Dullimaadka hawada Soomaaliya
Inqaasta
Yusuf-Garaad
Bishan July 9 keedii
ayaa magaalada Istanbul ay mas’uuliyiin sare oo Soomaaliya iyo Somaliland ka
socdaa waxay ku heshiiyeen in ay la soo wareegaan maamulka hawada Soomaaliya,
in la isla maamulo iyo in Hargeysa laga maamulo. Waxaan qormadan ku soo
bandhigayaa wixii laga soo maray in heerkan la soo gaaro, waxyaabo heshiiskan
weli ka dhimman, waxa la maamulayaa waxa ay yihiin, qiyaasta dakhliga ka imaan
kara iyo weliba haadaanta muuqata ee hor taalla meelmarinta heshiiskan.
Waxay ahayd 2002 markii
Dowladdii (TNG) ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad ay weriyayaasha
Muqdisho isugu yeertay ee dowladdu ku dhawaaqday in wixii “maanta ka dambeeya”
hawada Soomaaliya laga maamuli doono Muqdisho. Waxaa weriyayaasha loo sheegay
in loo oggol yahay in ay duubaan wadahadalka dhex maraya dayaarad ku jirta
hawada Soomaaliya iyo sarkaal duulista hawada ah oo Raadiye la fadhiyay
Muqdisho.
Sarkaalkii wey u suurta
gashay in uu dayaarad la hadlo, markii ay isdhaafsadeen su’aalo iyo jawaabo
tashwiish fara badani ku dhex jiro, ayaa waxaa soo dhex galay cod ka faseexsan
labadaba oo duuliyaha ku yiri: Ha la hadlin qofkaas waa burcad. Annaga ayaa
halkan kaa hagi doonna.
Codkaas ayaa soo af
jaray muddo gaaban oo ay si xoog ah Dowladdii TNG
ula wareegtay hawada Soomaaliya.
Sida uu berigaa qoray The Economist, taa waxaa ka horreyay
isku day ay Somaliland damacday in xafiiska hawada Soomaaliya maamula ee
Nairobi loo wareejiyo Hargeysa. Inkasta oo berigaas ay xirnayd gegida
dayaaradaha ee Muqdisho, haddana arrintaas waxaa diidday Muqdisho oo ku
hanjabtay in ay hawadeeda ka xireyso duullimaadyada caalamiga ah ee dul mara.
Ilaa aakhirkii ay Hargeysa oggolaatay in xaalku sidiisa sii ahaado.
Dowladdii Shiikh Shariif
ee TNG ayaa Ra’iisal Wasaare, Cumar Cabdirashdiid billaabay in uu isku dayo in
uu soo ceshado maamulka hawada Soomaaliya. Wuxuu qoray codsi aan cidi dheg
jalaq u siin. Wuxuuna Gegida dayaaradaha ee Muqdisho uu qandaraas ku siiyay in
ay maamusho, sharikad laga leeyahay Dubai, oo la yiraahdo SKA.
Ra’iisal Wasaare Maxamed
Cabdullaahi ayaa isaguna ka mid ahaa Madaxdii Soomaaliya ee isku dayay in ay
maamulka hawada dalka ay kala soo wareegaan xafiiskii Nairobi laga unkay ee CACAS ee ay wadajirka u sameeyeen UNDP iyo
Ururka caalamiga ah ee Duullimaadka. Codsigiisii lama meelmarin.
Soomaaliya hadda waxaa
ka jirta Dowlad ka gudubtay ku meel gaar wixii loo yiqiin. Bishii May ee
sannadkan ayaa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Cabdullaahi Ciilmooge, wuxuu
ku dhawaaqay warkan oo dad badani ku farxay. Bishii June ayay Golaha Wasiirradu
ay Muqdisho fariisteen oo ay ansixiyeen qaanuun ku saabsan Duullimaadka hawada
Soomaaliya, si Baarlamaanka loogu gudbiyo. Maalintaas waxaa xafiiska Ra’iisal Wasaare,
Saacid Shirdoon, uu ku tilmaamay in qaanuunkaasi uu wax weyn ka beddeleyo oo
kacdoon hor leh uu gelinayo madaxbannaanida hawada Soomaaliya.
Hawada la wareejinayo
waa Soohdimaha caalamiga ah ee Soomaaliya oo dhan oo ay ku juraan Somaliland
iyo hawada badda Soomaaliya. Waa marin dayaaradeed oo muhiim ah. Afrika iyo
Carabta ayuu isku xiraa. Ma aha keliya dayaaradaha maalin kasta ka degeya
Muqdisho, Hargeysa, Gaalkacyo, Kismaayo iyo meelo kala oo badan oo Soomaaliya
ka tirsan. Sida aan ka akhriyay New York Times, qiyaastii 90 dayaaradood ayaa
maalin kasta soo gala hawada Soomaaliya. Waxaa ka mid ah Air France oo u kala
goosheysa Paris iyo RĂ©union. Emirates oo isku xireysa Dubai iyo Johannesburg. Dayaaradda Israel El
AL oo Tel Aviv iyo Thailand isku xireysa. Mar kasta oo dayaarad Jet ah oo
rakaab siddaa ay hawada Soomaaliya soo dul martana waxay bixisaa $275.
Markii dowladda
Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay la wareegeyso hagidda dayaaradaha, waxaa
furka tuurtay Somaliland. Waxay ku hanjabtay kana dhabaysay in ay joojiso
dullimaadyadii Qaramada Midoobay (QM) ee tegi jiray Somaliland. Waxay u aragtay
in QM ay hawada “Somaliland” ku wareejineyso “Soomaaliya”.
Wadahadalkii Soomaaliya
iyo Somaliland ee Istanbul, Turkiga (7-9 July) waxaa lagu heshiiyay in hawada
la isla maamulo, lagana maamulo Hargeysa, caasimadda Somaliland.
Waxaa loo macneysan
karaa in Somaliland ay heshay sidii ay dooneysay. Faallooyinka laga bixinayo
heshiisku waxay muujinayaan dhinacyo Somaliland ah oo aad u soo dhoweeyay.
Laakiin qaar kale ayaa
weyneyso ku eegaya heshiiska si ay gal daloollo uga helaan. Waxay u arkaan in
arrintani ay si uun ugu soo dabbaaleyso wax wadaag ay la galaan Muqdisho. Waxay
u arkaan in shaqaale iyo madax laga soo magacaabay Muqdisho ay ka hawlgeli
doonaan Hargeysa. Waxay is leeyihiin waxaa heshiiskani muujineyaa in hawada
Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland ay tahay mid qudha.
Ergadii Somaliland ee
Istanbul waxay u baahan yihiin fasiraad iyo ka dhaadhicin in ay u sameeyaan
shacabkooda. Weliba shacabka Somaliland waxay leeyihiin cod si dimuqraaddi ah
ay u adeegsadaan oo Madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ay ku soo doortaan.
Sidaa darteed dowladda Hargeysa wey uga nugashahay guuxa dadweynaha marka loo
fiiriyo dowladda Muqdisho, oo iyadu aan weli heerkaas gaarin.
Ergada Muqdisho ka timid
iyaga waxaa u yaalla su’aalo ka adag kuwa Hargeysa la is weydiinayo.
Maxaad hawada Soomaaliya
ugu wareejiseen Gobollo aan caalamka iyo dowladda Soomaaliya midkoodna dowlad u
aqoonsayn? Ayaa ka mid ah su'aalaha soo noqnoqonaya ee aad ka daalacan karto
saxaafadda bulshada. Waxaa jiri doonta in Puntland oo iyadu tartan kula jirta Somaliland, haddana aanay isku wanaagsanayn Dowladda Federalku, ay su’aalo
waaweyn meesha keento. Puntland hadday weydiisato in dakhliga qeybteeda laga
siiyo, waxay dad badan ula muuqan doontaa wax macquul ah.
Heshiiska weli waxaa ka
dhimman tafaasiil. Yaa Madax u noqonaya Guddiga iskudhafka ah ee labada dhinac?
Erayada (afgaradka) la isticmaalayo marka dayaaradaha lala hadlayo maxay
noqonayaan? Si kale haddii loo dhigo, hawada ay maamulyaan magaceed?
Hawlgalku marka uu
billowdo waxaa dhici karta in laba ama saddex jeer isla maalin gudaheed ay soo
baxaan arrimo u baahan in cid iyaga ka sarreysa ay ula laabtaan, go’aan deg deg
ahna loo baahdo. Marka ay xaaladdaasi timaad, yaa loo noqonayaa? Dakhliga sidee
loo qeybsanayaa?
Dabcan Xafiisku wuxuu
ahaanayaa Hargeysa. Raadiyuhu wuxuu oollayaa Hargeysa. Waxaa la ii sheegay in
la filayo in Madaxa Kooxdu uu ka imaan doono Muqdisho, ku xigeenkuna Hargeysa.
Laakiin tirada kooxda lama yaqaan. Weli laguma heshiin ayaan maqlayaa “code”-ka
ama afgaradka ay isticmaali doonto. Dakhliga sida loo qeybsanayana weli laguma
heshiin.
Haddii intaas oo dhan la
isku af garto, weli waxaa taagan su’aalo kale. Tan iyo markii ay burburtay
dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waa markii ugu horreysay ee Soomaali ay
maamusho hawadeeda. Biseylkeedii ma leennahay?
Waxaan maqlayaa in ay
dayaarado ka degaan Taleex iyo Buuhoodle, halkaas oo ay ku badan yihiin
taageerayaasha Khaatumo State oo diiddan gooni isu taagga
Somaliland. Somaliland ma oggoshahay in duullimaadyadaaasi ay si
habsami leh u socdaan?
Muqdisho waxaa hadda ugu
yaraan khilaaf kala dhexeeyaa Kismaayo. Dayaaradaha u kala goosha Nairobi iyo
Kismaayo ama Kismaayo iyo Puntland, waxay mararka qaar daad gureyaan
siyaasiyiin ka dhan ah Dowladda marna dhaawac ay islaayeen ciidankeeda. Armay
isku daydaa in ay faraha la gasho?
Mise waxaa la isticmaali doonaa xeerka caalamiga ah
ee dayaaradaha yaryar ku duulaya joogga
gaaban ee dhul hawo wanaagsan oo duuliyuhu ku hagi karo dayaaradda araggiisa
dhulka (VFR – Visual Flight Rules)?
Haddii intaas oo dhan la
isku af garto, si habsami lehna ay u socdaan howlaha duullimaadka hawada Soomaaliya
iyada oo ay Soomaali hagayso, oo aan rajeynayo in ay sidaas u dhacdo, waxay
noqneysaa guul u soo hoyatay Somaliya iyo Somaliland.
Waxaanan rajeynayaa in
ay xigi doonaan heshiisyo ka sii muhiimsan oo aakhirka keena in midnimo ama
deris wanaag mid uun la isku afgarto.
F.G.
Ergooyinka Istanbul waxay isku hor fariisteen heshiiskana ku kala saxiixdeen
in ay kala matalayaan: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda
Somaliland.

Haddii intaas oo dhan la isku af garto, si habsami lehna ay u socdaan howlaha duullimaadka hawada Soomaaliya iyada oo ay Soomaali hagayso, oo aan rajeynayo in ay sidaas u dhacdo, waxay noqneysaa guul u soo hoyatay Somaliya iyo Somaliland.
Waxaanan rajeynayaa in
ay xigi doonaan heshiisyo ka sii muhiimsan oo aakhirka keena in midnimo ama
deris wanaag mid uun la isku afgarto.
F.G.
Ergooyinka Istanbul waxay isku hor fariisteen heshiiskana ku kala saxiixdeen
in ay kala matalayaan: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda
Somaliland.
Yusuf Garaad waad ku mahadsantahay warka ama xogta muga leh ee aad sida far shaxanaysan noogu soo tebisay. Qoraal kaaga na waxaa ka muuqata hufnaan iyo deganaan. Waxayna i tusaysaa inaad noqon doontid ama kartid Hogaamiye dadkiisa daacadnimo iyo cadaalad ku hogaamiya.
ReplyDeleteArinta heshiiska Hawada siyaasiyiinta Somaliland Wayku kala arkti duwan yihiin. Xisbiyada mucaaradku way kaqay liyeen oo waxay ku tilmaameen Khiyaamo qaran. Xukuumadu na way soo dhowaysay. Laakiinse warbixintaada kadib waxan u arkaa in heshiiskan somaliland ay soo dhowayso anigoo intaanan warbixin taadan akhriyin u arkayay mid Somaliland ku milaya Somalia. Magaran karo in heshiiskan Somalia anfacaya iyo in kale laakiinse Somaliland haa.
yuusuf aad ayaan u mahad sanatay sida aad waxa uga qoratay arinkan hawada somaliland iyo somalia wa wax loo baahnaa in aad wax ka qorto horta walaaal wax weeye waxa guula in wax laysla gaadho oo wax lagu heshiiyo hawada seare ee wadankeena inagaa is ka leh wadan kuna waxa weeye waqooye iyo koonfur ama somaliland ti ngriiska iyo somalilandti talyaaniga markaa punlantan aad sheegtay walaal qaybta italiya ama koonfur ayaay dee ka mid tahay arinka in aad kuba daro maah saxiib garaad mahadsanid
ReplyDeleteRamadaan kariim mr Yusuf Garaad,iyo dhamaan dadka aqbaarka u soo doonta bloga yusuf,intaas ka dib waxaad moodaa in aad heyso hilib badan oo u baahan in dabka la saaro haddii ay nqon laheyd hawada soomaaliya ee ka dhaxeysa somlia italiana e somalia britania,waxaa ficcan marka hore in la qeexo 3shaey oo kala ah.
ReplyDelete1)dowladii soomaaliya oo xoriyada ka qaadatay talyaaniga
2)dowladii somaliland oo xoriyada ka qaadatay dowladii ingiriiska.
3)midowga labadaan.
qodobada 1 iyo 2 waxaad arkeysaa in labada dalba mid kasta laheyd saldanad,shacab,iyo dhul.
midowgana sababta loo sameeyey ay aheyd in la hiigsado horumar ha noqoto siyaasad,dhaqaalo iyo bulshaba,marka anagoo og dhibaatooyinkii ka dhacay soomaaliya ha noqoto afgambigii ka dhacay dalka,dhibaatooyinkii ka dhashay afgambigaas,ka dibna dhalay 22 sano oo dowlad laaan ah waxaa hakaday midowgii labada dal,ka dibna soomaaliland waxa ay dib ugu laabatay halkii ay joogtay 25giugno 1960,ka dibna ku dhawaaqatay dowlada somaliland ee hadda jirta.
marka waxaan qabaa wax alle iyo wax kasta oo is qabqabsi ah ee u dhaxeeya somalia iyo somaliland in lagu xaliyo international law(diritto internazionale),markastana waxaa kulma ergooyin ka wada socda labada dal,ergooyinkaas oo ah heer wasiiro ama heer xogheynyaal la soo xulo iyada oo loo fiirinayo mowduuca markaas laga hadlayo,kulamdaan oo gaari doona heer madaxweyne.
Arinta hawada waa in loo arko heer dhaqaale,taas oo ay ka faa'iidayaan shacabka somaliland ee dowlada somaliland,islamarkaana waxaa ka faa'iidaya shacabka dowlada federaalka oo ka kooban shacabka koonfurta iyo shacabka somalilanderkaba,cida maamuli doonta waa somali,ha noqdaan koonfur ama waqooyi,tana waxaa faa'iida ku qaba dowlada federaalka waayo waxa ay ka shaqeyneysaa danta guud ee soomaaliwey.
Asalama calaykum yusuf iyo dhamaan dadka kadhiibanaya fikradooda arinkaan kusaabsan somalia iyo somaliland..marka kowaad aniga maqabo in cudur looyeelo heshiiskaan maxaa yeelay laba faa iido waa leeyahay tan ugu wayn uguna muhuumsan hawada dhulkaan somalia waxay gacanta uga shay umad soomaaliyeed iyagu waxay rabaan ha ahaadeen ama ha aaminsanaadeene..waxaana ilaahay xamdigiis ah in hada in ay kushafeecayaan ama cunayaan umad soomaaliyeed halka awal ay cunijireen umado shisheeye ah.. mida labaad waxaan aaminsanahay inay ay qayb wayn ka qaadanayso midnimada umada somaliyeed sababtoo ah hadaan wax laysku ogolaan midnimo majirayso. marka hala taageero heshiiskaas aniga waxaan qabaa in somaliland laysugu daro arimo badan kow magdhaw in lasiiyo labo in qayb layaqaan laga siiyo dawlada federalka ah sida madaxwayne ama raysul wasaare haday rabaana caasimada dalka haloogu daro hadii midnimo ku imaanayso...
ReplyDeleteSheekadan waxay la mid tahay sheekooyinka khiyaalka ah ee novaladala lagu qoro, wax ka suuragalaayana ma jiraan, ciyaartaan ciyaar baa ka dambeysa.
ReplyDeleteHadii qoraalada aad qortaa dad badan wax ka baran lahayeen waxay ka baran lahayeen, in marka ay wax qorayaan horta ay wax soo akhriyaan, in ay is waydiiyaan qoraalkaad qortaa raad intee inleeg oo anfac leh buu dadkiisa galin karaa, qofka akhristaase muxuu ka faaiidii karaa, runtii wax badan baan ka faaiidaystay khayrna ilahay ha ka siiyo halkana ka sii wad
ReplyDeleteyuusuf aad baad umahadsan tahay warka aad nasiisay waxaa xaqiiqo ah in somalia bur bur hor leh ay gashay taasna waxaan u sababeeyey in ladhaho hawada somalia waxaa maamulaya labo reer oo muqdisho iyo hargeysa kala degan waxaa layaab ah somalida ma labadaa reer baa meeday dawladii lawada dhistay oo federaalka ahyd oo maamul goboleedyada siinaysay in ay ismaamulaan wixii arimaha dibada ahna dawlada federalku maamusho haatan waxaa jirta dawlada puntland oo ah somali marka loo qaybiyo 4tiir in puntland ay tahay 2tiir oo somalia ah sidee bay ugu qancaysaa in hargeysa somalia laga maamul hawadeeda waxaas waxay ani iila muuqata in dawladan ay fashilantay kuna fashilantay siyaasada dalka aaway jubaland ma ku qancaysa in dawlada hergaysa ay hawada maamusha tusaale hadaan idin siiyo hadii puntland dhahdo somalia waan ka'goaynaa aydana hadii larabo in lasoo celiyo maxaa lasiinayaa kkk waxa socda waa riwaayad
ReplyDeleteyusuf dawlada hatan muqdisho fadhida waxan oran karaa siyaasada dalka waa ku fashilantay waxaan sugaynaa awal siyaasadu waxay mareysay jubbooyinka oo 1sano qaatay walina aan laxalin iyo gooxa siyaaasadeed uu heshiiskan dawlada muqdisho ku furi doonta mhadsanid
This comment has been removed by the author.
ReplyDeleteniga waxa u arkaa in aysan habooneyn in Hargeisa laga dhigo xarun laga maamulo iyadoo aan laga heshiin waxyaabo badan oo kamid ah in ay Hargeisa ay kamid tahay Somali territory. Teeda kale waa in barlamanka somalia la horgeeya oo la ansixiyo, si aysna mad madow badna ay u imaan , taas macnahed ma ahan in aan soo dhaweyn soo dhawanshaha ay sameeyen Somaliland, lakin ma ahan in ay noqoto so dhawanshahaan mid sababi karto in mar kale aan u dhiibno in ay maamusho hawada somalia qof aan aqoonsaneen in ay ka mid tahay Somalia.
ReplyDeleteYuusuf Garaadow ma waxan ku mooday? mise waxad noqotay? mise waxaan loo noqon doonin!
ReplyDeletewaxaan ku moodeyney siyaasi kala saari kara waxa sharciga ah iyo waxa sharci darada ah. waxaadse noqotay nin u hadla afkaa i qoyan oo waliba aan anshaxa siyaasada waxba ka garaneyn. waxaanse loo noqondoonin in wax aadan ahayn lagu moodo. waxaadna ku fiicnayd aamusnaanta lakin hada ceebtaadii iyo siyasad xumadaadii oo dhan ayaa bananka u soo baxday. dabcan way jiran dad aad qaldi karto oo warkaaga run moodaya lakin waxaan kuu sheegayaa waxad u baahantahay in aad cilmiga siyasada aad wax ka barato, si aad u fahanto waxa laga hadlayo iyo sharciyadooda
Yussuf Garaad ,waa kugu hambalyeynayaa qoraalka farshaxanimada leh ee ku dabaqan taariikhda iyo faaqidaada qotadadheer ee ay ku dheehan tahay taxadar mug leh oo loo yeelanayo cawaaqibka ay yeelan karto hawshani.Hadaan u kala qaado arinka laba qodob oo ah (1) cadaadiska ay wajahayaan gudida labada dhinac iyo (2) cida ku gacan saraysa heshiiskan ama ay libintu u janjeedho .
ReplyDeleteSomalia (dawlada federaalka) waxay wajahaysaa cadaadis ilihiisa ugu badan noqon doonto putland oo iyadu isu aragta mid mudan in lagala tashado hawl kasta oo la qadayo ,siiba arinka ku saabasan somaliland .
