Total Pageviews

Tuesday 2 July 2013

Dhaawaca Kismaayo


 Dhaawaca Kismaayo Xagguu miciin biday?
Inqaasta Yusuf-Garaad

Dagaalkii dhowaan ka dhacay Kismaayo looga saaray Barre Hiraale iyo kooxo kale oo ay is hayeen Shiikh Axmed Maxamed Islaan, ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan boqol kuwo kor u dhaafayna wey ku dhaawacmeen.

Waxaan maqlay in shalay Muqdisho la geeyey in ka badan 70 dhaawac ah oo dhinaca laga taag roonaaday ah.

Warka hadda i soo gaarayana wuxuu sheegayaa in maanta ay billaabatay in dhaawicii dhinaca Axmed Islaan loo daad gureeyo Puntland.

Waxaan is iri warkaasi ma aha mid lagu farxo, waana dhiilla colaadeed iyo kala aammin bax hor leh.

Waxaan ka warsugnay booqashooyinkii wufuudo dhowr ah oo Dowladda ka socdaa ay ku tageen Kismaayo. Waxaan ka warsugnay wafdigii xaqiiqa raadiska ahaa ee IGAD. Waxaan ka warsugnay shir madaxeedkii IGAD. Waxaan ka warsugnay Shirkii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaan ka warsugnay Shirkii Addis Ababa ee Faarax Cabdulqaadir oo matalayay dowladda Federaalka iyo Axmed Maxamed Islaan.

Intuba waa dadaal, laakiin midna kuma guuleysan in uu baajiyo in la is dilo.

Maalin kasta oo xal la’aan la joogo waxay sii adkeyn doontaa xalka, khatartuna wey sii badin doontaa.

Waxaan dowladda iyo waxgaradka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in arrintan culeyska ay leedahay la dareemo, khatarta ka imaan kartana la dhicisyo.

Siyaasaddii shaqeyn weyday iyadana waa in wax laga beddelo oo dadka la kala badbaadiyo.

Adigu maxaad is leedahay?

24 comments:

  1. mahadsanid yusuf garaad kun iyo kow jeer
    waxay ilatahay aniga in lugu labani doono 1991.dii
    wayo waxaa imuqataa sansaan coladeed iyo dhiilo aan qarsoney waxaa kugu daliil ah dowladii somalia waxay qaday dhawicii col.hiirale waxay ka tagtay dhawicii jubaland.waxaa dhiilo kale ah dhawicii jubalnd ragii u dagalamayay waxaa loo qaday gaal kacayo waxay ku tusale u tahay kicin coladeed iyo habar wacasho.waxaa kale oo daliil u ah in uu jiro dagaal lugu hoobto bilowgiisa maanta garawe waxaa yimid sarakiishii ugu sareysay xaga amaanka dowlad degaanka somalida ee wadanka ethobia sidoo kale waxaa nola xaqijiyay in ciidama aad u tirabadan oo tabacsan maamulka shekh axmed madobe ee jubalnd ay ka soo tilabeen xadka ethobia iyo somalia.hadaba yusufow waxaad u jeda dowlada qaladadka ay kula kacday saladiinta besha habar gidir iyo wadadka caanka ah ee somali oo dhan ka haysto tagerada aniga waxaan qayasayaa somalia waxay isu dagali dontaa 3 weji oo dambe kow mid jubalnd loo haboojiyay o dowladaha deriska xitaa ka qeyb qadani doonaan oo aad arki doonto jigjiga gurmad ka soo baxayo iyo mid garisa ka saoo baxayo iyo mid garowe ka soo baxayo,magarani karo mesha uu ku dambeyni doono midkasi waa kan ku halaga badan oo somali oo dhan sameyn ku yelani doono,midka labaad waa mid ka bilabani doono xamar qad cagarana ku dhamani doono asal raacna uu ka qeyb qadani doono iyo wadad ka soo baxsaday dalal shisheye.midka sedaxaad wuxuu u dhexeyn donaa dowlada iyo al shabaab kasoo ka bilabani dono shabelooyinka kuna idlaan doono xamar.maxaa u sabab ah waxaas oo dagaal ah ee dhababka tagan.kow lasafashada dowlada qabiilaadka qaar ee somaliyeed iyo k dulida hal qabiil iyo aflagadada iyo garacida saladiinta xormeysan iyo qabashada iyo ku xad gudubka sheekh xasan dahir aweys iyo balan ka bixida iyo beenta aan cadad neyn ee madaxda dalka ,la coleytinka dowlaha deriska ah qasatan dowlada kenya oo ay awood aad u badan kuledahay jinsiyada somalida iyo dad weli joqorafi ahaan ka soo jedo jubland.

