Total Pageviews

Thursday 9 July 2015

Soomaaliya Vs Kenya


Xubnaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda
Maanta waxaan fursad u helay in aan la fariisto khubrada farsamo iyo qaanuun ee Soomaaliya ku matalaya dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal.

Aad ayay ugu mashquulsanaayeen dhammaystirka iyo hubinta dhammaystirka gal Dacwadeedka Soomaaliya oo Isniinta si rasmi ah loogu gudbin doono Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

Waxayse iga aqbaleen in ay iiga jawaabaan su’aalo kooban:

Waxaan ogeyn in Dacwadda badda la gudbiyay sannadkii 2014. Maxaa keenay in Isniinta la gudbinayo mar kale?

Dacwadda markii ugu horreysay waxay Soomaaliya geysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda 28 August 2014.  Sida nidaamka Maxkamaddu uu qabo waxay ahayd Dacwad kooban oo ah codsi muujinaya waxa laga cabanayo iyo sababta.

Ka dibna markii ay Maxkamaddu ka soo baaraan degtay in kiiskaasi yahay mid ay geli karto ayay isugu yeertay labada dhinac; kan dacwoonaya oo ah Soomaaliya iyo kan iska daafacaya dacwadda oo ah Kenya.

15kii Oktoobar 2014 ayaa Soomaaliya iyo Kenya ay isku hor fariisteen Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague si go’aan looga gaaro jadwalka iyo qaabka dacwadda.

Dood ay Kenya damacday in dib loo dhigo dacwadda ama wakhtigeedu daba dheeraado iyo Soomaaliya oo isku dayday in wakhtigu koobnaado oo go’aanku dhakhso u soo baxo ayay Maxkamaddu dhegeysatay labada dhinac ka dibna ay iyadu go’aank ku gaartay sidan:

In Soomaaliya ay soo gudbiso dacwad dhammaystiran oo wadata dokumenti markhaati ah oo muujinaya in badda lagu muransan yahay ay Soomaaliya leedahay - 13ka July 2015. Kiiska oo dhammaystiran.

Kenya iyada waxaa loo qabtay 27ka May 2016 in ay soo gudbiso wixii ay isku difaaceyso.

Muxuu le’eg yahay bedka badda lagu muransan yahay?

Qiyaastii waa 142,000 Km oo laba jibbaaran.

Dacwaddan, Yaa Soomaaliya matalaya?

Qareenno iyo khubaro isugu jira Soomaali, Mareykan, Faransiis iyo Ingiriis oo heer caalami ah ayna ka mid yihiin shakhsiyaad iyo sharikado kuwa adduunka ugu wanaagsan kiisaska noocaan ah.

Ma taqaanniin cidda mataleysa Kenya?

Maya.





Go’aanka yaa gaaraya?

Garsoorayaasha Maxakamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waa 15 ay ku jiraan Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen. Iyaga ayaa wadajir uga fariisanaya go’aanna ka gaaraya.

Sida xeerka Maxkamaddu uu qabo, haddii Garsoorayaasha Maxkamadda uu ka mid yahay qof u dhashay labada dal ee is dacweynaya midkood, waxaa dalka kale loo oggol yahay in Garsoore dalkeeda ka socda uu dacwaddaas marka la qaadayo oo keliya uu la fariisto Garsoorayaasha Maxkamadda.

Sidaa darteed, maaddaama Guddoomiye ku xigeenka Maxkamaddu uu yahay Garsoore Soomaali ah, waxaa Kenya u bannaan in ay Gasoore Kenyan ah ay u soo dirsato in uu la fariisto Garsoorayaasha Maxkamadda marka ay kiiskan go’aan ka gaarayaan.

Goorma ayaa la fili karaa go’aanku in uu soo baxo?

Horraanta 2017.

Inta ka horreysa sharikadaha shidaalka ka baaraya badda ee Kenya u baaraya Maxkamaddu ma ka joojineysaa?

Maya.  Inkasta oo ay noo furnayd in aan arrintaa dacwad ka furno, haddana ma aynaan weydiisan. Sababta oo ah waxay noqon lahayd in laba loo kala qaado dacwooyinka. Oo marka hore la qaado dacwad ku saabsan joojinta.  Inta aan loo gelin xadeynta badda.

Waxaan u aragnay in taasi ay sii daahineyso wakhtiga ay baddeennu nagu soo wareegeyso.

Laakiin intaa ugama aynaan harin. Waxaan toos ula xiriirnay Sharikadaha shidaalka ka baaraya badda. Digniin ayaan siinnay. Qaar badani way ka baxeen. Kuwa ku harayna waxay Dowladda Soomaaliyeed ku soo rogtay ganaax maalinle ah.

Marka ay Maxkamddu xukun riddo, ma laga qaadan karaa racfaan?

Maya. Go’aanka Maxkamaddan waa in sidiisa loogu dhaqmaa waana kama dambeys.

Maxay la eg tahay rajada in Soomaaliya ay ku guuleysato in ay Baddeeda si sharci ah dib ugula soo noqoto?

Aad iyo aad ayay u sarreysaa. Marka la eego go'aammadii hadda ka hor laga gaaray kiisaska noocaan ah iyo weliba caddeeymaha farsamo iyo kuwa qaanuun ee la hayo, aad iyo aad ayaan ugu rajo weyn nahay in aan ku guuleysanno dacwaddan.

Xaggee lagala socon karaa macluumaadka Dacwaddan?

Dadka af Ingiriiska akhriyaa waxay kala socon karaan barta internetka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

F. G. Waxaan u fasaxayaa Baraha Internetka ee doonaya in ay sii daabacaan qoraanlkan, haddii aanay waxba ka beddelin.

37 comments:

  1. Fadlan aragtidaada halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. mahad sanid yusuf,waxaan rabaa in aan ku waydiiyo xiligii dowladii dhaxe ee somaliya majirtay murakan mise waa bililiqo iyo boob laga faa'iidastay burburkii dowladii dhaxe, muse waxaa run in raga maanta jooga ee h masuuliyiinta somaliya ah badda iyagu iibsadeen?

      Delete
    2. Mahadsanid Amb Yusuf Garad, runtii garsoorayasha & qubarada kiiskaas gacanta kuhaaysay aad ayee ugu mahadsanyihiin, in su'alaha si hufan kaaga jawaabaan.

      Delete
    3. Aad ayaad u mahadsantahay sida wanagsan ee aad noogu fahamsiisey.

      Delete
  2. walaale waa war fiican Yusuf

    ReplyDelete
  3. Waan kaaga mahad celinayaa sida wacan ee aad ugu soo bandhigto dad weynaha macluumaadka aad hesho.
    Waxaan raejeynayaa in arriintaan guul ku soo dhammaato sidoo kalana ciddii ay u caddaato in ay la gashay heshiis dowlado kale si ay hantida ummadda u gadato maxkamad la soo saaro mustaqbalka dhaw.

    ReplyDelete
  4. Yusuf walale waa macluumaad aad u wangaasan, laakiin waxaan aad iyo aad uga war-war qabaa, haddi dadka Dowaladda Somaaliya Matalaya ay ku guul darreystaan soo celin badda Somaliya, islamarkaana aan Racfaan laga qaadan karin sida aad sheegtay soo wax bedso wax beel bey dhashaa maahan

    ReplyDelete
  5. Waa arin wangsan lkn anigu waxaan aad uga cabsi qabaa arinta ah shirkadaha shidaalka baaraya iney aad usii daahiso kiiskaan deetana ay ka.caajisaan Dadka matalaya soomaliya

    ReplyDelete
  6. Mahadsanid Yusuf Garaad, runtii waxaad iftiimisay arrin walwal ku heysay dad badan oo Soomaaliyeed. Wixii ka soo baxa adiga ayaan kaala socon doonnaa haddii aad fursad u hesho.

    ReplyDelete
  7. Allow nawaafaji wadaniyada

    ReplyDelete
  8. mahadsanid yusuf waqtiga qaaliga ah ee aad howshan galisay wax badana waad naga fahamsiisay howshan ILAAH kheer hanooga dhigo

    ReplyDelete
  9. waa warbixin muhiim ah oo loo baahnaa mahadsanid walaal, allaha nagu guuleeyo dacwadda

    ReplyDelete
  10. Walal Yusuf aad ayad umahadsantahy, waxa ficnan lahayd profile-ka qarenaada ama magacyadooda inan ogaano, si hadi ay uguuleystaan magacoodu loo xuso, hadi ay guul dareystaana aan il gooni ah ku eegno, aad ayan kaga mahadcelineyna warbixinadan xasasiga ah ee aad inala wadagto mar walbo, Ilahay haka ajir siiyo walalo.....

    ReplyDelete
  11. Mahadsanid Yusuf sida wacan ee aad noola wadaagtay macluumaad inbadan muhiimad gaar ah inoo leh. fikirkayga runtii ma qabo in xiligaan la furo dacwada bada Somaliya, waayo waxaa maanta Somali hugaanka u haya waa kuwii u saxiixay kal hore iyo in la halmaala, sidaa darteed waxaan qabaa in tani tahay mid jaanis danbe loogu diidan yahay wadani dhab ah oo yimaada qabtana hugaanka dalka maantana sheekada saas ay kusii dhamaystiri rabaan qoladii hore usaxiixday

    ReplyDelete
  12. Replies
    1. Dal ba oow yaa ku leh yusuf hadeyba maanta dacwo taagantahay badeeni barina maxaa diidaya inay wax kle la sheegto ayaan darada se ka weyn in ay maanta hanti somaliyeed kenya hunguriyeeysaa maxay tahay anigoo tii nfd wali la xanuusanaya .micnaheedu soo noqon mayso dalku dad malaha alloow u muuraha sahal

      Delete
    2. Yusuf garaadow waa mahadsan tahay intaa ka dib waxaan dhageystay xeer ilaaliyaha somali intaa aad sheegtay buu sheegay inta marka maqabo dowlada hada jirta im ay awoodiyan iyo wadaninimo midna uga bixi karto howshan waayo waxaan ogahay in lacagtu aad muhiim ugu tahay

      Delete
  13. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  14. waa arin lagu farxo hadana walwalkeeda wadata allow umadan dulowday ee daciifnimada jilaysa isku keen

    ReplyDelete
  15. Waa xog aad iyo aad muhiim u ah oo ay heleen dadka la socda xaaladda dalkooda rajadana ka qaba. Mudane Yuusuf-na wuu ku mahadsna yahay soo gudbinta xogtaas.

    ReplyDelete
  16. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  17. Kinya bada iska daaye dhul haloogu daro dawlada xaafadaha muqdisho ayaanay dad aancadaalad kumaamulayn ayaanay max kkamda ku wareerinin nimaan muslinimo khaasa kugu dhaqayn gaal aad magansato oo maxasta kuu dhowra ayaa dhama. . Nfd nabada ayku naaloonayzo Somaliyeey waad aragtaa eee in nakala dhufta dowladaha Haynu kukalabiirno nolol Haynu raadsano

    ReplyDelete
  18. Asc yuusuf garaad waad ku mahadsan tahay xogta makhtaanti madoontada ah oo aad nasoo gaarsiisey, illahayna waxaanu ka barinay ummadda soomaaliyeed inuu u caynsho hantideeda waraabayashu ku herdamayaa. Balse waxaa la yiri nin doqon ah oo waalan baa lumay muddo markii la raadinayey baa lasoo helay, markii guriga la keenay buu qosil ku dhuftay, markaas bay xigtadiisii iyo intii deriska ahaud is tiri malaha wuu caafimaaday ee bal aynu wax weydiino kadib maxaad ku qososhay? haddii la yiri wuxuu warcelin ka dhigay maxaa kaysoo hela beri sow sidii oo kale umma halabaayo. waxaan uga socdaa taas hadii dadkii dalka lahaa ay qaarkood shisheeye inuu gacanta u galo sabab u yihii sow xaajadeenu sida ninkaas noqon mayso?

