Total Pageviews

Saturday 27 June 2015

Cadaado Fari kama Qodna


Hambalyo Cali Gacal Casir oo maanta Cadaado loogu doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Wuxuu ka guuleystay Cabdullaahi Maalin Gaafow, oo isagana aan u hambalyeynayo dadaalka uu muujiyay iyo in uu meesha keenay tartan aan wax la isula harin. Gaafow sababta kale oo aan ugu hambalyeynayo waxaan soo maray xanuunka guuldarrada doorashada.

Waa sir aan qarsooneyn in murashixiinta Madaxweyne ee Gobollada Dhexe iyo dadka geed fadhiga u ahi ay la kala safnaayeen Casir iyo Gaafow.

Waa dhab in doorashada Cali Gacal Casir ay dharbaaxo siyaasadeed ku tahay murashaxa Madaxweyne ee ugu tunka weyn inta Gaafow taageertay. Iyo murashaxaas inta xulafada la ah ee Cadaado iyo Muqdisho fadhiya oo qaarkood ay aad u miisaan culus yihiin. Waana laga yaabaa in ay dharbaaxadaas ka soo waaqsan waayaan, inkasta oo aan dharbaaxo keliya loo dhiman.

Laakiin macnaheedu ma ahan in taratanku uu dhammaaday ama natiijada aan maanta aragnay ay tilmaan sugan u tahay waxa soo socda.

Dadka qaar waxay u haystaan in maaddaama guushu ay raacday Cali Gacal Casir ay tahay in doorashada Madaxaweynaha uu ku guuleysan doono Axmed oo isaga taageeray.

Waa laga yaabaa in ay sidaas u dhacdo, laakiin haddana ma jirto wax diiddan in aan cagsigeeda aragno.

Xisaab iyo Siyaasad

Xisaabta marka laba lagu daro laba waa afar, sababta oo ah waa cilmi ku saleysan xaqiiqada iyo run.

Laakiin siyaasadda, siiba tan Soomaaliya, marka laba lagu daro laba, in la qiyaaso ma ahane ma jiro qof si hubanti ah u sheegi kara natiijadu waxay noqoneyso.

Waayo waxaa lagu sii darayaa ama laga jarayaa, lagu dhufanayaa ama loo qeybinayaa waxyaabo badan oo aan la cabbiri karin, oo qaarkood yihiin ilu-ma-qabato. Waxay  ku xiran tahay Allah ka cabsiga, daacadnimada, awoodda iyo sharci dhowridda shakhsiyaadka shaxda dhigtay.

Dadka qaar waxay adeegsadaan ballanqaad been ah, mid run ah laakiin sharci darro ah, khiyaamo, laaluush iyo wax kasta oo laga dhowrsado iyo xataa xarig ama dil haddii ay ku kallifto. Waxaa kale oo farsamooyinka ka mid ah isku dir iyo in been laga faafiyo murashax kale. 

Dadka qaarna ayaga oo si sharci ah u dhaqmaya ayay laba laabaan dadaalkooda ololaha.

Intaas oo dhan waxaa dheer ajnebi iyo Soomaali aan doorashadu toos u khuseyn laakiin ay saameyn ku yeelan karto oo meesha ka adeeganaya.

Kenya 2004

Waxaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u tartamay Shariif Xasan Shiikh Adan iyo Shiikh Adan Madoobe. Murashax Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf wuxuu taageersanaa Adan Madoobe.

Madaxweyne Cabdiqaasim oo qudhiisu ahaa murashax iyo murashaxiin kale oo badan way ka soo horjeedeen Shiikh Adan Madoobe oo waxay dhisayeen Shariif Xasan oo ku guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Nin aan telefoonka kula hadlay oo safaarad muhiim ah ka tirsanaa wuxuu habeenkaas ii sheegay in Madaxweyne laga sugayo dhinaca ku guuleystay Baarlamaanka.

Markii la isugu yimid garoonka Kasarani oo aan goobjoog ka ahaa, waxaa dhacday sidii ay dadka qaar filayeen cagsigeeda.

Cabdullaahi Yusuf Axmed, oo isaga murashixiisii Baarlamaanka hore looga guuleystay, ayaa soo laba kacleeyay oo ku guuleystay Madaxweyne.

Marka tartanku weli wuu furan yahay oo Cadaado fari kama qodna.

13 comments:

  1. Fadlan aragtidaada halkan ku reeb.

    ReplyDelete
    Replies
    1. inkastoo aanan gobaladaas ka soo jeedin, hadana waxaan aad u soo dhaweynayaa doorashadaas lagu doortay 3 gudoomiye baarlamaan.
      waxaan sidoo kale bogaadin u dirayaa dadka gobaladaas gaar ahaan dadka howsha maamul u sameenta wada, oo runtii ah arin ku dayasho mudan.
      wana maamulkii ugu horeeyay ee sidaas quruxda badan loo dhisay.

      lakin gudoonkaas cusub aragtideeda dhabar jab kuma ahan Abdikariim & kooxdiisa DAMJADIID, sabab too ah waxa wax dooranayaao ma ahan 3 nin ee gudoonka loo doortay ee waxa wax dooranaayo waa 60 iyo dhowr ka xildhibaan ee la xulay goor sii horesay.marka wali chance ayey heestaan oo lagu dooran karo, walow aan aniga rabin in la doortoo DAMJADIID wax ku abtirsada.

      Delete
  2. Marka hambalyo mudane gacal oo ku guuleystay madaxa gudoomiyaha barlamaanka.
    Koley waxey ila tahay guul gooni ah waxey u tahay aal sheikh iyo xulifadooda laakin waxan mesha ka marneyn in siyaasada somalia tahay mid noocyo iyo wajiyada badan. Kheyrka halku ku jirana allaha na waafajiyo

    ReplyDelete
  3. Ustaad Yusuf waa ku salaamay marka hore , rayigayga xalada Galmudug doorashadeeda, waxaan isleeyahay saadaasheeda ma sahlana gacmaha farahabadan ee dharigaas karinaya waxayna iigu muuqataa hadaan soo gura waa xaabo, maadaama ay badanyihiin awooddaha muuqda lugjiidka ku haya , iyo cadkaanow ama ku cunay ama ku ciideeyayda dhaqanka siyaasada somalida, ahmedyada waa badan yihiin mana fahmin ma midka gaalkacyo, mase ka guriceel kuu rabo ha naqdee,iima muuqato rajo ay ku yimaadan bulshadase ayagay dantoodu ku jiri lahayd, oo xamar waxaa loola sinaan lahaa maamulada kale ee jira ama dhalandoona, hadii musharaxa dawladu guulaysto ma hubo in fadhigiisa rasmigaa noqondoono galmudug ee waxaan ka baqayaa in galmudug noqoto warqad aqoonsi oo qof jeebkeed ku jirta, waase loo joogaa

    ReplyDelete
  4. Way na kaa haddaba wayna kaa

    ReplyDelete
  5. Qofkii garan waaya ahmedka uu yusuf shegay ha u qaato hadba midka isaga kula haboon qabashada xilka sida aniguba aan ugu qaatay ahmed abdisalaan anigoo dareemaya I fiqi laga wado..

    Qabyaladu xumaa ilaahow iga saar..

    ReplyDelete
  6. Qofkii garan waaya ahmedka uu yusuf shegay ha u qaato hadba midka isaga kula haboon qabashada xilka sida aniguba aan ugu qaatay ahmed abdisalaan anigoo dareemaya I fiqi laga wado..

    Qabyaladu xumaa ilaahow iga saar..

    ReplyDelete
  7. We need to destroy the fuck federal. we are one people

    ReplyDelete
  8. QIYAASTYDA Somaliya tar tan kasta waa lacag waxaana aaminsanahay cadaado ninkii lacag badiyaa madax weyne noqonaaya Dhagajuun ama Axmed ayeyna u badan tahay

    ReplyDelete
  9. QIYAASTYDA Somaliya tar tan kasta waa lacag waxaana aaminsanahay cadaado ninkii lacag badiyaa madax weyne noqonaaya Dhagajuun ama Axmed ayeyna u badan tahay

    ReplyDelete
  10. run ahantiy Yusuf garaad lama qayasi karo sheekada ka socota gobalada dhexe waa kubad miis saaran hadba meel u jelacda

    ReplyDelete