World Economic Fourm Africa (sawir hore) |
MasterCard
ayaa maanta ku dhawaaqday in ay heshiis la gashay Premier Bank oo ah Banki
Soomaaliyeed, oo bixinaya MasterCard, oo lacag lagula bixi karo waxna
looga iibsan karo dalka gudihiisa, dibaddiisa iyo weliba Online.
Shirka
Dhaqaalaha Adduunka oo Afrika diiradda saaraya oo ka socda magaalada Cape Town
ee dalka Koofur Afrika ayuu MasterCard ka sheegay in ay Premier Bank la qaateen
wadahadal muddo socday.
Madaxa
Afrika ee MasterCard, Daniel Monehin, ayaa sheegay in Premier Bank uu yahay
Banki si xirfadeysan loo maamulo oo buuxiyay dhammaan shuruudaha lagu
horistaago u raadgadidda lacagta iyo kuwa macaamilaqoonta. 5000 oo MasterCard
ayaa lagu wadaa in uu sannadkan bixiyo Premier Bank.
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdiraxmaan
Caynte, oo ka qeyb gelaya shirka ayaa ku tilmaamay in maanta ay maalin
taariikhi ah. Astaanna waxay u tahay, ayuu yiri, madaxbannaanida
maaliyadeed ee Soomaaliya oo in badan ka caagganayd in ay ka qeyb qaadatao
dhaqaalaha adduunka. Hadalkaas waxaa Wasiirka ka soo xigtay Business Wire.
Soomaaliya,
maaddaama in badan laga hor taagnaa dhaqaalaha adduunka, si horumar dhaqaale oo
hanaqaada loo dhiirri geliyo, waxaa loo baahan yahay in la hirgeliyo nidaamka
electronic ahaan wax lagu kala iibsado si loola saanqaado hannaanka caalamiga
ah ee hubinta iyo xeerarka maaliyadda, ayuu yiri Daniel Monehin.
Agaasimaha
Maamula Premier Bank, Mahat Mohamed Ahmed, ayaa sheegay in ay hadda
macaamishooda u suurta gelin karaan in nidaan huban, qiima macquula ah ay dalka
gudihiisa iyo dibaddiisaba ay wax uga gataan [ayaga oo aan isticmaalin lacag
caddaan ah].
Premier
Bank waxaa ruqsadda siiyay xeerarkiisana uu u hoggaansan yahay Bankiga Dhexe ee
Soomaaliya. Ruqsaddiisa tirsigeedu waa 0011. Bankiga oo hadda laba laamood ku
leh Muqdisho, wuxuu qorsheynaa in uu laamo kale ka furo Muqdisho iyo
magaalooyin waaweyn oo dalka ah.
Idaacadaha
iyo wargeysyada ganacsiga iyo maaliyadda ee adduunka kuwa ugu waaweyn ayaa
maanta hadal haya MasterCard in uu gaaray Muqdisho.
Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay. Fadlan aragtidaada ila wadaag. Mahadsanid.
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeletewaa wax aad loogu farxo in manta MasterCard lagu isticmaalo gudaha wadanka somalia ayadoon ognahay wixii wadanku soo maray iyo heererka ganacsiga somalia soo maray waxaan aad ugu mahad celinaa ganacsatadii howshaan adag dhabarka saartay waxaan filaa in uu wax badan kusoo kurdhin doono dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha yusuf adna waad ku mahadsanahay war bixintaada.
ReplyDeleteAbdulkadir, weliba in lagu isticmaalayo gudaha dalka keliya ma ahan. Gudaha dalka ayaa laga bixinayaa.
DeleteWaa guul waxana rajeynayaa in hanaankan electronic ga ah uu ku baaho wadanka oo dhan
ReplyDeletemasha allah wa wax lagu farxo allaha nosiyadiyo hormarka iyo rajada dhow e muqata well done Premier Bank.