    ReplyDelete
  2. tani waa kala gurasho rasmi ah waxaana aabo u ah madaxwayne xasan sheekh sida uu wax u wado haduu wax kabadali waayana tu ka daran iyo kala dhaqaaq somaliyeed baa xigi wax garadka siyaasiyiinta yusuf garaad ugu horeeyo waxaan ugu baaqayaa hadaad idhaha ka daawataan bari idinkay aabo idin dhihi waxayna gaadhi xali lays umulo dooxo reerba reer wareemo kadibna lakala dudo sida somaliland jiilkanagan u cusub yahay dagaalkuna wax walbahaar ah nagamu hayso reerkayagana waanu difaacan kadib na gobal waliba iyo reer walibana gooni u goosto

    ReplyDelete
  3. [Siyaasaddii shaqeyn weyday iyadana waa in wax laga beddelo oo dadka la kala badbaadiyo]; this could be the key factor to solve Kismaayo ongoing conflict. The DFS must respect the choice and needs of Jubbaland people. But trying to impose an old style of nomadic clannish mentality to gain power in that area; it won't be successful. At the end, as the DFS goes far with their unwelcoming & unfair policy in Jubbaland as simply Mr. Madoobe strengthen his power all over Jubbaland. And as a result, our country may swiftly or gradually return to the dark ages [1992-2009]. Thus, the distrust & animosity will spread again among us. Thanks Yusuf Garaad for the very professional way that you put this issue.

    ReplyDelete
  4. anigu waxan leeyahay siyasada xasan shiikh waa siyaasad is diidan oo uu asagu meel kasta iska soo xirayo dawlada puntland waxay sheegtay in dastuurkii somalida isku keeni lahaa oo road mop ka lagu dhameeyey dawladu badashay in dawlada ay ku cel celinayso somaliland somali weyn hasoo raacdo puntland ay leedahay waan goosanaynaa xiriirka inta dawlad cadalad ah dalka imanayso waxa is weydiin leh somaliland ayadoo siyaasadaas u jeeda masoo laabanaysaa waa maya . tankale dawlada jubbaland ayaa waxaa dhistay dadkii deegaanka dastuurka dalkana uu u ogolaanayo 2gobol iyo wixii kabadan in ay is raacdo xasan sheekhna diidan yahay oo is leeyahay qabiil baa awooda somali qaadanaya oo is leeyahay federal xal somali uma ahan waxaan dhihi lahaa somali waxay ku heshiin kartaa ayadoo dastuurka qofkasta uu ilaaliyo dastuurka dawlada uu madaxweynaha ka yahayna uu sax yahay . mida kale waxa uu haatan eedeeyey dawlada kenya oo ku hawl gasha magaca amisom oo dhahay dagaalka ayey ka qayb qaadatay war ninkaan siyaasadiisu xagee u socotaa waa yaab


    yuusuf garaad adigu waxaad iska dhigtaa dhex dhexaad lkn ma tihid waxaad ka mid ahayd dadkii qabiilku qaaday oo ka qayb galay shirkii nairobi ee jubooyinka looga hadlayey lkn wax baad garataa marka qaarkood marka siyasada iyo dagaalka lagaaga xoogbato xasan shiikhna sidaas baan ka rajayn

