Total Pageviews

Monday 16 April 2018

Yusuf-kii kale... Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Lix iyo Tobnaad

Qaybtan waxaan ku soo qaadanayaa arrin aniga ila soo gudboonaatay laakiin aan khuseyn dhacdooyinkii woqooyiga. Waa ninkeed-guba' aniga i saameysay, sawrika guud ee nolosheydii berigaasna in yar ka tilmaameysa.

1988 ayaan filayaa in ay ahayd aniga oo gaari wata oo ka imid dhinaca Jaamacadda Ummadda. Markii uu gaarigeyga meel fog ka aqoonsaday ayaa Isbitaal Banaadir agtiisa waxaa astaan baaq ah i siiyay oo i joojiyay nin saaxiibkeey ah oo mooto wata oo jihada aan u socdo cagsigeeda u socda. 

Axmed waa xisaabiye ka tirsan wasaaradda Sportiga laakiin markaas arday ka ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu ii sheegay in lacagtii Wasiirku uu ii soo qoray ay diyaar tahay oo  aan maanta qaadan karo.

Anigu Wasaarad Sport uma shaqeyn weligeey. Lacagna kuma lihi. Waan ku wareeray waxa uu ii sheegay saaxiibkeey. Markii aan ka xaqiijiyay cadadka lacagta, in magaceyga ay ku qoran tahay iyo in Wasiirku uu amarka bixiyay, laakiin aanuu aqoon sababta uu Wasiirku lacag iigu qoray ayaan toos u abbaaray Wasaaradda Cayaaraha. Xisaabiye kale, Siciid, oo isagana aan is naqaan oo Wasaaradda ka tirsan ayaan u tegey. Waraaqo ayuu baarbaaray wuxuuna ii sheegay in Yusuf-Garaad uu saaka qaatay lacagtiisa. Dabcan qofka lacagta bixiyay ma ahayn qof aniga wejigeyga yaqaan wuxuuse u haystay in weriyaha Radio Muqdisho uu yahay qofka uu lacagta siinayo.

Madax Wasaaradda ah ayaan wargeliyay in qofka magaceyga ku qaatay lacagtu aanuu aniga ahayn. 

Aniga oo arrintaas la yaabban ayaa maalin waxaan Wasaaradda Warfaafinta isku aragnay AUN Cali Siyaad oo ka tirsan kooxda Iftiin ee Wasaaradda Waxbarashada. Wuxuu ii sheegay in uu Xafiiska Wasiirka Waxbarashada ka ceyriyay nin Wasiirka sugayay oo magaceyga ku socday.

Waxaa xigay dhowr dhacdo oo yaryar oo mid kastaa ay iskeed iigu muujisay in uu jiro qof inta aan fahmay magaalooyinka Muqdisho, Wanla Weyn iyo Baydhaba dad kula kulmay oo magaceyga iyo mehereddeydaba u sheegtay kuna daneystay.

Dadka la khalday waxaa ka mid ahaa Saalax oo gurigeyga iga soo wacay oo aan xusuusan waayay safarka baska ee aan wada raacnay ee uu ka sheekeynayo. Oo ay ka darnayd in uu isna la yaabay in xataa aan xusuusan waayo martiqaadkii uu saaxiibbadiis isugu yeeray oo aniga madaxeyga uu noogu sameeyay Wanla Weyn.

Nambarka telefoonka sida uu ku helay markii aan weydiiyay wuxuu ii sheegay saaxiibkiis ay Wanla Weyn ku wada nool yihiin uu ka ogaaday in aan qaraabo nahay ka dib markii ay iga wada dhegeysteen Idaacadda.  Markaasna uu sidaa uga soo qaatay nambarka.

Ninkii waan ka cudur daartay. Waxaan u sheegay in aanan weligeey bas u raacin Wanla Weyn, martiqaadna aan la iigu sameyn. Sidoo kale waxaan u sheegay in aanan aqoon xataa hal qof oo u shaqeeya sharikadda uu ii sheegay in uu isagu wakiil uga yahay Wanla Weyn magaceeduna uu isaga naaneys u yahay.  Isaga oo jahawareeray, codkiisana aan ka tuhmay in uu u qaatay in aan ka abaal dhacay ayaan telefoonka dhammeynay.

