Toddobaadkan waxaa loo dabbaaldegay 15–ka May. Anigu aad ayaan u qaddariyaa halgamayaasha
Soomaaliyeed ee u dhididay ama u dhintay in aan xorowno. Ka dibna aan midowno.
Waxaa aan u hambalyeynayaa iyagana inta dalka dhismihiisa u soo
halgantay iyo kuwa maanta u taagan, intooda ay ka dhab tahay.
Marka aan arkay hadal haynta Halgamayaashii Gobannimada
waxaa igu dhashay su’aalo badan oo haddii ayaga maanta la weydiin lahaa, aan is
leeyahay “haa” kuma ay jawaabeen.
Ma waxay u dagaallamayeen in dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku
guursadaan isla xeradii qaxooti ee lagu dhalay ayada oo Soomaali kale laga cararayo?
Ma waxay u dagaallamayeen in dhallinyaro Soomaaliyeed ay ka soo baxaan
qaar noloshoodu ay la qiimo tahay gumaca rasaasta oo maanta ay u nool yihiin oo
keliya in ay qof dilaan lana dhintaan?
Ma waxay sugayeen in dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku dhimato Saxaaraha iyo Badda Mediterranean-ka ayaga oo Soomaaliya ka cararaya una
hayaamaya dhul aysan aqoon lagana dooneyn?
Ma waxay u halgamayeen in qaar kale ay ku noolaadaan faqiirnimo iyo baqdin?
Ma waxay u dagaallamayeen in aan cudud shisheeye ku ahaanno Dowlad?
Ma waxay u dagaallamayeen in Madaxweynaheenna ay naga ilaaliyaan
ciidammo Ugandan ah si uu u nabad galo?
Ma waxay u dagaallamayeen in ciidan Ethiopian ah iyo mid Kenyan ahi
ay dalkeenna dhex degaan oo xeryo ka sameystaan si ay annaga noo kala
dhiciyaan?
Ma waxay u dagaallamayeen in caasimaddii u horreysay ee calan
Soomaaliyeed oo xor ah laga taago uu maanta ka babbanayo calan astaan u ah in
ay dooneyso in ay ka “xorowdo” dalkeeda intiisa kale, si ay uga nabad gasho.
Ma waxay u dagaallamayeen in qabiil kastaa uu Madaxweyne u gooniya
lahaado?
Ma waxay u dagaallamayeen in 2015 aan mareyno in qof uu madax ku
ahaado keliya qabiilka uu yahay iyo in uu af Soomaali ku hadli karo?
Ma waxay doonayeen in Gobolka Mudug uu yeesho laba Guddoomiye oo mid
waliba dadka qabiilkiisa ah oo keliya uu u yahay Guddoomiye?
Ma waxay u dagaallameen in Banaadir iyo Baydhaba ay ku doodaan
xudduuddooda Xeebta Jaziira meesha ay ahaaneyso?
Ma waxay u halgameen in muwaaddin Soomaaliyeed loo sheegto in dalka laga
leeyahay?
Ma waxay u dagaallamayeen in sida aad Soomaali ku ahaan karto codna ku yeelan kartaa ay tahay in aad xubin ka ahaato xisbi aadan adigu ku biirin, kana bixi karin oo magaciisa qabiil la yiraa?
Ma waxay u dagaallamayeen in dad badan oo Soomaaliyeed lagu xukumo
in ay qeyb u leeyihiin inta ay dadka la asaagga ahi helaan barkeed?
Ma waxay u halgamaayeen in Kenya ay derbi nagu meeriso?
Ma waxay u halgamayeen in baddeenna ciddii rabtaa ay ka adeegato?
Ma waxay u halgamayeen…
Bal isku day in aad ka jawaabto. Maxay u taagnaayeen dhallinyaradii
Gobannimo u dirirku?
Maxay u halgameen? Maxaanse ka haynaa?
Waa maya oo hadan Maya,, bal maxa ka qaldan dadkeena wakaase?
ReplyDeleteTaarikhda SYL taba laba sano ka hor ayaa bartay gabigeedaba anigu,, intii aan arkay dad xusaaya imika markaa iswaydiiyeyna googleka ka soo baadhay
DeleteWaxay u halgameen kaliya in ay dalka ka xoreeyaan gumaystayaashii barigaa joogay mana aysan ka fikirin waxa xiga. Dhaxalka aan ka heynana waa kuwa aad iswaydiisay Mahadsanid YG.
ReplyDeleteWaxay u halgameen kaliya in ay dalka ka xoreeyaan gumaystayaashii barigaa joogay mana aysan ka fikirin waxa xiga. Dhaxalka aan ka heynana waa kuwa aad iswaydiisay Mahadsanid YG.
ReplyDeleteWaxay u halgameen kaliya in ay dalka ka xoreeyaan gumaystayaashii barigaa joogay mana aysan ka fikirin waxa xiga. Dhaxalka aan ka heynana waa kuwa aad iswaydiisay Mahadsanid YG.
