Total Pageviews

Friday 26 June 2015

AUN Cabdulqaadir Xaaji Maxamed


Cabdulqaadir Xaaji Maxamed  ninka ugu sokeeya
Allah ha u naxariisto Cabdulqaadir Xaaji Maxamed oo shalay ku geeriyooday London. In badan kama aqaan, laakiin mar iyo laba aan shaqo isugu nimid waxaa iiga muuqatay in uu yahay nin aruursan, afgaaban, daacad ah, iskuna kalsoon.

Madaxa Radio Muqdisho ayaa mar ii xil saaray in aan wareysi ka soo qaado dhammaan xubnaha Guddiga Dabargoynta Qaadka oo ay ka mid ahaayeen Wasiirro iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska.

Waxaan ka billaabay Cabdulqaadir Xaaji Maxamed oo ahaa Guddoomiyaha Guddiga. Ballan ka dib, markii aan ugu tegey Xafiiskiisa oo ku yaallay Guriga Ummadda, waa dhismaha  uu hadda Baarlamaanku fariisto, wuxuu Cabdulqaadir i weydiiyay su’aalaha aan wataa nooca ay yihiin. Waxaan iri maxaad uga jeeddaa? Wuxuu yiri ma su’aalihii Radio Muqdisho baa mise waa su’aalo dhab ah oo xaqiiqada ka tarjumaya? 

Waxaan ku jawaabay waa kuwii Radio Muqdisho. Wuxuu yiri ma doonayo, ee waxaan kaa rabaa in aad i weydiiso su’aalaha ay dadku is weydiinayaan ee xaqiiqada ka tarjumaya. Waxaan u sheegay in aan u baahan ahay wakhti aan ku diyaariyo, markaas ayaan ballan kale ka soo qaatay.

Aakhirkii, wareysigii aan ka soo qaaday wuxuu noqday mid xiiso badan, oo dad aan saaxiibbo ahayn ay igula taliyeen “war wiilyahow lafahaaga ilaasho” oo ay ula jeedaan kacaanka ha ku dhiirran.

Laakiin Cabdulqaadir isaga ayaa iga dalbaday ee dhiirri iyo bareer midna igama ahayn. Sababta oo ah Madax Sare oo wax uun khalad qaadka la xiriira uu ku tuhunsanaa ayuu rabay in uu si sarbeeb ah u dareensiiyo in laga warqabo. 

Wuxuu igula taliyay in aan su’aalaha noocaas ah weydiiyo dhammaan xubnaha Guddiga. Sidii ayaan yeelay.Taas oo siddeetamaakii ahayd, mid aan looga baran inta badan madaxdii berigaas xilalka haysay. Xubnaha Guddiga Dabargoynta qaadka ee aan wareysiyada ka soo qaaday waxaa ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cumar Jees, Wasiirka Tacliinta Sare, Cabdisalaan Shiikh Xuseen iyo Taliyaha Booliiska, Adan Cabdullaahi Xersi.

Allah ha u naxariisto.

4 comments:

  1. ALLAAH ha u naxariisto Cabdulqadir Xaaji Masale I was in high school, markuu wasiirka ahaa, burburkii Soomaliyana Kenya ayaan wada joogay, nin very Hamble ah ayuu iila ekaa intaan ka aqaanay.
    انا لله وانا اليه راجعون
    ALLAAH qabriga ha uwaadiciyo jannadiisa Fardowza na ha geeyo.
    Mahadsanid Yuusuf Garaad.
    Amiin.

    ReplyDelete
  2. ALLAH HA U NAXARIISTO MARXUUMKA, TILMAAM WANAAGSAN AYAAD KA IFTIIMISAY SAMMI YUSUF.

    ReplyDelete
  3. Ruux waliba maalin ayuu iilan waxaase muhim ah taariikhda uu ka tago. Sifooyinka urursanaanta, af gaabanida, daacadnimada, iyo isku kalsoonida aad ku tilmaantay ruuxa kulansada waa xul aan bulshada ku badnayn ee ALLAH ha u naxariisto C/Qaadir X. M. Masalle.

    ReplyDelete