Somaliland (dawlada siilaanyo ) waxay wajahaysaa cadaadis kaga imanaya mucaaradka ,oo iyagu awood u leh inay heshiska u fasiraan sida ay doonaan taas oo shaki galin karta kalsoonida lagu qabi karo siilaanyo iyo wasiiradiisa inay keenaan tu tan ka wayn oo ah aqoonsi .
Arrinka labaad oo ah iyamaa ku gacan sareeya ,waxaad moodaa in dadku ay u fasirayaan inay somaliland guul ka soo hoysay heshiiskan oo ay hargeisa u soo xero galisay lakin wali wa mid aan guul lagu sheegi karin ilaan inta laga xukumayo somaliland hawada somalia amaba putland ilaa konfurta ,waxaanan u arkaa nidaam decentralization ah oo ah fidin maamul oo ay dawlada somalia kaarto ciyaarayso lakin aanu ahayn mid la odhan karo waa tanaasul .
yussuf Garaad, aad baad umahadsantahay sida aad maskaxdada aragtida dheer qoralkaaga nogu soo bandhigtey. runtii qoraalkaga wax yaabo badan buu kafaidaysan karaa qofka caqliga leh ee mufakarka ah xalada hada lamarayo ee somalia kusuganatahy. firkayga hadaan kahadlo anigoon aqoon taariiikh ulahayn somalia iyo somaliland, waxaan dhihi lahaa gegida hawada dayaaradaha halagahago oo halaga maamulo somalia muqdisho waayo wadan walba aduunka caasimad buu leyahay iyo dhul strategic ah oo u bahan in lagafiirsado. somaliland hadii lageeyo gegida diyaaradaha iyo isgaadhsiinta, waxaa lumaya strategy yadi wadanka somalia. waaayo waxa jira wadamo aan daris ka wadagno xaga hargeysa ama xaga badaha, taas oo fududeyn karta in wadanka isgaadhsinta hawada lainqilaabo. muqdisho is strategically better than hargeysa. midakale somaliland madaxbanini bey rabtaa waxakale o jira gobolo kale oo ismaamul raba, sida yusuuf garaad qorallkisa kuqoray: hadii somaliland lageeyo gegida dayuuradaha iyo uisgaadhsinta, sow goboladi kalena wax sheegan mayaan. muqdisho madaama ay tahay caasimadi somalia important departments in the government should be created and implemented. am sorry fikirkayga aad bu isaga gabanyahay lakiin hadana waxa lagayaba fikirkaygu inuu wax idiintaro.
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteyussuf Garaad cumar axmed, aad baad umahadsantahay kun iyo kow jeer
Deletesoomaalida waxay ku mahmahda marka ay arkaan qof aan jidgelin kana bixin ayay dhahaan war hebelow (jid maku gala mase ka baxaa)erayadaan waa kuwa sarbeeb ah oo murti ay ku jirto.waxaa weyaan oo ay ka dhiganyihiin horta adiga hebel diyaar ma utahay in aad gar baxdid mase tahay nin gar gasho kanabaxdo!aniga waxaan ahay ree konfur laakiin waxaan arkaa nin hoy iyo ho haasto oo nin qawan leyahay hoygada gub ho,aada jeex jeex aan wada qawnanee ii kale. Kasi waxaa ka dhigan hadal xamar. kan qawan waa xamar kan arad tiran waa hargeysa.aniga ma arko meel ay yimadaan ree hargeysa.aniga waxay ilatahay ree hargeysa haka fiirsadeen ka soo noqoshada qadiyadoodii aheyn goni isu taaga iyo ku soo noqoshada xamar iyo wax la qeyb sigeeda, hana ku qayasqateen kismaayo walahi aniga waxaan ahay nin ree kismaayo ah hadaan heli laheyn hargeysa maanta janiska ay hastaan waan ku dhegenani laheyn.wayo xamar waa 200 oo halaad oo 200 oo barqab ku qoqanyihiin konfur waxaa kataliyaa qabiil ay rogtay qabyaalad. Waa madidin iyo madax isku dereja ah. askeriga xamar wasiirka waa isku derajo suldaanka iyo wiilka qoriga haasto waa isku fikir .hargesay ka fiirsada hagardamada konfur iyo xamar.intas waa wanadaan hargeysa sinayay.tankale hawada somaliya soomaali baa leh siduu hada noo shegayo madaxweynaha xamar. Ajnabi malahan. lakiin laba jifo oo shiray ma maamuli karaan wayo waxa aad qarineyso oo aad ledahay kismaayo puntland khatuma waa darood ma ogolanayo camal waa sidaan u fahmay waa runtaa darood ma ogolanayo wayo waa dulmi sida ay ay latahay ayaga dad badan oo aan darood aheyn waxay leyihiin heshiisyadaan mututuulka ku jirayi waa kuwa lola jeedo wax la yirado darood diid waa siday hadalka u dhigayaan.gunanadkii fikirkeyga heshiiskaa dhamaantiis waa qalad sida loo dhigay hadii uu hergelana kaba daran!sababaha waxad arki doontaan markuu hergelo iyo malmahaan radul ficilka ka soo baxo belaha uu yusuf garaad magacdhabay ee ah kismaayo oo uu uwado jubalnd.puntland iyo khatuma.
waad faahfaahisey lakiin tuhunkaa iska badan qofba siyaasada been kaliya u taqaan
DeleteSalaan iyo mahad badan oo ku wajahan Yusuf iyo akhristayaashiisa kadib, waxay ila tahay "Aan wadahadalno waa aan heshiino, aan wax wada cunno waa aan is-raacno, yaan la qoonsan haddii kala qoqobnaantii wax looga qabanayo oo qarankii jabay dib leyskugu kabkabayo, Ustaad Yusufna waxaan leeyahay, waxaa jira dhallaan qabyaalad lagu anqariyey laguna soo ababiyey oo website-jufeedyo ku malmaluuqa afsoomaali isku dhex daadsan, magac iyo magacu-yaal, fal iyo fal-kaab shaqal iyo shibbane hamza iyo hakad, ee fadlan School u fur. mahadsanidin
ReplyDeleteramadaan kariim
ReplyDeletefikirka wanaagsan waxaa laga dhaxlaa aragti fog oo wax tar badan xambaarsan yuusuf garaad waa macallin siyaasadda iyo arimaha soomaaliya wax badan kala socda wuuna ku mahadsan yahay sida wanaagsan ee uu usoo bandhigay qoraalo uu mudo badan aruurinaay kuwaas oo maanta wax tarkooda na anfacay wuuna ku mahadsan yahay aqoontiisa ayuu jeclaaystay inaay bulshadda wax ka helaan maashaa alaah
Marka hore waan salaamaya Yusuf Garaad, marka xigana shirka beelo isuguma imane waxaa isugu yimi laba dowladood oo wax ka dhexeeyaan kana arin sanaya wixii ka dhexeeyey sidii ay u qaybsan lahaayeen oo kala ha Somaliland iyo Somalia. Wixii lagu heshiiyaana waa wax sharci ah oo aduunkuna lasocdo oo meel mar ah, cidii hadalka keentaa halla xisaabtanto cidey hoos timaado. Markaa meesha ma taal reer hebel iyo reer hebel toona. Cid walbana yaan laga dhegeysan guuraa baaskooda iyo sawaxankooda oo khalkhal gelin kara geedi socodka wada hadalka labada dawladood ee Somaliland iyo Somalia,wada hadalku sidaa fiican haw socdo, hala xaqdhawro ergooyinka labada dhinac ee Somaliyeed waxyaalo badan baa laka tirsanayaa oo 53 years kukala maqnaa. Kuwii hore u kala fogeeyey weli wey joogane yaan loo dheg dhigin.