ReplyDeleteWaxay u halgameen kaliya in ay dalka ka xoreeyaan gumaystayaashii barigaa joogay mana aysan ka fikirin waxa xiga. Dhaxalka aan ka heynana waa kuwa aad iswaydiisay Mahadsanid YG.
ReplyDeletewaxay udagaalamayeen wali waa taagan yahay bal wax ka xun oo ubaahan inlaga dhinto aya jira dadki Somali inbad kudhimata in saxare kudhimata in qurba kudhimata dhaqan iyo diinba dhumiyay syl waxay udagaalamaysan manta loobaahan yahay waxaa dhulkeeni ka baban calanka Uganda Ethiopia Kenya waligoodna way kutaamayeen ina arkaan calankooda oo intay horay uhaysteen mooye inta kalana ka taagan isku soduudubo wadanka hala xoreeyo shabab iyo intan qowlaysatada ah ee dowlad isku sheegi dhulka halala simo
ReplyDeletemudane Yusuf garaad waa su'aalo is waydiin mudan sidoo kalana jawaab u baahan lkin hadaan dhankale ka eego ragas waxay udagaalamayeen way cadayd waxayna ahayd "xoriyad" waan keeneen , manta ayagii ma joogaan, waqtigu waqtigii Mahan , dadku dadkii Mahan , baahiduna baahidii Mahan, hada su'aashu hadal uma baahnee waxay hortaalaa inta manta joogta oo adiga iyo aniguba ka mid nahay ,
ReplyDeleteAsc walaal yusuf garaad cumar runtii suaalahaga waa kuwo ay adag tabay in jawaab waafi ah loo helokana soo burqaday maan caafimad qaba Allah haku siyaadiyo adigoo kalena umada haku badiyo runtii intaaba cagsigeeda ayay rabeen oo u halgamayeen llaakin maanta wax aan kahaynaa u debaal degno dedaalkoodi iima muuqdan laakin in aan xusno in ay ahaayen dad wanaag inoo sameyen waa arin loo baahan yahay meeshana kujirtabin an u ducayno dalkuna wuxuu u baahan yyahay dad dhalnyaro iy waayel kkaydoonanba ha ahaadene sidoodi u fakeraya cudurka soomaali halkaa dhigay qabyaaladana ka caafimad qaba Allah haku siyaadiyo cimligaga
ReplyDeleteMohamed, walaal aad baad ugu mahadsan tahat ducada. Adigana intaa oo kale iyo ka badan ayaan Allah kaaga baryayaa. Labadeennaba Allah ha nooaqbalo ducada.
DeleteCajiib!
ReplyDeleteWaxay u halgameen in iyagoo Italian Somalia u halgamay aad tidhaahdaan waa dhalinyartii xoraysay soomaaliya.
ReplyDeleteWaxay u hal gameen in SNL oo hogaaminaysay dib u xorayntii British Somaliland aad iloowdaan.
Waxay u halgameen in Soomaali badan la xasuuqo, badhna la yidhàaa waxaad tihiin 0.5
Waxay u halgameen in ilaa maanta soomaaliyi burbursanaato.
Waxay u halgameen in Somaliland oo maanta u dabaal dageysa 24 guuradii markii somaliya ay xoriyadeeda dib ugula sooo noqotay aan la hambalyayn waxa wanaagsan ee ay soo kordhiyeen.
In Somaliland laga xumaado waxa wanaagsan ee ay qabteen.
Ilaahay sidii khayrku ku jiro Soomaali ha garan siiyo.
Mahadsanid.
ALLAH ha u naxariisto raggaas. Maanta na rag garasho leh ayaan u baahan nahay haddii cadawga gudaha iyo midka dibadduba ay inti ay berigaa ahaayeen maanta ka badan yihiin dadka Soomaalida ee wax bartay ama wax qaban karaana sidoo kale way kordheen.....HOGGAAMIYE DAACAD AH ayaase naga maqan.
ReplyDeleteMudane Yusuf dhamaan jawaabtu waa maya!!anigu uurka oodadan iyo iskuma daro afdaacad ahoo...waxaa jirta wax afkii laga sheegayo looga dabaaldagayo lkn aan la iswaydiin waxa ay u taagan yihiin..maamuladan somalia kajira ee iminka dawladaha isku magacaaba masuul kaimid ah oo ka hadlay munaasabad lagu xusayey 15ka may ayaa isla kulaan kaas kasheegay inay kafiirsanayaan wadashaqaynta ay la leeyihiin dawlada Federalka ah..
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeletemhsanid mudane Yusuf garaad.......
