Total Pageviews

Saturday 4 April 2015

Amniga Waddooyinka Muqdisho


Ciidanka lagu ilaaliyo Madaxda labada Gole, Taliyayaasha ciidanka iyo madaxda kale ee iyaguna muhiimka ah iyo ciidanka lagu ilaaliyo xafiisyadooda iyo guryahoodu waa ciidan badan. Gaadiidka, hubka iyo isgaarsiinta ay adeegsadaanna ma yara.

Miyaan ciidankaasi ku filnayn sugidda amniga dhowr iyo lixdanka isgoys ee laamiga ah ama ahaan jiray ee Muqdisho?

Ugu yaraan miyeysan ku filnayn amniga waddooyinka fara ku tiriska ah ee Madaxdu ay maraan?

Dhanka kale, Magaalo uu dhex marayo baabuur dagaal oo hubeysan marka aad aragto ma waxaad dareentaa amni mise amni darro?

Baabuurta teknikada ah ee madaxda qaar lagu ilaaliyo iyo kuwa kale ee magaalada Muqdisho dhex socda ee ay dul saaran yihiin ciidan hubeysan oo luguhu ay dibadda u raaracaan waxa ay dadka ku dhalinayaan dareen ah in aan magaaladu ammaan ahayn.

Ciidanka baabuurta ku raran haddii dhulka la dhigi lahaa, sidaan is iri, Madaxdana wey ilaalin karaan, shacabkana way ilaalin lahaayeen.

7 comments:

  1. Waa fikrad fiican, waana kugu raacsanahay iney sugi karaan amniga dhamaan shacabka ku nool muqdisho, waa haddi dhab katahay suggida shacabka aysan ka eheyn kaliya nafsadooda,

    Nafta go'eeyso waa isku mid, waxaana sharaf ugu filan Madaxda dalka in ay sugaan amniga shacabkooda xataa halagu gaarsiiyo dhibkasta.
    mahadsanid

    ReplyDelete
  2. Aad iyo aad yususf garaad waa sax in amniga guud xooga la saaro
    Xita lacagaha ku baxa ciidamada private ka ah way ka badantahay askariga caadihga ah intuu qaato asagoo maanta oo dhan qoraxda taagan
    waxaad moodaa in ciidamadu ay ka niyad jabayaan inay danta guud maadaama wax dhiiri galinaya aysan jirin lacag iyo saanad intaba
    Aminga guud waa in culeyska la saaraa

    ReplyDelete
  3. Waa fikrad fican lkn yaa falaaya hee Garaad?

    Haddii la rabo in wanaag la sameyo waa la awooda lkn waxaa jira dad god noo qodaaya madaxda qaarba ha ku jiraane.

    ReplyDelete
  4. Faalada iyo aragtiyada Yuusuf Garaad waa kuwo wax dhisaya.
    Dawlada Xamar ka dhisan way garataa intaa iyo in la mida. Balse, wax qabad iyo dan guud qorshahaba uguma jiraan. Waxyar baad joogine weelka buuxso, u diyaar garawga 2016-ka, iyo u adeegid quwado shisheeye ayaa muhiimada kowaad leh. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  5. Yusuf madaxda nin walba ciidanka u saaran waa ciidan aan mushahar qaadan oo balan ku jooga, ninka ay ilaalinayaana waa nin jifidooda ah, hubka ay wataana dowlidi masiin, ee waa u sharciyeysay, hubka waxna wiilasha wataa leh, qaybna ninka la waardiyeynayo ayaa soo gatay, amase atoto kusoo helay.

    Marka inaad mukulaal madow ciidan qaran u aragto adiga oo xamar jooga, aqoon iyo fiiro dheerna aan kugu tuhmayno waa kuu ayaandaro fikirka caynkaasa.

    Mida kale wadooyin ciidanka haba la dhigee, wadanka madax is aamisan ma joogtaa,

    Waad ogtahay saraakiishii xooga dalka oo reer u badan ayaa waxna buul yihiin waxna xabsiyada ku jiraan.

    Waad ogtahay Meeshii la doono ayaa xiligii la doona la weeraraa,
    Fadlan adigu haysku halayn waardiye nin aad la socoto ee waa in aad wadataa ninka dhiigaaga leh inta wadankaan wax iska badalayo, qalbigana hagalin ciidan ayaa waardiye kaa ah, meelkasta oo aad kusugan tahay,.

    Tuute iyo qori silsilad leh nin wata yuusan ku hodin, waxaa uu noqon karaa kii laguu soo diray inuu nolosha kuu qoonsado adiga oo ay kula tahay askari qaran. Mararka qaarkoodna yusuf isyeelyeelka boowe iska daah

    Meesha aad joogto ma aha puntland amase somaliland waa mugadishu oo xalane, madaxtooyo, barlamaan, maxkamad, xarun ciidan, saldhiig bolis, gaari qafilan, maqaaxi, hotel, biibito, wasaarado, xafiis dawladeed, bar kulan shir, midna aysan ka badbaadayn waqti kasta.

    Yusuf il il ma dhawrto ee xal ayaa loo baahan yahay, taangi shisheeye iyo fakar shisheeye midna xal uma noqon karo dalkeena,
    waa inaad ka shaqaysaa sidii wadanka uu uga bixi lahaa shisheeyuhu, alshabaabna wadahadal toos ah loola gali lahaa.
    Taas hadii aynu samayn weyno, ogow waligeed diyaarad ayaan dalka ku dhexmaraynaa sidii aan daganahay wadan jasiirado kuyaal .
    Waligeed waxaa lagu haynayaa waalasoo afjaray, waa isasoo dhiibeen, magaalo heblo ayaa laga xoreeyey argagixisadii, waxaan maalin walba qanuuraha geyndoonaa dad aan jecelnahay oo aan u talin weynay intay noolaayeen waxaana caado ka dhigan doonaa tacsiyeyn iyo cambaareyn.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Wax yaroo sax ah baa ku jira hadalkaad Meela aad waranka ku mudmudeysana waan arkaa somalia oo dhan amni darada way ka jirtaa iyo geeska afrika oo dhan bay argagxisadu dhib kuheysaa dadaalkuna waa meeshiisa wixi dacaaywadana waa afkooda
      (laxaadku inuu macaanyahay curyaan baa garan)
      ciidan qaran inuu jiro waxaa qiri kara ninki intii habeen argagaxisadu meel ku haysatay laga soo fakiyay asagoo nabad qaba kii dhintayna waqtigii baa galay all yaraxma
      mahadsanid walakey Habqan

      Delete
  6. Farsamo xumo ama u danla,aan miday tahayba dhaliilo badan ayaa muuqda Ustaad Yusuf Garaad, waxaan rajaynayaa in talioyinka faraha badan oo taadu ka mid tahay in la qaato, waxna la qabto lana adeejiyo dadka xirfada shaqo u leh hawlaha amaanka...

    ReplyDelete