Total Pageviews

Friday, 16 August 2013

Fursad Xalka Kismaayo


Wadahadal hor leh
Inqaasta Yusuf-Garaad

Magaalada Addis Ababa ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ku kulmaan Madax matalaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madax ka socda Maamulka Jubba ee dhowaan looga dhawaaqay Kismaayo.

Waxay labada dhinacba u tahay fursad ay uga gudbi karaan ismari waaga hadda taagan oo aan Soomaali dani ugu jirin.

Ma ogi in labada dhinac midkood ama labadaba ay wax iska beddeleen mowqifyadoodii hore oo ay hadda diyaar u yihiin tanaasul. Laakiin culeyksa labada dhinacba haysta marka la fiiriyo rajo ayaa iiga muuqata in ay gaari karaan heshiis.

Dowladda Federaalka waxaa cod gaaban iyo mid dheerba loogu sheegay in aan Dowlad kale iyo maamul goboleed midkoodna ku haysan dalkeeda. In diyaar loola yahay in Dekedda iyo Gegida dayaaradaha lagu wareejinayo. In iyada looga dambeynayo xal u helidda mushkiladda.

Laakiin xaaladda guduhu sidaa wey ka duwan tahay. Magaalada waa lagu dagaallamay, waxayna gacanta u gashay kooxdii ay dowladda kala ra’yiga duwaanaayeen.  Heshiis lagama gaarin dagaalkii. Markaa ma muuqato si ay dowladdu isaga soo magacaabi karto Maareeyayaal aan taageero ka haysan degaanka.

Markaa wixii ay dowladdu dalbatay oo ahaa in kaabadahaas dhaqaale lagu soo wareejiyo, isla markaana ay ku guuleysatay in laga oggolaado, ayaa hadda xujo ku noqonaya haddaysan heshiis la gaarin ciidanka magaalada fadhiya ee Soomaalida ah iyo Madaxdooda.

Dhinaca Kismaayo waxaa hor yaalla in Shirkii muddada dheer socday, ee ergooyinka boqollaalka ahi ay ka qeyb galeen natiijada keliya ee ilaa iyo hadda laga hayaa ay tahay in lagu dhawaaqay magaca Jubbaland iyo in Madaxweyne loo doortay.

Laakiin Madaxweynaha waxaa u suurta geli la’ in uu soo dhiso maamul buuxa. Xitaa isaga xaflad caleema saar ah looma dhigin. Waxaa uga darnaaday oo xujo ku noqday, dagaal, dacwadda iyo wadahadalka kala dhexeeya Dowladda Federeaalka ah.

Waxaa intaa dheer in labada dhinacba ay khibrad qiimo badan ku kacday ay ka heleen dadkii dagaalka Kismaayo ku dhintay oo labada dhinacba ay mas’uuliyad ka saaran tahay.

Markaa labada dhinacba waxaa cad in ay isu baahan yihiin in ay hore u tallaabsadaan, tallaabada koowaadna ay tahay in ay gaaraan is af garad.

Haddii wadahadalku qabsoomo, waxaan rajeynayaa in kulanka la filayo in uu ka dhaco Addis Ababa uu noqdo mid baajiya dhiig dambe oo ku daata Kismaayo. Mid maamul goboleedka Jubba u suurta geliya in uu dhammaystirmo noqdana mid bulshada degaanka Jubbooyinku ay raalli ka yihiin. Inteenna kale ee daneyneysana noo suurta geliya in aan u dalxiis tegi karno dhulka iyo xeebaha quruxda badan ee Waamo.

Mid dowaldda Federaalka u gacan banneeya in ay culeyska saarto ammaanka Muqdisho,  iska caabbinta Shabaab oo dhaallatus ka bixi la', dhammaystirka u diyaar garowga shirka Brussels iyo kan New York iyo in ay wada xaajood la furto Puntland, si looga gudbo khilaafka meeshii uu gaari karay gaaray ee kala dhexeeya Garowe, loona meel mariyo isku shaandheynta saacaddii kow iyo tobnaad lala noqday ee lagu sameyn lahaa Golaha Wasiirrada.

Wednesday, 7 August 2013

Farxadda Ciidda aan Wadaagno


Ciid Wanaagsan
Inqaasta Yusuf-Garaad

Soomaaliyeey ciid wanaagsan. Waa maalin farxadeed. Waxay maalin farxadeed u tahay carruurta iyo qof kasta oo soomay. Waa maalin cibaado. Waana maalin saddaqo.

