Total Pageviews

Monday, 16 April 2018

Yusuf-kii kale... Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Lix iyo Tobnaad

Qaybtan waxaan ku soo qaadanayaa arrin aniga ila soo gudboonaatay laakiin aan khuseyn dhacdooyinkii woqooyiga. Waa ninkeed-guba' aniga i saameysay, sawrika guud ee nolosheydii berigaasna in yar ka tilmaameysa.

1988 ayaan filayaa in ay ahayd aniga oo gaari wata oo ka imid dhinaca Jaamacadda Ummadda. Markii uu gaarigeyga meel fog ka aqoonsaday ayaa Isbitaal Banaadir agtiisa waxaa astaan baaq ah i siiyay oo i joojiyay nin saaxiibkeey ah oo mooto wata oo jihada aan u socdo cagsigeeda u socda. 

Axmed waa xisaabiye ka tirsan wasaaradda Sportiga laakiin markaas arday ka ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu ii sheegay in lacagtii Wasiirku uu ii soo qoray ay diyaar tahay oo  aan maanta qaadan karo.

Anigu Wasaarad Sport uma shaqeyn weligeey. Lacagna kuma lihi. Waan ku wareeray waxa uu ii sheegay saaxiibkeey. Markii aan ka xaqiijiyay cadadka lacagta, in magaceyga ay ku qoran tahay iyo in Wasiirku uu amarka bixiyay, laakiin aanuu aqoon sababta uu Wasiirku lacag iigu qoray ayaan toos u abbaaray Wasaaradda Cayaaraha. Xisaabiye kale, Siciid, oo isagana aan is naqaan oo Wasaaradda ka tirsan ayaan u tegey. Waraaqo ayuu baarbaaray wuxuuna ii sheegay in Yusuf-Garaad uu saaka qaatay lacagtiisa. Dabcan qofka lacagta bixiyay ma ahayn qof aniga wejigeyga yaqaan wuxuuse u haystay in weriyaha Radio Muqdisho uu yahay qofka uu lacagta siinayo.

Madax Wasaaradda ah ayaan wargeliyay in qofka magaceyga ku qaatay lacagtu aanuu aniga ahayn. 

Aniga oo arrintaas la yaabban ayaa maalin waxaan Wasaaradda Warfaafinta isku aragnay AUN Cali Siyaad oo ka tirsan kooxda Iftiin ee Wasaaradda Waxbarashada. Wuxuu ii sheegay in uu Xafiiska Wasiirka Waxbarashada ka ceyriyay nin Wasiirka sugayay oo magaceyga ku socday.

Waxaa xigay dhowr dhacdo oo yaryar oo mid kastaa ay iskeed iigu muujisay in uu jiro qof inta aan fahmay magaalooyinka Muqdisho, Wanla Weyn iyo Baydhaba dad kula kulmay oo magaceyga iyo mehereddeydaba u sheegtay kuna daneystay.

Dadka la khalday waxaa ka mid ahaa Saalax oo gurigeyga iga soo wacay oo aan xusuusan waayay safarka baska ee aan wada raacnay ee uu ka sheekeynayo. Oo ay ka darnayd in uu isna la yaabay in xataa aan xusuusan waayo martiqaadkii uu saaxiibbadiis isugu yeeray oo aniga madaxeyga uu noogu sameeyay Wanla Weyn.

Nambarka telefoonka sida uu ku helay markii aan weydiiyay wuxuu ii sheegay saaxiibkiis ay Wanla Weyn ku wada nool yihiin uu ka ogaaday in aan qaraabo nahay ka dib markii ay iga wada dhegeysteen Idaacadda.  Markaasna uu sidaa uga soo qaatay nambarka.

Ninkii waan ka cudur daartay. Waxaan u sheegay in aanan weligeey bas u raacin Wanla Weyn, martiqaadna aan la iigu sameyn. Sidoo kale waxaan u sheegay in aanan aqoon xataa hal qof oo u shaqeeya sharikadda uu ii sheegay in uu isagu wakiil uga yahay Wanla Weyn magaceeduna uu isaga naaneys u yahay.  Isaga oo jahawareeray, codkiisana aan ka tuhmay in uu u qaatay in aan ka abaal dhacay ayaan telefoonka dhammeynay.