Waxaa i galay welwel ku saabsan in qofka magacayga adeegsanayaa uu magaceyga dembi ku geysan karo ama ugu yaraan uu fadeexad sameeyn karo. Si aan taas uga hor tago, waxaan afeef geeyay oo aan arrinka la socodsiiyay Laanta Dembi-Baariista Booliiska, CID iyo Hoggaanka Baarista ee Nabadsugidda, NSS. 

Sidoo kale waxaan wargeliyay dhammaan Xafiisyada aan ka shaqeeyo - Radio Muqdisho, ICRC iyo Xarunta Dhaqanka Faransiiska.  Saaxiibbadeey iyagana waan la socodsiiyay arrinta.

Meher


Maalintii iigu darnayd, gabar dhallinyar oo will yari uu la socdo ayaa timid Radio Muqdisho.  Waa gabar aniga i goobeysa. Markii la ii keenayna waxay aniga, weriyayaal aan wada taagnayn Xafiiska Wararka oo aan ka tirsanaa hortiisa iyo ninkii noo keenayba ay cod hoose nagu weydiisay - Yusuf-Garaad kale ma jiraa oo Radio Muqdisho ka shaqeeya? Waxaan ku niri maya. Iyada oo xishooneysa, isla markaana jahawareersan ayay igu tiri abbow iska raalli ahow, wayna naga dhaqqday.

Anigu sidaa Gabadha ugama harin. Markaan qalada ka saaray ee ay oggolaatay bal in aan is yara wareysanno ayaan meel la fariistay iyada iyo wiilkii keenay Wasaaradda Warfaafinta.

Sheeko dheer oo eray kasta oo macluumaad xambaarsan aan dirqi iyo dulqaad uga soo saaray ka dib waxaan fahmay in ninka ay raadineysaa uu yahay nin Radio Muqdisho yaqaan. Sababta oo ah wuxuu u tilmaamay oo ay si sax ah iigu sheegtay qaabka uu u dhisan yahay studio-ga warka laga tebiyo. Waxay tilmaan fiican iga siisay sida uu ninku u eg yahay.

Waa tan iigu darane waxay ii sheegtay in ninku uu yahay ninkeeda. Waxay kula mehersan tahay magaceyga.

Qalbiga ayaa la igu dhuftay oo dhulka ayaa ila wareegay. Meher oo dhami adduun ii dhimman ayuu ahaa. Iskaba daa maareynta meher been abuur ah, magaceygana ah!

Ma aqoon si aan wax yeelo.

Gaari markaa ma wadan. Haddana waan helay mid aan Gabadha ku geeyo guri ay ku soo degtay oo ku yaalla Howl Wadaag meel aan ka fogeyn Dugsiga Sare. Muhiim ayay ii ahayd meesha ay deggan tahay in aan soo arko si haddii aan u baahdo aan dib ugu laaban karo. Weliba waan la ballamay.

Waxaan markiiba la tashaday culimmada Radio Muqdisho oo aan aad isugu fiinceyn iyo qaar kaleba. Waxaan la tashaday saaxiibbo dhowr ah oo iga khibrad badan.

Arrintu waxay igu khasabtay in aan dhab uga shaqeeyo si aan u joojiyo ninkaan magaceyga iyo shakhsiyaddeyda weerarka ku ah.

Dhowr nin oo dadka weriyayaasha aad u jecel ah, qaar ay yihiin weriyayaal-iska-yeel iyo kuwo aanan shaqsiyaddooda ku kalsooneyn oo ka shaqeeya saxaafadda laakiin aan magac weyn ku lahayn ayaan qaar ka shakiyay. Aniga oo gabadha kaashanaya oo ay dusha iga eegeyso ayaan nimankii midba meel kula kulmay - Radio Muqdisho, Tiyaatarka, Xarunta Ururka Dhallinyarada iyo goobo kale. Midkoodna wuu noqon waayay ninkii aan goobayay ee "sammigey" ahaa.

Gabadhii si aan qarsoodi lahayn ayaan isugu warrannay. Waxay iga qancisay in aan dhankeeda culeys iiga imaan doonin. 

Waxayna ka qanacday in aan meesha meher jirin. Ayaan ka dib waan amba bixiyay. Waxay ku laabatay reerkooda iyo gobolkii ay ka timid.

