Total Pageviews

Monday 1 September 2014

Kala Dooro Xafladda iyo Xabaasha


Xafladda iyo Xabaasha
Yusuf-Garaad

Waan soo dhoweynayaa heshiiska Kismaayo. Waan soo dhoweynayaa in is dilkii la joojinayo. Waana sida ugu foolxumo yar ee dagaal ku dhammaado.

Laakiin lama aammusi karo waxa aan gocanayo. Is weydii maxaa la isugu dilayaa wiilasha Soomaaliyeed haddii ay xaflad, is-gacan-qaad iyo qosol ku dambeyneyso?

Qiyaas inta wiil ee ay hooyo dhashay ee xabbad beerka loo geliyay, dhulka ku dhacay ee keligii dhiigbax u dhintay?

Hooyooyinka wiilashoodii uu labadan mas'uul midkood u diray dagaalka, ee kan kale ciidankiisu dilay, iyaga heshiiskan ma laga qeyb geliyay?

Bal qiyaas haddii wiilashii ku dhintay dagaalka ay nimankani u direen la soo tusi lahaa sawirkan maanta. Ma ka tarjumayaa wixii la yiri aan u dhimanno?

Madoobe iyo Hiraale waa ku hal qabsanayaa laakiin waxay ku socotaa iyaga laga billaabo iyo cid kasta oo wiilal Soomaaliyeed soo hubeysa iyada oo dhacdiid u jiifta meel xabbadda ka fog, og inaysan u badnayn in ay ayagu xabbaddaas ku dhintaan, ogna in aan xabbaddaasi lagama maarmaan ahayn isla markaana keeni doonin waxa wiilashaas loo sheegay in loo dagaallamayo.

Tan ugu muhiimsanina ee uu Hoggaamiye kasta ka faa'iisaneyo waa in uu og yahay  in aan loo raacan doonin dhiigga wiilasha uu dagaalka u diray iyo dhiigga kuwa ay soo dili doonaan. 

Wiilasha waxaan dhihi lahaa inta qaddiyad been ah aad u dhiman lahaydeen waxaa la idiin qaatay adinka oo xafladda ka qeyb gala.