Total Pageviews

Sunday 19 July 2015

Cabdikarin - Weriye Xirfaddiisa ku Kalsoon

Weriye Cabdikariin Aden Xuseen (Ogeysiis) waa nin shaqadiisa ku kalsoon. Waxay ahayd 1985 markii uu ku soo biiray Radio Muqdisho isaga oo arday ka ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Ka hor inta aanuu ka qalin jebin Waaxda Kobiyuutarrada ee Kulliyadda Injineerinka, wuxuu ku soo caan baxay barnaamijka Ogeysiiska oo uu idaacadda ka akhrin jiray, kaas oo magac u noqday.

Mararka qaar isaga oo xiriirinta haya aniguna aan warka akhriyay ayaan ka wada rawixi jirnay Radio Muqdisho inta aan soo deminno saqda dhexe habeenkii markaas ayaan u hoyan jirnay guryaha Gahayr ee ardayda Jaamacadda annaga oo subixiina fasal na sugayo.

Cabdikariin Jaamacdda wuu ka qalin jebiyay. Waa Injineer. Dalka wuu ka qaxay, khibrad soo kororsaday oo la soo shaqeeyay Idaacado qalaad aakhirkiina wuu soo laabtay. Wuxuu hadda ka shaqeeyaa isla Radio Muqdisho,  SNTV, Wargeyska iyo Barta Internetka.

Dadka noocaas ah ee shaqadooda yaqaan, khibradda leh, afka gaaban, kuna kalsoon shaqadooda waxaa habboon in lagu tixgeliyo, la dhiirri geliyo, mar walbana ay madaxdu xusto si loogu daydo. Waxay mudan yihiin in la qiro waxqabadkooda iyo waddaniyaddooda. Waxay mudan yihiin in fursadaha intaa lala garab marayo wax laga siiyo. Waxay mudan yihiin in xaqooda la iska ilaaliyo.

Hey’ad kasta wey ka jiraan dad sharaf leh oo noocaas ah. Xataa warfaafinta waxaa jooga dad Eng. Cabdikariin uga soo horreeyay welina ka shaqeeya oo kow iyo laba aan ahayn. Waxaa ka mid ah Cabdi Xaaji Gobdoon, Sheegow, Cabdirisaaq Bahlaawi, Maryan Maslax, Mukhtaar, Ciise Faarax, Maxamuud Cali Guuleed, Qoryooleey iyo qaar kale oo badan. Qaarkood way ka fariisteen shaqooyinka laakiin shaqaalaha hadda jooga ayay khibrad u kordhiyaan qaarna waa Madax.

Shaqaalaha kaa khibradda iyo aqoonta badan haddii aadan ku tixgelin, adiguna khibradda aad hadda dhiseyso ogow tixgelin iyo qaddarin la’aan in ay ku danbeyn doonto.


Cabdikariin iyo dadka la midka ah waxaan leeyahay hambalyo. Akhristow, adiga maxay kula tahay?

6 comments:

  1. Fadlan aragtidaada halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Waa u adeege qaran oo mudan in lagu sharfo shaqada uu qaranka u haayo waan ku faaneynaa shaqsi qaranka u adeega sida C.Kariim Ogeysiis oo kale.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waa dhab iney jiraan dad badan oo noocaas ah iney dalka ka buuxaan, balse aawey dadki kuwaas xasuusan lahaaa

      Delete
  3. Waxaa ila qurux badan in loo sameeyo xaflad sanadeed lagu amaano laguna gudonsiiyo billado si ay u dhiirigaliso inta u adeegta shacabka iyo dalka loona muujiyo mahad celin iyo ixtiraam

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waan kugu raacsanahay runtii waa ra'iyi aad u wanaagsan haddii lasameyn karo.waayo qofka shaqsiga haddii aad rabto inuu mira dhal noqdo waa inuu guubaabo ama dhiirigelin ka helaa goobta uu adeega ka fulinayo. laakiin waxaan moodaa in dayac badan jiro oo aan warba la isu heyn.

      Delete
  4. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete