Total Pageviews

Monday 20 July 2015

Xabbadda ka dhacday Galguduud Galbeed

Waxaan ka digayaa colaad hor leh oo ka soo cusboonaata Galguduud. Maamulka Cadaado lagu dhisay iyo qolyaha diiddan waxaan ugu baaqayaa in ay arrintooda wadahadal ka galaan kuna dhammaystaan is afgarad.

Sidoo kale, siyaasiyiinta iyo ganacstada ku lug lahaa ama lagu tuhmay in ay ku lahaayeen dagaalkii dhowaan ka dhacay Guriceel ee magaca Dowlad iyo ASWJ loo yeelay, waxaa habboon in aanay haddana isku deyin in ay hor boodaan khilaafkaan iyo waanwaantiisa.

Midda kale ee u baahan ka fiirsasho, waa dadka faraha badan ee is garab yaacaya ee qaarna la diray iyaga oo aan kala warqabin, qaarna iyagu is xilqaamay iyaga oo kuwayowga la diray aanay kala warqabin.

Ugu dambeyn, waxaa habboon Gobolka gudihiisa in lagu wadahadlo, haddii ay huri weydana caasimadda oo haddaba aan ka maqnayn lala kaashado. Xataa haddii laga fursan waayo, ma aha in laga sheexo in lala kaashado caasimadaha deriska ah oo iyaga laftoodu aan warmoog ka ahayn waxa Gobolka ka socda.

3 comments:

  1. Fadlan aragtidaada halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. talo wanaagsan. Ahlu sunna uma muuqdaan dad siyaasadoodu cadahay marka aad siyaasada diin ugu soo ganbato hadan aadan siyaasi aheeyn xalkaadu dagaal ma dhaafo waliba fikirkada kaliya aan ku socone Ganacsade iyo Hugaamiye kooxeed dan gaara leh gadaal kaa riixayaan

    ReplyDelete
  3. Marnaba xabadu xal maaha in la is horfadhiisto oo la is qanciyo wax ka haboon ma jirto.Xalku waxa uu ku jiraa in aan culimaa u diinka la liidin oo waxa ay xaqa u leeyihiin la taabsiiyo. maamulka meesha ka dhashay waxa uu u badanyahay mid ka dhashay danta Madaxweynaha fadaraalka ee maaha mid ka dhashay danta guud ee shacabka degan gobolada dhexe

    ReplyDelete