Total Pageviews

Friday 16 August 2013

Fursad Xalka Kismaayo


Wadahadal hor leh
Inqaasta Yusuf-Garaad

Magaalada Addis Ababa ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ku kulmaan Madax matalaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madax ka socda Maamulka Jubba ee dhowaan looga dhawaaqay Kismaayo.

Waxay labada dhinacba u tahay fursad ay uga gudbi karaan ismari waaga hadda taagan oo aan Soomaali dani ugu jirin.

Ma ogi in labada dhinac midkood ama labadaba ay wax iska beddeleen mowqifyadoodii hore oo ay hadda diyaar u yihiin tanaasul. Laakiin culeyksa labada dhinacba haysta marka la fiiriyo rajo ayaa iiga muuqata in ay gaari karaan heshiis.

Dowladda Federaalka waxaa cod gaaban iyo mid dheerba loogu sheegay in aan Dowlad kale iyo maamul goboleed midkoodna ku haysan dalkeeda. In diyaar loola yahay in Dekedda iyo Gegida dayaaradaha lagu wareejinayo. In iyada looga dambeynayo xal u helidda mushkiladda.

Laakiin xaaladda guduhu sidaa wey ka duwan tahay. Magaalada waa lagu dagaallamay, waxayna gacanta u gashay kooxdii ay dowladda kala ra’yiga duwaanaayeen.  Heshiis lagama gaarin dagaalkii. Markaa ma muuqato si ay dowladdu isaga soo magacaabi karto Maareeyayaal aan taageero ka haysan degaanka.

Markaa wixii ay dowladdu dalbatay oo ahaa in kaabadahaas dhaqaale lagu soo wareejiyo, isla markaana ay ku guuleysatay in laga oggolaado, ayaa hadda xujo ku noqonaya haddaysan heshiis la gaarin ciidanka magaalada fadhiya ee Soomaalida ah iyo Madaxdooda.

Dhinaca Kismaayo waxaa hor yaalla in Shirkii muddada dheer socday, ee ergooyinka boqollaalka ahi ay ka qeyb galeen natiijada keliya ee ilaa iyo hadda laga hayaa ay tahay in lagu dhawaaqay magaca Jubbaland iyo in Madaxweyne loo doortay.

Laakiin Madaxweynaha waxaa u suurta geli la’ in uu soo dhiso maamul buuxa. Xitaa isaga xaflad caleema saar ah looma dhigin. Waxaa uga darnaaday oo xujo ku noqday, dagaal, dacwadda iyo wadahadalka kala dhexeeya Dowladda Federeaalka ah.

Waxaa intaa dheer in labada dhinacba ay khibrad qiimo badan ku kacday ay ka heleen dadkii dagaalka Kismaayo ku dhintay oo labada dhinacba ay mas’uuliyad ka saaran tahay.

Markaa labada dhinacba waxaa cad in ay isu baahan yihiin in ay hore u tallaabsadaan, tallaabada koowaadna ay tahay in ay gaaraan is af garad.

Haddii wadahadalku qabsoomo, waxaan rajeynayaa in kulanka la filayo in uu ka dhaco Addis Ababa uu noqdo mid baajiya dhiig dambe oo ku daata Kismaayo. Mid maamul goboleedka Jubba u suurta geliya in uu dhammaystirmo noqdana mid bulshada degaanka Jubbooyinku ay raalli ka yihiin. Inteenna kale ee daneyneysana noo suurta geliya in aan u dalxiis tegi karno dhulka iyo xeebaha quruxda badan ee Waamo.

Mid dowaldda Federaalka u gacan banneeya in ay culeyska saarto ammaanka Muqdisho,  iska caabbinta Shabaab oo dhaallatus ka bixi la', dhammaystirka u diyaar garowga shirka Brussels iyo kan New York iyo in ay wada xaajood la furto Puntland, si looga gudbo khilaafka meeshii uu gaari karay gaaray ee kala dhexeeya Garowe, loona meel mariyo isku shaandheynta saacaddii kow iyo tobnaad lala noqday ee lagu sameyn lahaa Golaha Wasiirrada.

5 comments:

  1. wadahadal haday Dowladu wax ku xalin Muqdisho ayay ku nabadayn lahayd.

    ReplyDelete
  2. Salaan sare mudane Garaad. Waxaan ku weydiiyay ma xil baad ka qalqaalsanaysaa isku shaandhaynta la filayo mise jagaad ka rabtaa maamulka Jubbaland waa adiga nabadda rajaynayee?

    Waxaan su'aashan kuu weydiiyay waa kaftan. Waayo wax walba ood ka hadashid dad baa su'aashaas ku weydiiya?

    Sxb dadkaas dhag jalaq ha u siinnin, hana ka caajisin inaad nala wadaagtid aragtiyadaada iyo qoraaladaada xiisaha badan.

    ReplyDelete
  3. Dekeda kismaaYo kama Duwana Tan
    Berbera iYo Bosaso SuurTo Galna
    Ma ahan in iYada kaliya isha lagu
    Hayo, siyaasad ahaan Meesha mamul
    ba ka dhisan oo la mid ah puntLand
    iYo Somaliland, Go'aan dibad kasoo
    baxeyna ma ahan mid meel maraYa
    waxeyna sheekadu ku danbeyn markasta
    Fashil, iYo in wakhTiga La Iska qaado

    ReplyDelete
  4. Yusuf waa kun salamay runti talooyinka aad bixinayso waa dhaxalgal waana talooyin wax tari kara shacabka Soomaaliyeed waxaan Illaah ka baryayaa in Illah ku anfaco Dhinacyada aad talada u jeedineyso.

    ReplyDelete
  5. A/c yuusuf garaad waa ku salaamay
    salaan ka dib fikrad ayaan wataa waayo aniga webkaga aad ayaan u arriistaa
    habay webka ama aan ku habayno Riix Halkaan
    sidaan u aragto nagshada blog http://wadanionline.blogspot.nl/
    Email:info@wadaninews.net

    ReplyDelete