Waa Jimcadii u dambeysay Ramadan ka hor. Aan is xusuusinno in qof waliba uu keligiis si deggan isu xisaabiyo. Adiga oo aan qofna ku xumeyneyn, qofna iska dhicineyn, qofna is maqashiineyn, qofna ugu roonaaneyn. Keligaa isu warran.
Waxaa habboon in aan ka dhowrsanno aadanaha. In
aan isu axsaan falno, gaar ahaan, aan u axsaan falno Soomaalida faraha badan ee
saboolka ah, agoonta, waayeelka taakulada u baahan, qaxootiga iyo guud ahaan
dadkeenna Soomaaliyeed.
Qofka cibaadeysta iyo midka aan cibaadeysan, Ilaaheey ayay kala
dhexeysaa.
Midda na wada khuseysaa waa sida uu qofku ula dhaqmo inteenna kale. Kan
hantida dadweynaha qori ama qalin ku dhacaya, midka awoodda dowladda si
gurracan u adeegsanaya, kan shaqada loo diray dayacaya, midka aan ammaanada xafidin, midka u bareera in uu qof dilo, kan dilka amraya, midka fududeynaya iyo qof kasta oo mid kale waxyeelaya.
Waa xilli ay habboon tahay in uu qofku isagu is qabto oo joojiyo
xumafalka. Haddii uu samafal ku beddeli karana kaba sii wanaagsan.
Is wareyso oo si dhab ah isugu warran. Is xisaabi inta aan lagu xisaabin.
Mashaa allah waa isbararajin xag allah mahadsanid walal
ReplyDeleteIlaah hakaa abaal mariyo. Waa wacdi waagan iyo waano, dhiiri galinna eey dheertahay.
ReplyDeleteIlaahow Nacafi
ReplyDeleteJazaakalaah YG
Ilaahow Nacafi
ReplyDeleteJazaakalaah YG
masha allah waa arin aad u wanaagsan .........hadal qiimo badan baad soo qortay, ilaahay hakaa abaal mariyo intii wax ku qaadanaysa waad hoga tusaalaysay
ReplyDeleteWaan ogaa inaad qoraa tahay , laakiin inaad Sheekh wax wacdiya tahay ma ogayn , markaa waa arrimo wanaagsan waxyaabaha aad ka hadashay..
ReplyDeleteWaan ogaa inaad qoraa tahay , laakiin inaad Sheekh wax wacdiya tahay ma ogayn , markaa waa arrimo wanaagsan waxyaabaha aad ka hadashay..
ReplyDeleteMaasha Allah hadal qiime leh oo wakhti sax ku soo beegmay. Ilaahay ha inagu anfaco aad baan ugu baahan nahay haddaan somali nahay inaan wada noolaansheheena hagaajino.
ReplyDeleteMaasha Allah hadal qiime leh oo wakhti sax ku soo beegmay. Ilaahay ha inagu anfaco aad baan ugu baahan nahay haddaan somali nahay inaan wada noolaansheheena hagaajino.
ReplyDeleteWaa Qoraal ad uu qiimo badan wll
ReplyDeleteWaa xilli ay habboon tahay in uu qofku isagu is qabto oo joojiyo xumafalka. Haddii uu samafal ku beddeli karana kaba sii wanaagsan.
Is wareyso oo si dhab ah isugu warran. Is xisaabi inta aan lagu xisaabin.