Total Pageviews

Tuesday 2 June 2015

Taada ka Leexday ee Teyda ka Leexo


Marka shir shaqo la fadhiyo, waxaa habboon in su’aalo adag la iska weydiiyo ajendaha miiska saaran ee markaa la soo bandhigay. Waxaa habboon in su'aal kasta oo hadhow imaan karta hadda la is weydiiyo.

Khibradda maamulku waxay na bareysaa in ay habboon tahay in aan jawaabta loo aqbalin jawaab ahaan haddii aanay la socon caddeyn aan innaba mugdi ku jinin. Caddeyntu waa in ay ahaato mid meesha ka saarta shaki kasta oo laga qabi karo arrinta miiska saaran ee markaa la soo bandhigay.

Ayada oo aan xushmadda iyo qaddarinta laga tegin waa in sida Maxkamad la isu wareystaa. Marka si buuxda loogu qanco oo keliya ayay dow tahay in la meel mariyo qodobka.

Haddiise la isu cammiro oo ajendaha la meelmariyo iyada oo aan dhab looga fiirsan, loogana doodin, halis ayaa ka dhalan karta. 

Waxaa ka sii khatar badan marka sababta la isugu cammirayaa ay tahay munaafaqeyn, ma-daneyn, xishood ama baqdin.

Waxayse ugu khatar badan tahay marka cammiraaddu ay ku saleysan tahay wax kala iibsi – taada (yacni beentaada ama wax isdaba marintaada) ka leexday ee teyda ka leexo.

17 comments:

  1. Fadlan ra'yigaaga halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Yusu, maxaa hadda ka shaqeysataa? Just curious!!!

    ReplyDelete
    Replies
    1. I hope he answers your very good question.

      Delete
  3. Baaragaraafka ugu dambeeya ayaa aad iigu dhadhamay, Yusufow. Saaxib baan kala dooday, dabaggal iyo isla xisaabtan badan muxuunan uga muuqan hay'adaha dowladda. Suu yiri 'waa dad is og.' Isku cammiriddaa aad sheegtay hawlo badan ayay curyaamisaa, se waxaan is weydiiyay maxaa u dawo ah. Mahadsanid

    ReplyDelete
  4. Baaragaraafka ugu dambeeya ayaa aad iigu dhadhamay, Yusufow. Saaxib baan kala dooday, dabaggal iyo isla xisaabtan badan muxuunan uga muuqan hay'adaha dowladda. Suu yiri 'waa dad is og.' Isku cammiriddaa aad sheegtay hawlo badan ayay curyaamisaa, se waxaan is weydiiyay maxaa u dawo ah. Mahadsanid

    ReplyDelete
  5. Aaad iyo aad runta li sheega waxayba dawa utahay is aaminaad dhab ah

    ReplyDelete
  6. Yuusuf Kuwa Hoggaanka Ummada U Hayaa Ma Fahmayaan Arrintaas Intooda Badan Jawaabahoodu Waa Mid Sidaad Sheegtay Muraad Qunsi, Danaysi & Caadifadi Wehliso Aan se U Xaglinayn Danta Guud Loo Been Dhaartay Waana Midda Maantay Halkaan Naalo Ina Dhigtay Mahadsanid

    ReplyDelete
  7. "Xaajo haddii aan sidi sayn ari loo feydin ma fiyoobaato" ayay Soomaalidu tiraahda. Malahayga, ujeedka Yuusuf wuxuu daarran yahay siyaasiyiinta xilligan ee wadiiqada uu tilmaamay badiyaa ku socda.
    Dadka ka shaqeeya howl bulshada ka dhaxeysa waxay ku qasban yihiin inay dhinacyo badan wax ka qiimeeyaan waayeelnimona ku socdaa oo ay ogaadaan in waxyaabaha ay iyagu isku beddeshaan (ii codey aan kuu codeeyee) oo khiyaano ku jirto ay iyaga uuni ku ceeboobayaan. War hooy, taas ka hara adinkoo qudhiinnu isugu yeelaya. Dalka iyo dadkani way idinka soo harayaan kollaybase malahayga aakhira dan kamaba lihidiin e ayahiinna nololeed u tura.

    ReplyDelete
  8. Salan sare Garaad, warka in la cadeeyo waa sax laakiin sow lagama yaabo inay uga sii darto xaalka meesha uu hada marayo. Maxaad ku sifeen laheyd hada arinka Cadaado oo laba wajiileynta ugu weyne ka jirto? Tan kale sow lagama yaabo inaysan awood u laheyn waxa meesha ka socda.

    ReplyDelete
  9. Ra,yigaygu wuxuu yahay Run hadaan la sheegay beeni Raad ma leedahay?waxaa ii muuqanaysa , in Somalidu Siyaasada ka fahamsanyihiin qalad una yaqaaniin dhagar iyo wax is dabamarin, taas oo siyaasadu aad uga fogtahay , siyaasadu waa in ay ahaataa mid kulmida dhanaha dhinacyada, ayadoo run ah,ama wax la soo taaban karo ah, Ustaad Yusuf aniga waxaan u arkaa in ayan isku milmi karin dhaqanka raacatada iyo hanaan dawladeedka casriga,waan layaabaa markaan arko proof iyo ninka xoola dhaqada ah oo figrada ka siman, bulshooyinka aduunka maslaxada guud kow ah, anaga cagsigeeda maslaxada gaar ah kow ah, bulshadeena waxaad tahay doqon hadaadan danaysan, isku soo wada duuboo ,aan ku soo xiro xigmada abwaan gaariye haday dunida ceebtahay dulmi loo bareera docdayada ma libiqso....

    ReplyDelete
  10. Yusuf Mahadsanid, hadalkagu wuxu kuso gaba gabooba in isla xisabtan dhab ah lasameyo, hadi Hay'adaha dowladda sida baarlamanka iyo gudiyada kale ee ku lugta leh isla xisabtanka ay si dhab ah ushaqeyan, waxan aaminsanahy in isu camirida iyo is munafaqeyntuba ay mesha kabaxayso. Tnkle Yusuf hadan sual kuweydiyo madaneyn maxad ola jeeda ka erey ahan iyo jumlada uu kujiraba marka lo eego, Mhdsnd

    ReplyDelete
    Replies
    1. Ma-denyn, waa eray loola jeedo daneyn la'aan ama apathy. Waxaa lagu sameeyay shir Djibouti lagu qabtay 2002 oo ay abwaanno, qorayaal iyo weriyayaal fara badan ay ka qeyb galeen. Waxaa ka mid ahaa Gaarriye, Hadraawi, Cabdiqays, YamYam, Xasan Cilmi, Ismaaciil, Aw Jaamac, Idaajaa, Riiraash, Cabdi X. Gobdon, Axmed Cali Askar, Siciid Faarax, Cawke, Antoine iyo qaar kale.

      Delete
    2. Wuxuuna ku qoran yahay Qaamuus ka soo baxay shirkaas.

      Delete
  11. Waxaan u qaatey maqaalkaani wuxuu ku socdaa raga shirka Cadaado u fadhiya ee Galkacyo Garacad iyo Goldogob sheeganaya. Waxaa lajoogaa xiligii runta la isku sheegi lahaa munaafaqada la joojin lahaa dadkana waxaan jirin aan loo sheegi karin Riwaayada iyo isku camirqadana intii la iska daayo dadka lagu kor gortamayo dushoodana masaakiintaa maxaastaa dhibta iyo culeyska laga daayo.

    Keligii Duul

    ReplyDelete
  12. marka horaba arimaha laga wada hadlayo.mhadlayo.ma dhaafsiisna dano gaar ah oo loo ekeysiinayo dan guud ka qayb galayaashuna waa faaido wadaaga iyo wixii ka soo baxa shirka khasaaruhuna dalka iyo dadka ayuu ku soo laaban ileen cid la xisaabtami karta ama wax ka waydiinaysa ma jirtee...Mahadsanid YG

    ReplyDelete
  13. marka horaba arimaha laga wada hadlayo.mhadlayo.ma dhaafsiisna dano gaar ah oo loo ekeysiinayo dan guud ka qayb galayaashuna waa faaido wadaaga iyo wixii ka soo baxa shirka khasaaruhuna dalka iyo dadka ayuu ku soo laaban ileen cid la xisaabtami karta ama wax ka waydiinaysa ma jirtee...Mahadsanid YG

    ReplyDelete
  14. Marka horre, waan ku sallaamay Yuusuf Garraad waxaan jeclaaday in aan kula wadaago sidda aan ula dhacay qoraalada iyo aragtiyada aad nala wadaagto, annigu aad baan u jeclahay dhammaan, waana akhristaa, waxaan kugu boorin lahaa in aad siddaas ku sii wado waxaa tahay qof lagu dayan karo, Waxaan alle ka barbarayaa in aad noqoto qof dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa wax u qabta, kana dhabeeya waxa aad soo qorto. Mahadsanid.

    ReplyDelete