xukumo uu yahay Ma-Gudbe aan wax ka baran casharrada qaraar ee uu noo dhigay macallinkeenna magaciisa la yiraahdo Dagaalka Sokeeye. Casharradaas wuxuu Macallinku noogu dhigay fasalkeenna oo ah dalkeenna.

26 comments:

  1. Fadlan ra'yigaaga halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Waxaa xal ugu dhow in laga tanaasulo federaalka oo la bedelo dastuurka.ma muuqdaan wax kale oo suurta gelin kara heshiis dhameystiran oo soomaali dhexmara.

    ReplyDelete
  3. ASC Yusuf Garaad!

    Ramadaan kariim/ Ciid wanaagsan Insha ALLAAH. Waxeey ila tahay tusaalooyinka aad bixisay 2 qodob ineeysan u cuntameeynin beelaha daga kasoo biloow Gaalkacyo iyo Marka iyo meel ka shisheeysaba.
    Q. 1aad. Mudug laga dhigo laba Gobol oo midba dhinac raaco.
    Q. 2aad. Mudug oo hal Gobol ah, sida qabiilka ku saleysan ee uu hadda u qeybsan yahay loo daayo, oo Galguduud iyo NusMudug maaddaama aanay noqon karin Dowlad Goboleed lagu daro maamulka hadda loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

    Aan kan hore qaato oo ah in gobol siyaado ah loogu daro beelo markii 18,kii gobol la sameynayay loo sad buriyay. Waxaan leeyahay iimaanka Allaha galiyo intii horana Allaha ku Anfaco. Hadii wax la badinayana gobollo iyo beello ka mudan ayaa jira.

    Tan labaad. Wax shaqeynaayo maahan in beel ballaaran la yiraahdo 1 dowlad goboleed ayaa tihiin, hal codna waad leedihiin.Taas hal si ayeey ku dhici kartaa oo iyana ah in qoladan loo sadburiyo markoodoo gobolkii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmad sameeyay ( Shabeelaha Sare) lasoo celiyo, kadibna Hiiraan iyo Galgaduud iyo Mudug barkeed hab beeleed lagu mideeyo. SHabeelaha Sare iyo Shabeelaha Dhexe la mideeyo oo Puntland na ay barkaas Mudug ah beel ahaan kula sii mid ahaato.

    Waxa kalee wixi soomaali ay ka qabto ayeey u taallaa wax Galmudug hada dan gaar u naqanaayo uma arko maxaa yeelay waa dowlad goboleed dhisan oo nidaamki dhismaha dowladaha soo martay shuruucdiisna buuxisay. Puntland iyadaa u baahan in baarlamaanka la horgeeyo oo dowladaha ku bahoobay dowlada Federalka laga mid dhigo.

    ReplyDelete
  4. somalidu wa 8milon xal uma ah federal iyo kala qoobqoobnta haday dacar ka kharaaranayso somlia wa in dawlad centeral ah o xoog leh ay yeelato wna taas sida aan ka rajynayo alle
    dorasho QD.5

    ReplyDelete
  5. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  6. Yusuf Geraad waxan raba inaan talooyinkaga Comment ka bixiyo
    Tan 1'aad in Mudug oo wada jirta la raaciyo Puntland. Waxey u muuqata inaysan socon karin.

    2) Mudug oo wada jirta la raaciyo GalMudug. Taana Puntland marnaba ma yeelayso.

    3) Mudug laga dhigo laba Gobol oo midba dhinac raaco. Taa suuro gal ma'aha sababtoo cid awood u leh ma jirto inay wax nuucaasa ku dhaqaaqdo. Waxey noqoneysaa fawdo oo waxey wado u furaysaa inay gobolo badan kala jabaan taaso dhibaato mooyee aan faaido ugu fadhin bulshada Soomaaliyeed.

    4) Mudug oo hal Gobol ah, sida qabiilka ku saleysan ee uu hadda u qeybsan yahay loo daayo, oo Galguduud iyo NusMudug maaddaama aanay noqon karin Dowlad Goboleed lagu daro maamulka hadda loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
    Midan ayaa macquul ah. waajib ma aha in qabiilka dega galgaduud uu maamul gooni ah sameysto.

    5) Dastuurka la beddelo oo laga dhigo Gobol iyo ka badan in ay noqon karaan Dowlad Goboleed.
    Ma soconeyso in wixii la raba laga yeesho dastuurka. Lamana aqbali karo shaley dadkii dastuurka saan ku aqbaley in maanta markii arintu la qaraaraatey ka boodan oo yiraahdan saan ma aha waa fowdo aan la aqbali karin.