ReplyDeleteWaa tallaabo horay loo qaaday oo kurteen na farxad gelineysa. Yuusuf mahadsanid. Qoraalka weero qaar ayaanan fahmin. Ma igu caawineysaa inaad bal ii fasirto? Bilo ayaan dhex geliyay
ReplyDelete-Shirka Dhaqaalaha Adduunka oo Afrika diiradda saaraya oo ka socda magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika ayuu MasterCard ka sheegay in ay Premier Bank( la qaareen) wadahadal muddo socday.
-...si xirfadeysan loo maamulo oo buuxiyay dhammaan shuruudaha lagu horistaago u (raadgadidda lacagta iyo kuwa macaamilaqoonta. )
Meel kale 'nidaan huban' ayaa ku qoran. Ma qalad dharka qoraalka ah baa?
Sawirka hooostiisa meel baa 'bore' ku qoran. Malahayga 'hore' baad ula jeedday. Waad mahadsantahay.
*dhanka
DeleteShakir, su'aalo dhowr ah ayaad i weydiisay. U raadgadidda lacagta waxaan ka wadaa money laundering. Macaamilaqoonta waxaan ula jeeda know you customer. Hubal waa la hubo. Kuwo kale khaladdaad weeye qoraal, waana saxay. Aad baad u mahadsan tahay.
DeleteYusuf waad mahadsantahay walaal.
DeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteUstaad Yusuf: Waa sheeyy aad u wanaagsan oo mudan in lagu farxo. Laakiin aniga wali lugbaa ii laaban. Waxaan is leeyahay, madax banaani maaliyeed ma imaan karto inta lacagta la adeegsanayaa tahay mid qalaad. Madax banaani maaliyadeed oo dhab ah waxay imaaneysaa marka uu Sh.So. gunnimada ka baxo, ee uu noqdo lacagta looga adeegto gudaha dalka.
ReplyDeletelaakiiin xoogaa ma moodaa in ka badbadis ku jiro war bixinta
ReplyDeleteCabdishakuur, Sida maxay? Maxaa kuugu muuqda ka badbadis?
DeleteWay Fiicantahay Arrintaan Adduunku Hadda Electonic Ayaa Hawsha Fududeeya Waxaanse Yuusuf Garaadoow Ka Jeclaan Lahaa In Shilling Soomaali Debiyada Xamar LagaLa Baxo Halka Beddelkeeda Doolar Lagala Baxayo Waase Hadii Bangiga Dhexe & Lacag Cusub Oo La Daabaco Isla Saan Qaadaan Mahadsanid
Deleteyuusuf waxaad sheegtay in bankiga dhexe damaanad siiyey premiera bank hase ahaate bankiga dhexe ee soomaaliya wakhtiga hadda lagu jiro dhaqaalo mahaysto uu ku damaanad qaadi karo wixii dhib ah ee bankiga ka yimaada marka sidee ayey suurto gal u noqonaysaa wixii dhib timaada inuu xalilo mahadsanid
ReplyDeleteWaa waqti hore in la soo dhaweeyo waayo wadanku lacag sax ma lah bank dhexe oo shaqeeya malihin sicir ama rate market malihin marka waa hab lagu dhiig miiranayo shacabka somaliyed waana hubaa waa prepaid lagu dalacayo shilinba shilin ama high interest at least 70% marka laguna curyaaminayo habka xawaaladaha ama money wires system wadanku wax badan oo ka horeeya buu u baahan yahay
ReplyDeleteWaa horumar wanagsan aadbaana usoo dhawaynayaa madaxdii ka shaqaysay arintaani waxay abuuraysaa tartan xaga bankiyada somalida dhexdooda..
ReplyDeleteMAHADSANID YG
Haddii darbiyada aynu kala baxno dolar, oo mobilada aynu ku qaadano dolar, bank accounts keena kista noogu jirtaana ay noo ahaato dolar, so. sh.kiina uu ku jiro kiliya faraqa maamada caanaha gado, yuusufow ma u muuqanaa in aynu ku joogno wadadii guusha.?
ReplyDelete