Total Pageviews

Wednesday 1 July 2015

Soohdinta Badda Soomaaliya iyo Kenya


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo Baarlamaanka Soomaaliya la hadlay Talaado 30-ka Juun 2015, ayaa soo hadal qaaday soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Radio Muqdisho oo qoraal ahaan u soo gudbiyay sidan ayuu u dhigay:

Mudane Xasan Madaxwaynaha dalka  oo ka hadlayey muranka  u dhexeeya dowladda  Soomaaliya iyo Kenya  ee ku aadanka   xadka  dhinaca badda ah oo ay wadagaan labada dal ayaa tilmaamay in  dowladda Soomaaliya ay dacwo ka  gudbisay arrintaasi  ayna  tallo dacwadaasi maxkamadda Cadaaladda Aduunka .

“Dowladda Soomaaliya mowqif cad ayay iska taagtay arinta ku saabsan xuduuda badda waa nala ku cadaadiyay waa nala ku cabsi geliyay dhinaca walba ayaa nalaga tusay si aan uga aamusno oo aan ka gaabsano shirar badan ayaa ka yeelanay  waa la isku fahmi waayay sidaa darted kiiska waa loo gudbiyay maxkamadda cadaaladda Aduunka”, ayuu markale yiri Mudane Xasan.

Hadalkani wuxuu jawaab dadban u ahaa hadal ka soo yeeray dowladda Kenya maalin ka hor, oo isla Talaado lagu qoray Wargeyska Business Daily.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Kenya, Amina Mohamed, waxay u sheegtay Baarlamaanka Kenya in ay Dowladda Soomaaliya ka heshay ballanqaad muujineya in ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay la soo noqoto dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ku saabsan muranka soohdinta badda, si khilaafka looga dhammeeyo meel aan maxkamad ahayn.
Siddeed goobood oo ay Kenya shaacisay in shidaal laga baaro oo ay qaar heshiis kula gashay sharikado, 7 ka mid ahi waxay ku yaallaan badda lagu muransan yahay. Mid keliya ayaa ah badda loo aqoonsan yahay Kenya.
Fadlan aragtidaada ku saabsan khilaafkan ku reeb qeybta hoose ee isla boggan.

13 comments:

  1. The somali foreign minister should publicly respond to this claim made by the Kenyan foreign minister and reassure the public that the somali government has no intention of recalling the case from international court. Very hard to trust this government after making so many secret deals that are detrimental to the nterest and the well being of the somali people.

    ReplyDelete
  2. badaan ninkii gatay ayaa wadanka Raizul wasaare ka ah in dacwadaas lalaabashadeedu dhab noqotana iguma noqoneeyso lama filaan.
    lkn taloow maxey sameeyn doonaan Barlamanka Somaliya oo waayihii danbe fir fircooni ka muuqatay?

    ReplyDelete
  3. Aniga waxa ey ilatahay inaan laga harin waayo Somalia Allah mar uun wuu hagaajin doonaa. Midakale Somali dad ayaa kuxumeen usiinayo kenya iyo dalal lamid ah wadan keena lkn nasiib daro dad wadaniyad kujirto wadanka mahaayaan mida kale Soomaaliyeey qabiil inaad isku dishaan waad caadeysateen lkn wadankiinii inaad bixisaan hacaadeysanina
    Mahadsanidiin

    ReplyDelete
  4. Asc ani dhihi lahaa kenya rag soojeedo madhici karto yasan isku dayin rag soo jedo ineey dhacdo

    ReplyDelete
  5. Baarlamaanka Soomaaliya waa inay mooshin ka keenaan inaan badda Soomaaliya cidna lagala xaajoon Karin. ICC maxaa dacwad loogu oo murankaba keenay in badda SOomaaliya la geliyo. Waxay ila tahay madaxda far baa ku godan.

    ReplyDelete
  6. I dont understand why president Hasan rushed to the assembly after the newsheadline, without consulting with his PM and FM? It seems he is alone to the case?

    ReplyDelete
  7. Dawladii kacankii siyaad bare waxay ka hadli jirtay hadii uu dhaco muran xaga soohdinta ah bad iyo dhulka ama bariga marka aniga waxy ila tahay waa in hada laga wada hadla dhulka waqooyi bari ee ay dagto somalida waa mahadsantahay yusuf garaad cumar

    ReplyDelete
  8. niga waxa ey ilatahay inaan laga harin waayo Somalia Allah mar uun wuu hagaajin doonaa. Midakale Somali dad ayaa kuxumeen usiinayo kenya iyo dalal lamid ah wadan keena lkn nasiib daro dad wadaniyad kujirto wali way joogaan mida kale Soomaaliyeey qabiil inaad isku dishaan waad caadeysateen lkn wadankiinii inaad bixisaan hacaadeysanina jiritaankiina baa ku jireee
    Mahadsanidiin

    ReplyDelete
  9. If the claim of the Kenyan foreign minister is true, then this is going to be a huge set back for Somalia.This will also show the incompetency of the current government of Somalia in its dealing with external actors, and the risks its poses to the national interest of Somalia.

    ReplyDelete
  10. kheyraadku waa nimco ilaahey ku galadaystay adoomahiisa marka Madaxdeenu laba mid ha samayso kheyraadka wadanka ha inooga faaideyso ama cidii dadkeeda uga faaideyneysa ha udeyso...
    looma baahna isaaqad maanacnimo

    ReplyDelete
  11. kheyraadku waa nimco ilaahey ku galadaystay adoomahiisa marka Madaxdeenu laba mid ha samayso kheyraadka wadanka ha inooga faaideyso ama cidii dadkeeda uga faaideyneysa ha udeyso...
    looma baahna isaaqad maanacnimo

    ReplyDelete
  12. Walaahi waxaa dhibaato ah doqonimo iyo midlaga xumadana ah in inta dhulkeeni laqaatay misna lagu darsanayo badeeni doowladana ayada ayaa lagarabaa inaay arinkaas meel saaraan

    ReplyDelete
  13. Waxaad moodaa in dalka uu faraha kasii baxayo, Dhowladaha aduunka Qaar kamid ah ayaa kenya howsha lawado. Si kastaba ha ahaato Dalku malaha awood ciidan oo hadda kadifaaca Bahallada dariska nala ah, lkn Hadalka, iyo Qeyla dhaanta yaa lajoojin, iyo cid kasta oo laakaashan karo arrinta badda iyo arrimo kale oo badan. Maxaa yeelay dalka hadda waxaa lookala Qeb qeybinayaa Gobollo iyo Dagmooyin si loo waayo awood mideysan oo ay Somaalidu yeelato.

    Sheekada waxa ay u egtahay 3 dii dibi ee uu Dhurwaaga midba mar uu cunay kadibna uu dibigii udanbeeyay uu kucalaacaly "Waxaa laycunay markii dibiga caddaa lacunay".

    ReplyDelete