Total Pageviews

Friday, 6 April 2018

Qaxooti - Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Laba iyo Tobnaad


Gobolweynaha Geeska Afrika wuxuu ahaa degaan ay dad badina ku caddiban yihiin sannadihii toddobaatanaadkii iyo siddeetanaadkii. Abaaro, dagaal Dowlado dhex maray, qaar Jabhado iyo Dowlad u dhexeeyay, kacdoon, afgembi iyo afgembi dhicisoobay ayaa Ethiopia, Sudan iyo Soomaaliya  dadweynahooda qaar badan ka dhigay kuwo marba dhinac u hayaama oo soohdimaha ka tallaaba.

Dad badan oo reer Sudan ah oo ka qaxaya dagaalka Dowladdooda iyo Jabhado u dhexeeya ayaa u tallaabay Ethiopia. Isla xilligaasna Ethiopian ka qaxay Dagaalka u dhexeeya Dowladdooda iyo Jabhado ayaa u tallaabayay dhinaca Sudan.

Sidoo kale, iyada oo Soomaaliya ay la ciirciireyso boqollaal kun oo Qaxooti ka soo galay Ethiopia, ayay boqollaal kun oo Soomaali ahi ay ka tallaabtay soohdinta oo ay u qaxday Ethiopia.


Qaxootiga Ethiopia

Siddeetameeyadii waxaa Soomaaliya joogay qaxooti aad u fara badan. Waa Qaxooti ka yimid Ethiopia. Wuxuu billaababay in uu ka soo qaxo Ethiopia bartamihii toddobaatanaadkii. 

Dalka Ethiopia waxaa isugu darsamay kacdoon, afgembi, abaar iyo colaad.  Gobollada Hararghe, Bale iyo Sidamo oo ah kuwa soo xiga Soomaaliya waxaa aad u saameeyay dagaalkii 1977 iyo 78 dhex maray labada dal ee deriska ah iyo dagaalladii daba joogay ee ku-dhufo oo ka-dhaqaaq ahaa ee Jabhadihii ay Soomaaliya ku hubeysay Ethiopia.

Degaannada Soomaalida Ethiopia waxaa u dheeraa siyaasad lagu eedeeyay Taliskii Mengistu, oo ku salaysnayd in si ulakac ah la isugu deyay in Soomaalida laga barakiciyo gobolkeeda oo lagu soo riixo Soomaaliya. Arrintaasi waxay dhacday dagaalka ka dib.

Mengistu waxaa laga weriyay in uu mashruucaas ku tilmaamay mid xal kama dambays ah u noqon doona dhibaatada Gobolka Soomaalida. Sida uu qoray the Guardian, waregys ka soo baxa London oo soo xigtay Qaxootiga waxaa marar badan dhacday in si bareer ah raacatada looga rasaaseeyo xoolaha si ay u ceyrtoobaan oo ay uga hayaamaan degaankooda.

Arrimahaas is biirsaday waxay sababeen in ay Soomaalida gobolku ay u qaxdo Soomaaliya iyo Djibouti. Sidoo kale Oromada iyo Ethiopianka kale ee deggan Bale iyo Sidamo iyagana in badan ayaa u soo qaxay Soomaaliya.  Waxay marka hore qaarkood ay galeen Kenya iyaga oo maalintiina is qarinaya habeenkiina hayaamaya.

Tirada Qaxootiga ku sugan Soomaaliya aad ayaa la isugu khilaafay. Waxaa lagu tuhunsanaa Dowladda Soomaaliya in ay tirada buunbuunisay si ay ugu hesho gargaar iyo si ay ugu ceebiso Ethiopia.

Qarammada Midoobay waxay ku qiyaastay tirada Qaxootiga Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya in ay ahayd ugu badnaan 610,000 oo ruux.  Tiradaas oo haddii ay sax tahay aan iyaduba yareyn.

Ka sokow in tirada lagu murunsanaa, Dowladda Soomaaliya waxay ku doodeysay in saddex ruux oo kasta oo qaxooti isu dhiiba uu wehliyo ugu yaraan hal qof oo isna qaxooti ah laakiin aan is dhiibeyn ee la degaya qoys Soomaaliyeed. 

Soomaalida Gobolka ka soo qaxday xeryo qaxooti ma wada gelin ee qaar badan waxay la noolaadeen qoysas Soomaaliyeed oo ay ehel yihiin.

The Guradian wuxuu qoray in afartii ruux ee Soomaaliya ku nool uu midkood qaxooti yahay.

Xeryaha Qaxootiga

Dowladda Soomaaliya waxay sameysay Hey’adda Qaxootiga Qaranka oo u xilsaaran Qaabbilaadda, badbaadada iyo daryeelka Qaxootiga ku sugan Soomaaliya gudaheeda. Hey’adda Qaxootiga Qaranka waxay wada shaqeeyaan hey’adda Qaxootiga ee Qarammada Midoobay, UNHCR.

Waxaa loo sameeyay xeryo Qaxooti oo qaarkood marka aad tagto aad moodeeyso magaalo dhan, laakiin in badan oo ka mid ah ay calool xumo ka muuqato.

Gobollada Qaxootiga la dejiyay oo badnaa waxaa ka mid ahaa Awdal, Woqooyi Galbeed oo ay degganaayeen Hargeysa iyo Berbera, Hiiraan oo ay degganaayeen Beled Weyne iyo Jalalaqsi iyo Gedo oo ay degganaayeen magaalada Luuq.

Anigu waxaan shaqo u tegey xerada Qaxootiga Gannad ee magaalada Hargeysa sannadkii 1985 iyo xerada Qaxootiga Halbo ee magaalada Luuq 1987.  Sidoo kale waxaan socdaal aqoon kororsi ah ku tegey xerada Qaxootiga Luuq Jeelow ee magaalada Beled Weyne dabayaaqadii 1985.

Dhibaatada Aadanaha ee taalla xeryahaasi ma ahayn mid yar inkasta oo ay kala darnaayeen.

Gannad

Tusaale waxaan u soo qaadanayaa xerada Gannad. Waa goob ay ku yaallaan Bakhaarrada raashinka Qaxootiga. Bakhaarrada waxaa maamusha hey’adda CARE oo qandaraas ka haysata hey’adda Qaxootiga ee Qarammada Midoobay UNHCR.  Sida uu qoray danjirihii Mareykanka ee berigaa fadhiyay Soomaaliya, Gannad ma ahayn xero Qaxooti oo rasmi ah, laakiin Ethiopia ayaa waxaa gaaray warka ah in Gannad oo Hargeysa agteeda ah laga helayo raashin.  Dadkuna markaas ayay soo bartilmaansadeen meesha loogu sheegay raashinka.

Danjiraha Mareykanka oo booqday wuxuu ku tilmaamay in ay lahayd muuqaal cadaab oo kale ah. Afartameeyo kun oo ruux ayaa goobta ku sugan. Waxay ku hoydaan qoryo la isku tafay oo lagu dedey baakado, saxaarado iyo wixii ay gacantu soo qabato.

Dadka intaa tiro le’eg oo hal goob ku sugan haddana malaha musqulo. Xataa mid keliya. Qashinka dheefshiidkoodu soo saaray ayaa xerada daafaheeda ka muuqda.

Qaxootiyadaas kuwooda magaalo u dhow, sida Gannad oo Hargeysa ku ag taalla, raashinka la siiyo waxaa u wehliyay in ay magaalada ku yaacaan si ay howl u qabtaan ama adeeg u fuliyaan oo ay xoogaa lacag ah uga soo helaan. Laakiin xeryaha magaalooyinka ka fogfog sida Bixin Duule ma jirin meel ay gaari karaan.

Dib u dejin

Waxaa si xoog leh suuqa loo geliyay in uu jiro barnaamij ay Dowladdu dooneyso in ay Soomaalida Ethiopia dib u dejin uga sameeyso Gobollada Woqooyi si halkaasi ay halkaasi ugu noqoto degaan rasmi ah oo ay abid ugu noolaadaan.

Tuhunkaasi wuxuu sii xoogeystay markii 1988 ay SNM weerartay Burco iyo Hargeysa, gudahana u gashay ka dibna ay ciidammadii Dowladdu ay duqeeyeen labada magaalaba. Taasi waxay sababtay in dadkii degganaa labadaas magaalo ay ku dhowaad dhammaantood ay ka qaxaan dalka kana tallaabaan soohdinta. Xeryo Qaxooti ayaa ka sameysmay Ethiopia ay Soomaali ku nooshahay.

Degaankii ay ka qaxeenna waxaa ku haray Qaxootigii awal ka yimid Ethiopia.

In dadkii degaannada woqooyigu ay Qaxeen laakiin uu Qaxootigii Ethiopia ka yimid uu degaanka joogo waxay sii xoojisay tuhun ama borobagaando mid ay ahaydba fekerkii ahaa in dhulka dad kale lagu beerayo.

Intaa waxaa dheereyd in SNM ay ku eedeeysay Dowladda Soomaaliya in ay Qaxootiga ka qeyb gelisay dagaalka.  Arrintaas oo eedeyn u keentay Dowladda Soomaaliya lagana qaaday tuhun.

Anigu shakhsiyan ma xaqiijin karo sida ay ku billaabatay iyo dhinaca billaabay, laakiin SNM iyo Qaxootiga Soomaalida ah ee ka yimid Ethiopia waxay isu qaadeen colaad marar badan xabbad gaartay.

Anigu marka aan Gobolka tegey, Qaxootiga Soomaalida Ethiopia ee aan arkay waxay ahaayeen kuwo aan dooneyn colaadda in ay qeyb ka ahaadaan oo raba in ay helaan waddo nabad ah oo ay u maraan Ethiopia si ay degaankoodii ugu laabtaan.

Qormadii Hargeysa ayaan ku xusay in aan la kulmay nin Qaxooti ah oo arrintaa igala hadlay.

Sidoo kale, safar dhulka ah oo aan ka nimid Burco, markii aan ka daaddegnay Buuraha Shiikh, waxaa gacanta noo taagay nin waddada dhinac taagan. Wuxuu noo haatiyay waraaq uu gacanta ku hayay.  Markii aan u istaagnay, waraaqda waxaa ku qornaa codsi ay Qaxootigu ku dalbayaan in loo cayimo marin sugan oo nabad ah oo ay uga tallaabaan soohdinta. Anigana afka ayuu intaa iiga sheegay iyada oo codsi iyo catow fara badani uu wehliyo.

Dil ay SNM u geysatay Qaxooti iyo dil ka dhacay Berbera oo dadka qaar ay ku eedeeyeen Qaxootiga waxaan ku soo qaadan doonaa Qayb kale oo ka mid ah Taxnaha 89 -90, haddii Eebbe idmo.