Wiil Jalaqsan


Sannad iyo ku dhowaad laba markii aan baadi-goob ku jiray, ayaa maalin aniga oo jooga Berbera waxaa ii soo dhacday farriin iigu timid teleprinter oo ah aalad isgaarsiineed oo ka duwan Telkis. Waa ka hir inta aan Fakis soo bixin.

Wuxuu ahaa qalab ka duwan messenger, SMS iyo email oo iyagu farriinta marka aad wada qorto aad mar keliya direyso.  Teleprinter, marka aad fartaada xaraf dhag ku siiso xarafkaasi sida uu uga muuqanayo shaashaddaada uguna qormayo xaashi suran mashiinkaaga ayuu isla markaas uga muuqanayaa shaashadda qofka kale ee aad la xiriireyso wuxuuna ku qormayaa waraaqda u suran mishiinkiisa. Xarafkii aad dhag-siiso isku mar ayuu ku qormayaa labada dhinacba oo markaan ah Muqdisho iyo Berbera. 

Farriinta ii soo dhacday waxay leedahay:

Yusuf, waa la qabtay Yusuf-kii kale. Dhakhso u soo gal Muqdisho.

Farriintu waxay ka soo billaabatay saaxiibkeey weriye Cabdulqaadir Cali Iidle. Subaxaas ayuu goor hore shaqo weriyennio u tegey wakaaladda Hargaha iyo Saamaha oo ku taallay nambar Afar. Gabar shaqaalaha ka mid ah ayaa salaantay oo ku tiri saaka maxay weriyayaashu noogu soo wada kallaheen?

Markii uu weydiiyay weriyaha kale ee ay aragtay saaka ayay u sheegtay in Yusuf-Garaad uu fadhiyo Xafiiska Maareeyaha. Cabdulqaaddir maaddaama uu dacwaddeyda la socday, in aan Berbera ku maqan ahayna uu ogaa, laamiga ayuu ka tallaabay. CID ayuu tegey oo ka soo kaxeystay laba askari. Ninkiina waxaa lagu jeebbeeyay isaga oo fadhiya xafiiska Maareeyaha.

Cabdulqaadir wuxuu wargeliyay Xafiiska ICRC oo ii soo diray farriinta.

Subixii xigay ayaa aniga oo ay i wehliyaan Cabdulqaadir Cali Iidle, Madaxa Radio Muqdisho, Maxamed Faarax Xalane Dhaashane iyo weriyayaal kale oo aan u maleynayo in uu midkood ahaa Cabdullaahi Khaddiib waxaan tagnay Xarunta CID. Waxaa na qaabbilay mas’uul ay xusuusteydu ii sheegeyso in uu ahaa Cusmaan-Gasgas.

Ninkii markii la soo saaray wuxuu noqday nin aan dhowr jeer ku arkay Radio Muqdisho oo salaan wanaagsan iyo xushmad reer magaalnimo ay naga dhaxeyso. Waxay saaxiib yihiin weriye caan ah oo ragga i tababbaray ka mid ah.  Waa nin dheer, jalaqsan, igana lebbis qurxoon.

Nin adeer u ah oo hanti haysta ayuu keligii kula noolaa guri weyn.

Wuu isku keey duubay. Wuxuu muujiyay in uu ka xun yahay falalka uu sameeyay.  Cafis ayuu i weydiistay. 

Booliisku markii ay horteenna ku wareysteen wuu qirtay waxyaabo dhowr ah. Qaarna wuu dafiray.

Anigu waxaan isaga iyo booliiskaba u sheegay in aan cafinayo haddii uu ii ballanqaadayo in uu magaceyga ii nabadgeliyo.

Su’aalo ay booliisku weydiiyeen iyo waraaqo ay ka saxiixeen ka dib, waa la sii daayay.

Maaddaama aan ahaa nin aad u mashquulsan, shaqadeydana ay ka mid ahayd howl samafal oo xasaasi ah khatarna wadata, ma sii dabakicin ee waxaan ku laabtay Berbera.

Nasiib wanaag, TV iyo internet dartood, maanta suurta gal ma ahan in qof caan ah magaciisa lagu caana maalo maaddaama qof walba oo caan ah sawirkiisa la arki karo marka loo baahdo.