ReplyDeleteallaha naxarissta ha siiyo aabayasheen iyo awoowayasheen iyo walaheen kale oo soo halgamay naftooda iyo waqtigooda galiyay sidii aan u xoroobi laheen, waxey naga mudan yihiin inan ku dayano...
waxa loo dagaalamayay waxey aheed xoriyadnimo balse markaan qadanay kadib sidaan filayo ma anan baran hogaan wanagsan iyo siyaasadba..
waxaan is leeyahay hadii lahelo dhoor arimood sidaan waa ka ficnaneysaa:
1: in labarto wadaniyad iyo dal jaceel sababtoo ah waxaa joogo dad lacag sii sanayo dalkooda iyo dalkoodaba..
2 in la barto hogaan wanagsan iyo siyaasada
3: isku filnaasho maxaa yeelay madaxdeeena geyr allah asiiyee waxey adaan wadama dariskaa sida ethopia asaga oo xukuumadiisa ku dhawaaqin
4: in la helo dad ka shaqeynaya danaha dadka iyo dalka.. wax walba uGu muhinsan dal;kiisa iyo dalkiisa, sababtoo ah dal walba oo hormar sameeya waxaa gaarsiiya dad ka shaqeeya danaha dadweynah iyo dalka,,, waxaase naga helaa waliba huuna dad colaal u shaqeys tayaal ah iyo mar uun lcg heshid ..
mhdasid .....
dr Jamaal dhinbil
This comment has been removed by the author.
ReplyDeleteAbti Yusuf Garad, Jawaabtu Way Fududahay, Waxay U Halgamayeen, Waxaanan Ahayn Intaad Soo Sheegtay Oo Idil. Haddaan Si Kale U Iraahdo, Waxay U Halgamayeen Waxaad Soo Sheegtay Lidigooda.
ReplyDeleteLaakiin Su'aalaha Aan Hoose Ku Xusay Baa Ina Horyaala, Isla Markaana Waa Su'aalo Quseeya Wacyiga Hadda Lagu Jiro..
Intaasoo Nasiib Daro Waan Wada Aragnee, Maxaa Hadda Xal Inoo Ah Misana Aan Uga Gudbi Karnaa Xaaladahaas Murugada Leh.???
Intaas Kadib, Sideen Uga Fekeri Karnaa Kuna Gaari Karnaa Horumar Ku Salaysan Labadaba Aqoon Diini Iyo Mid Maadi Isla Markaana Ku Abuuri Karnaa Nabad Ku Wada Noolaansho Ay Naga Dhaxlaan Jiilka Naga Dambeeya,???
Ugu Dambayntii, Tan Ugu Muhiimsan Waxay Tahay, Sideen Ugu Reebi Karnaa Talaabooyinka Loo Maray Xalka, Horumarka Iyo Nabad Ku Wada Noolaanshaha Aan Gaarnay Oo Qoraal Ah, Si Talaabooyinkaasi Ay Mustaqbalka Marjac Ugu Noqdaan Jiilka Naga Dambeeya???.
YG waxba maadan ka tagin runtii qof damiir lihi inta aa ugu filan cibro waano qaadasho ah dhibta iyo foolxumada maanta ina heesata , waxa aaminsanahay inteena badan see wax udhaceen waa ka xunahay , su'aalahaga jwaab maloo heli karo waqtigan taagan , waaba kujirnaa arintaane see uga baxnaa ?? Somaali ayada hadaysan is aqbalin rajo badan malahan , hal masuul oo dan qaran ka fakaraayo majirto .
ReplyDeleteMaanta haddii ay joogi lahaayeen, Gabre uun bay u shaqayn lahaayeen. Ciduna yaanay kaaga been sheegin "Halgamayaashii SYL." Raggii uu gumaystuhu alaabtiisa uga tegay bay ahaayeen, maantana waa taa aannu dhaxalkoodii la tiicayno. Shawahaad run ku illoow.
ReplyDeleteYuusufow, Jawaabta su'aalahaas oo dhan waa maya.
ReplyDeleteWaxaad ogaataa, raggaasi kama raganimo iyo aqoon badnayn ragga maanta jooga laakiin way ka caafimaad qabeen.
Qabyaaladu way jirtay laakiin dhuuxa ma gelin. Waxaase muuqata inay qiimaynta Soomaalinimadda inagaga fiicnaayeen. Waxay kale oo inagaga fiicnaayeen han weynaan ay u han weynaayeen magacooda Soomaalinimo.
Soomaalida maantu han Soomaalinimo kuma wayna kan qabiilkaase qadarin ku leh. Taas weeye tan iyagoo arka xaaladda wadankoodu ku sugan yahay ay u durbaan garaacayaan qoys qarankiina duminayaan.
Maanta meel ka xun maalintay raggasi kaceen bay Soomaali maraysaa. Maanta Soomaalidu way ka badan tahay, ka aqoon badan tahay kana hanti badan tahay. Laakiin way ka fikir yar yihiin isagana calool xun yihiin.
Fikirka maanta jooga oo la bedelo kaliya ayaa xal ku imanayaa. Fikirikase raggii ama dumarkii badali lahaa iima muuqdaan.
This comment has been removed by the author.
ReplyDelete