Total Pageviews

Monday 1 June 2015

Cabashada Cali-Yare

Maalmahan waxaan saxaafadda bulshada kala socday khilaaf u dhexeeya Cali - Yare oo ah dhallinyarada Xamar iyo qurbajoogga ah ee siyaasadda kulaala iyo hey’adda NISA ee Amniga iyo Sirdoonka. Ma hubo maxaa ka run ah maxaase lagu dhex daray. Laakiin hadallada meesha maraya waa kuwo u baahan in wax laga ifiyo.

Cali wuxuu ka cabanayay in la xiray, dhowr jeer loo yeeray, la baqdin geliyay, isla markaana loo diiday qareen. Markhaati uma hayno in arrintu ay sidaas u dhacday, laakiin cid beenisayna ma hayno.

Waxaan haynaa war laga soo waariday Nabad Sugidda oo Taliyaha ka ag dhow. Wuxuu sheegayaa in Cali lagu tuhunsan yahay in uu ka mid yahay dad furtay bar Facebook isaga oo adeegsanaya magac been abuur ah oo weliba ah kan Taliyaha NISA iyo in uu abuuray amni darro Qaran. Haddana, uu Cali baaritaan ku socdo. 

Anigu ma hayo xog hoose, waxaan ku saleynayaa oo keliya cabashada iyo eedeymaha Cali si toos ah uga soo burqanaya iyo si taa ka duwan oo dadban xogta uga timid NISA.  

Cali-Yare waa nin aan aqaan oo Kutub ma sito. Waxa afkiisa ka baxayana wacdi ma wada ahan. Aniguna uma qiil dayayo hadalladiisa, af iyo qoraal toona. Laakiin taasi Cali kama qaadeyso xuquuqdiisa Dastuuriga ah.

Qof iyo hey’ad sharciga ka weyni ma jirto. Haddii eedeynta Taliyuhu uu door biday in Saxaafadda Bulshada la soo dhigo ay tahay mid rasmi ah oo xeer ilaalinta loo gudbiyay, Cali waa in la baaraa iyada oo xuquuqdiisu ay u dhan tahay, ilaa ay Maxkamadi xukun riddo.

Hey’aduhu waxay ku dhisan yihiin, oo u fasaxay in ay xabsi lahaadaan hubna sitaan waa dastuurka. Isla dastuurkaas ayay ku qoran tahay xuquuqda muwaaddinku leeyahay. Markaas dastuurka oo kaamil ah waa in la dhowraa. 

Dhammaanteen aan baranno in aan ku xariiftanno xeyndaabka sharciga dhexdiisa. Isaga ayaa looga adag yahay qofka khaldan.

11 comments:

  1. Fadlan ra'yigaaga halkan ku reeb.

    ReplyDelete
  2. Cali waxu leeyahay xuquiq muwadin nimo lakin taas macnaheda mahan in uu qal qal galin karo amniga umada
    NISA waa hey'ad weyn oo qaabilsan qaranka cidi ku qarabata magceda waxey halis galin karta amniga qaranka oraah baa aheyd qofki gala howl uusan laheyn waxu kala kulma wax uusan ku qancin

    ReplyDelete
  3. qof kasta oo doonaaya inuu siyaasi noqdo ama caan muxuu udoortaa wax yaabo amniga qal qal galinayaa ?

    ReplyDelete
  4. qof kasta oo doonaaya inuu siyaasi noqdo ama caan muxuu udoortaa wax yaabo amniga qal qal galinayaa ?

    ReplyDelete
  5. Somali politics is full of dreary diatribe, but having read the piece, and full digested the content, I felt compelled to comment, and it wasn't because of the supposed intimation and social media bunch up between intensely ambitious political novice and his overdecorated and high-minded opponent, but the language the article was written in.

    This was an excellent prose, and as an avid read who has not been able to get his hands on well written Somali language books, I was wondering if you, Mr Graad ever thought of writing books?

    ReplyDelete
  6. Waxaan is waydiiyey goormee awooda qaranku soo gaartay ilaa heer ay soo qaban karto Damiilayaasha baraha bulshada waxaa ii soo baxday sidaas ma ahane qof ayaa dantiisa ama sharaftiisa ku ilaashanaya awooda qaranka...Eedeysanuhu Cadaalad heli maayo waayo awooda xukumaysa waa tii eedeysay...

    Mahadsanid YG

    ReplyDelete
  7. Waxaan is waydiiyey goormee awooda qaranku soo gaartay ilaa heer ay soo qaban karto Damiilayaasha baraha bulshada waxaa ii soo baxday sidaas ma ahane qof ayaa dantiisa ama sharaftiisa ku ilaashanaya awooda qaranka...Eedeysanuhu Cadaalad heli maayo waayo awooda xukumaysa waa tii eedeysay...

    Mahadsanid YG

    ReplyDelete
  8. Ali hadii lagu helo arin amniga qatar gelinaysa hala toogto hadii la dulminaayo hala daweeyo xalka somaliya hal meel ha laga so jeesto qofkii sana gaar damacsan ogow qofka danta kugu wato markuu danahiisa ka gaaro gooni buu ku dili doona

    ReplyDelete
  9. Ali hadii lagu helo arin amniga qatar gelinaysa hala toogto hadii la dulminaayo hala daweeyo xalka somaliya hal meel ha laga so jeesto qofkii sana gaar damacsan ogow qofka danta kugu wato markuu danahiisa ka gaaro gooni buu ku dili doona

    ReplyDelete
  10. anigu waxaanba wax wanaagsan u arkaa oo ku faraxsanahay haddii ciiddanka nisa awood u yeesheen inay ogadaan qof facebook furtay oo dhib wada haddii aqoontaasi jirto oo nisa leedahay waaba arin wanaagsan ee armay arintu tahay dad ayuu email u diray

    ReplyDelete