Total Pageviews

Thursday 11 June 2015

Kufsi


Dhinac kasta oo aad u qaaddo kufsi waa dembi aad u culus. Waan ognahay in uu dalkeenna ka dhaco. Soomaali ayaa sameysa. Sidoo kale AMISOM ayaa mid foolxun ku eedeysan. 

Dowladdu waxay u dhowaan u digtay waxa ay ugu yeertay hey’ado ku qaraabta kufsiga oo ka been sheegaya. Dowladu ma sheegin hey’adda sidaa sameysay midda ay tahay.

Waxaa macnaheedu noqonayaa nooc ugu yaraan shaki gelin kara hey’adaha howshaas qabta. Haddii kale waxayba u fasiran karaan baqdin gelin iyo cagajugleyn. Dhinaca kale, hadalkan hanjabaad-ka-warqabka ahi ma dhiirri gelinayo gabadhii lagu xadgudbo in ay soo dacwooto.

Waxaa habboon in dhibbanayaasha kufsiga arrimahooda si xasaasi ah oo miyirqab ah loo eego, loo baaro, looga tashado aadna looga taxaddaro oo si xirfadeysan loogu soo bandhigo bulshada.

Hey’adaha iyo shakhsiyaadka geesiyaasha ah ee adeegga u fidiya dhibbanayaasha kufsigu, waa hey'ado bulshada u haya adeeg xasaasi ah oo aadminnimo. Waxay shacab iyo Dowladba naga mudan yihiin in kaalintooda la qiro, gacan lagu siiyo laguna dhiirri geliyo. Adeeggoodu waa mid ay ahayd in ay dowladdu fidiso hase yeeshee ay ka gaabisay.

Haddii uu qof ku dhex dhuunto oo been abuur sameyo, waa fal dambiyeed. Waa in isaga la qabto, caddeyn la keeno Maxkamadna lala tiigsado. Laakiin waa in aan la dhaamin sharafta kuwa kale, oo aan dhammaantood buste shaki ah la huwin.

3 comments:

  1. Dawlada Waxay kashikisabo waa shaacisa taasna waa fudeed iyo foojignaan la.aan aan loobahanayn waxkasta oo aad tihunkaqabta lamoosheega Dadka waxayna dhawac kutahay dadki aad kashilakiseen ama hay'adihi Oo hadi danbi laguwaayo shataftoodu aad wax udhimaysa marka salfudeedka wala fiicanayahay mahadsanid

    ReplyDelete
  2. Waa Qormo Fiican

    Waxaad tiri somalida ayaa samaysa (kufsiga) Amisom waa ku eedeysan tahay, malahayga cadayn uma haysid arinta amisom halka mida somali aad cadayn u haysid.
    hadiise aadan labadaba cadayn u ahayn maxaad isku luqad u isticmaali waysay mise qolada kale waa la iskaga daba imaanaa eedeyntooda. ARAGTIDAYDA

    MAHADSANID

    ReplyDelete
  3. Waa Qormo Fiican

    Waxaad tiri somalida ayaa samaysa (kufsiga) Amisom waa ku eedeysan tahay, malahayga cadayn uma haysid arinta amisom halka mida somali aad cadayn u haysid.
    hadiise aadan labadaba cadayn u ahayn maxaad isku luqad u isticmaali waysay mise qolada kale waa la iskaga daba imaanaa eedeyntooda. ARAGTIDAYDA

    MAHADSANID

    ReplyDelete