Total Pageviews

Saturday 3 August 2013

Shirka Kampala ee Soomaalida dhexdeeda


Kampala waxaa maanta ku shiray Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya.

Madaxweynayaasha dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya ayaa ku shirsan caasimadda Uganda ee Kampala. Waxay ka arrinsanayaan tayaynta iyo kordhinta ciidanka. Waxaa kale oo ay isla faaqidayaan caqabadaha hor yaalla ciidanka. Annaga waxaa dabcan na matalaya Madaxweyne Xasan Shiikh Mxamuud.

Shir kale oo aan weli la shaacin, lana xaqiijin ayaa la ii sheegay in uu isna ka dhacayo Kampala caawa ama berrito.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wasiirka Madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir ayaan maqlay in ay la kulmayaan Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hore u soo noqday Ra’iisal Wasaare, Maxamed Cabdi Gaandi, oo hadda ka hor noqday Wasiirka Difaaca iyo Taliyihii hore ee Booliiska, Cal Maxamed Xasan Looyaan.

Saddexdan mas’uul ee madaxweynaha la kulmaya waxay ka mid ahaayeen ragga garwadeenka ka ahaa shirka Kismaayo ee khilaafka weyni ka dhashay, dad badan oo Soomaali ah lagu dilay, qaar kale lagu dhaawacay, qaarna lagu barakiciyay.

Hore waxaa Addis Ababa ku kulmay, Wasiirka Madaxtooyada, Faarax Cabdulqaadir iyo Madaxwweynaha Jubaland ee lagu doortay shirka Kismaayo, Axmed Maxamed Islaan. Lama shaacin wax ay isla meel dhigeen. Shirkaasi wuxuu la kowsaday dagaal ay dad badani ku dhinteen magaaladana uu gacanta ku wada dhigay Axmed Maxamed Islaan.

Kulanka Addis Ababa lama faafin wax la isla gaaray, hase yeeshee, wixii kulankaas ka dambeeyay waxay labada dhinac ay dhimeen hadalalladii hawada la isku dhaafsan jiray ee colaadda sii hurinayay.

Hadda oo Madaxdii kale ee shirka hoggaaminaysay la filayo in ay la kulmaan Madaxweynaha iyo Wasiirka Madaxtooyada, waxaan rajeynayaa in ay soo af jaraan colaadda, si dadka inta hartay loo badbaadiyo, isla markaana hore loogu tallaabsado.

Magaalada Kismaayo ee dekedda ah waa magaala madaxda degaan aad qani ugu ah beeraha, xoolaha iyo kheyraadka badda, isla markaasna leh degaan dalxiis oo aad u qurux badan, waxay ka mid tahay magaalooyinka Soomaaliya ee dagaalka sokeeye uu la haray.

Haddii is afgarad laga gaarana waa guul u soo hoyatay Soomaaliya. AMISOM waxaa Soomaaliya hadda ka jooga 17300 oo askari. Waxaana xaqiiqo ah in haddii Kismaayo ay Soomaalidu heshiis ka gaarto, ay meesha ka baxayso mid ka mid ah caqabadaha hor yaalla AMISOM.

19 comments:

  1. haddii is afgarad laga gaaro khilaafka ka taagan kosmaayo waa tilaabo horay loo qaaday iyo wanaag ay gaartay dowladu .

    laakin waxaan ka jeclaan lahaa in shirka is afgarad looga gaaro khilaafka soomaalida uu ka dhaco wadanka meel ka mid ah ee uusan ka dhicin meel kale oo wadanka ka baxsan .
    mahsanid mr yusuf

    ReplyDelete
  2. Yusufow waligaaba Xaajadaad Gees u badisaa
    Dagaaladii kismaayo waxaad sabab uga dhigtay
    shirkii kismaayo, Meeshii aad dhihi Lahayd
    Dawlada Fedralka ka danbeysay ama aad ka
    Gaabsan Lahayd, Jubbaland eedeymo kale oo
    badan ku eedee inaad qabiil ku diidan tahey
    Toos u sheeg, laakin marnaba shirka kismayo haka been shegin

    ReplyDelete
  3. waxaba soo kordhinmeyso tegitanka madaxweynaha waxa loo shegayaa oolaga dhadhacsinayaa in uu sanka hor imankarin ciidamada kenya ee ku sugan kismayo.ilen anagu xormanihin oo cimadamo qaran oo dalkena iyo dadkena difaca maqabno. marka nimankan africantaha hanugu xakuman wadankena gudihiisa ilen anagaa meshas is dhignee.anugu tas ayaan qabaa.

    ReplyDelete
  4. Waa ku mahdsanthy Informationka aa nasisay , aNIGA WAXAN KA QABAA RAJA WEEN IN SHIRKA UU HORSEEDO NABAD IYO JOOJINTA COLAADA KA TAGAN GOBOLADA JUBOOYINKA , WAA HADII WEEY KASARAN CIIDAN KEYNYA OO EEY KU BADALAN CIDAN DHEX DHEXAD KA AH ARINTA GOBOLKA , LAGULANA XISAABTAMO DOWLADA KYNA SHACABKA EEY XASUUQDAY , THANKS

    ReplyDelete
  5. Shirkaan Kampala # 2,waxaa iclaamiyey kana soo wada shaqeyey Nairobi iyo Kampala,
    muhiimadiisa ugu weyni waa in dhaqaalaha loo kordhiyo si toos ahna loo siiyo ayaga waayo,Somaalidu waxey noqotay wax aan mas uul noqonkarin.
    waxaana laga takhalusayaa Raiisul wasaaraha,haddii Hassan is adkeeyo sagana waa lagu dari doonaa.
    N.B. lacagta amniga(dhaqaalaha(ciidanka)ama kursigiisa

    ReplyDelete
  6. waxaa wanaagsanan lahayd in ay somaalidu dhexdooda uxaliyaan khilaafoodkooda dhibaatadii dhacday waxay ahayd un dawladoo awoodooda tijaabinaysa soomali ninkii madax kanoqdaba haduu awood milatari isdhaho wax ku xali waxba kalama soconayaan markaa waxa kasoo baxaya way iska cadahay xasan sheekh iyo jubaland waa laysku sasabi sida muuqatana hada dawlada wajigabax bay kutahay inay aqbalan jubalaan iyagoo markii hore iskudhabarjabiyay ugudanbayntii waxaan odhanlahaa maamulkaa taageero halasiiyo wixii khaldana halasaxo hadaynan taasi dhicin waxay ku qasbanaanayaan inay cidkale taageero waydiistaan.

    ReplyDelete
  7. Ilaah soomaliya nabad haka dhigo dadka soomaliyeed na ha is jeclaysiiyo shir lagu qabto kampala iyo gaalo waxba noo soo kordhin mayso soomaliya soomali baa leh xalka soomaliya wuxuu kujira gudaha soomaliya ama dadka soomaliyeed in dadka mucaaradka ah lala fariisto oo lala heshiiyo ayaa fiican oo hubka dhigaan ayaguna oo dadkooda dalkooda u naxaan gaaladana nala ka saaro walaahay waxba noso kordhin mayaan ciidan shisheeya timir tii hore dab loo waa wayo kuwii joogay ayaa faaido lagu qabin oo intaas oo qof dilay soomali ha midowdo oo cadowgooda ha u midoobaan oo gacmaha ha is qabsadaan dalku wa nagu filanyahay waana naga badan yahay aaamiin

    ReplyDelete
  8. yuusuf kuma oranayo waad mahadsan tahay waxan marka hore kuleeyahay iska daa hadalada aad sarbeebto oo cadiifadu huwan tahay waxaa tiri dagaalada kismaayo waxaa huriyey siyaasinta cumar c/rashid iyo gaandi marna waxaad iska dhigaysaa mid arinta dhex dhexaad ka ah anigu waxaan qoraalkaaga ka akhriyaa inta maskaxda iyo caqliga u saaxiib ka ahna aan baarna hadalada aad isticmaashu adigoo adeegsanaya qaab qabiil dadka somalidu waa ka dharagsan yihiin shakhsi aahn taada iyo xanuunka kugu jira marka waxaan kaaga digayaa inaad waxaas ka waantowdo

    ReplyDelete
  9. Salaan sare, Garaad. Wxn kuugu mahadcelinayaa, in iyadoo soon lagu jiro, tamarta dadkuna yartahay, aadan ka caajisin falanqeynta siyaadda Soomaaliya.

    Soomaalidu si walba oo ay u kala abtirsato ama isu colaadiso, haddana waa hal qoys. Way is wada dhaleen, waxay wadaagaan af, isir, diin iyo dhaqan. Xuduudaha caalamiga ah, ee gumaystuhu inoo qaybiyay 1884 tii ma xakamayn karaan inaynu dhagaysano, hees uu qaadayo fannaan reer jabuuti ah, muxaadaro uu jeedinayo sheekh reer Soomaaliya ah, gabay uu tirinayo abwaan reer Itoobiya ama inaynu akhrinno buug uu qoray niin reer Kiiniya ah.

    Wali maynaan maqlin, heestaas, gabaygaas, maahmaamaadaas ama muxaadaradaas waxaa gaar u leh Reer Itoobiya -Kiiniya, -Somaliland, -Jabuuti ama -Soomaaliya.

    Soomaalidu Itoobiya waxey ku leeyihiin laba ismaamul: Jigjiga(Dowlad Degaaga) iyo Diridhaba(Dowlad Magaalo). Kiiniyana Gobol. Jabuutina waaba dowlad madax bannaan. Dadka ku nool Soomaaliya dibaddeedaana ka badan ku Soomaaliya. Haddana BBC Somali iyo VOA Somali waxaad mooddaa iney u eexdaan Soomaaliya oo ay 90% iyada uun ka warramaan.