Waxaa i galay welwel ku saabsan in qofka magacayga adeegsanayaa uu magaceyga dembi ku geysan karo ama ugu yaraan uu fadeexad sameeyn karo. Si aan taas uga hor tago, waxaan afeef geeyay oo aan arrinka la socodsiiyay Laanta Dembi-Baariista Booliiska, CID iyo Hoggaanka Baarista ee Nabadsugidda, NSS. 

Sidoo kale waxaan wargeliyay dhammaan Xafiisyada aan ka shaqeeyo - Radio Muqdisho, ICRC iyo Xarunta Dhaqanka Faransiiska.  Saaxiibbadeey iyagana waan la socodsiiyay arrinta.

Meher


Maalintii iigu darnayd, gabar dhallinyar oo will yari uu la socdo ayaa timid Radio Muqdisho.  Waa gabar aniga i goobeysa. Markii la ii keenayna waxay aniga, weriyayaal aan wada taagnayn Xafiiska Wararka oo aan ka tirsanaa hortiisa iyo ninkii noo keenayba ay cod hoose nagu weydiisay - Yusuf-Garaad kale ma jiraa oo Radio Muqdisho ka shaqeeya? Waxaan ku niri maya. Iyada oo xishooneysa, isla markaana jahawareersan ayay igu tiri abbow iska raalli ahow, wayna naga dhaqqday.

Anigu sidaa Gabadha ugama harin. Markaan qalada ka saaray ee ay oggolaatay bal in aan is yara wareysanno ayaan meel la fariistay iyada iyo wiilkii keenay Wasaaradda Warfaafinta.

Sheeko dheer oo eray kasta oo macluumaad xambaarsan aan dirqi iyo dulqaad uga soo saaray ka dib waxaan fahmay in ninka ay raadineysaa uu yahay nin Radio Muqdisho yaqaan. Sababta oo ah wuxuu u tilmaamay oo ay si sax ah iigu sheegtay qaabka uu u dhisan yahay studio-ga warka laga tebiyo. Waxay tilmaan fiican iga siisay sida uu ninku u eg yahay.

Waa tan iigu darane waxay ii sheegtay in ninku uu yahay ninkeeda. Waxay kula mehersan tahay magaceyga.

Qalbiga ayaa la igu dhuftay oo dhulka ayaa ila wareegay. Meher oo dhami adduun ii dhimman ayuu ahaa. Iskaba daa maareynta meher been abuur ah, magaceygana ah!

Ma aqoon si aan wax yeelo.

Gaari markaa ma wadan. Haddana waan helay mid aan Gabadha ku geeyo guri ay ku soo degtay oo ku yaalla Howl Wadaag meel aan ka fogeyn Dugsiga Sare. Muhiim ayay ii ahayd meesha ay deggan tahay in aan soo arko si haddii aan u baahdo aan dib ugu laaban karo. Weliba waan la ballamay.

Waxaan markiiba la tashaday culimmada Radio Muqdisho oo aan aad isugu fiinceyn iyo qaar kaleba. Waxaan la tashaday saaxiibbo dhowr ah oo iga khibrad badan.

Arrintu waxay igu khasabtay in aan dhab uga shaqeeyo si aan u joojiyo ninkaan magaceyga iyo shakhsiyaddeyda weerarka ku ah.

Dhowr nin oo dadka weriyayaasha aad u jecel ah, qaar ay yihiin weriyayaal-iska-yeel iyo kuwo aanan shaqsiyaddooda ku kalsooneyn oo ka shaqeeya saxaafadda laakiin aan magac weyn ku lahayn ayaan qaar ka shakiyay. Aniga oo gabadha kaashanaya oo ay dusha iga eegeyso ayaan nimankii midba meel kula kulmay - Radio Muqdisho, Tiyaatarka, Xarunta Ururka Dhallinyarada iyo goobo kale. Midkoodna wuu noqon waayay ninkii aan goobayay ee "sammigey" ahaa.

Gabadhii si aan qarsoodi lahayn ayaan isugu warrannay. Waxay iga qancisay in aan dhankeeda culeys iiga imaan doonin. 

Waxayna ka qanacday in aan meesha meher jirin. Ayaan ka dib waan amba bixiyay. Waxay ku laabatay reerkooda iyo gobolkii ay ka timid.