Saturday 14 April 2018

Sallaxley - Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Shan iyo Tobnaad

Inkasta oo laba Wasiir oo isaga ka horreeyay mid ay ka suurta geli weyday kan kalena ay oggolaashadiisii fuli weyday, Wasiir cusub oo Arrimaha Gudaha qabtay ayaa Laanqeyrta Cas u fasaxay in ay u tallaabi karto goobo ay ku sugan tahay SNM oo dalka Soomaaliya gudhiisa ah.

Wasiirku oggolaashadiisa wuxuu raaciyay in  farsamo ay hey'addu la fariisato militeriga degaankaa jooga.

Xilli habeen ah ayaa shir la isugu yimid magaalada Berbera. Laanqeyrta Cas iyo Saraakiil sare oo Militeriga Soomaaliya ka tirsan ayaa isla gorfeeeyay faahfaahinta. Shirka oo aan fadhiyay waxaa la si weydiiyay meelaha ay Laanqeyrta Cas tegeyso, gaadiidka la adeegsanayo, cidda tegeysa, walxaha la qaadayo - kuwa laga soo tegayo iyo inta soo noqoneysa iyo su’aal kale oo kasta oo ay ciidanku ka fekeri kareen.

Militeriga waxaa hoggaaminayay Taliye ku Xigeenka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo isaga iyo saraakiil la socotay ay ka soo duuleen Muqdisho. Waxaa fadhiyay Saraakiisha ugu sarreeysa Talisyada militeriga ee Hargeysa, Burco iyo Berbera oo aan fadhinno. Waxaan xusuustaa in Laba Taliye oo u kala dambeeyay, aan filayana in ay ayagu ugu dambeeyeen Taliska Qeybta 26aad ee Hargeysa ay labaduba fadhiyeen. Waxay ahaayeen General iyo Gaashaanle Sare. Ma aqaan sababta ay shirka u wada fadhiyeen.

Mararka qaar waxay tegeysay in labada dhinac midkood ay ergadiisu madaxa is geliso oo ay hoos isu wareystaan.

Shirku wuxuu ku dhammaaday militeriga oo sheegay in uu soo dersi doono arrinta.

Jawaabtiisu waxay aakhirkii noqotay mid waafaqsan oggolaashihii Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Laanqeyrta Cas waxay u duushay Sallaxley oo ay gaarsiisay howlaha Samafalka. Anigu kama mid ahayn kooxdaas.

Waxay Laanqeyrta Cas u ahayd tallaabo horumar ah, maaddaama 1988 loo diiday in ay tagto Hargeysa iyo Burco.

Markan oo la joogo 1990 ay mareyso, ma ahan Hargeysa, Burco, Berbera iyo Borame oo keliya ee loo fasaxay ay ka howlgasho degaan ay SNM gacanta ku hayso oo dalka gudihiisa ah.

Sababta ay siyaasadda Dowladdu isu beddeshay oo ay uga suurta gashay in ay Laanqeyrta Cas u fasaxdo in ay ka howgasho degaan aan Dowladdu gacanta ku hayn oo Soomaaliya ka tirsan waxay inta daneyneysa uga baahan tahay is weydiin iyo baaritaan. 

Tuesday 10 April 2018

Sida iyo Sababta Dilka Berbera - Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Afar iyo Tobnaad


Scodaalkeygii xigay ee Berbera waxaan imid aniga oo niyaddeydu ay aad hoos ugu dhacday.

Aniga oo ka arga-gaxay dilka Berbera ee 17 nin oo aan meydkooda dul istaagay. Iyo in ay meelmar noqon weyday rajadii aan qabay ee ahayd marka aan caasimadda tago, ee aan hoos ugu warramo qof mas’uul ah, in arrintaa laga dhiidhin doono, tallaabo degdeg ah la qaadan doono, ciqaab adagna la marsiin doono ciddii ay ku caddaato in ay falkaas geysatay.

Socdaalkan Berbera wuxuu noqday mid dilkii 17-ku uu maskaxdeyda dhinac kasta u hareeyay.  Si aan ugu talo galay iyo si aanan xukumin labadaba. 

Wuxuu sidoo kale hareeyay kulammada aan Berbera ku yeeshay.

