Total Pageviews

Tuesday 5 May 2015

Farriinta John Kerry


Tarjumo aan Rasmi ahayn 
Yusuf-Garaad


Maanta waxaa sharaf ii ah in aan noqday Xogayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee ugu horreeyay ee booqda Soomaaliya.

Waxaan la kulmay hoggaamiyayaasha Dowladdiinna iyo wakiillo bulshada rayidka.

Laakiin waxaa kale oo aan rabaa in aan fursadda ka faa’iideysto oo aan idinla hadlo dadka Soomaaliyeedow.

In ka badan 20 sano mar laga joogo, Mareykanka waxaa lagu khasbay in uu ka baxo waddankiinna. Hadda waan soo laabaneynaa annaga oo la kaashaneyna beesha caalamka. Annaga oo rajo weyn qabna, laakiin uu ku dhafan yahay walaaca jira.

Booqashadeyda gaaban waxay ii xaqiijisay wixii diblomaasiyiintayadu ay ii sheegi jireen. In Soomaalidu ay tahay dad adkeysi badan, ayna idinka go’an tahay in dalkiinna iyo mustaqblkiinna aad dib uga hanataan arga-gixisada iyo kooxaha malliishiyada ah ee isku dayay in ay idinka qaataan.

Rubuc qarnigii na dhaafay waxaa idin soo maray xanuun aad u badan. Oo idiinka yimid dagaal, dembiilayaal, dhib xag jir, cunto yari ba’an iyo in aad nabad ku joogi kari weydeen xataa tuulooyinkiinna iyo guryihiinna.

Waxaan shalay Kenya kula hadlay qaxooti ka yimid Dhadhaab oo guryahoodii ka soo qaxay si looga magan geliyo waxyeello, baqdin iyo dagaal.

Waxaan la kulmay 15 jir ah, 18 jir iyo 20 jir Soomaali ah oo aan weligood ku noolaan meel aan ahayn xero qaxooti, ayada oo lagu jiro xilli aan asaga oo kale hore noo soo marin oo dunidu ay koobnaatay.

Laakiin Soomaaliya ayaan maanta imid sababta oo ah dalkiinnu wuu is beddelayaa. Saddex sano ayaa ka soo wareegtay markii Dastuur cusub oo KMG ah la qaatay.  Baarlamaan la dhaariyay.

Ayaga oo taageero ka helaya AMISOM, ciidammada Soomaaliya waxay al Shabaab ka saareen xarumiha ay dadku ku badan yihiin. Dadaal caalami ah oo ujeeddeysan waxaa uu suuqooda soo xiray ku dhowaad dhammaan burcad badeeddii Soomaaliya.

Abaalka badankiis idinka oo ah dadka Soomaaliya ayaa leh. Idinka dartiin ayay nolol cusubi ku soo laabatay waddooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhaba iyo Garowe iyo meelo kale. Ganacsiyo hor leh ayaa la furay. Qurbo joogtuna wey soo laabanayaan si ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale ee cusub iyo si ay gacan uga geystaan dib u dhiska dalkooda.

Dabcan shaqo badan ayaa harsan si dalkiinna loogu xaqiijiyo mustaqbal nabad ah oo wax soo saar leh. Waan fahamsan nahay taas. Intii aan maanta wadahadalka kula jiray madaxdiinnana, waxaan culeyska saaray tallaabooyinka soo socda ee ay tahay in la qaado ee Higsiga 2016, si kor loogu qaado horumarka Soomaaliya iyada oo mideysan haddana Federaal ah.

Dowladda Federaalku waxay hadda la shaqeyneysaa Maamul Goboleedyada Cusub, si loo xoojiyo xasilloonida looguna abuuro miraha wax soo saarka qeyb kasta oo ka mid ah Soomaaliya. Waxaa taas ka mid ah in la helo miisaanka saxda ah ee awoodaha iyo mas’uuliyadaha ay kala leeyihiin Federaalka, Gobollada iyo dowladaha hoose.

Waxaanna rajeynayaa in aan mar dhow arki doono horumar laga sameeyay in ciidammada Gobollada lagu daro ciidanka Qaran ee Soomaaliya si aan u awoodno in aan ballaarinno taageeradeenna amni ee xoogaggaas.

Dowladdu waxay kale oo ay ka shaqeyneysaa dhammeystirka dastuurka iyo qabashada doorashooyin dimuqraaddi ah 2016. Adinku, waa adinka dhammaantiin, waa khasab in aad cod ku lahaataan howshaas.

Madaxdiinnu waxay mar kale maanta ii xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay in ay horumar ka sameeyaan arrimahaas. Iyo in ay xaqiijiyaan in is afgarad baahsan laga gaaro sida ay dib u eegista dastuurku u dhaceyso iyo sida doorashooyinku ay u qabsoomi doonaan.

Kulligeen waxay dani noogu jirtaa guushiinna. Dunidu ma xammili karto goobo khariidadda ku yaal oo aan maamul lahayn. Taas ayaa u sabab ah in Soomaaliya ay ka dhisanto dowlad waxgal ah in ay tahay fursad taariikhi ah.

Aqoonsiga horumarka la sameeyay iyo tallaabiyinka la ballan qaaday dartood, waxaan ku faraxsan ahay in aan ku dhawaaqo in Mareykanku uu billaabayo shaqada lagu suurta gelinayo howlgal diplomaasi oo Muqdisho ka hirgala. Inkasta oo aynaan qabsan taariikh go’an oo si rasmi ah Safaaradda dib loogu furayo, waxaan kor u qaadeynaa wakaaladdeenna diblomaasi.

Ayada oo ay rahman tahay ansixinta Senate-ka, Diblomaasi ruug caddaa ah, ayaa hoggaamin doona dadaalkaas. Waxaana uu ahaan doonaa Danjirihayagii ugu horreeyay ee Soomaaliya tan iyo markii aan xirnay safaaraddayadii Jannaayo 1991.

Waxaan dhowrayaa, Madaxweynuhuna sidoo kale, maalinta Mareykanka iyo Soomaaliya uu mid waliba kan kale caasimaddiisa ku lahaan doono Safaarad dhammaystiran.

Waxaa kale oo aan dhowrayaa marka aan dhihi kari doonno, ayada oo caalamka oo dhami uu arkayo hubinna karo, in dalkani uu si buuxda u mideysan yahay. Uu awood Goboleed ku biirinayo Himilo Qaran. Awood u yeesho in uu qaxootigiisa dib ugu soo dhoweeyo dalka. Uuna xaqiijiyo Soomaaliya cusub oo maqaam sharaf leh ku leh Golayaasha heer Gobol iyo kawa heer Caalami, qarniyo badan. Howshaasi waa midda adinka oo keliya - dadka Soomaaliyeedow aad keligiin qaban kartaan.

Ayada oo ay kala mid yihiin xubno badan oo beesha caalamka ah, Dowladda Mareykanku waxay diyaar u tahay in ay sameyso wax kasta oo aan karno si aan u caawinno Soomaaliya, in ay gaarto amniga, horumarka iyo nabadgelyada aad mudan tihiin.

Waad mahadsan tihiin dhammaantiin.

26 comments:

  1. Farriinta sida aad u aragto, fadlan halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Yusuf waad ku mahadsantahy turjumadada iyo inaad afkaga ula tagto ninkaa maraykanak ah
      Lkn jonh kerry dee wuu ina oo yey uun lkn wax muuqdoo lataaban laro inooma sheegin ficilna ma muujin marka laga yimado booqashadiisa. Sidii turkiga ama dayib ordigan waxan udjigno mahayno iyo sidiu dadka reer muqdisho wax wayn oo ficila ula qabtay ilaa iminka turkigoo kale mahayno sxb.. Maraykanka waan iska jecelnahay lkn wax muuqda baynu ka sugaynaa insha allah oohin way ina soo daashataye wax qabad wada gaadha somaliyoo dhan baan kaa sugayna dhen keryy adaa gaalada sida loola hadla naga badshee thanks walal kkkkk by

