Total Pageviews

Wednesday, 17 July 2013

Shiikh Xasan Daahir waa kuma?


Shiikh Xasan Daahir: Wadaad Waranle ah
Inqaasta Yusuf-Garaad

Waxaa uu ku xiran yahay Xarunta Dhexe Nabad Sugidda ee Muqdisho. Ma ahan markii ugu horreysay ee uu xabsi galo. Hadda ka hor Dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa xabsiga dhigtay. Maxkamadda Badbaadada ayaa isaga iyo rag kale waxay ku xukuntay dil toogasho ah. Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa markii dambe cafiyay.

Xasan Daahir Aweys, sannadkii 1935 ayuu u dhashay dhalay Macallin Dugsi Quraan. Reer Galguduud waxay ii sheegeen, Macallin Daahir dugsiyadiisii Galguduud in ay ku Qura’aan barteen oo ay ka aflaxeen arday fara badan oo markii dambe qaarkood ay dalka xilal kala duwan ka qabteen.

Shakhsi ahaan waxaa lagu tilmaamaa nin aan isla weyni qabin, lacag sameyn, una nool sida bulshada dan yarta ah.

Hadda waa nin oday ah oo dalka Soomaaliya si weyn looga yaqaan. Taariikhdiisa oo aad u dheer waa mid aan is qabaneyn oo isugu jirta waddaniyad aad u sarreysa iyo khilaaf iyo dagaal dhiig badani ku daatay.

Waa nin aan naftiisa dagaal uga turin. Isaga oo sarkaal ah ayuu Billad Geesi ku qaatay dagaalkii Soomaaliya iyo Ethiopia 1977.

Intii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya 1991, isaga oo marba magac huwan wuxuu ka qeyb galay si toos ah, si abaabul ah ama si taageera ah dagaal kasta oo magaca diinta wax lagu weeraray ama la isku difaacay. Ka soo billowo dagaalkii al Itixaad ee Araare 1991, kii Itixaad ee Gobolladii berigaas loo yiqiin Woqooyi Bari oo hadda ah Puntland 1992, mar kale Itixaad Gobolka Gedo bartamihii 1990-aadkii, dagaalkii Maxkamadaha ee 2006, kii Muqaawamada ee daba socday, kii Xisbul Islaam iyo kan hadda ee Shabaab.

Inkasta oo Xasan Daahir dadka yaqaannaa ay ku tilmaamaan nin sheekoole ah, furfuran, qosol badan, caddaaladda jecel haddana marka aad taariikhdiisa deristo waxaa lagu tilmaami karaa nin aan naftiisa u rooneyn oo Naftii-hallig ah.

Wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii 1977. Waxaa lagu xukumay dil toogasho ah. Wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii Gedo. Wuxuu ka badbaaday saddex jeer oo la isku dayay in la dilo - Balli Doogle oo gaarigiisu soo istaagay meel isbaaro ah ayaa baas lagu furay laguna dhaawacay, Isbitaalka Wanla Weyn ayaa lagu weeraray isagoo dhaawac ah, Muqdisho isaga oo Salaad subax u soo kallahay oo Masjidka u socda ayaa jidka loo galay oo rasaas lagu furay laguna dhaawacay.

Xasan wuxuu ka tirsanaa Maxkamadaha Shareecada oo uu Guddoomiye u ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo markii dambe loo doortay madaxweyne. Xubno badan oo ka tirsanaa maxkamadaha iyo Isbahasigii dib u xoreynta, inkasta oo dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Geeddi ay ku eedeyn jireen argagixisnimo, haddana ma jiro mid la soo taagay Maxkamad.

Taa cagsigeed waxaa ka soo baxay Madax badan oo noqday, Wasiirro, Guddoomiye Baarlamaan, Madaxweyne Maamul Goboleed, Taliyayaal ciidan, Safiirro iyo Generaallo, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah uu Xasan Daahir madax u ahaa berigii ay ka tirsanaayeen maxkamadaha.

Waxa keliya ee ay ku kala duwan yihiin Xasan Daahir iyo madaxdaas dowladdii hore iyo tan hadda ahba ka tirsan, waa laba arrimood. Iyagu waxay aqbaleen in ay dowladdii markaa jirtay iyo baarlamaankii ay wax la wadaagaan islana shaqeystaan. Midda labaad iyagu al Shabaab kama tirsnayn.

Xasan kuma biirin al Shabaab ee dagaal la wada ogaa oo Xisbigiisii looga adkaaday ayay ku qabteen kuna khasbeen in uu iyaga ku biiro. Intaa wixii ka dambeyay ma cadda Xasan Daahir kaalinta uu ku lahaa Shabaab.