    6) Dastuurka la beddelo oo laga noqdo nidaamka Federaalka gebigiisba. Waa macquul.

    ReplyDelete
  7. Laba mid baa qabaa . 1- Xalka ugu fiican saan u arko waa in Federalka dhan dhexda ka baxaa oo dib uheshiisiin dhab ah oo la islaab xaarto ee SOMALIA oo dhan ka dhacdaa markaasna lagu heshiiyaa dowlada dhexe oo xoogan xukunkana shacabka loo dhaweeyaa oo dowladoda hoose degmo ilaa gobol ayaga so doortaan wax walbo dowlad dhexe leedahayna degmooyinkoda loogu geeyaa .
    2 -Hadii Federalka la dhaho waa qasab oo ay noqoto in MUDUG lakala qaybiyaa ayadoo clan based federalism la qaadanayo waa in lagu laabta FEDERALKA dhan Iyo sida maamulada JUBBA & KOFUR GALBEED usameesmen oo reer walba degmada uu leeyahay kula midooba reerkisa kale saasna lagu wada jooga oo states federal qabiil toos ah lawada noqdaa .

    ReplyDelete
  8. yuusuf xaalka sida uu hada yahay haloo daayo ilaa xili danbe galgudud iyo konfurta mudgna hiiran iyo jawhar halaraciyo waa wadada kaliya ee furan inta kale wa wada fashil wax socon kara ma ahan

    ReplyDelete
  9. Jeclaan lahaayaa qodobka lixaad(in laga noqdo federalka).

    ReplyDelete
  10. Xuduud Beeleed Ama Gobol Wixii Ka Dhaxeeya Waa Xaraan Oo Waa La Jiifiyaana Bannaan Taasna Inay Soconaysaa Ma Qabo

    ReplyDelete
  11. Dastuurka makii la qorayey tan in ay imaanayso waa la ogaa oo reer walba dadkii matalayey ayaa joogay waana la wada saxiixay labo gobol & wixii ka badan. Dadka ayaana doorashada iska leh,
    Hadii ay siyaasiyiin isku dayaan in ay u fakaraan dadka socon mayso, waana la og yahay sida ay rabaan dada dagan Mudug puntland.
    Waxba yaan boor la isku qarin dastuurka waa in la waafajiyaa Galmudug + ahlusuna waljameeca sida ay rabaana iyaga loo daayaa hadii Galmudug Hiiraan ku biirayso & Hadii ay Puntland wadahadal la galayso igaa doorashada iska leh.
    Madaxweyne Xassan Sheikh isagaa wakhtigiisii dastuurku siiyay isga dumiyey Raysalwasaarayaashii uu doortay in uu hadba mid badalo wakhti yarna waa u haray.

    Soomaaliya ha noolaato insha-Allah.
    Dadka inaga danbeeya ayaa kalsooni yeelanayaay maanta waxa taagan ku badalayn ee maanta tan taagan waxa u yeelay waa khibrada aanu leenahay cina Al-Shabaab aaminimayso oo Qabiilka dhaama.....

    ReplyDelete
  12. mudug, galguduud, bari iyo nugaal in lees raaciyo

    ReplyDelete
  13. Marka hore Janno iyo raxmo allah hasiiyo, Odayaasha aad magacoodo xustay, Intaas ka gadaal aniga waxay ila tahay xaaka ugo dhow waa in mudug, laba gobal la dhigo oo qolo walba dadkeeda iyo deegaankeed loo calaamadiyo ,

    ReplyDelete
  14. Aniga waxaan qabaa taariikhda Soomaaliya dib ha loo eego wixii ka horeeyey xukunkii militeriga markaas oo uu wadanku ku koobnaa 8 gobol waxaan aaminsanahay in markaas lakala bixi karo waxaa igu maqaal ah in galdaduud iyo mudug hal gobol isku ahaayeen oo gaalkacyo caasimad gobol u aheed sidoo kale waxaan maqlay in golobka bari iyo nugaal la isku dhihi jiray MAJEERTEENIYA.
    waxaa kale oo jirta in maadaama federaalka hadda la qaabatay asaga dhan la bilaabo hadda oo laga soo qaado un aysan hore u jiri jirin wax dowlad goboleed ka horeeyey dowladda hadda noo dhisan. Maadaama puntland ay ku doodo in ay ka weyntahay dowlad federalka ee curatay 2012, waxaan is leeyahay ma jiro wiil aabihiis ka weyn puntland waxay hoos tagtaa dolwlada federalka.