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mohamed, shirka looga hadlay Jubbaland waan tegey. Waxaan la fadhiyay qiyaastii 100 ruux oo Soomaali iyo ajnebi isugu jira. Ajnebigu wuxuu u badnaa wakiillo safaaradaha ka socda, iyo kuwa hey'ado kala duwan ka socda. Waxaa na wada marti qaaday xildhibaanno Soomaaliyeed oo aan isku reer ahayn Xuseen Carab, Xoosh iyo Goodax ayaa ka mid ahaa. Waxay noo sheegeen sida ay ayagu wax u arkaan. Talo kuma darsan, su'aalna ma weydiin. Markaa dadkii tegey oo dhan haddaad qabiili u taqaan Safaaraduhuna waa qabiilkee? Qabiilka aad sheegeysaase waa saddexda xildhibaan kee qabiilkiisa nahay? Ogow, anigu qabill iyo qabiil la'aan ugama baqo in aan qof ama koox la kulmo si aan hadalkooda u soo dhegeysto ama ula soo sheekeysto.

      Delete
  5. Yusuf, aniga waxay ila tahay in Xalku yaalo Muqdisho, waayo Muqdisho waxay Ciidan, Hub, Rag iyo Rasaasba u diraysay Kismaayo ilaa 15 sano. Tusaale cad arintaas waxaa u noqon kara Dawladdii Carta ee Madaxweynaha uu kahaa Abdikasim Salaad iyo sidii uu ugu diray Indhacade Kismaayo. Xassan Sheikh Istaraatiijiyad cad uma hayo Kismaayo, waxa howsheeda waday odayadii Xamar lagu uleeyay, waxaana arin layaab leh noqotay sida Barre Hiiraale uu u jabay, odayadii soo abaabulay arintiisana iyagii loo xumeeyay. Waxaan hubaa hadii Reer Muqdisho arinta Kismaayo faraha kala baxaan inay nabaddi ka dhalan lahayd halkaas!

    ReplyDelete
  6. Arintu waa qasan tahay waxaaba sii gacmo gacmo gacmeeyey arin Kismaayo Dowladda Kenya ee nin kaan Axmed Madoobe ah waa kaa saari lahaa Maaladda.Arinta Kismaayo waa arin lagu fashilinayo Dowlada Federaalka ah ayadana roolkeeda hoaamineed wey qaadan weyday ciidamadda Kenyana si ka baxsan sida kuwa kale ee amisom ayey u shaqeeeyaan oo dan ayey ka lee yihiin arinta Jubooyinka, Yusuusyf adiguna ma wadankeedoodii ayaad k++joogtaa io Kenyaanka waad ka hadli la,dahay sida aad wax ugaqortay arinta Xasan Daahir ka badan ayaa laga rabaa inaad wax ua qortid, mahadsanid.

    ReplyDelete
  7. Janankii Howlgabay Moorgan waxaa badalay Janaraal Darwiish , Barre Hiiraalese wali waxaad mooddaa inuusan quusan , waxay iska dilayaan waa wiilal soomaaliyeed waxay barakicinayaan waa shacab soomaaliyeed , waxa dumaya waa dal soomaaliyeed , waxa miidda dhuuqaya ee ka faa iidaya waa shisheeye aan gabanayn , Xamarna waxay ku mashquul san tahay Xaflado iyo xaajo aan loo joogin siday ila tahay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed waa dayacan yihiin

    ReplyDelete
  8. Yusufoow, waad ku mahadsantahay dareenkaga fog ee arintaan keeni karto lakiin waxaa isweydiin leh yaa oran kara Hassan Ulusow waad qaldantahay?

    Madaxweynaha waxaa kale oo sii lugooynaya Raisal wasaaraha oo aan wax talo suuban ku kordhineeyn Madaxweynaha. Wallaahi waxaan la yaabay markaan arkay ciidan hubeeysan oo ka imanayaa Gedo markii la weydiiyey xageed u socotaan waxa ay yiraahdeen Ciidan dowladeed ayaan nahay oo halkaas ayaa la inoo soo badaly. ciidan loo dirayo meel Somali kale oo dowladda diidaneeyn oo Alshaab soon dhex maray, dowladdan leedahay waa sax. waxa ay la yaab ku noqotay qofkasta oo caqli leh. Madaxweynaha marka hore waa in uu fahmaa macnaha siyaaso, kadibna uu fahmaa khiyaanada dhabar jabka isaga ku ah.
    Hadalda qabiilka ku saleeysan ee wasiiradiisa ka imanayana afka ka xiraa, sida wasiir ku xigeenka wasaaradda boostada isagoo ku qabiil ah Bare Hiiraale qolo kalena waxa ka sheegayaa taas waxa loo fahmayaa wasiirkasta reerkiisa ayuu matalaa.
    Hassan waa in uu qaboojiyaa colaada Kenya loo muujinayo sababtoo ah, Uganda, Itoobiya iyo Kenya waa ilma adeer waxaana nacasnima an in Kenya loo naco naceeb qabiil kale awgiis.
    sidaa kale, waa in dadka qabiilka nadiifka ka ah, ama calal aqal fahmi kara waxa dowlo tahay talo u soo jeediyaan Madaxweyna culusoow.

