Total Pageviews

Thursday 30 April 2015

Siyaasadda iyo Soohdinta Sarkaalka




Taliyaba Booliiska (bidix); Taliyaha Asluubta (midig)
Golaha Wasiirradu wuxuu maanta magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta, General Bashiir Maxamed Jaamac.

Waa laba sarkaal oo aqoon u leh amniga, horeyna u soo noqday Taliyayaal ciidan. Waa laba wax bartay oo dhal magaal ah. Waan u hambalyeynayaa. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu ku guuuleyo daryeelka ciidanka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha si sugid amni oo sharciga waafaqsani ay ugu suurta gasho.

Dhanka kale, lama inkiri karo in ay yihiin siyaasiyiin Xubno ka noqday labada Gole. Ciidan iyo siyaasadna waa la kala leexiyaa. Waa laba shaqo oo dalku u baahan yahay, ayaguna isu baahan laakiin aan is geyin. 

Siyaasaddu iyadaa dejisa hindisaha guud ee ciidanku ku shaqeynayo, baaxaddiisu inta ay noqoneyso iyo miisaniyaddiisu waxa ay tahay. Si kale haddii loo dhigo siyaasaddu iyada ayaa hagta ciidanka.

Taliyayaasha ciidanku waa in ay ahadaan qaar aan go’aankoodu ku saleysneyn siyaasad ee ay hagto baahida amniga iyo tan ilaalinta sharciga. Marnaba aan mowqif iyo go’aan siyaasadeed qaadan, marka laga reebo in ay si dimuqraaddi ah codkooda qarsoodi ugu dhiibtaan sida muwaaddin kasta oo kale.

Ciidan waa laga dallici karaa oo siyaasad waa loo gudbi karaa sida General Diini iyo qaar kale o badan. Laakiin siyaasadda inta laga soo baxo Generaal ciidan ma la noqon karaa? Waa su’aal ay u baahan tahay in ay dowladdeennu is weydiiso, xeer ka dejiso, ciidankana ay ku wargeliso.

Midda kale si loo dhowro heybadda iyo anshaxa saraakiisha, mooraalka ciidanka iyo kalsoonida uu shacabku ku qabo ciidanka, waa in la dabraa hammiga siyaasadeed ee sarkaalka. General xaq waa u leeyahay in uu siyaasadda galo, laakiin horta waa in uu ciidanka ka baxaa isaga oo og inuusan ku soo laaban kari doonin. Waa in ay noqotaa markii ugu dambeysay ee ciidankeenna lagu dhex arki lahaa isaga oo lebbisan.

Madaxdana waxaan ka codsanayaa in ay u turaan oo xurmeeyaan dalka iyo nidaamkiisa. Ma ahan in ay ahaato waan falayaa, sababta oo ah waan karaa.

Waa maxay farriinta ay magacaabiddani u direyso sarkaalka waddaniga ah, anshaxa wanaagsan ee howlkarka ah ee khibradda leh ee hammiga ku haya in uu maalin ciidanka hoggaamiyo?

Anigu waxaan siyaasi u aqaan xubnaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirrada ee heer Federaal iyo heer Gobol, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo xubnaha Xisbi Siyaasadeed oo diiwaan gashan.

4 comments:

  1. Waa qormo waxbadan iftiiminaysa waana fikir ubaahan in dib loojaleeco si' hanaanka dawladnimo looga hirgaliyo dalka
    Waana kumahadsantahay madama aad nala wadaagtay mudane Garad

    ReplyDelete
  2. waa qormo dhinacyo badan taabaneeysa mar waa dhaliil mar waa waano marna waa sharci ilaalin

    ReplyDelete
  3. waa qormo laga dhex helaayo talooyin iyo tusaalooyin aad ufiican

    ReplyDelete
  4. Waa qormo wax lagusaxaayo Lkn madexdeynu ma ufahmaan in wax latusaleynaayo

    ReplyDelete