ReplyDeletemahadsanid .
Unbelievable!
ReplyDeleteAHU Qamaan Bulxan muxuu yiri?
Caliyoow da'daan ahay waqaa, looma duurxulo e
Duq gaboobey iyo wiil yarbaa, loo dedaa hadale
Diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqa saarteene!
Yuusuf, xaqiiqatan in badan baan isku dayay inaan il dhex-dhexaad wax ku fiiriyo oo "benefit of the doubt" aan ku siiyo, laakiin xaal waa iska cad yahay. Dhowr arimood oo xaqqiiqda ogaan u dhinac martay baan ku tusaalaynayaa.
Aan ugu horaysiiyo afeef dhigashadaada ugu dambaysay ee aad u sheegtay akhristayaasha in Somaaliya & "Somalilan" wada hadlayeen. Dabcan hadalka dahsoon ee ku jiraa waxaa weeye "Qoraalkaygu siduu u dhacayo waxuu ka turjumayaa waaqica"
Taas mar baan kaa rumaysan lahaa oo waa haddii arintan aad dhex dhexaad ka tahay. Waan dhegaystay qudbadaadii markaan madaxweynaha u ordaysay iyo waxaad ka tiri arintaa SNM wadato.
Waxaan kaloo dhegaystay mar aad BBC ku marxabaysiinaysay Sifir iyo Ina Cali waraabe sidaad SNM dowlad uga dhigaysay oo aad xitaa hadal aan run ahayn aad sheegtay oo tiri; "Siilaanyo iyo British PM baa gurigaa ku kulmaya."
Waxaan kaloo xusuustaa Cali Khaliif su'aal aad waydiisay oo ku tiri "Haddii Soomaaliya ay kala go'ayso laba dowladood bay u taalaaye yaa idinka idiin xil saaray Soomaali midnimadeeda?" Cajiib! Waa cod duuban oo aan been laga sheegi karin. Markaa arintan ha isku dayin inaad dhex dhexaad ka tahay. Soomaali badidoodu waa ku og tahay sidaad wax u wado.
Reer Puntland iyagana xaqiraadda ka daa. Maxaad ka wadaa "Puntland waxay isku dhererisaa S- Land" Waa durid cad oo aad PL ku diraysid. PL way haysataa wax kasta oo ay SL haysato iyadoon dhul dad kale leeyihiin weerar ku ahayn.
Ogow, hawadda laga wada hadlayaa waa Hawadda Soomaaliyeed. Haddii reer Hargeisa rabaan qaybtooda,markaa reer Laas Caanood, reer Garoowe, reer Muqdisho & reer Kismaayo iyaguna qabtooda ayay rabaan.
"Soomaalilandta" sida ficiladaada ka muuqata aad aad u danaynaysid in "Deris wanaag" lagu wada noolaado xaggad u taqaan?
Haddii dowlad Soomaaliyeed jirto waa inay dowlad u ahaataa "Somali Republic" wixii la oran jiray. Haddii taasi ayna jirin, Soomaali waa qabiil. Qabiilna qabiil kama wakiil aha.
Either we have Somali government or we have tribal lands! You can't pick and choose. Maamul qabiilna dowlad baad nooga dhigaysaa mid kalana waad duraysaa...your motive is obviously clear!
Salam Calaykum,
ReplyDeleteHorta waad salamantay Y.Garaad qoraalkagana markaan akhriyey waa qoraal kala saafan oo margi aan lahayn in uun qofkii wax dhugan kara,waxaanan anigu aad u raacsanahay oo aan u arkaa guul wayn oo dhamaan u soo hoyatay dadka afka somaliga ku hadla ee aan ku koobnay S/land iyo Somaliya oo qudha.waxa hawaddan maamulaayey in ka badan 20 sanadood dad shisheeye haddii aynu inagu ka Somali ahaan maamulano waa wax fiican oo qof wal oo wax garanayaa ku diirsan karo.waanan leenay bisaylkaasi aynu ku maamulan karno hawadeena inta aynu isku jirno.waana in loo fikiraa sidda waaqica ah ee maanta iyo bari iyo mustaqbalkaba ubadkeena iyo dhulkeena khayrku uugu jiro.awal waxaaba la tagnaa yaan lawadda hadlin oo danbi ahayd markaa aynu wadda haddalno waxa inaga dhaxeeyana aan waddaagno waa guul weeye.
Asc, Run ahantii waa maqaal xiiso leh. tan kale waxan rajaynaya in uu isfahamka iyo isusoodhawaanshaha uu intaa kasiiwanaagsanan doono insha alah! Allayahow Soomali dhexdooda nabad dhex dhig! AAMIIN.
ReplyDeleteyusuuf garaad waad ku mahadsantahay sida quruxda badaan ee aad uga sheekaysay soo yaalki tariikheed ee hawada somaliya, lakin haddan kaa dhiibto fiikir waxa kaliiya ee muraanka dhaliin kara laba miid uun,1.in laa waayo ciid khibraad uu leh shaqaada 2.iin laa isku af-garaan wayo dhaanka shaqalaaha hawl gaali doona, lakin waxan rajaaynaaya guul iyo gobaanimo uuso hoyaata mushtamaca somaliyeed
ReplyDeleteGaraad, marka hore waad mahadsantahay. Marka xiga Ramadaan Kariim! Waxaan kugu ammaanayaa, in isku-kalsoonidaadu ay kuu saamaxday, in aad oggalaatid, in dad shakhsiyan kuu weeraray aadan faafreeb ku samaynin qoraalkooda. Waa dabiici, in wixii xiiso badan leh, sida bloggan inuu kiciyo dareenka xerta marsanaysa bloggan. Kuwo jibbaysan oo sacabka tumaya iyo cadhaysan oo oorinaya labadaba. Waxay calaamad u tahay inuu qoraalku guulaystay.
ReplyDeleteWaxaan ka codsan lahaa xerta marsadta bloggan, inaan shakhsiyan loo weerarin Garaadka, xittaa haddii aan lala qabin aragtidiisa. Fadlan ha ahaado bloggani, mid ay ku kaftamaan ayna fikradahana isku weydaarsadaan garaaddadu(intellectuals). Kala aragti duwanidu waa qayb ka mid ah xalka iyo waliba hore-u-marka.
Intaas kadib, waxaan Garaadka ka codsan lahaa inuu inoo jilciyo wuxuu uga jeeday qaybtan:
(Waxaan maqlayaa in ay dayaarado ka degaan Taleex iyo Buuhoodle, halkaas oo ay ku badan yihiin taageerayaasha Khaatumo State oo diiddan gooni isu taagga Somaliland. Somaliland ma oggoshahay in duullimaadyadaaasi ay si habsami leh u socdaan?
Muqdisho waxaa hadda ugu yaraan khilaaf kala dhexeeyaa Kismaayo. Dayaaradaha u kala goosha Nairobi iyo Kismaayo ama Kismaayo iyo Puntland, waxay mararka qaar daad gureyaan siyaasiyiin ka dhan ah Dowladda marna dhaawac ay islaayeen ciidankeeda. Armay isku daydaa in ay faraha la gasho?)
Waayo dad badani waxay ku eegeen ookiyaalo midab qabiil leh. Nasiibdarro, anaa ka mid ah dadkaas. Anigu waxaan u fahmay sidan: ''Mar hadday, Xamar iyo Hargeysa heshiiyaan, gobollada kale way u awood sheegan karaan, isbaaro dhul ah ayaynu naqaannaye, xittaa hawaday isbaaro dhigan karaan''.
Garaad, haddaan sax u fahmay, hadalkaas waa mid abuuraya walwal weyn oo wax u dhimaya awood-qaybsiga federalka. Haddaadan saas u jeedinna, raalli ahow, nagana jaahil bixi.
Guulayso ayaan ku leeyahay, Garaad. Mahadsanidna.
Maxamed, walaal wax kale ulama jeedo ee waxaan ogahay in hadda oggolaashaha Hargeysa aan lagu tegin Taleex iyo Buuhoodle. Sidoo kale, in aan Muqdisho lagala tashan dhaawaca laga qaadayo Kismaayo iyo siyaasiyiinta dowladda mucaaradka ku ah ee Kismaayo fariisinta ka dhigtay. Markaa waxaan ka digayaa uun in arrin siyaasad iyo militeri midna lagu xallin kari waayay in aan la isku dayin in cunaqabateyn xagga hawada ah lagu xalliyo. Macnaheyguna ma ahan in aan leeyahay tuhunkaas ayaan qabaa. Sansaankaas ma arko, laakiin waan ka digayaa.
DeleteGaraad, waad ku mahadsantahay walaal, sida wanaagsan, eed u fasirtay, qaybta aan tuhunka ka qaaday. Dad badanna, sidoo kale way ila qabeen tuhunka. "Ninna si u yidhi, ninna si u qaaday". Sidoo kale, Assad midduu ku weydiiyayna dad i soo wacay ayaannu is lahayn, tolow, Garaadku waa siyaasi, walibana waa suxufi weyne, hadalku miyuu ka fakaday, mise mise wuu u kasay: Inuu Puntlandna yaso, Xamar & Hargeysana is weydiiyo inay cunaqabateeyaan gobollada kale. Waan ku qancay jawaabtaada 100%.
DeleteWaagii hore waxaa la dhihi jiray: "Haddaad cay dooni dhimo, haddaad ammaan doonina guurso". Maanta waa in lagu daro: Haddaad cay dooni ka faalloo arrimaha siyaasadda". Waayo, saan horay kuugu sheegay, nasiib-darro, waxaynu aragtida qofka ku eegnaa ookiyaalo "4.5" ah.
Ookiyaalahaas, haddii la iska bixiyo, waxaad noqonaysaa( dabcanna tahayba), nin Garaad ah oo waliba aqoon ku darsaday, garna u leh in lagu sifeeyo: muthaqaf, mufakir iyo muxallil-siyaasi. Isla markaasna ah shkhsiyaadka ay soomaali oo idili ku faani karto.
Waxaan kaa codsanayaa - waa bil ramadaane -, inaad aniga iyo inta ku xamataba na cafido. Sababtuna waxa weeye, Siyaasaddu waxay maraysaa meel xasaasi ah, mar walbana waxaa laga doodaa waxa taagan, iyadoo ookiyaalaha "4.5" la wada gashanyahay.
Waxaan kuugu hambalyaynaa inuu bloggaagu durba noqday, waxyaalaha la soo xigto, sidii loo dhihi jiray, "War maanta BBC ma maqasheen ama Ammiin Caammir ma aragteen sawirkiisa", haddana waxaa la is-weydiiyaa, "War Yusuf-Garaad maanta ma akhrideen".
Waxaan kaa codsanayaa dulqaad, waayo dadku is ku si uma wada bisla, "ookiyaalaha" la wada xidhan yahayna isku darajo ma wada aha. Marka ku talogal in maalinna lagaa higgaadiyo, Xamar, Jabuuti, Garoowe, Hargeysa, Jigjiga, Kismaayo, Garisa iyo waliba qurbaha, maalinna lagaaga sacbiyo. Waayo af-soomaalka iyo qabiilku xuduudo qaran ma leh. Xerta ku raacataa shanta qaaradood ayay joogaane, yaysan ku caajiz galinnin dadka aan ka midka ahay, ee ookiyaalaha xidhan.
Su'aal kalaan jeclhay inaan ku weydiiyo, laakiin maadaama, aan hadda hadalka badiyay, dib baan u dhiganayaa.
Madaxaa ha jiro, Garaad!
cayda Yuusuf afkii caytamaa ku wax la' isagana koontadiisa aakhiro baa plus u noqonaysaa,marka Yuusuf caayaayoow ma waxbaad u tartay mise waxbaad ka dhintey. Waa Bil Ramadaane Edebsada oo cayda iyo xumaha iska dhowra si aan Cadho Rabbi idiinku dhicin. War Soomaalaay Walaalooba oo iska ilaaba xumaha qabyaalada oo is cafiya. Aniga shakhsiyan caqliga qabyaalada iyo diiradeeda dulliga ah marka wax lagu eego Yuusuf Qabiilada uu ka soo horjeedo oo la dagaalamo baan ku jiraa!!!!!!! meel Yuusuf igula dagaalamay oo igu colaadiyeyna garan maayo aan ka ahayn Xasad dadka qaarkii u sawira in qofkii karti leh ama Rabbi wax siiyo mansab ama magacba uu isaga iyo qabiilkiisa haddii uusan ahayn uu yahay cadawgooda !!!! waana cudurka Soomali dilooday. Aniga oo reer Sanaag ah Puntlandina ah Yuusuf iyo aqoonyahan ama waxgaradkasta oo Soomaali ahba waa walaalkay aan ku faani cid iga xigtaana ma jirto. Wax waa isku diidi karnaa,waa isku khilaafi karnaa qofkuna aragtidiisa xor buu u yahay haddaan kula dirirona waa dirir aanan guul ka gaadhayn waayo qofka siduu u fekeri iyo waxii uu rumaysan waa arrin Rabaaniya oo awoodayda ka baxsan waxaan ku bedeli karaana waa dood wanaag iyo wax is tus aan isku qasab,san iska gelis iyo isku nac midna lahayn. Walaal Yuusufoow waxaad soo qortay Puntland oo Somaliland isku dhererisa marka ereygaas oday isku dhereris waxaa laga fahmayaa siduu dhandhami in aad Somaliland u aragto mid baro dheer Puntland dhinac kasta oo aanu isku dhererinayno dee walaal uma haysano inay wax na dheeryihiine miyeysan kula ahayn midnimada Soomali oo aananu ka faanayn diidayn jecelna nahay inay wax walboo ay haystaan aragtidaa ay isku fuuqsanayso oo aanu nahay kuwa baro aan la gaadhi karin dheer abid, madaama aan naluku hayn in aan isir Soomali ka faanay ama aan nacnay midowgii iyo midayntii ama iskuba daynay in aan kala dhantaalo taasoo cidii samaysaa taariikhda baal madoow ka gelayso ahna bar wasakh ah oo aan ka maydhmayn. Mahadsanid walaal Yuusuf iyo walaalaha commentka soo qoraba.
ReplyDeleteAsad, walaal waad ku mahadsan tahay biseylkaaga. Ilaaheey ajar ha kaa siiyo u caqli celinta dadka aan dhowrin xuquuqda iyo sharafka qofka kale ee walaalkood ah. Walaalow anigu Somaliland iyo Puntland ma qiimeynayo mana lihi middaas ayaa bara dheer ama bara dhimman. Waxaanse ogahay sida ay mid waliba isu aragto. Somaliland waxay isla meel dhigtaa Soomaaliya inteeda kale oo dhan. Puntland iyaduna, sida aad adiguba sheegtay, waxay isu aragtaa in ay siman yihiin labadu. Si kastba ha ahaatee, ereyga aad qoonsatay, oo horena dhowr jeer ay dad kale ka cowdeen waxaan ku beddelay mid aan u haysto in dhinacna aanuu wax u dhimeyn. Waxaan mar kale kaaga mahadcelinayaa biseylka aad muujisay oo dabcan ku saleysan isku kalsooni shakhsi ah iyo xaq dhowrka aadanaha.
DeleteGaraad, waad ku mahadsantahay walaal, sida wanaagsan, eed u fasirtay, qaybta aan tuhunka ka qaaday. Dad badanna, sidoo kale way ila qabeen tuhunka. "Ninna si u yidhi, ninna si u qaaday". Sidoo kale, Assad midduu ku weydiiyayna dad i soo wacay ayaannu is lahayn, tolow, Garaadku waa siyaasi, walibana waa suxufi weyne, hadalku miyuu ka fakaday, mise mise wuu u kasay: Inuu Puntlandna yaso, Xamar & Hargeysana is weydiiyo inay cunaqabateeyaan gobollada kale. Waan ku qancay jawaabtaada 100%.
ReplyDeleteWaagii hore waxaa la dhihi jiray: "Haddaad cay dooni dhimo, haddaad ammaan doonina guurso". Maanta waa in lagu daro: Haddaad cay dooni ka faalloo arrimaha siyaasadda". Waayo, saan horay kuugu sheegay, nasiib-darro, waxaynu aragtida qofka ku eegnaa ookiyaalo "4.5" ah.
Ookiyaalahaas, haddii la iska bixiyo, waxaad noqonaysaa( dabcanna tahayba), nin Garaad ah oo waliba aqoon ku darsaday, garna u leh in lagu sifeeyo: muthaqaf, mufakir iyo muxallil-siyaasi. Isla markaasna ah shkhsiyaadka ay soomaali oo idili ku faani karto.
Waxaan kaa codsanayaa - waa bil ramadaane -, inaad aniga iyo inta ku xamataba na cafido. Sababtuna waxa weeye, Siyaasaddu waxay maraysaa meel xasaasi ah, mar walbana waxaa laga doodaa waxa taagan, iyadoo ookiyaalaha "4.5" la wada gashanyahay.
Waxaan kuugu hambalyaynaa inuu bloggaagu durba noqday, waxyaalaha la soo xigto, sidii loo dhihi jiray, "War maanta BBC ma maqasheen ama Ammiin Caammir ma aragteen sawirkiisa", haddana waxaa la is-weydiiyaa, "War Yusuf-Garaad maanta ma akhrideen".
Waxaan kaa codsanayaa dulqaad, waayo dadku is ku si uma wada bisla, "ookiyaalaha" la wada xidhan yahayna isku darajo ma wada aha. Marka ku talogal in maalinna lagaa higgaadiyo, Xamar, Jabuuti, Garoowe, Hargeysa, Jigjiga, Kismaayo, Garisa iyo waliba qurbaha, maalinna lagaaga sacbiyo. Waayo af-soomaalka iyo qabiilku xuduudo qaran ma leh. Xerta ku raacataa shanta qaaradood ayay joogaane, yaysan ku caajiz galinnin dadka aan ka midka ahay, ee ookiyaalaha xidhan.
Su'aal kalaan jeclhay inaan ku weydiiyo, laakiin maadaama, aan hadda hadalka badiyay, dib baan u dhiganayaa.
Madaxaa ha jiro, Garaad!
Asad Yusuf ma khaldana aniga fikirkayga marka uu isticmaalay erayga Isku dhereris. Waayo Puntland waxay bilawday isku dhererinta Somaliland 1998. Markii iyada la aasasay. Oo hadaad taarikhda hayso cabdulahi yusuf (Allaa yarxama) uu khud badiisii u horaysay ku sheegay inay maamul samaystaan maadama oo Somaliland ba ay dhisantay, wuxuuna marxuumku sharaxayay sababta loo aasasay Puntland. Madaxdii u kala danbaysay Puntland ayan marnaba qarsan kari jirin hinaasaha. Waynu kawada dheregsanahay sababtii Puntland loo aasasay inay ahayd Somaliland kudayasho. Taasceeb maahan oo waa wax fiican. Waxa Faroole dhawrjeer shegay inay hanaanka doorashooyinka iyo dimuqraadiyada kaga dayanayaan Somaliland oo uu ku amaanay. Waxaa kaloo faroole saxaafada uu u mariyay Somaliland waynu kawada go aynaa somalia inteeda kale ama waa kuwada jiri!!! Hadii aankuu qiro inaanay wixii hore ee aad nagaga dayanaysay aanay ISDHERERIN idinka ahayn ee ay wanaag idinka tahay ama wax fiican ood nagaga dayanaysaan ... Gooni isu taagana maad naga ga dayanaysaan? Waxad ku faantay midnimada ayaan ku jiraa oo Sawta Puntland laf dhuun gashay kunoqotay dawlada federalka? Sawdinka anku kalsoonayn dawlada federalka waxa ay miiska wada hadalka idiinka soo goyso. Marka Puntland tiraah heshiiska Dawlada fadaralku soogasho ma aqbalqyo ma dawladu ima meteshaa??? Mudnimadaad sheeganay aaway? Ma magacbaa?? Ma afkaa??? Mayee waa wada shaqayn, Is aaminaad, kalsooni iyo kala danbayn. Ee maaha isbar bar yaac. Balfiiri adoo madaxwayne iyo Raiisal wasare iyo barlaman kumetelaa joogan ayaad Kenya madax wayna heeda sawiro lasoo gelaysan. Walahay waa sharaf dhac waxay na muujinaysaa inaan somaliyi midaysnayn oo koox koox yar cidla looga heli karo. Kagadarane Jubbaland ayaa hogaamiseen oo dawlada kale iyo madaxwaynayal kale lasoo shiraya halkii oo muqdisho isugu keeni lahaydeen oo dawladooda ay la shiri lahaayeen. Somaliland haday joogi lahayd sharaf ayay ku joogi lahayd ee fadeexad, dibindaabyo ,caqabad iyo dhabar toogasho kumanan hayneen dawlad yar oo itaal daran oo ciidamo gaara lahayn oo caalamkoo dhami isugu yimi sidii somalidaa masaakiinta ah labatanka sano qaxayay dhibta ugaga bixi lahaayeen.
ReplyDeleteMarka Puntland waxan u sheegi lahaa kelmada
Midnimo micno kawayn ayay leedahay hadaad Khariirada ama Map ka oo keliya u haysato.
Waxan u sheegi walaalaha somaliyeed oo dhan Somaliland way idin jeceshahay walalahayo somaliyeed maka maaarano iyaguna nagama maarman Bad na inoo ma dhexayso. Cadawtinimo iyo Colaadna hadalkeedba daa. Halqodob oo keliya ayaa inoo dhexeeya. Laakiinse Horta soo dhameeya insha allaa caqabadaha raagay ee wadanka yaal. Oo ay u horayso Nabadu, Ciidamo somaliyeed, Doorashooyin heer madax wayne ilaa heer baar lamaan waa Homework wayn oo culus oo idinka idiinyaal. markaanu aragno walaalahayo somaliyeed oo gacmaa is haysta oo aan ciidamo shisheeye ku dhex jirin waxan hubaa inaad garta naga heli doontiin!
Markaa hawshu way kala horaysaa ee arinta Somaliland garteedu maaha wakhtigii ku haboonaa.
Hadaase wakhtigan ku adkaysataan waanu idinka gar heli ee maxaydin yeeli?
Axmed saalax aad baan uga helay aragtidaada siyaasadeed ee qotada dheer walaal. waxaan dhihi karaa waxaad tahay shaqsigii iila aragtida fiicnaa ee kasoo jeeda somaliland ama wixii loo yaqaanay gobolada waqooyi. ma aha oo kalyah in somaliland ay kudayato puntland balse waxaan qabaa in ay somalia idlkeedu kudayato habka maamul wanaaga, dimoqraadiyada, saxaafada madaxabanaan, nabadgalyada iyo waliba qaabka doorashooyinka. in ay somalia badasho qaabka loo doorato madaxweynaha iyo golayaasha baarlamaankla oo ay raacaan qaabka somaliland.
Deletetankale walaal axmadow dawlada soomaliya fikirkii iyo hankii looqabay ee ay soomali uqabtay makasoo baxda? waxa ay dad badan oo soomaaliyeed qabaan in ay kasoo baxday hadan kaaga jawaabo. qaar kale oo badana waxay ay u arkaan in ay lamid noqotay tii 1991 somaliya kadhacday mid lamid ah. majirtaa in tii soomartay kumeel gaadh dawlad sida tan hada loogu kala qayb samey axmadow? dibin daab yadaas mawaxaa gaystay faroole iyo puntlan mise waa hogaamin liidata oo qabatay hogaanka dalka. anigu waxaan qabaa yuusuf garaad hadii uu ahaan lahaa xasan maanta in aynan soomaali sas ukala dhaqaaqdeen. walaal waxad kahadashay sawir kiinya lala galay. maad aragtid dagaalka kasoo cusboonaaday kismaayo ee loo aanaynayo amaba uu kufaanayo xasan in uu isagu shiday. maad eegtid soonoolaynta qabqablayaashii dagaalka, maad eegtid kala fogaanshaha sii kordhaya ee dadka walaalaha ah ee soomaaliyeed ee ay dawladu horseeday.
mahadsanidiin
eng yusuf sxb marka salaan guud intaa ka bac " waxaan maqlay inaad doonayso madax ugu sareeya somalia " aan ku siiyo talo intaanad galin hawshaa sxb kaftana hayga ahaatee bbc dii baa lagugu aamini waayee maxa lagugu aaminayaa kaftan.com
ReplyDeleteanigu kuguma raacsani yuusuf in bbc dii lagu aamini waayay. dabcan waxa uu ahaa nin khibrad badan, aqoon badan aqlina badan xiligii uu joogay bbcda. waa sidii uu lahaa maxamed claahi markii uu katagay meesha ee ku wareejiyey yuusuf. dhabcan way jiraan dad badan oo u arkayay in uu ujanjeedho dhinaca beeshiisa waana mid ay soomaalidu dhaqan ahaan uleedahay in ay saas yeelaan. waxaan aad ujecl;aa markii uu waraysanayo siyaasiyiinta iyo sida uu ugaliyo god cidhiidhi ah oo ayna ka bixi karin. hadal heli ogidiisa ayaa iyaduna aha wax lagu amaano intii uu joogay xilka. markii uu uarkay in ay uhaboontahay in uu siyaasada galo isaga ayaa shaqsiyan uga tagay ee maahayn in laga caydhiyay ama uu wadi waayay xilkii. waana taageersanahay wax badan oo uu qoro baryahan danbe oo uu kuqoro baloogiisa. waxaan siin lahaa talooyin badan walaalkay yuusuf hadii aan hubo in uu akhrisan. hadii kale...
ReplyDeleteasxaabay yuusuf waxow kahadlay wax taagan oo mooda marka inta iska daaf tiin waxaa la idinka rabaa in aad fikirkiina ka dhiibataan sida wax usucdaan yuusuf garaad na waa naqan karaa in ow madax kanaqdu soamaalia waliba madaxa ugu sareeya taasi waa fikirkayga
ReplyDeleteThis comment has been removed by a blog administrator.
ReplyDeleteThis comment has been removed by a blog administrator.
ReplyDeleteHello Am Mrs, Morgan Debra Am amaahiye amaah sharci ah oo lagu kalsoonaan karo siin deyn
ReplyDeleteon a eego cad oo la fahmi karo iyo xaaladda dulsaar 2%. Laga soo bilaabo
$ 12000 in $ 7000000 USD, Euro Markaasuu oo ginni oo keliya. Waxaan bixin Business Deymaha,
Daymaha shaqsiga, Amaahda Ardayda, Deyn gaariga iyo Deyn bixin biilasha. Haddii aad
u baahan tahay si amaah ah waxa ay tahay inaad sameyso yahay, waayo, waxaad si toos ah ii soo xiriir
at: morgandebra1986@gmail.com
Ilaah ha idiin barakeeyo.
Salaan,
Mrs Debra Morgan
Email: morgandebra1986@gmail.com
Fiiro gaar ah: Dhamaan reply waa in la soo dir: morgandebra1986@gmail.com
Inta aan ka naqaano saxiibkeen Yuusuf Garaad waa Hadal iyo Qoraal yaqaan lakiin haduu wax qabad yaqaanimo uu ku darsan lahaa cid la bar bar dhigo lama heleen
ReplyDeleteMadaxaaga Allaha raajiyo.
ReplyDeleteWax badan baad ummada tari doo taaye.
Waa xog muhiimsan oo dad badan aan kamid ahay kawarhayn cadiir doonto ha maamusho suaasha dhalinyaro aan is waydiinayno waxay tahay maxaa inoo dana 30yrs baanu dawlad la aan caafimaad amni aqoon caalami xataa hadaan shaqo dibada ka helno aan nala aqoonsanayn aanu hayn ilmaheena maxaa udana seebaanu uga badbaadinaa dhibakaan anagu marayso waa suaasha marwalba qofwalboo dhalinyara oo 30jir ka hooseeya is waydiinayo adna Ex wasiir waxaan kaa codsan hadaad suaashayfa aragto in aad bulshada la wadaagto maqaalna aad ka qorto waliba aaad kasoo jawaabto markad jirtay da deena jaaniska aad haysatay aan anagu maantay haysan ama mid aan anagu maantay haysato aaadan haysan markaas
ReplyDeleteThank you marwalba waan ku xidhnahay qoraaaladada aad nala wadaagto