    ReplyDelete
  9. Yusufow haddii bacteria-yada "il maqabateyda" ah microscope lagu eego wey weynaataa, sidoo kalena haddii qof uu afuufo buufinka caruurta lagu cayaarsiiyana si tartiib tartiib ah ayey uga qarisaa waxa hortiisa ama hareerihiisa yaal. Dawladda Soomaaliya ama microscope-kii baY ku eegtay arinka Kismaayo ama buufinkii baa ka qarxiyey waxaan Kismaayo aheyn oo dhan. Soomaaliya waa wadan ay cusleeyeen, dagaalo, faqri, macaluul, nissan la'aan, budhcad badeed, argagixiso, iyo weliba aqoon la'aan intaba dawladeenii buufinkii baa qariyey, malaheyga. Halka sartu ka qurunsan taheyna waa dadka masuuliyadaha uu u kala magacowday madaxweynaha oo ah dad aan khibrad badan u laheyn shaqada uu dhiibtay waaba tan keentay isaga mooyee inaan cidkaleba la arag. Tusaale eeg Ra'iisal Wasasaaraha weligii (public Office) kama soo shaqeyn, eeg Wasiirka arimaha dibedda, eeg chief pratacol-ka madaxweynaha yarka ah. Intaas oo dhan waxey sababeen qaladaadka hadda dhacaya. Aniga waxey iila muuqataa iney tahay "neef ninkii lahaa seynta uga taagan yahay hore uma kaco"

    ReplyDelete
  10. yusuf shirkaas inta tagtay waa la ogaa waxay ahayeen reer iyo dabo dhilifkood hadan midka soo qaado xildhibanada xoosh oo kale nin waxa waaye somali masiirkeedna aan lagu aaminin oo uu yahay nin iska jahwareersan laaluushna qaata mararka qaarna cabsan oo khamri yacab ah inta kalena waa la oga marka adiga waxan ku oran lahaa meelaha siyasada somalia laysku haaayo il gaar ah u lahow si dadka waxa aad qoraysid u qiimeeyaan mahadsand

    ReplyDelete
  11. ASC Wariye,waana kuu mahad celinayaa aqbaarkan aad noo soo gudbisay oo ku saabsan xaalada kismaayo oo faraha ka sii baxeysa,salkana ku heysa mid siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba,balse waxaa ku baabaya waa dadka taagta daran ee soomaalida ah.
    arintan soomaaliya waxa ay u egtahay arinkii soo jireenka colaadeed ee u dhaxeyn jiray fransiiska iyo jarmalka,oo ahaa dhuxusha iyo birta, aas aasna u ahaa warshadaha,ka dibna lagu heshiiyey in looga faaiideeyo dhamaan wadamadii reer yurub,heshiiskaasna loo bedelay suuqa dhaqaalaha ee reer yurub,maantayna loo yaqaano midowga yurub.
    Kheyraadka ku jira kismaayo ma ahan in uu dhiig badan ku qubto balse waa in uu noqdo matoorka horumarka ee dhulkaas sadex geesoodka ah.
    Tan dowlad xumada aad sheegeyso oo aad leedahay in wax la bedelo anigu waxaan qabaa markii aad leedahay ha la badelo Madaxda qaranka in aad sameyso mucaarad wax dhisa,islamarkaana aad sheegto cidii bedeli laheyd,haddii aadan taas heyn waxa aad wadaa dumis,marka raali ahow mudane yuusuf garaad.