Aad ayaan u daneynayay in aan ogaado xogta nimanka la dilay, dadka dilay iyo sababta. Waxay ahayd daneyn aanan anigu wada xukumin ee uu i hagayo dareen aadminnimo oo ka dhashay fal-ma-dhacdo wax aan u haystay laakiin aan markhaatiga ka ahaa. Dhanka kale, maaddaama aan ahaa nin yar oo soo koraya waxaan doonayay in aan fahmo bulshadeyda aan ka midka ahay ee har iyo habeen i hor iyo hareera joogta waxa suurta galka ka ah.

Xogta waxaan raadinayay aniga oo aad isaga jira in ay ciidanka Dowladdu uu i ogaado in aan mowduucaas daneynayo. Xogta qaar waxaan ka helay ilo aanan ka fileyn oo ka mid ah kuwa aan iska ilaalinayay - waa ciidanka sirdoonka NSS.

Wixii ii soo baxay ayaan qormadaan kugula wadaagayaa.

Xog

Waxaa la ii sheegay dadka la dilay in intooda badan laga soo qabtay meel shaaha laga cabbo, wadajirna loogu dhegeysto idaacadda BBC. Qof arkayay qabqabashada ayaa laga sheegay in aanuu marnaba u qaadan in dadka la dili doono. Sabab wuxuu ka dhigay in mid iyo laba cararay aan la eryan rasaasna laga daba ridin.

Waxaa kale oo la ii sheegay in uu jiro nin ka badbaaday dilkii oo dhaawac ah oo hadda yaalla Isbitaalka Berbera ee ICRC iyo Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

Ninka badbaaday waan xusuustaa in aanan xog wareysi la yeelan maaddaama ay indhaha iyo dhegeha magaalada oo dhami ay isaga dul saaran yihiin.

Nin aan hore uga codsaday wuxuu i soo gaarsiiyay liiska magacyada 17-ka marxuum. Waxaan ku riday bakhshad aanan dib u furin ilaa aan ka dhoofo Soomaaliya.

Waxaa sheeko la iigu sheegay in ciidanka Dowladdu uu dilka geystay.

Waxaa kale oo aan maqlay in dilka ay geysteen niman ka yimid xero Qaxooti oo ku taallay meel magaalada Berbera aad uga durugsan. Weliba waxaa lala xiriiriyay in uu dilku ahaa aargoosi fal ay hore SNM u geysatay Qaxootiga isla xeradaas.

SNM waxay gubtay Booyadda keliya oo biyaha u dhaamin jirtay Qaxooti deggan meel oommane ah. Waxay isla weerarkaas ku dishay shan nin oo Qaxooti ah oo la socday booyadda.  Dilkaan hadda Berbera ka dhacay, waa aargoosi falkaas daba jooga ayaa la igu yiri.

Waa ay igu adkeyd in aan rumeysto in niman Qaxooti ahi ay rag intaa tiro le’eg ay hal habeen ku dilaan magaalo uu ciidan badani deggan yahay.

Laakiin marka aan arkay falka Berbera ka dhacay iyo jawaabta aan Muqdisho kala kulmay waxay qiyaasta u diideen halbeegga si sax ah loogu garan karo waxa la rumeysan karo iyo waxa aan dhici karin ee caqligu diidayo.

Nabad Sugidda

Habeen ayaa annaga oo casheyneyna waxaa ii yimid gaari ay nabadsugiddu leedahay oo i doonaya. Taliye ku xigeenka nabad sugidda ayaa ii soo diray. Waa ninkii ay reer Berbera ka caban jireen.

Dadka aan markaa wada joognay qaar ayaa talo igu siiyay in aanan habeennimo raacin ciidan ee aan berri subax xafiiskiisa ugu tago. 

Taladaasi ma xumeyn laakiin ma yeelin. Waxaan ogaa haddii uu damco in uu khasab iiga kaxeeyo meesha aan ku casheynayo in aanay jirin cid iga difaaci kartaa.  Waxa kale oo aan ogaa in iyada oo laga yaabo in aanuu xumaan ila damacsaneyn ay diidmadeydu ka careysiin karto.

Nimankii uu ii soo diray ayaan raacay. Waxaan u tegey isaga iyo nin kale oo wada fadhiya gurigiisa. Cabsi iguma yareyn. Waxaanna sugi la’aa in aan maqlo ama aan ficil ahaan u arko waxa uu iigu yeeray xilligan.