    Waa fekerkeyga daciifka ah waxaan qalday ha la iga raali noqdo cidna colaad uma qabo kaliya aragtidayda ayaan cabiraayey

    ReplyDelete
  15. I think the solution is in #6. I believe federalism is not appropriate for our people, because we're homogenous nation that shares the same religion, language, culture and there are no boundaries, I can say we're one ethnic group. the 18 regions left by the military regime are the best solution. those who are advocating for the Federal law are willing to create instability, new wars for resources, land ownership and grazing areas, instead they have to consider national interest and unity of the country which is an obligation of all citizens.
    I would not mind Federal, but because of the track history of SOMALIS in the past and present, there will be increased competition over resources and BORDER boundaries, and the result will be a repeat of 1991 civil war.
    Therefore, I propose that the legislators carefully study the imposition of the federal law and its consequences to the already complex situation of the somali politics.
    Thanks Yusuf

    ReplyDelete
  16. waa qoraal wax saxaya qoraalkan oo kale.

    ReplyDelete
  17. Xalku laba maahan Mudug oo nabada Puntland 17 sano ku naalooneysayna Cadaado oo shalay dhalatay raaci mayso waa in Mudug oo dhan lagu daraa Puntland. Galgaduud waa in ay raacaan Hiiraan iyo Shabeelada dhexe oo walaalahood ah Maamul xoogana waa noqonayaa Hadii aan saas la yeelin Abdikariim Guuleed riwaayada dalmajadiid buu Cadaado bilaa kaban la fadhiyayaa uusan Guriceel Dhuusa-mareeb iyo Cabudwaaqna uusan tagi karin. Danta shacabka masaakiintaa ha laga shaqeeyo.

    Kaligii Duul

    ReplyDelete
  18. Waxan Soo Jeedin lahaa Qodob kale Oo ah in Dastuurka laga dhigo 3 gobol oo la kordhiyo. Reer Mudug markaa Ciday Raacayaan iyagaa inoo shegi lahaa 2 da Maamul ee Mudug isku haystana 1.5 iyo 2.5 bay noqon lahaayeen.

    ReplyDelete
  19. ASC Ciid mubaarak kul caam wa intuu bikhayr Yuusuf Garaad waxaad soo jeedisay 6 talo oo wax ku ool ah anigu talo 7aad baan ku daraayaa

    7) Mudug oo wada jirta ay dowlada federaalka la wareegto maamulkeeda gebi ahaanba Isla Markaana caasimada Soomaaliyana Gaalkacyo loo soo wareejiyo

    Gaalkacyo waa lawada degaa maadaama ay Puntland kudoodayso xamar halbeel baa ku habsatay oo marti bay ku yihiin beelaha kale sidaa darteed PUNTLAND way soo dhawaynayaan hadii lasoo jeediyo qodobkaan.

    Beelaha Gobalada dhexe waysoo dhawaynayaan hadii Gaalkacyo caasimada loo soo wareejiyo isla Markaana gobolada GALGADUUD, HIIRAAN, SHABEELADA DHEXE IYO BANAADIR WAXAY NOQON KARAAN DOWLADA GOBALEEDKA UGU SAL BALAARAN LEHNA KAABAYAAL DHAQAALE DEKED AIRPORT IYO DHUL BAAXAD WAYN BARWAAQO SOORAN.

    Gaalkacyo ilaa Muqdisho waa 700 km
    Gaalkacyo ilaa Hargaysa waa 700 km
    Gaalkacyo ilaa Boosaaso waa 700 km
    Gaalkacyo ilaa Jigjiga waa 700 km

    Waa magaalo u dhexaysa beelaha ugu tunka WAYN Soomaaliya, way difaacan karaan wayna u soo gurman karaan degdeg haday Xabashi AMA cadow kale soo hujuumo

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  20. Yusuf aaad aya u mahadsantahy walalo, informationka aad inala socidsiso maalin walbo...
    runti qodobadda dhaman challenge badn ayu keyhay midba midka ka danbeeyo... lkn ani hal ayan qaba oo ah Mudug oo wada socoto in meel la raaciyo labada dhan, hadi taa la sameyn waayo waxa dhici doonto in Matabaan oo Hiiran ah loga taliyo dhuuso mareeb, Afgoye ama ceelasha oo shabelaha hoose ah in loga taliyo muqdhisho, in Jazira aynan raaci doonin mamulka Baydhabo, in meelo badn oo GEDO iyo juboyinka aynan israaci doonin waa hadi qabil lagu saleyo arinta ee waxan qaba in MUDUG oo wada socoto hal dhinac la raaciyo ama federal laga noqdo......
    dooda Gaalkacyo kaliya maku dhaman doonto ee Matabaab iyo melo kamid ah shabeloyinkana wan sugeynaa... qaabka arinta Gaalkacyo lo xaliyo aya iyaguna noqon doonan..