Ma ka mid ahaa ragga tashkiiliya dhallinyarada yar yar ee naftoodii halligay markii ay is qarxiyeen, isla markaana galaaftay nafta shacab badan? Nimkaas dhallinyarada tashkiilinaya oo la ogyahay qaarkood in carruurtoodu ay dhul nabad ah oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba leh ay ku dhaqan yihiin waxna ugu bartaan.

Inkasta oo muddo dheer la hadal hayay in uu Shabaab ka soo goosan doono, hadda uma eka in uu rabitaankiisa uga soo baxay. Waxay u muuqataa in meeshaa raggii kale ee Madaxda Shabaab ahaa qaar la dilay, qaar xabsiga la dhigay, qaarna baxsad yihiin, in ay isaga u suurta gashay in uu ka baxsado Shabaab.

Xasan Daahir wuxuu ka baxsaday magaalada Baraawe isaga oo doon saaran oo ay la socdaan dhowr wiil oo hubeysan. Meel aan ka fogeyn magaalada Muqdisho, waa xeebta Jeziira ayay doontii fariisatay. Ma cadda in shidaalku ka go’ay iyo in cillad kale ay heshay.

Su’aasha jawaabteeda looga baahan yahay Madaxda Dowladdu waxay tahay waayo cidda u gurmatay ee u suurta gelisay in uu safarkiisa sii wato ilaa Hobyo? Maxaa markaa loo qaban waayay?

Su’aal kale waxay tahay, maxay ku wada hadleen Odayadii qabiilka Xasan markii ay la kulmeen Madaxweynaha ka hor intii aanay aadin Cadaado? Yaa kharashkeeda bixiyay dayaaradda khaaska ah ee ay kiriysteen ee dhowr maalmood u fadhiday Cadaado?

Markay Xamar keeneen, maxaa sababay in odayaal aan hubeysneyn la garaaco? Xataa haddii ay isku dayeen in ay is hor taagaan in la xiro Shiikha. Sow farahooda lagama bixin karin iyada oo aan dhaawac la geysan?

Markii Madaxweynuhu la kulmay odayaashii la garaacay, ma jiraa in madaxweynuhu ballan qaad sameeyay?

Ugu dambeyntii maxaa keenay in mas’uuliyiinta dowladda uu midb mar ka hadlo “arrinta Xasan Daahir”, iyada oo aan haddana wax tallaabo ah oo dharciga waafaqsan aan lagu dhaqaaqin?

Su’aalahan aan jawaabahooda la hayn iyo go’aan la’aantu waxay abuurayaan xiisad. Dadka qaar dano kale leh ayaa ka faa’iideysan kara. Waxaa is biirsanaya dad waxyaabo kala duwan u careysan.

Dowladda waxaa looga fadhiyaa in ay go’aan cad ka qaadato waxa Xasan Daahir ay ka yeeleyso, isla markaana ay la socodsiiso bulshada.

Inta go’aanka dowladdu maqan yahay, waxaa looga tala gelayaa in aan dowladdu aqoon waxa ay ka yeeleyso Shiikha gacanteeda ku soo dhacay. Mar kasta oo go’aanku sii daahana waxaa sii kordhaya hadal haynta iyo culeyska arrintu ay leedahay. Waxaa sii kordhi doona cadaadiska iyo ku mashquulinta Xasan Daahir.

Ma ahan dowladdu wixii libin u ahaan lahaa in ay iyadu lug gooyo ka dhigato. Xasan Daahir Aweys waa nin magac weyn, meel weyna uga jira Islaamiyiinta Soomaaliya, gaar ahaan kuwooda cududda maala. Dowlado badan ayuu la soo diriray, wanaagna wuu ka qeyb qaatay oo Muqdisho oo shan meelood oo kala duwan ay dayaaraduhu ka soo degaan isaga iyo Maxkamadihii uu Madaxdooda ka mid ahaa ayaa suurta geliyay in gegida dayaaradaha ee Muqdisho dib loo furo. Taas oo ah midda isaga hadda laga soo dejiyay.

Ninka noocaas ah oo gacanta u soo galay iyada oo aan dadaal badan u gelin, Dowladda waa in uu u noqdaa guul iyada u soo hoyatay.

Hadda waxaa Xasan daahir u doodaya odayaal qabiil oo leh Madaxda Dowladda ayaa nagu ballan furtay. Hadday xaaladdu sidan sii ahaato, waxaad mar dhow arki doontaan Hey’adaha Xuquuqda Aadanaha oo sheegi doona in uu Maxkamad la’aan xiran yahay.

Laba mid ayuu xalku ku imaan karaa. In la sii daayo (masaafuris iyo haddii kaleba) iyo in Maxkamad la soo taago qareenna loo oggolaado. Labada tallaabo middii ay dowladdu ku dhaqaaqeyso waxaa la gudboon in ay si dhakhsa ah ugu tallaabsato.