Total Pageviews

Saturday, 30 May 2015

Somaliland Jawaab ayaa ku Waajibtay


Waxaan daawaday hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed, oo ka soo qaxay dagaalka Yemen, oo dekdedda Bebera laga hortaagan yahay. Waxaa loo diiddan yahay in ay ka degaan markabkii ay saarnaayeen.

Aad ayaa qalbigu ii xanuunay. Mana aqaan wax aan ku fasiro. 

Falalka, qaar waxaa jira aad u martabad hooseeya oo faaqidaaddoodu ay xanuun badan tahay.

Waxaan arkayay dad badan oo cambaareynaya. Dadkaasi waa dad tirsanayay Soomaaliland, sidaa darteedna qaadan waayay waxa ay Soomaali kale kula kacday.

Waxaan qabaa in Somaliland xaq loogu leeyahay in ay jawaab ka bixiso gefka ay u geysatay dirka Soomaaliyeed iyo weliba aadminnimada. Waxaa la gudboon in ay bixiso fasiraad aanay iyada keliyihi isu akhrin ee ah mid ay Soomaalidu fahmi karto. 

Haddii kale, khalad waa dhacaaye, waa in ay raalli gelin ka bixiso.

Dadka Somaliland, gaar ahaan madaxda Somaliland waa dad u bisil mowduucan. Ma ahan dad la barayo waxa ay tahay qaxootinnimo, nugeylka qaxootiga, xuquuqda qaxootiga iyo xusuusta aan tirmin ee qaxootiga. Madaxda Somaliland kuma yara qaar sita baasabboorro dalal Galbeed ah oo qaxooti ahaan loogu soo dhoweeyay markoodii hore.

Hadda ka hor tallaabooyin ay Somaliland qaadday oo dhowr ah waxaa ka muuqday khibrad iyo biseyl ku wajahan qaxootiga iyo barakacayaasha.

Waxaan joogay magaalada Hargeysa 2007, markii dad tarxiil ah oo Soomaaliyeed dayaaraddii sidday ay ka degtay Gaalkacyo maaddaama uu Muqdisho berigaas dagaal ka socday. Maamulkii Puntland ee berigaas ayaa u diiday in ay dayaaradda ka soo degaan dadka aan u “dhalan” Puntland.

Dayaaraddii ayaa dadka lagu celiyay, aakhirkiina waxay dayaaraddii la fariisatay Hargeysa, waana loo oggolaaday in ay magaalada galaan. Isla galabtii la keenay ayaan habeenkii ku soo booqday Hoteelkii la dejiyay si aan u hubsado arrinkaas oo ay igu adkeyd in aan rumeysto. Tusaalahan oo ah mid foolxun calool xumana leh, waxaan u soo qaatay in aan Hargeysa weydiiyo – Maxaa hadda is beddelay?

Taariikhdu waa ay qormeysaa. Umadda Sooomaaliyeedna waa xidid iyo xigaalo. Ma ahan midabbada iyo naqshadaha calammada ujeeddo badanka ah ee la sameystay in lagu dawakho. Soomaaliland, cidina ma aqoonsana. Berbera waxay caalamka u tahay deked Soomaaliya ka tirsan. In qaxooti Soomaaliyeed loo diido in ay ka degaan iyo in la dejiyo ee weliba doomo kalluumeysi loo qeybiyo, midna waxba kama beddeleyso xaaladda.

Xataa haddii uu Somaliland u rumoobo hammigeedu, oo ay noqoto dal la aqoonsan yahay waxaan qabaa in hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed oo ka qaxaya dagaal dal shisheeye ay xaq caalami ah iyo xeer Soomaaliyeedba khasab ku tahay Somaliland in ay soo dhoweyso.

Horraantii 1994 ayay ahayd markii iigu horreysay ee aan ka degay Djibouti. Waxaan sarkaalkii socdaalka ka codsaday in aanuu bog dhan iga khasaarin ee isla bogga dal-ku-galku uu ku dhegsan yahay uu ku dhufto gelitaanka. Maaddaama aan Dowlad Soomaaliyeed oo baasabboor i siineysaa jirin, ayaan u raaciyay.

Jawaabtiisii ilaa maanta ma illoobin. “Haddii uu kaa buuxsamo, aniga ii imow, anaa Baasabboor ku siinne ”.

Wuxuu i xusuusiyay in Djibouti ay tahay dal xor ah oo iyadu baasabboorkeeda leh, laakiin qiran waxa Soomaali kala dhexeeya.

Somaliland kama harayo xataa haddii ay aqoonsi hesho. Waan tirsanayaa. Waxaan rabaa in ay ka mid noqoto dalalka iyo dadka Soomaaliyeed ee is shinsanaya.