    Waxaan rabaa inaan ku weydiiyo, maadaama aad u dhuundalooshid siyaadda Geeska Afrika, soomaalida kula socotaana ay kala yihiin Reer Soomaalia, Jabuuti, Kiiniya iyo Itoobiya, maxaad u ballaadhin weyday falanqeynta siyaadda ood ugu koobtay Soomaaliya?

    Garaad, xisaabta ku darso, in ay reer Itoobiya, -Jabuuti, -Kiiniya aad u wada xiisaynayaan inaad iyagana arrimaha gudahooda ka faallootid. Qoralladaada xiisaha badan waa iney xuduudaha soomaalida jabiyaan. Amiin Caamire kaama caansana kama liidatide boodhka iska jaf sxb.

    Mahadsanid. Ramadaan Kariim.

    ReplyDelete
  10. yusuf aad ayaa u mahadsantahay marka hore, su'aasha aan is weydiiyo mar waliba waxa ay tahay dowladu madalka soomaaliya oo idil bay mas'uul katahay mise waa dowlad hadba dhinac loo jiido?

    kismayo waxaan u arkaa in siyaasada madaxweyne Xasan Sheikh lagu mashquulin doono laguna kalajabin doono sanadada ina soo haayo, amniga Mogadisho faraha ayuu kasii baxayaa waana halka dowlada saldhiga u ah.

    Mogadishu oo aan hagaagin uuna Xasan Sheikh amnigeeda sugin wax u hagaagayo majiraan dowlada Xasan Sheikh iskadaaba arinkaan jubooyinka oo 3da sano u hartay xukumadiisa.

    Marka yusuf 3daan nin ee kala ah Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hore u soo noqday Ra’iisal Wasaare, Maxamed Cabdi Gaandi, oo hadda ka hor noqday Wasiirka Difaaca iyo Taliyihii hore ee Booliiska, Col: Maxamed Xasan Looyaan shirkooda wax uu soo kardhinaa majiraan.

    ReplyDelete
  11. Garaad mar kale salaan sare. Qoraalkan waxaa kaa dhacay gaf weyn. Waxaad qortay:

    "Hore waxaa Addis Ababa ku kulmay, Wasiirka Madaxtooyada, Faarax Cabdulqaadir iyo Madaxwweynaha Jubaland ee lagu doortay shirka Kismaayo, Axmed Maxamed Islaan".

    Waxaad qirtay Madaxweynenimada Axmed-Madoobe iyo jirataanka maamul-goboleedka Jubaland.

    Waxaad ka cadhaysiisay Madaxweyneyaashii kale ee Jubbaland iyo dadkii diiddanaa jiritaanka maamul-goboleedka Jubaland sida dowladda federalka.

    Raalligalin taas ma ka bixin doontaa? Mise waa la isla qaatay in sidaas odayga iyo maamulkiisa lagu barakeeyo?

    ReplyDelete
  12. Yusufow, hadaadba kadartay saaxiib.

    ReplyDelete
  13. Muden Yusuf Garaad Aad bad Umahadsantahay , xogta fiican oo aad Na la wadaagtay . waagad bbc-da jogtay maanta baad modaa inaad ka xuriyad badantahay .

    ReplyDelete
  14. Waa arin wanaagsan hadii ay isla gartaan in Kismaayo lagu heshiiyo, sidoo kale aniga waxa ila quman dhibaatada si loo yareeyo in dawladu aqoonsatao maamulka Axmed Madoobe mudo ku meel gaadh ah ka dibna shaqo loo diro oo ah in uu degmooyinka iyo gobolada kale oo dhiman ku soo celo gacanta dawlada sidaana uu kaga mid noqodo ismaamul Soomaalidu wada leedahay.
    waa isk cada hay oo wax loo wada dhan yahay meeja lama keeni karo marna laakiin waa in xaqiiqada loo dhawaadaa

    ReplyDelete
  15. sxb yuusuf waad mahadsantahay

    ReplyDelete
  16. Garaad aad bad ku mahadsantahay qormooyinka is daba yaal ee aad kaga hadasho mar arintaa taagan. Wada hadalada la filayo inay isku arkaan madaxweyne Xasan iyo abaabulayaashi shirkii ku qabsoomay Kismaayo oo lagu soo dhisay Jubbaland State. Waxaan rajaynayaa in is afgarad iyo heshiis uu ka gaari doonaan howlaha cakiran ee Jubaland. Madaxweynuhuna uu aqoonsan doono sharciyada ay Jubaland ku dhisan taahy.

    Mahadsanidin

    ReplyDelete
  17. Yusuf Garaad, Mahadsanid

    Hal mid ayaan hubaa Yuusufow oo waliba qoraalkaagan uu qiray, taasoo ah inta aan gudaha isku khilaafsanahay oo qolo walba usocoto in qoladda kale ay muquuniyaan, Shisheeyuhu inuu naga faa'iidaysan doono, suu rabana noo maamuli doono. Hadaan rabno inaan Dawladd dhisano iskana saarno Kampala, Addis Ababa iyo Nairobi waa inaan dhexdeena ka heshiina, hadii kale qoloba mar bay soo kaxaysan doonaan Gaaladaas.
    Waxaan rajaynayaa Qoraalka kan xiga inuu noqon doono Shabeeladda Hoose iyo say wax u dhaceen maadaama aad Muqdisho wax badan kala socoto.
    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  18. Sida aan warka ku helay, wafdi ka kooban saddex mas’uul oo shirka Kismaayo wax ka waday, oo xalay u amba bixi lahaa Kampala ayaa hakaday. Wafdigaas waxaa qorshahoodu ahaa in ay la kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya. Laakiin waxay Duhurnimadaan Axadda ah weli ku sugan yihiin Nairobi.

    ReplyDelete
  19. Yusufkii wariyaha ahaa, wuxu tababaray yusufka siyaasiga noqday.
    Walalkeen yusuf, waa nin aad ugu fiican qoraalka af-somaaliga sidii uu awalba ugu fiicnaa ku hadalkiisa markii uu idaacada BBCda ka hadli jiray. Waxaase waagii hore codkiisii, iyo eegaba qoraaladaiisa laga fahmaa cida uu dursan yahay, iyo cidii uu taageersan yahay kolkaad hadalkiisa dhuuxdo. Soomalidu dhaqan ahaan waxaan lahaan jiray inaan sarbeeb wax isugu sheegno. Inkastooy taasi yaraatay, hadana yusuf aad buu u isticmaala. Sidaasi darted way ku adagtahay in dad badani fahmaan ujeedadiisa.
    Labadiisii qoraal ee ugu danbaysaad ka dhex helaysaa taageeridiisa iyo kasoo horjeedkiisa.soo qaado ciidanka caaboon ee Somaliland iyo sida uu uga hadalay uguna digay dawlada madaxwayne Xasan inay ka digtoonaato nimankaa culculus. Bal fiiri kuwa Jubaland uga qayb galaya wadahadalka kama liitaan kuwa kale. Waliba kuwanaa ka caaboon maxaa yeelay , midu waa ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaliya, midna waa aqoon yahan labo PhD haysta, soona noqday wasiirul difaac dalka Soomalia. kan kalana waa rug cadaa kasoo shaqeeyay amaanka dalka Soomalia. iska daa inuu uga digo dawlada Soomalia nimankan culculuse , wuxuu kutilmaamay qoraalkiisii July 4 in nimankani oon aqoon ulahayn siyaasada badaha looga talaabo, ay kaga badiyeen dawlada siyaasada wadamada dariska ah.
    Waxa cad sida uu labada dhinac ukala taageersanyahay. Waana miduu xaq u leeyhay. Laakin dadkii islaha yusuf kii hore ma aha ayaa fajacsan.kuwaa waxan leeyahay. Akhrista gabaygan uu tiriyay alaha u naxariistee Qaryaankii waynaa ee Soomaliyeed Dhoodaan wuxuu yidhi,
    Margi balaqa Awrkii hogaan lagu makaabeeyay
    Ka xidhiidhka laysugu mare daba mushaaxaaya
    Talaabadiyo miisaanka socod ways matalayaane
    Oo geelii mildhaawuhu qabtee didayay maagtii
    Miyir weynkii baa loo dumiyo neefka muuqa lehe
    Maah-maahdu saasay ahayd waadna maqasheene
    Marmaroor tusyaa iyo jidkii toosan mariyaaba
    Siduu ula macaamilan jiriyo maamulkuu barayay
    Ardaygu meelo wuu uga ekaan macalinkiisii
    Sidaasi darteed, yuusuf nin walowba saad u fahanto uqaado hadalkiisa. Wuxuuse inagu soo siyaaday meel aynu isku dhaafsano kala duwanaanshaheena halkii waagii hore aynu gacanta kawada hadli jiray oo burbur sababtay. Waxaanse shaqsiyan jeclaan lahaa inaad yusfow saaxiib samaysato tafatire kaa ilaaliya meelaha aad qoraaladaada ka ilduufaysid ileen ibnu aadam baynu wadanahay.
    Waxan kusoo koobayaa in ilaahay wax khayr qaba kazoo saaro wadahadalkasta oo Soomali danteeda kusaabsan meeshii uu dooniba haka dhacee.

    mahadasanid yusufow ina aabo.

    ReplyDelete