Wuxuu yiri kolleey waad ka warqabtaa 17-ka nin ee magaalada lagu dilay.  Caawa waa habeen adduun, nin Soomaaliyeed ayaad tahay, oo goobjoog ah, waxaan kuugu yeeray in aan kuu sheego xogta dhabta ah ee sida dilku u dhacay. Waxaan billaabay in aan ka koobiyo sheeko dheer oo uu ii mariyay oo aniga igu noqotay filan-waa’.  

Nuxurka Sheekada Taliye ku Xigeenka NSS ee Berbera uu ii sheegay waa sidan:

Goor ay qorraxdu sii dhacayso ayaa waxaa ii yimid nin reer Borame ah oo gaari weyn wada. Ninku waa yara khalkhalsan yahay. Wuxuu ii sheegay in uu Berbera hadda soo galay oo uu ku yimid waddada Dhanka Shiikh ka soo gasha magaalada. 

Wuxuu ii sheegay in marka uu ka soo hoobtay buuraha Shiikh ay joojiyeen niman ku hubeysan qoryo. In ay sida afduub oo kale ay xoog ku soo raaceen gaarigiisa ayna u tilmaameen in uu waddadiisa ku socdo. Inta aanuu soo gaarin kontoroolka Berbera in ay ka degeen gaariga, oo ay u soo lugeeyeen dhanka magaalada. Waxay hadda ku soo beegan yihiin xaafadda Burco-Shiikh.

Nimanka tiradooda marka uu qiyaasay waxaan gartay in aanan anigu haysan ciidan u babac dhigi kara oo ku filan in ay raggaas is hor taagaan. 

Sidaa darteed, waxaan markiiba u tegey Taliyaha militeriga. Waxaan u sheegay xaaladda. Waxaan ka codsaday in uu ciidan i siiyo si aan raggaas u qabqabanno inta aanay dhib geysan.

Wuxuu iigu jawaabay in uu isagu ka howlgeli doono. Markii aan u sheegay in aan wakhti jirin oo ay tahay in uu hadda soo dhaqaaqo, wuxuu igu yiri iska daa oo anigaa howshaas igu hallee.

Aad ayaan ula yaabay ayuu yiri. Aniga oo fahmi la’ ayaan ka soo tegey. Ka dibna wixii aad ogayd ayaa dhacay.

Taliye ku xigeenka Nabadsugidda Berbera oo weligeen aynaan Dowlad iyo Taliye ciidan isla xaman ayaa mar qura iiga xog warramay xad gudubkii ugu cuslaa ee aan abid goob joog ka noqdo. Welibana wuxuu calaamatu su’aal madaxa ka saaray Taliyaha militeriga ee Berbera.

Marka uu sheekadaan ii wado waxaa iiga muuqday dareen ah in uu ka gubanayo dilka. In uu doonayo in uu iska fogeeyo mas’uuliyadda dilka. In uu rabo in lala ogaado sababta ay ciidanku u daafici waayeen shacabka.

Taliye ku xigeenka Nabadsugiddu marka uu xogtaa i siinayo, anigu ma qiyaasi karin xiriirka wada shaqeyn ee isaga iyo Taliyaha militerigu sida uu ahaa mararkaa ka hor si aan u barbardhigo sida uu u dhaqmay marka warkan la gaarsiiyay.

Mana jirin wax aan ku qiyaaso waxqabadka Taliyaha militerigu nooca uu ahaa si aan ra’yi uga qaato in ay ka ahayd mas’uuliyaddiisii oo uu dayacay iyo in ay ahay hoosaasin oo uu wax ka ogaa howlgalka lagu fuliyey fal-dembiyeedka culus. 

Monday 9 April 2018

17 lagu dilay Berbera - Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Saddex iyo Tobnaad

Goor fiidkii ah ayaan cashada ka dib waxaan aaday guryaha ICRC u kireysan ee Berbera midkood.

Waxaan ku ballansan in aan halkaa isku wareysanno laba dhakhtar oo Soomaali ah oo magaca Bisha Cas ku jooga Isbitaalka Berbera iyo Farsamayaqaan Raajada Isbitaalka mas’uul ka ah. Saddexduba Muqdisho ayay ka yimaadeen.