Farxaddaas si ay u muujiyaan, dadka awoodaa waxay isku marti qaadaan qado, casho ama qaxwo. Qaarkood waxay isku casuumaan qaad. Qaarkoodna miyuusik ama cayaaro dhaqan ayay tuntaan. Qaarkood waxay u baxaan dalxiis.

Carruurta waalidkood awoodo waxay ku labbistaan dharka ciidda. Waa dhar cusub oo loo soo iibiyay si ay ugu ciidaan maalintaan farxadda leh. Waxaa kale oo loo iibiyaa haddiyad sida mobile cusub, cayaar ama filim video ah, buufin, firimbi, kubbad iyo waxyaabo kale. Ehelka soo booqda iyo deriska ayaa laga yaabaa in ay ugu daraan lacag caddaan ah oo haddiyad ah. Waxaa loo kaxeeyaa qaraabo salaam, makhaayad, xeebta, filim dibadda lagu soo daawado ama wareeg.


Marka laga reebo farxadda ciidda looma sinna damaashaadka kale.  Waxaan ummadda inteeda kale la wadaagin dadka saboolka ah iyo carruurtooda.

Waxaa laga yaabaa carruurta kuwooda aad u sii da’ yar ineysanba garan karin sababta uu waalidkood sideedaba dhar ugu iibin waayay ama mid cusub hadda ugu soo iibin waayay. Sidoo kale ma fahmi karaan sababta uu waalidkood ugu keeni waayay haddiyadaha carruuraha kale loo keenay kuwo la mid ah.

Dadka saboolka ahi waxay joogaan xaafadaha magaalo kasta oo geeska Afrika ah. Haddaad geeska Afrika joogto, uma baahnid in aad meel dheer ka raadiso qof sabool ah. Bal daqiiqado yar jooji akhriska qormadaan ee hareeraha fiiri bal in ishaadu qaban karto qof sabool ah.

Waan gartay. Haddii ay ishaadu qabatay qof sabool ah, is weydii – ma ka farxin kartaa qofkaas?

Hadday ishaadu qaban weyday, mar kale akhriska jooji oo ka feker deriskaaga. Ma ku jiraa qoys sabool ah?

Ma xasuusatay? Is weydii – maxaad qoyskaas u qaban kartaa ciiddan? Maxaad uga farxin kartaa?

Dadka saboolka ah ee gargaarka u baahan waxaa ka mid ah kuwa ku jira xeryaha Barakacayaasha iyo kuwa Qaxootiga.

Waxaan iyaguna farxadda si buuxda bulshada ula wadaagin dadka yaalla Isbitaallada iyo kuwa kale ee iyaguna xanuunsan laakiin aan isbitaal gaarin ama aan awoodin.

Dadkaasi waxay u baahan yihiin daawo, qaarkood waxaa kale oo ay u baahan yihiin raashin, gogol iyo hu’.

Dadka xabsiyada ku jira, haddayba magaaladaadu ay xabsi leedahay, iyagana farxaddoodu ma buuxdo. Baahi aanay iyagu dabooli karin ayaa u dheer tahay.

Waxaa jira iyaguna dadka waayeelka ah ee ku nool qurbaha oo ay cidladu haysato, lagana yaabo in ay keligood nool yihiin.

Dadkaas oo dhan waa dad u baahan in la xasuusto, la booqdo, loo gargaaro, lagana farxiyo  ugu yaraan maalinta ciidda.  Maalmaha kale qofkii ku daraana waa rag-ka-rooni.

Saturday, 3 August 2013

Shirka Kampala ee Soomaalida dhexdeeda


Kampala waxaa maanta ku shiray Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya.

Madaxweynayaasha dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya ayaa ku shirsan caasimadda Uganda ee Kampala. Waxay ka arrinsanayaan tayaynta iyo kordhinta ciidanka. Waxaa kale oo ay isla faaqidayaan caqabadaha hor yaalla ciidanka. Annaga waxaa dabcan na matalaya Madaxweyne Xasan Shiikh Mxamuud.

Shir kale oo aan weli la shaacin, lana xaqiijin ayaa la ii sheegay in uu isna ka dhacayo Kampala caawa ama berrito.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wasiirka Madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir ayaan maqlay in ay la kulmayaan Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hore u soo noqday Ra’iisal Wasaare, Maxamed Cabdi Gaandi, oo hadda ka hor noqday Wasiirka Difaaca iyo Taliyihii hore ee Booliiska, Cal Maxamed Xasan Looyaan.

