Total Pageviews

Sunday 3 May 2015

Guuleed maxaa la Gudboon?


Cabdikariin Xuseen Guuleed waa La Taliyaha Siyaasadda ee Madaxweynaha. Waana Murashax Dowlad Goboleed – ay dhisanayaan Galguduud iyo Mudu… Raalli ahow, Dowlad Goboleed Gobollada Dhexe.

Waxaan maanta dhegeystay Guuleed oo idaacad ka dhaliilaya war murtiyeed shalay ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha oo ku saabsan fadhigii Garowe. Ma hubo in uu murashax ahaan u hadlayay iyo in uu u hadlayay La Taliye Madaxweyne ahaan.

Waan fahmi karaa Cabdikariin maaddaama uu murashax yahay wuxuu rabaa in uu dadka Gobollada Dhexe isugu muujiyo in uu iyaga u hadlayo oo ayaga u maqan yahay. Waana laga yaabaa in ay taasi sax tahay.

Laakiin waxay taasi wax u dhimeysaa dhaqanka Dowladnimo ee dalkeenna. Maaddaama aanay habbooneyn in uu La Taliyaha Siyaasadda ee Madaxweynuhu uu idaacadaha ka dhaliilo war siyaasadeed oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Guuleed waxaa la gudboon in uu xilka faraqa ugu jira iyo midka geedka saaran ee uu ku hamminayo labada mid ka tanaasulo.

Taasi waxay u suurta gelineysaa in midka uu doorto uu u madax bannaanaado, uguna adeego si buuxda oo xor ah oo aan midka kale lagala tashaneyn lagana tasdiiqineyn.

11 comments:

  1. Qormaddaan waxaan aad ugu bogey intaan.

    Cabdikariin Xuseen Guuleed waa La Taliyaha Siyaasadda ee Madaxweynaha. Waana Murashax Dowlad Goboleed – ay dhisanayaan Galguduud iyo Mudu… Raalli ahow, Dowlad Goboleed Gobollada Dhexe. ""Waana Dowlad Goboleed – ay dhisanayaan Galguduud iyo Mudu… Raalli ahow, Dowlad Goboleed Gobollada Dhexe"".

    Keligii Duul

    ReplyDelete
    Replies
    1. Kkk yusuf waxaa haysta guuleed gabaygii abwanka waynee reer buhodle adan carab uu kunyidhi siyad bare ee ahaa. Madaxwayne. DURUUFTAAN CASHABA RAACAYAA TII DANTAYDA A HE..

      Delete
  2. Guuleed maxaa la Gudboon?


    Cabdikariin Xuseen Guuleed waa La Taliyaha Siyaasadda ee Madaxweynaha. Waana Murashax Dowlad Goboleed – ay dhisanayaan Galguduud iyo Mudu… Raalli ahow, Dowlad Goboleed Gobollada Dhexe.

    Waxaan maanta dhegeystay Guuleed oo idaacad ka dhaliilaya war murtiyeed shalay ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha oo ku saabsan fadhigii Garowe. Ma hubo in uu murashax ahaan u hadlayay iyo in uu u hadlayay La Taliye Madaxweyne ahaan.

    Waan fahmi karaa Cabdikariin maaddaama uu murashax yahay wuxuu rabaa in uu dadka Gobollada Dhexe isugu muujiyo in uu iyaga u hadlayo oo ayaga u maqan yahay. Waana laga yaabaa in ay taasi sax tahay.

    Laakiin waxay taasi wax u dhimeysaa dhaqanka Dowladnimo ee dalkeenna. Maaddaama aanay habbooneyn in uu La Taliyaha Siyaasadda ee Madaxweynuhu uu idaacadaha ka dhaliilo war siyaasadeed oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

    Guuleed waxaa la gudboon in uu xilka faraqa ugu jira iyo midka geedka saaran ee uu ku hamminayo labada mid ka tanaasulo.

    Taasi waxay u suurta gelineysaa in midka uu doorto uu u madax bannaanaado, uguna adeego si buuxda oo xor ah oo aan midka kale lagala tashaneyn lagana tasdiiqineyn.

    ReplyDelete
  3. Anshaxa siyaasadeed ee Soomaalida maanta waa mid u baahan in wax laga badalo.

    Hadda siyaasada waxaa loo isticmaalaa hiwaayad ama qalab wax lagu khiyaano ama wax lagu xado meeshii ay ka ahaan lahayd xirfad si macquulnimo ah loogu maarayn lahaa nolosha.

    Sida wax walba u burbureen bay hiwaayadani u burburtay, sida darawalada Baabuurta loogu tababaro wadista Baabuurta ayay siyaasaduna ugu baahan tahay in wadayaasheeda loogu tababaro. 1991 waxaa soo baxay darawal Cali Mahdi, haddana maxaan dhahaynaa Siyaasi C.......

    ReplyDelete
  4. Anshaxa siyaasadeed ee Soomaalida maanta waa mid u baahan in wax laga badalo.

    Hadda siyaasada waxaa loo isticmaalaa hiwaayad ama qalab wax lagu khiyaano ama wax lagu xado meeshii ay ka ahaan lahayd xirfad si macquulnimo ah loogu maarayn lahaa nolosha.

    Sida wax walba u burbureen bay hiwaayadani u burburtay, sida darawalada Baabuurta loogu tababaro wadista Baabuurta ayay siyaasaduna ugu baahan tahay in wadayaasheeda loogu tababaro. 1991 waxaa soo baxay darawal Cali Mahdi, haddana maxaan dhahaynaa Siyaasi C.......

    ReplyDelete
  5. Wariye yusuf garaad taasi ma ah dhaqan nagu cusub 25 sano ee aan soo dhaafnay waxaana sabab u ah dhaqankii dowladnimo oo aan hilmaanay horay baan u soo aragnay wasiiro cambaareynaya dowladiisa marka waa la saxmi doonaa insha alaah

    ReplyDelete
  6. guuled waxuu u hadlayaa damiciisa geedka saaran mana aragyo midka faraqa ugu jira marka hala yaabin waa damaca waalan ee siyaasiyiinta somaliyeed weliba dhibaatadaas waxeey heysataa dadka ku cusub siyaasada. allow somalida u keen kuwo wax garada

    ReplyDelete
  7. 'Mudu...' way barowday miyaa? :)
    Talada aad soo jeedisay, malahayga, waxaa ku dhaqmi kara naf doonis xoog leh, leh.

    ReplyDelete
  8. Mudane Yusuf Garad waxa uu siyaasada hada socota ku soo kordhiyay short cut cusub, oo la adeegsan doono isbuucyada soo socda. Waana Mudu… :)

    ReplyDelete
  9. Guuleed dadka Gobollada Dhexe ayuu isku deyayaa in uu doqonsado - intelligence insult. Laakiin ma jirto cid isaga dhinacaa ka sii xigta.

    Heshiiskan intii aan la sixiixin ayaa dhawr jeer loo akhriyey, wuuna aqbalay. Haddii uu Madaxweynuhu sixiixi karo heshiis aannu la-taliyihiisa siyaasadda, saaxiibkii, oo weliba Gobolladaa - maya, gobolkaa iyo badhkaa- u taagan ogeyn, haddee wax intan ka sii weyn baa kharriban.

    A. A. Gulleid

    ReplyDelete
  10. la taliyaha madaxweynahu waa in uu ku ordaa xariiqda madaxweynaha marka la hor imaanaya raaciyayaasha,hadii ay jirto aragtiyo iyo dano gaarahaaneed oo is diidayaa,waa in la taliyihu uu iscasilo,(conflito di interesse),in kastaa aysan soomaaliya aysan aheyn wadan caadi ah oo laga yaabo in xilkaan la taliyaha madaxweynaha lagu bixiyey 4,5,oo uu cabdikariin xilal badan ku soo qabtay.

    ReplyDelete