Sheeko ka dib waxaan wada cayaarnay kubbadda cagta ee miis dushiis gacanta lagu cayaaro.

Dhowr jeer ayaan rasaas maqalnay. Inkasta oo Berbera ay caadi u ahayd shanqarta rasaastu haddana si gooni ah ayaan tan u qoonsaday.  Dareen ayay i gelisay. Markii aan weydiiyay waxaa dhallinyarada mid ka mid ahi iigu jawaabay in aan anigu beryahan Xamar ku maqnaa oo aan malahaa illoobay laakiin ay Berbera mar walba noocan tahay.

Berbera marka aan habeen soconno, ka sokow calanka ICRC oo weyn oo baabuurka xagga hore u suran, hoostana uu kaga shidan yahay nal kor u ifinaya, waxaa khasab ah in nalka gudaha ee baabuurku uu shidan yahay.

Aniga oo sidaa ku socda ayaan u hoyday guriga aan degganaa oo ku yaalla xaafadda Burco-Shiikh.

Mayd bannaan yaalla

Aroor hore, abbaaraha lixda subaxnimo ayaan tegey goobta aan ka cunteyn jirnay. Ma ihi dadka xilligaas quraacan yaqaan ee waxaan doonayay in aan shah ka cabbo. ka dibna aan halkaa iska raacno duuliyaha dayaaradda ICRC oo aan ku ballansan nahay in aan u safarno Muqdisho.

Markii aan imid miiska raashinka oo ku yaalla isla xaafaddeyda Burco Shiikh, isheydu ma qaban duuliyihii. Waxaan ka hubsaday Shaqaalaha in uu duuliyuhu quraacday. Waxay ii sheegeen in uu ku baxay meydka. Markii la ii sheegay in xalay la dilay 17 nin, la iina tilmaamay barta meydku yaal oo isla xaafadda Burco Shiikh ah, ayaan markiiba dhaqaaqay aniga oo socod boobaya.

Dariiqa aan sii marayay waxaa dhegeheyga isu dhiibayay baroorta ka baxaysa guryaha waddada la teedsan.

Meel bannaan ah, oo xusuusteyda aan dhismayaasha magaalada ka fogeyn wax ka badan dhowr boqol oo tallaabo ayaa waxaa yaalla meydka toddoba iyo toban rag ah.

Xusuusteydu waxay ii sheegeysaa in laba iyo toban ay is ag yaalleen ayaga oo garbahoodu ay siman yihiin. Waxaa ka muuqday dhaawacyo rasaas.. 

Shan nin oo garba-duub u xiran gooni ayay u yaalleen. Rubadda ayaa dhiig uga yaallay. Waxaan ka dib ka warhelay in shanta nine e goonida u yaalla lagu dilay middi.

Waxaa meydka dul taagan rag dhowr ah. Murugada wajiyadooda ka muuqata ma ahan mid aan erayo ku soo gudbin karo. Goobtu hadal ma alaha. Shanqar kalena ma maqleysid marka laga reebo dadka qaar aad neeftooda maqasho. Qaar ayaad ka maqleysaa shanqar neef ka weyn, hadalna aan ahayn oo sida reen ama riin ah. Indhaha la isma siin karo. Qof waliba wuxuu hoos u eegayaa meydka.

Fahamkeygu wuxuu ahaa in aan aanay jirin cid ku dhacda in ay gudato waajibka wadareed ee ay diintu na fareyso ee ah in meydka la dhaqo, janaaso lagu tukado, ka dibna la aaso.

Goobta cid qori haysataa ma taagna. Dowladda oo loo tirinayo in ay dilka ka dambeyso cid matashaa ma taagna.  Haddana qof waliba wuxuu og yahay, dadkii nimankan dilay, uguna talo galay in ay halkaa dhigaan meydka si inta kale ay ugu quus qaadato, in aanay goobta ka fogeyn.

Waxay iigu darnayd, markii aniga oo meydka dul taagan aan gacanteyda ku arkay camera aan awalba sitay, iskuna soo illoobay. Haddii aan sawir ka qaadi lahaa, uma maleynayo in aan hadda sadarradaan qori lahaa.