Wiil Jalaqsan


Sannad iyo ku dhowaad laba markii aan baadi-goob ku jiray, ayaa maalin aniga oo jooga Berbera waxaa ii soo dhacday farriin iigu timid teleprinter oo ah aalad isgaarsiineed oo ka duwan Telkis. Waa ka hir inta aan Fakis soo bixin.

Wuxuu ahaa qalab ka duwan messenger, SMS iyo email oo iyagu farriinta marka aad wada qorto aad mar keliya direyso.  Teleprinter, marka aad fartaada xaraf dhag ku siiso xarafkaasi sida uu uga muuqanayo shaashaddaada uguna qormayo xaashi suran mashiinkaaga ayuu isla markaas uga muuqanayaa shaashadda qofka kale ee aad la xiriireyso wuxuuna ku qormayaa waraaqda u suran mishiinkiisa. Xarafkii aad dhag-siiso isku mar ayuu ku qormayaa labada dhinacba oo markaan ah Muqdisho iyo Berbera. 

Farriinta ii soo dhacday waxay leedahay:

Yusuf, waa la qabtay Yusuf-kii kale. Dhakhso u soo gal Muqdisho.

Farriintu waxay ka soo billaabatay saaxiibkeey weriye Cabdulqaadir Cali Iidle. Subaxaas ayuu goor hore shaqo weriyennio u tegey wakaaladda Hargaha iyo Saamaha oo ku taallay nambar Afar. Gabar shaqaalaha ka mid ah ayaa salaantay oo ku tiri saaka maxay weriyayaashu noogu soo wada kallaheen?

Markii uu weydiiyay weriyaha kale ee ay aragtay saaka ayay u sheegtay in Yusuf-Garaad uu fadhiyo Xafiiska Maareeyaha. Cabdulqaaddir maaddaama uu dacwaddeyda la socday, in aan Berbera ku maqan ahayna uu ogaa, laamiga ayuu ka tallaabay. CID ayuu tegey oo ka soo kaxeystay laba askari. Ninkiina waxaa lagu jeebbeeyay isaga oo fadhiya xafiiska Maareeyaha.

Cabdulqaadir wuxuu wargeliyay Xafiiska ICRC oo ii soo diray farriinta.

Subixii xigay ayaa aniga oo ay i wehliyaan Cabdulqaadir Cali Iidle, Madaxa Radio Muqdisho, Maxamed Faarax Xalane Dhaashane iyo weriyayaal kale oo aan u maleynayo in uu midkood ahaa Cabdullaahi Khaddiib waxaan tagnay Xarunta CID. Waxaa na qaabbilay mas’uul ay xusuusteydu ii sheegeyso in uu ahaa Cusmaan-Gasgas.

Ninkii markii la soo saaray wuxuu noqday nin aan dhowr jeer ku arkay Radio Muqdisho oo salaan wanaagsan iyo xushmad reer magaalnimo ay naga dhaxeyso. Waxay saaxiib yihiin weriye caan ah oo ragga i tababbaray ka mid ah.  Waa nin dheer, jalaqsan, igana lebbis qurxoon.

Nin adeer u ah oo hanti haysta ayuu keligii kula noolaa guri weyn.

Wuu isku keey duubay. Wuxuu muujiyay in uu ka xun yahay falalka uu sameeyay.  Cafis ayuu i weydiistay. 

Booliisku markii ay horteenna ku wareysteen wuu qirtay waxyaabo dhowr ah. Qaarna wuu dafiray.

Anigu waxaan isaga iyo booliiskaba u sheegay in aan cafinayo haddii uu ii ballanqaadayo in uu magaceyga ii nabadgeliyo.

Su’aalo ay booliisku weydiiyeen iyo waraaqo ay ka saxiixeen ka dib, waa la sii daayay.

Maaddaama aan ahaa nin aad u mashquulsan, shaqadeydana ay ka mid ahayd howl samafal oo xasaasi ah khatarna wadata, ma sii dabakicin ee waxaan ku laabtay Berbera.

Nasiib wanaag, TV iyo internet dartood, maanta suurta gal ma ahan in qof caan ah magaciisa lagu caana maalo maaddaama qof walba oo caan ah sawirkiisa la arki karo marka loo baahdo.