    ReplyDelete
  21. Yusuf aaad aya u mahadsantahy walalo, informationka aad inala socidsiso maalin walbo...
    runti qodobadda dhaman challenge badn ayu keyhay midba midka ka danbeeyo... lkn ani hal ayan qaba oo ah Mudug oo wada socoto in meel la raaciyo labada dhan, hadi taa la sameyn waayo waxa dhici doonto in Matabaan oo Hiiran ah loga taliyo dhuuso mareeb, Afgoye ama ceelasha oo shabelaha hoose ah in loga taliyo muqdhisho, in Jazira aynan raaci doonin mamulka Baydhabo, in meelo badn oo GEDO iyo juboyinka aynan israaci doonin waa hadi qabil lagu saleyo arinta ee waxan qaba in MUDUG oo wada socoto hal dhinac la raaciyo ama federal laga noqdo......
    dooda Gaalkacyo kaliya maku dhaman doonto ee Matabaab iyo melo kamid ah shabeloyinkana wan sugeynaa... qaabka arinta Gaalkacyo lo xaliyo aya iyaguna noqon doonan..

    ReplyDelete
  22. Dastuurka la beddelo oo laga dhigo Gobol iyo ka badan in ay noqon karaan Dowlad Goboleed

    ReplyDelete
  23. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  24. Yusuf Garaad walaal marka hore waan ku salaamayaa, waxana aan ku leeyahay Ciid Mubaarak. Marka xigta xalka arrinta aad qoraalkan ka diyaarisay ee ku saabsan Mudug mise Nus Mudug?. Aniga waxay ila tahay arrintan xalka keliya ee ay leedahay in ay tahay Dastuurka oo la beddelo oo laga noqdo waxa loogu yeeray Nidaamka Federaalka, kaas oo aan sinaba Soomaaliya looga dhaqan gelin karin. Federaal waxa noqon kara dal dadkiisu ay ka kooban yihiin qowmiyado kala duwan sida Ethiopia oo kale matalan oo ay ka jiraan waxyaabo kala qaybiya dadyowga dalkaasi ku wada nool. Aan isweydiinnee annaga haddii aan nahay Soomaali maxaa ina qaybiya? ma Qabiil baa ina qaybin kara? haddii ay jawaabta dadka qaarkii aaminsan yihiin ay taa tahay yaa ii sheegi kara Qabiil kaligii hal gobol ama laba gobol oo Soomaaliya ka mida dega oo aaney cid kale ama Qabiillo kale la degin ama aan isla qabiilkaas qaar kamid ahi aaney wax ka degganeyn gobollo kale haba looga badnaadee? aniga sida ay ila tahay taasi ma jirto oo Qabiil kasta oo Soomaali ah waa laga helayaa gobol kasta oo Soomaaliya ka mid ah haba lagu kala badnaadee. Markaas sida ay aniga ila tahay Federaal Qabiil ku dhisani xal ma keenayo dhibaato mooyaane, wax kale oo ina qaybiyaana ma jiraan. Ciddii haysa wax kale oo ina qabiya ha sheegto, sidaas darteed Federaal ma noqon karno haddii aanu Soomaali nahay. Xalku waa in Federaalka daaqadda laga tuuro beddelkiisana Dawlad Dhexe oo loo wada dhan yahay oo si caddaalad ah dadka Soomaaliyeed ugu wada dhaxaysa ee aaney qolo gooniyihi ku amar-ku-taagleyn oo Dalka oo dhan maamusha la helo, Gobollada Dalkana loo daayo in ay arrimahooda hoose ee Gobol ahaaneed iyagu ka tashadaan oo ay Madaxda Gobolka iyo Degmooyinka u doortaan cid Gobolka iyo degmada u dhalatay arrimaha dadka deegaanka iyo dhaqankana si wanaagsan u taqaanna ugana war haysa ee aan kor looga keenin dad gobollo kale iyo degmooyin kale laga keenay oo aan waxba kala socon waxa gobolkaa u gaarka ah iyo dhaqanka soo jireenka ah ee looga dhaqmo. Aniga Xalku sidaas ayuu iila muuqdaa Waanad ku Mahadsan Tahay Su'aalaha aad inoosoo bandhig-tay Yusuf Garaad

    ReplyDelete