      Delete
    2. Hadalka ninka waxuu isugu jiraa laba dhinac 1. Waxaad mooodaa inuu brief anaga uu naga siinayo dalkeenii iyo halkay wax marayaan waana mid ay dawlad Soomaaliyeed ahayd inay iyada dadkeeda berifgarayso. 2 hadal doplamaasiyadeed oo uu malagii galay una badan mid loogu tala galay mediada un ee kala cadayn. Aniga wali iima mauuqato wax mowqif rasmi ah oo isbadal ah oo ka yimid xaga Maraykanka kuna aadan siyaasadiisa Soomaaliya halmid waan aaminsanahay haduu diyaar uyahay inuu Soomaaliya taageero hawluhu inay sidaaan wax badan ka badalnaan lahaayeen waxaan qabaa wali Americaanku Soomalida ma aaminsana inaguna ma aaminsanin.

      Delete
  2. Waad ku mahadsantahay walal waxan se leyahay.howsha xogeda somalidena ayey sugeysaa calamka tagero kaliya ayu na siin karaa thnks

    ReplyDelete
  3. Waa fariin cad. Mahadsanid Mr. Garaad

    ReplyDelete
  4. Aad iyo aad ayaad u mahadsantahay Mudane Yusuf Garaad, dadaalka aad gelisay, dadku mawada fahmayaan luqada hadana wey doonayaan in ey wax ka ogaadaan waxa uuninka Odaygu kula hadlay shacbiga Soomaaliyeed.

    Aniga aragtideyda warku wuu cadyahay, Soomaaliya iyada ayey ku xirantahay wax walba, hadeynu horu socod la nimaado waa nala caawimayaa, hadaan innagu isku mashquulno, oo Xamr, Kismaanyo, Baydhabo, Garawe, iyo Hargeysa, midba kan kale kaga hor maro Xabashida dooneysa in Soomaaliya oo Mid ah, sharaf leh, eyan soo laaban, waligayaga Horumar gaari meyno. Aan is weheshano walaalayaal aan wada jirno walaalayaal. Thanks Yusuf, well done.

    ReplyDelete
  5. Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo maanta booqasho ku yimid dalka Soomaaliya.

    Bal aan isbarbar-dhig ku samayno Talyaaniga & Maraykanka.

    Lagasoo bilaabo 1991 waa mudadii uu burburka ku jiray dalka waxay dawladda Maraykanka ku bixisay aduun dhan:

    $24.2 billion xagga arrimaha bini aadamnimada iyo horumarinta.
    $37,4 billion xagga arrimaha amaanka.
    $22.1 billion xagga arrimaha burcad badeedda.
    $2 billion xagga arrimaha dabagalka dhaqaalaha fal-dambiyeedyada.
    Wadarta guud waa $85.7 billion.

    FG intaa wey ka badan kartaa, waxaa jira dhaqaale gaar ah oo waxyaabe kale lagu bixiyey! haddaba waxaa iga su'aal ah yaa arakay weli Isbitaal ay dhistay dawladdaas ama waddo?

    Marka waxaa ii muuqata hagar dhanka horumarinta ah waxaana la doonayaa in nalagu jahwareeriyo dagaal aan dhammaad lahayn iyo in aan ka dib dhacno dalalka geeska Afrika.

    Dawladda Talyaaniga waa saaxiib ummadda Soomaaliyeed qaybna ka qaatay in uu jiro magac Soomaaliyeed, sababtoo ah dawladdii Ingiriiska waxay weligeed doonaysay in ay dhulkeena kala siiso Itoobiya iyo Kenya.

    Waxa hadda federaal lagu sheegayo waa wax ajende hore ah oo hadda la soo cusboonaysiiyay.

    ReplyDelete
  6. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  7. waa taa khudbaddii https://youtu.be/SLFvToHChdM

    ReplyDelete
  8. Mareykan ogaada waa xaasidka somaliya mana ogola hormar somaliya laga sameeyo

    ReplyDelete
  9. Waa OK turjumaadaada .wana run somalaya waxaa dhisi kara soomalida ayagaana amni iyo hormar gaarsiin kara thanks yusuf garad waxaa tahay ifiye

    ReplyDelete
  10. Dawlada maraykanku niyad wanaag ayay muujisay.
    Hadii la helo niyad wanaag hogaanka/hogaamiyeyaasha somalida, waan guulaysan doonaa.

    ReplyDelete
  11. 20 sano ka hor waxaa nalagu qasbay in aanu ka baxno Soomaaliya. Maanta waanu soolaabanay! !!!
    Somali badan hadalkaas må faxad galinayo. Kuwa badan oo agenda kale wataana si kale ayay u turjaman karaan. Lkn Soomaaliyeed Hawshaadu a day kuutaalaa. Mahadsanid Yusuf Garaad Turjumaadaada Macaan ee Cilmiyaysan

    ReplyDelete
  12. aad u mahadsanthay Yusuf Garaad. Kerry waxa uu ka fikir wanaagsanyahay dad badan o fikirka gabolaysigu si qaldan uga dhaadhacay waa haddi hadalkaas dhabyahay.

    ReplyDelete
  13. Fariin siyaasad ku qotonta xaqiiqdana salka ku haysa ayuu diray. Somalida shaqo badan ayaa u taal waana inaan fursad kasta ee aan maanta haysano sida wanaagsan uga faaidaysanaa Somalia Guuuuul iyo Gobanino.

    ReplyDelete
  14. marka hore waa mahadsanyahay Yusuf garad oo noo turjumay topicgii john kery dabadeed khudbada kery ma muujinayso micno wayn oo uu ku soo kor dhiyay xaalada Somalia laakin muhiimada waxaa waaye in tani muujinayso xlda diblomasiyadeed Somalia in ay kor u socoto oo tani noqondoonto fariin ku socoto aduunka si indhaha caalamka u eegaan waxa ka socda Somalia

    ReplyDelete
  15. Imaanshaha John Kerry, wuxuu dhiiri galinayaa, dunida kalana tusayaa inay somaliya is bedeshay kadib labaatan sano iyo in kabadan oo dagaalo iyo macluul ba,an laga soo sheegayay somaliya, inagana waxay inoo tahay hididiilo inaan hore uga sii kacno halka aan maanta joogno. rajada in dalkeena inaan dib udhisanan aan aa naan ka quusan.

    Waa Mahadsantihiin

    ReplyDelete
  16. mudane yuusuf garad marka hore waa mahadsan tahay sida qurxoon aan shacabka uGu adey geysid...
    tnkle somalida waa gareysaa meshaa laga rajeynaa iyo meel ka wanagsan lkn waa goorma ayaa is weydiin mudan??
    waa marka uu mareykan iyo inta uu hogaaminayo kala baxaan faragalinta siyaasadeed oo ey ku hayaan somalida ...
    markale mhdsnid mudane yusuf

    ReplyDelete
  17. Hadalka John Kerry intiisa aniga ila qumman ee saxda ah waa kolka uu yiri: dalkiinna hawsha uu u baahanyahay oo ah in Soomaaliya dib lugaheeda isugu taagto, kaliya adinka oo Soomaali ah uunbaa qaban kara.

    ReplyDelete
  18. Waxaa muuqata in madaxda dalka ey wax badan qabateen oo qar aynu jecel nahay naftooda ku wayeen waxaa cad in USA ay soomalia dana gaar ah ka leedahay loosa joogee
    Somalia ha waarto somaalia ha is raacdo somalia wey guuleysaneyn saa insha Allah cadowgana waan ka adkaanay nidaamka ku dhaqeyn tiisa ayaa dhiman waad u jeedaan dowladaha waa weyn waxey biloben in ey noo soo kala dhuuntaan bal ila garta danta gaar ah

    ReplyDelete