Muqdisho

Daqiiqado ka dib, aniga iyo duuliyihii ayaa u safarnay Muqdisho. Dayaaraddu hal matoor ayay leedahay waxay badiyaa ku duushaa 10,000 ilaa 14,000 oo cagood, intaa daruuraha ayay dhex mushaaxaysaa. Aad ayay daruuraha, dabaylaha iyo buuruhuba ay u ruxaan. Wayna socod gaaban tahay oo qiyaastii 4 saacadood ayay u kala socotaa labada magaalo.

Dad badan ayaa ku mataga ama qaata kaneeni ka hor istaaga. Qaar kale aad ayay u dhibsadaan safarka dayaaraddan yar ee intaa ruxmeysa.  Anigu qaybta dambe ayaan ka mid ahaa.

Maalintaas markii aan Berbera ka soo kacnay muragada i haysay, fekerka igu dhashay iyo riyo maalmeed ayaan dhex muquurtay. Waxaan arkay annaga oo Muqdisho dul nimid. Dhibkii aan safarka dayaaradda yar ku qabay, daqiiqad ma dareemin.

Xamar markii aan imid dad ayaan arrintii uga warramay. Waxaa ka mid ahaa rag aad iiga khibrad badan siiba xagga siyaasadda oo midkood uu madaxda Dowladda ka mid ahaan jiray, la xiray shaqadana laga saaray.  Mid kale wuxuu ka tirsan yahay Raggii ugu baaqay Madaxweyne Siyaad in uu xilka ka dego.

Waxaan u sheegay in aan u baahan ahay si aan ugu tago Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aan arrintaan ugu sheego. Waxay soo istaageen in aanan sidaa yeelin. Waxay taladooda ku saleeyeen in laba mid ay tahay. In uu og yahay oo uu raalli ka yahay. Ama in uu og yahay waxna aanuu ka qaban karin. Intaa waxay raaciyeen in ay suurta gal tahay in uu dhib iiga yimaado aniga.

Waan ku qancay hadalkooda. 

Waxba

Laakiin suurta gal iima ahayn in aan la aammusnaado waxa aan arkay ee aan goobjoogga u ahaa. Waxaa iga go’nayd in xataa haddii hadalkeygu aanuu waxba ka qaban karin arrinta, in aan dhankeyga dadaal ku baaqan.

Waxaan goostay in aniga oo aan cidna la tashan aan go’aan qaato.

Waxaan la ballamay mas’uul sare oo Dowladda ka tirsanaa, Jaamacadda Macallin ka ah, laguna tirinayo in ay is xigaan Madaxweynaha.

Markii aan telefoon kula hadlay oo aan u sheegay in aan doonayo in aan kala hadlo arrin xasaasi ah, wuxuu ii sheegay in uu xafiiska ICRC howl u imaan doono oo uu markaas igu soo mari doono xafiiskeyga.

Inkasta oo aan go’aan qaatay, haddana sida aan is lahaa wuxuu ahaa mid qar iska tuurnimo ah oo uu dhib iga soo gaari karo. Welwel iguma yareyn.

Mas’uulkii markii uu Xafiiska iigu yimid, qolka ayaan hoosta ka xirtay aniga oo murugo iyo baqdin la neeftuuraya ayaan u sheegay waxa aan arkay oo dhan.

In yar ayuu aammusay inta aanuu ii jawaabin. Neef culus ayuu neefsaday. Wuxuu igu yiri, Yusuf waxaad ka hadleysaa Berbera oo in ka badan kun kiilomitir noo jirta. Halkan aan joogno ayay ka dhacaan waxa aad sheegeyso.

Maxaa laga qaban karaa? Ayaan weydiiyay.

Jawaabtiisu waxay ahayd: “Waxba”.

Tirada toban Orommadu waxay dhahdaa Ku-dhan.  Macnaha in tiro ay ku dhan tahay toban.

Aniga kelmadda Waxba waxay ii noqotay in hadalka Soomaaliya uu ku dhan yahay. Waxayna qeyb weyn ka noqotay waxyaabaha igu qanciyay in aan dalka ka dhoofo.


Qaybta Afar iyo Tobnaad ee Taxanahan 89 iyo 90 waxaan ku soo qaadan doonaa sida uu u dhacay dilka Berbera.