    ReplyDelete
  19. Su,aal , Dacwadan ma dowlado kalle ayaa ku jira oo labada dal mid uun la safan , 2 - Somalia kama jirto dowlad kenya si dhab ah ula xisaabtami karta oo kenya ayadaaba ciidomo ka joogan somalia , marka arinta maxakamada anigu waxaan u fahmay kenya bada somalia ha oo xalaaliyo mahadsanid yusuf

    ReplyDelete
  20. waad ku mahadsantahay yusuf garaad sida wanagsan eed uso diyaarisay arintaan. waxan rajaynayaa in somaliya ay guulaysan doonto inshalha

    ReplyDelete
  21. Yusuf Garaad walaal adigoo ku mahadsan warbixinta iyo macluumaadka aad noosoo gudbisay haddana waxan aad u jeclaan lahaa in adigu si shakhsi ah si qoto dheer usoo baarto tuhunka faraha badan ee ku xeeran arrinta Badda Soomaaliya iyo wararka faraha badan ee is burrinaya ee maalmahaan dambe iska soo daba dhacaya oo aan hubo in aad is weyn ula socoto warar inta ay dadka Soomaaliyeed caadiga ahi kala socdaan ka badanna aad ka heli karto adigoo adeegsanaya Khibraddaada Suxufinimo iyo aqoon-yahan-nimadaada. Mahadsanid walaal mar kale

    ReplyDelete
  22. Walaal Yusuf su'aasha meesha taallaa waxay tahay sideebaa guul looga filan karaa arrintan qiimaha weyn ugu kici doonta Ummadda Soomaaliyeed iyo aayeheeda dambe ayadoo dadkii markii horeba murankan abuuray qaarkood ayagoo eeganaya danahooda gaarka ah ay weli Xukunkii Dalka Soomaaliya hayaan ayna jiraan warar cusub oo soo noq noqonaya oo sheegaya in ay weli ku lug leeyihiin wax is daba marin ku saabsan arrinta Badda ee ay ayagu markii horeba abuureen muranka hadda taagan oo aysan weli ka waantoobin arrintaas iyo Hab-sami usocodka Dacwadda taalla Maxkamadda Hague toona

    ReplyDelete
  23. ..walaal yusuf manoo soo gudbin kartaa magacyadda khubaradda somalidda ah?
    garaadkay khubaraddaasi (somalidda ah) waa real Somali patriots marka loo eego xaaladda Hadda lagu jiro iyo hawsha ay hayaan culayskeedda.

    ReplyDelete
  24. ..walaal yusuf manoo soo gudbin kartaa magacyadda khubaradda somalidda ah?
    garaadkay khubaraddaasi (somalidda ah) waa real Somali patriots marka loo eego xaaladda Hadda lagu jiro iyo hawsha ay hayaan culayskeedda.

    ReplyDelete
  25. Marka hore mahadsanid
    Xoktaan waa mid hore manala wadaagi karta iyadoo update eh sida
    1- Hada maxaa goaanka maxkamada dib u dhiga marwalba
    2-Dib udhaca badan malaga yaba inee sababto in kenya ku guulesato kiiska
    3-Somaliya qareenada difacaya makuwii hora mise waxbaa laga badalay
    4- Sibaa wax loo qarinayaa mexeey tahay danta dowlada ugu jirto in arinka bada uyahay mid kukooban iyaga

    ReplyDelete
  26. Yusuf garaad aad iyo aad u Mahadsantahay.
    Sida 'aad war bixin dhameystiran nagula wadagtay.
    Markale mahadsanid.
    ICJ 2 JEER AYEE dib u dhigtay dacwada bada somalia iyo Kenya?
    In dib loo dhigo' sharciga' caalimaga ah muxuu ka qabaa.
    Hadii wadan codsado' in dib looga dhigo' codsigisa maa la racaa.
    Mise wadanka kale dacwada kale dhaxeysa ' waa in ogalansho laga helaa

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mahad sanid mudane yusuf garad inbadan ayaan radiyay qoraalkaan

      Delete
  27. Mahad sanid mudane Yusuf garad in badan ayaan radinayay qoraalkaan

    ReplyDelete
  28. 6 sano iyo 3 bilood Karin Maqaalkaan wali Go'aan kama soobixin Maxkamadii lkn insha Allah laba maalin kadib 12 October 2021
    Waxaa laraheynayaa in Go'aan kama Danbeys ah laga Gaaro
    Kenya na Maxkamadiiba way kabaxdey maadaama aanay waxba isku Heyn😂 mahadsanid ustaad Yusuf Garaad Waqti badan baad gelisay Dib uhelista Badeena Taariilhdaa Kuxusi doonta Guuleyso mudane

    ReplyDelete