Saddexdan mas’uul ee madaxweynaha la kulmaya waxay ka mid ahaayeen ragga garwadeenka ka ahaa shirka Kismaayo ee khilaafka weyni ka dhashay, dad badan oo Soomaali ah lagu dilay, qaar kale lagu dhaawacay, qaarna lagu barakiciyay.

Hore waxaa Addis Ababa ku kulmay, Wasiirka Madaxtooyada, Faarax Cabdulqaadir iyo Madaxwweynaha Jubaland ee lagu doortay shirka Kismaayo, Axmed Maxamed Islaan. Lama shaacin wax ay isla meel dhigeen. Shirkaasi wuxuu la kowsaday dagaal ay dad badani ku dhinteen magaaladana uu gacanta ku wada dhigay Axmed Maxamed Islaan.

Kulanka Addis Ababa lama faafin wax la isla gaaray, hase yeeshee, wixii kulankaas ka dambeeyay waxay labada dhinac ay dhimeen hadalalladii hawada la isku dhaafsan jiray ee colaadda sii hurinayay.

Hadda oo Madaxdii kale ee shirka hoggaaminaysay la filayo in ay la kulmaan Madaxweynaha iyo Wasiirka Madaxtooyada, waxaan rajeynayaa in ay soo af jaraan colaadda, si dadka inta hartay loo badbaadiyo, isla markaana hore loogu tallaabsado.

Magaalada Kismaayo ee dekedda ah waa magaala madaxda degaan aad qani ugu ah beeraha, xoolaha iyo kheyraadka badda, isla markaasna leh degaan dalxiis oo aad u qurux badan, waxay ka mid tahay magaalooyinka Soomaaliya ee dagaalka sokeeye uu la haray.

Haddii is afgarad laga gaarana waa guul u soo hoyatay Soomaaliya. AMISOM waxaa Soomaaliya hadda ka jooga 17300 oo askari. Waxaana xaqiiqo ah in haddii Kismaayo ay Soomaalidu heshiis ka gaarto, ay meesha ka baxayso mid ka mid ah caqabadaha hor yaalla AMISOM.

Monday, 29 July 2013

Siyaasadda Dibadda ee Somaliland


 Ciidan Caabboon
Inqaasta Yusuf-Garaad

Marka la barbardhigo Soomaaliya inteeda kale, Somaliland waxay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan leh oo la taaban karo. Waxaana aniga iigula muhiimsan horumarka ay ka gaartay xagga amniga iyo hirgelinta nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinka u suurtageliyay muwaaddin kasta uu saameyn yeesho, waa Dimuqraaddiyadda.

Inkasta oo ay jirto dhaqaale xumo iyo shaqo la’aan da’yarta haysata, haddana waxaad moodda in Somaliland arrinta ugu muhiimsan ee ay raadineyso in ay tahay aqoonsi caalami ah. Geed dheer iyo mid gaabanba wey u fuushay.

Taas ayaa ugu wacan in Afartii Madaxweyne ee Somaliland soo martay ay magacaabaan isugeyn 13 Wasiir oo Arrimaha Dibdda midba mar loo xil saaray. Waxa ugu weyn ee loo diray waxay ahayd, kac oo aqoonsi raadi.

Somaliland doodo fara badan ayay caalamka soo hor dhigtay. Waxaa ka mid ah in Somaliland ay xorriyad iskeed u qaadatay 26 June 1960. Isla markaana ay iyada oo ah dal xor ah ay iskeed ugu biirtay Soomaaliya. Markii midnimadaasi ay anfaci weydayna ay iskeed ula soo noqotay madaxbannaanideedii. Waxay cuskatay Xeerkii Ururka Midnimada Afrika oo u xuubsiibtay Midowga Afrika ee ahaa in soohdimaha Afrika loo daayo sidii Gumeysigu uga tagey.

Somaliland ka dib markii ay ku guuleysatay in ay gacanta ku dhigto Sool oo markii hore ay Puntland ka talin jirtay, waxay doodda ku soo dartay in ay soohdimaheeda oo dhan gacanta ay ku heyso.

Doodaha Soomaaliland waxaa ka mid ahaa in la xasuuqay dadka Somaliland oo Qarankii Soomaaliya uu u adeegsaday ciidankii dowladda oo wata madaafiicda goobta, dabbaabado iyo dayaarado, welibana adeegsanaya calooshood-u-dirir ajnebi ah iyo qaxooti ka yimid Ethiopia. Waa dagaal aan aniga lafteydu 1989 iyo 1990 aan indhaheyga ku arkay qaar ka mid ah xad gudubyadii dadka rayidka ah loogu geystay Hargeysa, Berbera, Burco, Beer iyo weliba Borame iyo baadiyaheeda ilaa tuulooyin Awdal ka tirsan oo ay ka mid yihiin Qolujeed, Xaliimaale, Boon, Weeraar iyo Beysaarre.

Xataa waxaa jirtay dood uu mas’uul Somaliland ahi hadda ka hor yiri wax aan diinta ahayn ee Somali nagala dhexeeyaa ma jiraan. Inahaas oo dhan wey ku qancin waayeen caalamku in uu Somaliland u aqoonsado dal Madax bannaan.

Somaliland waxay Madaxweyne u dooratay Silaanyo, oo intaan kula soo ekaaday siyaasadda Soomaaliya, mar uu Wasiir ahaa, mar uu Jabhaddii SNM Hoggaaminayay, mar uu Wasiir ka ahaa Somaliland iyo mar uu hoggaamiye mucaarad noqday. Markii uu xilka qabtay Madaxweyne Silaanyo oo aan siyaasadda ka caajisin, waxaad mooddaa Siyaasaddiisa Arrimaha Dibadda oo uu garwadeen ka ahaa Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, in ay qaadatay dariiq ka duwan kuwii ka horreeyay.

Wasiirradii hore waxay qaar isku dayeen in Somaliya ay is diidsiiyaan oo sidii wax aan jirin ama aan waxba ka khuseyn ay u dhaqmaan. Qaarkood waxay isku dayeen in taariikhdu sida ay tahay aan looga warramin.

Haddaad fiiriso Afrika, Ethiopia waxaa ka go’day Eritrea. Labada ayaa isaga raalli ahaa. Sudan ayaa iyadana laga jaray South Sudan. Waxay ku timid wadahadal iyo heshiis labada dhinac ku dhex maray Naivasha, Kenya.

Markaa Dowladda Silaanyo, iyada oo aan joojin dariiqii dowladihii ka horreeyay ee Somaliland ay iskeed caalaamka aqoonsiga uga raadsanaysay ayay haddana waxay ku soo kordhisay dariiq cusub. Iyada oo aan ka tanaasulin Madaxbannaanideeda ayay furtay wadahadal fool-ka-fool ah oo ay la yeelato Somalia. Waa wax aan Somaliland marna hore suurta gal uga ahayn.

Waxay ku dhiirratay in ay ka qeyb gaho shirar siyaasad, ammaan iyo maalgelinba leh oo Soomaaliya loo qabtay, taas oo sida caalamku u arko ay Somaliland ka mid tahay. Waxaan goob joog ka ahaa Shirarkaas qaarkood ka dhacay Yurub iyo Afrika. Waxaan dhihi karaa, Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar wuxuu shiiqiyay mas’uuliyiintii matalayay Dowladda Soomaaliya. Taas ulama jeedo isbarbardhigga laba Wasiir oo keliya.

Wasiirka Somaliland waxaa ka muuqday diyaar garow wanaagsan. In uu yaqaan waxa uu shirka ka rabo iyo danta uu ka leeyahay in uu ka gaaro. Waxaa kale oo hadalka u qurxiyay in uu hayo horumar la taaban karo oo uu soo bandhigo. 

Waxaa kale oo uu ku helayay garowshiyo , dhiirrada ah in uu goobta yimid inkasta oo qaar badan oo dadka uu metalo ka mid ahi aanay raali ka ahayn in shir Soomaaliya ku saabsan laga qeyb galo. Waxaa loo arkayay in Somaliland ay wax muuqda qabsatay ayadoo taageerada ay deeq bixiyayaashu siiyaan Somaliland ay tahay mid ka yar tan lagu kharash gareeyo Soomaaliya. Inahaas oo dhan waxaa uu ku helayay sacab ama garowshiyo ka xoog badan kan ergadii Soomaalidu ay helayeen.

Wasiirka Soomaaliya u hadlayay, saa wuu ka duwanaa. Goobaha qaarna waxaa Wasiirka Soomaaliya ka muuqatay kalsooni darro oo waxaaba ka garab hadlayay, Maamul goboleedyo, mararka qaar hadalkoodu is khilaafayo.

Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar hadda waa laga wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana loo magacaabay Maxamed Biixi Yonis, oo ah nin leh khibrad gaammurtay oo ah xagga maamulka hawlaha Qaramada Midoobay. Wuxuu ahaa ninka labaad ee Madaxda ka ah hawlgalka ballaaran ee Qaramada Midoobay ay ka waddao Darfur, Sudan. Wuxuu afkiisa ka sheegay in uu maamulyay miisaaniyad dhan $1.8b. Qof barteyda Facebook uga fallooday oo afka Sportiga adeegsaday wuxuu Biixi ku tilmaamay cayaaryahan halis ah oo ay Somaliland soo gatay.

Waxaa isaguna cududda Somaliland ku biiray Axmed Ismaaciil Samatar, oo aqoon iyo khibrad maamul isku darsaday. Waa Bare Sare oo Jaamacdeed iyo Hormuud, cimrigiisa inta bandan ku qaatay waxbaridda dhallinyaro Mareykan ah. Jaamacado kale oo badanna casharro ka jeediya. Buugaag badanna qoray. Waxaa uu ku takhasusay Xiriirka Caalamiga ah. Axmed waa hadal yaqaan aan waxba hambeyn marka uu Soomaali ku hadlayo iyo marka uu Ingiriis ku hadlayo labadaba.

Axmed markii aan ku wada hungownay doorashadii Muqdisho ee kal hore ee lagu doortay Madaxweyne, Xasan Shiikh, iyo weliba dhismihii dowladda, ayuu goostay in uu tago degaanka Gebiley oo uu ku dhashay. Soo dhoweyn, uu isaguba qirtay in aanuu fileyn, ayuu kala kulmay Somaliland inteeda badan oo uu cagta mariyay. Wuxuu qiray in uu hadda ka dib ka shaqeyn doono suuqgeynta Jamhuriyadda Soomaaliland.

Isbeddelkan Wasaaradda Dibadda lagu sameeyay ma cadda in micnihiisu yahay in Madaxweyne Silaanyo iyo kooxdiisa khusuusiga ahi ay u dan leeyihiin in ay wax ka beedelaan siyaasaddii dibadda.

Waxaan ogaan doonnaa 100 maalmood gudahood, taas oo ah muddada ka harsan, madasha ah in 120 maalmood gudahood ay labada dhinac isku arkaan.

Laakiin waxaan muran ka joogin arrinta aqoonsiga Somaliland sida ay muhiimadda koowaad ugu tahay  Hargeysa in xaalku ka duwan yahay Muqdisho.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inkasta oo Somaliland aanay illowsaneyn oo weliba ay dhowr jeer la fariisatay, haddana aqoonsiga ama aqoonsi la’aanta Somaliland ma ahan sida Hargeysa ay ugu tahay mudnaanta koowaad.

Dhismaha dowladda ayaa inyar nooga ifinaya taas. Dadka Soomaaliyeed ee reer Somaliland ee sheegay in ay midnimo doon yihiin, hal Wasiir oo keliya ayaa ku jira Golaha Wasiirrada - Fowsiyo Yusuf Xaaji Aden, WasiirKa Dibadda iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeen.

Waxyaabaha Dowladda hor yaallana waxaa ka mid ah sidii loo sugi lahaa ammaanka caasimadda oo marxalad xun maraya, xallinta dagaallada Shabeellada Hoose iyo Kismaayo, isu diyaarinta iyo ka qeyb galka shirka Brussels, ku dhaqaaqidda isbeddelka dhismaha xukuumadda ee saameeyay niyadda Wasiirrada qaar ka warhelay in la beddelayo laakiin weli sii jooga xafiiska, in Puntland la iska afgarto dastuurka, mushaar u helidda hey’adaha dowladda oo ay kuwa amnigu ugu horreeyaan, dhismaha hey’adaha dowladda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo diyaarinta wixii la fali lahaa marka xilliga baarlamaanku dhammaado - maaddaama aan jawi doorasho hadda soo muuqan.

Dowladda Xasan Shiikh iyo Saacid Shirdoon uma gaar aha, xataa xilligii KMG-ka dowlad kasta oo Muqdisho ka dhalata waxaa dhaqaaq u diiday arrimo soo dabra hanka iyo himilada hoggaamiyayaasheeda, kuwaasoo qaar badan ay u sabab yihiin Soomaali kale.

Ugu dambeyntii waxaan shaki ku jirin in culeyska horyaalla dowladda Soomaaliya iyo miisaanka u sii kordhaya Hargeysa, oo lagu daray oonka caalamku u qabo in shidaal laga soo saaro dalkeennu ay tahay mid rajo ku abuuri karta taageerayaasha Somaliland.

Waxaa la gudboon Dowladda Soomaaliya in haddii ay wadahadalladu sii socdaan in ay tayada u sii kordhiso ergada la xaajooneysa Somaliland. Ergadaas waxaad hadda mooddaa in lagu soo xulay nidaamka Baarlamaanka lagu soo xulay mid la mid ah.