    ReplyDelete
  12. Yuusuf Garaad, iga raalli ahoow waxyar oo xiriir la leh Qoraalkaan baan taabanayaa walaal. Aniga shakhsiyan weligay taxaddar baan ka qabay Aqoonyahan Yuusuf Garaad iyo shakhsiyaddiisa. Waxaa igu jirey tuhun ah inuusan masuulku daacad ahayn oo xataa intaas keliya ma ahane uu sidoo kale dagaal noocyo badana waday. Laakiin marka taxaddarkeyga noocaas ah laga tago waxaan had iyo goor qirsanaa aqoonta, kartida iyo aftahanimada Walaalkay Yuusuf Garaad leeyahay. Qoraallada uu midkaani ka mid yahay ee uu Mudane Yuusuf Garaad sameeyo waa kuwo wax ku ool ah, kana qayb qaadanaya xal u helidda iyo dhiraandhirinta xaaladda cakiran ee Soomaaliya. Aad iyo aad ayaad u mahadsantahay mudane.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Bishar, waad ku mahadsan tahay sida niyad samida iyo isku kalsoonidu ka muuqato ee aad iila hadashay. Walaal waan ku faraxsan ahay kalsoonida aad ii muujisay.
      Haddii tuhunkii hore aad u qabtay adigu aad dib isugu laabatay oo qormooyinkeygu ay wax kaa beddeleen waan kugu dhiirri gelinayaa in aad sidaas ku sii socoto. Walaal haddii qofka Soomaaliga ahi uu madaxiisa ka socda oo isagu qofka kale ku qiimeeyo waxa fikirkiisa ama ficilkiisu yahay wax badan ayaa noo hagaagi lahaa. Mahadsanid.

      Delete
  13. Yusuf waad mahad santahy ,
    Haddan u soo laabto darren kayga ku aadan arintaan waxaan qabaa waxaa arintaan dabigeeda iyo wixii kayimaada qaadanaya dowlada fadaraalka iyadaa eedaas leh cidina lama wadaagto waayo cidkasta waa ogtahay sida wax u dhacayaan.
    Mahdsanid .

    ReplyDelete
  14. Yusufow, madaxwaynaha iyo ragi ad kamidka ahaydba waxay ku campaign gareyen qabyalad.nin walba inu qoyskisa cod kahelo ayu kuqasbana. Eda maydan lahayn. System ka sida aha. Kolkise madaxwaynaha ladortay, halki u dhihi laha hada somali o dhan ban madaxwayne u ahay, yu wali u dhaqmaya inu reerkisa kaliya mesha u jovial. Xalku wu fududyahay hadu dalka iyo dadkaba isku si uga fakaro.

    ReplyDelete
  15. Yusfow, ked jeceshahay in lagu dhaho mudane yusuf iyo yusuf garaad? Waxad kalood igu darta waxa kalifaya kenii wax bartaba inu title kadhigto sida eng,Dr.prof iyo wax lamid ah? Waxan su'alahan ku waydiyay somalida wa dadka adunka ugu cilmiga yar ..hadana an ka xishon inu shego engineernimadisa.dhaqankeni hore qofku amanta wu diidi jiray ..mantase rux walba tosh bu ku radinaya. Diin ahan iyo cilmi nafsiga labadaba wa lashegay in qofka o lagu badiyo amanta, mudnaanta kibir ku aburto. Wana ta marka danbe ruxa halaagta. Marka an is xurmayno inago magacyadeena isugu yedhayna. Mahadsanidin

    ReplyDelete
    Replies
    1. Badow, anigu title ma isticmaalo. Qofkii mudane iigu yeerana wax xun ma sameyn ee waa xushmad wuuna ku mahadsan yahay.

