![]() |
| World Economic Fourm Africa (sawir hore) |
MasterCard
ayaa maanta ku dhawaaqday in ay heshiis la gashay Premier Bank oo ah Banki
Soomaaliyeed, oo bixinaya MasterCard, oo lacag lagula bixi karo waxna
looga iibsan karo dalka gudihiisa, dibaddiisa iyo weliba Online.
Shirka
Dhaqaalaha Adduunka oo Afrika diiradda saaraya oo ka socda magaalada Cape Town
ee dalka Koofur Afrika ayuu MasterCard ka sheegay in ay Premier Bank la qaateen
wadahadal muddo socday.
Madaxa
Afrika ee MasterCard, Daniel Monehin, ayaa sheegay in Premier Bank uu yahay
Banki si xirfadeysan loo maamulo oo buuxiyay dhammaan shuruudaha lagu
horistaago u raadgadidda lacagta iyo kuwa macaamilaqoonta. 5000 oo MasterCard
ayaa lagu wadaa in uu sannadkan bixiyo Premier Bank.
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdiraxmaan
Caynte, oo ka qeyb gelaya shirka ayaa ku tilmaamay in maanta ay maalin
taariikhi ah. Astaanna waxay u tahay, ayuu yiri, madaxbannaanida
maaliyadeed ee Soomaaliya oo in badan ka caagganayd in ay ka qeyb qaadatao
dhaqaalaha adduunka. Hadalkaas waxaa Wasiirka ka soo xigtay Business Wire.
Soomaaliya,
maaddaama in badan laga hor taagnaa dhaqaalaha adduunka, si horumar dhaqaale oo
hanaqaada loo dhiirri geliyo, waxaa loo baahan yahay in la hirgeliyo nidaamka
electronic ahaan wax lagu kala iibsado si loola saanqaado hannaanka caalamiga
ah ee hubinta iyo xeerarka maaliyadda, ayuu yiri Daniel Monehin.
Agaasimaha
Maamula Premier Bank, Mahat Mohamed Ahmed, ayaa sheegay in ay hadda
macaamishooda u suurta gelin karaan in nidaan huban, qiima macquula ah ay dalka
gudihiisa iyo dibaddiisaba ay wax uga gataan [ayaga oo aan isticmaalin lacag
caddaan ah].
Premier
Bank waxaa ruqsadda siiyay xeerarkiisana uu u hoggaansan yahay Bankiga Dhexe ee
Soomaaliya. Ruqsaddiisa tirsigeedu waa 0011. Bankiga oo hadda laba laamood ku
leh Muqdisho, wuxuu qorsheynaa in uu laamo kale ka furo Muqdisho iyo
magaalooyin waaweyn oo dalka ah.
Idaacadaha
iyo wargeysyada ganacsiga iyo maaliyadda ee adduunka kuwa ugu waaweyn ayaa
maanta hadal haya MasterCard in uu gaaray Muqdisho.
