Total Pageviews

Saturday 27 June 2015

Qaxootiga Yemen



Shalay waxaan tegey safaaradda Yemen ee Muqdisho oo ku taalla meel u dhow dekeddii hore ee Muqdisho. Waxaa halkaa ku sugan dad ka soo qaxay dagaalka Yemen. Qaarkood waa Soomaali asalkoodu ka soo jeedo Yemen. Qaarna waa Yemen aan Soomaaliya xiriir hore kala dhexeyn marka laga reebo in ay hadda u soo qaxeen.

Dadkaas runtii waxaan ugu tegey xaalad murugo iyo calool xumo i gelisay.

Waxaa aad ugu badan haween, ay qaarkood sitaan ilmo maalmo ama bilo yar jira.

Laba ilaa saddex teendho oo markaas la dhisay oo aan weli la dejin iyo meel balbala ah ayay aga taag taagan yihiin. Wax ay cunaan, wax ay cabbaan, musqulo macna leh, hu iyo hooy midna ma haystaan.

Goobta ay ku sugan yihiin oo loo yaqaan Liido Labaad ama secondo lido, waa meel kor u kacsan oo badda ku soo jeeddaa. Waxaa ku dhacaysa dabayl xoog leh, oo xataa maalintii qabow dhaxan xigeena ah.

Qaarkood waa qoysas ka kooban aabbe, hooyo iyo carruur.

Waxaan soo arkay xaalad aan aad ugu calool xumaaday ummad dagaal ka soo qaxday, oo miciin na soo badday in ay xaaladdaas ku sugnaato waan dhibsaday.

General Saacid oo ah Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliyeed ayaa shalay u geeyay timir, rooti, biyo iyo sonkor. Kuma wada filneyn, intii ay gaartay ayaan u qeybinnay.

Waxaan hubaa in dadkaas iyada oo aan culeys badan lahayn maalin walba raashinkooda meel la saari karo haddii bulshadu ay iska kaashato.

Midda kale, waa lama huraan in Hey'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, UNHCR, laga wada diiwaan geliyo maaddaama aan la aqoon wakhtiga uu qaadan doono joogitaanka Qaxootigu.

9 comments:

  1. waan kugu raacsanahay walle arinkaas

    ReplyDelete
  2. ALLAH u Macaiino, mida kale waa bil ramadaan waxaa fiican kuwa dhaqaalaha Ilaahay siiyay in ay ku sadaqeestaan waxa Ilaahay u dhiibay. Waa ku mahadsan tahay baraarujintaada.

    ReplyDelete
  3. mudane waxaa hubaal ah in aan soo aragnay xanuunka heysto walalaha yemen maanta lkn waxalagama maar maan ah in laqaati tilaabo bini adan nimo oo lagu caawinaayo

    ReplyDelete
  4. Waxaan kaa codsanayaa akhristow in aad sii faafiso qormadan si ay u gaarto cid wax ka qabata ama u mid u sii gudbisa cid wax ka qabata. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  5. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  6. Yusuf adigaa meesha jooga e ma haysaa waqti aad fundraising ugu samayso waa bil ramadaan in badan wax way la bixi lahaayeen gaar ahaan hadii ay hubaan in deequ gaareyso dadka loogu tala galay. Go fundme account ayaan u furi karnaa kadina dadka muslimiinta ayaan u dhaxgali karnaa so ay tabarucaadoda u gaarsiiyaan. Anigu shaqsiyan inkastoo aanan wadanka joogin waan kaa caawi karaa acount ka samaytiisa iyo la xiriirka UNCR iyo hadalka faafintiisa. Ila soo xiriir si aan arintan iskagala shaqyno.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Abdullaahi, waad ku mahadsan tahay talada aadminnimada ah oo aad soo jeedisay. Anigu wakhti waan u hayaa diyaarna waan u ahay in aan ka qeyb qaato, hubiyana wixii la soo diro in ay gaaraan dadkaas masaakiinta ah ee maanta gargaarka u baahan. Laakiin ma doonayo in aan anigu shakhsiyan lacag qabto ama aan howsha mas'uul ka ahaado. Marka horesa, waxaan arkayaa oo aan soo xog wareysan doonaa Guddiga ay Dowladdu u saartay dadka Yemen ka soo qaxaya. Meesha ay howshu u mareyso iyo waxa ay damacsan yihiin. Ka dibna waan isku soo laabaneynaa, insha Allah.

      Delete
  7. Waan u duceynaya sidoo kale waan sii faafinaa fariintan insha allaah

    MAHADSANID YG

    ReplyDelete
  8. Waan u duceynaya sidoo kale waan sii faafinaa fariintan insha allaah

    MAHADSANID YG

    ReplyDelete