      Delete
  16. Saaxiib waan ku salaamay marka hore.marka xiga Runtii taladaada waxaa ka mid ah talooyin inbadan ka guuxaayay maskaxdeeyda, lakiin nasiib darro ma anaan helin fursad aan ku cabiro aragtideeyda ama aan ugu gudbiyo xukuumadda sababo jiro aawgeeed. waxaan rajaaynaayaa in raisaul wazaaraha uu fiiro gaar ah u yeesho taladaada. Talo khabiir oo bilaash ah dunidda maanta ah lama helo waaa fursad

    ReplyDelete
  17. Yussufow waxaa la yiri " taking sides have consequences" Dowladii Somaliyeed waxaa la rabay inay haystaan kalsoonida dhamaan reer juba land markaa kenya lama edeyeen. Dowladii Somaliyeed waxay la safatay Bare, kenya waxay la safatay Madowe. Markaa Kismayo waxaa ku dagaalay kenya iyo Somaaliya guushuna Kenya ayey Raacday. waxaa arinkaasina fududeeyay Madaxweyne xassan mowqifka uu kaqaatay jubaland. Hadii uu wali mowqifkaas wax kabadalin waxaa mar walba madaxda dowlada somaliyeed ujawaabi donaa Afhayeenka cidanka kenya. taasina waxay fududeyn in lahelo mamul goboleedka jubaland oo soo afjaro dagaalka islamarkaasna hostago Kenya. Dowlada Somaliya waa inay ismaqlaan Ahmed madowe si gobolka jubaland uu uga badbaado inay kenya kudarsato NFD.

    Regardless of whatsoever happen Anigu Mowqifkeygu wuxuu taaganyahay "United States Of Somalia=Somalia+Djbouti+NFD+Deganka Somalida Itoobiya(Ogaadenya)" Dhamaan dadka Afka soomaliga kuhadlo waa Isku Dal,Isku Diin,Isku Dhaqan .

    ReplyDelete
  18. Yusuf, Tallada aad siisay Ra'isal wasare Shirdoon waa Mid aan is leeyahay aad ayay muhiim ugu tahay in uu si dagdaga u tixgaliyo ama u qaato marka ugu horaysa ee uu fursad Ra'isalwasaruhu u helo. Labaatan kii sano ee lasoo dhaafay ee mushkiladda somalidu socotay markasta oo dalka dhib kadhacdo dhibtaasna somalidu isugaysato waxaa dabasocday eedaymo waddamada dariskaa Khaasatan Ethiopia oo qaarbadan oo Somalida kamida ay dhaleecaynayeen Ethiopia, halka qaarkale oo badana ay u arkayeen in ay tilaabooyinka ethiopia ay sax yihiin ayna daneheeda qaran difaacanaysay, hadda hawshii waxay isku badashay dhinaca kenya oo shakhsiyaalkii iyo dawladihii dhaleecayn jiray waddama dariskaa ama hakusaxsanaadeen ama haku khaldanaadeen kasowkow, waxaa soo kordhay dawladdii Somalia oo larabay in ay waddama dariskaa waxay ka walaacsanyihiin ka qanciso inay muujisay dulqaad yari. Wasiirka aad kulatalisay Ra'iisal wasaaraha ee aad ku magacawday Wasiirka iskaashiga Gobalka, aad iyo aad ayuu muhiim u yahay. Waxaan Jeclaan lahaa sida aad Ra'iisal wasaaraha ula talisay inaad madaxwaynahana Ula talisid.

    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  19. yuusuf garaad, waxaan kaga mahad celinaya wakhtiga qaaliga ah ee aad noo hurtay. hadaanu nahay bulshada somaliyed wan u baahnayn siyaasi, aqoonyahay ama madax dadkeeda sida ula xidhiidha waxaan u arka guul nooso hoyatay. waxaan huba waxbadan oo aanay ogayn dadka iska caadiga ee aan anigu ka mid ahay in aad adigu ogtahay. waanad mudantahay in lagu mahad naqo oo wax laga fa'iideysto. inbadan noolow

    ReplyDelete
  20. mudane Yuusuf Garaad, mahadsanid walaal waxaad tahay qof aqoon iyo waayo aragnimo badan taladaa aad siis PM
    waa mid muhiima haddii uu qaato 20% oo kaliya ayaa guul ah soomaliya waxay u baahan tahay dad bisil oo garanaya
    siyaasada gudaha iyo dibadaba dadkaasina looga ma baahna xukuumadda hada jirta waayo waa mid kooxeysi aqooon nacayb mudane yuusuf garaad waad ku mahad celiyaa aregtidaada dheer iyo wadani jecelkaaga

    ReplyDelete
  21. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete