Waxaan daawaday hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed, oo ka soo qaxay
dagaalka Yemen, oo dekdedda Bebera laga hortaagan yahay. Waxaa loo diiddan yahay in ay
ka degaan markabkii ay saarnaayeen.
Aad ayaa qalbigu ii xanuunay. Mana aqaan wax aan ku fasiro.
Falalka, qaar waxaa jira aad u martabad hooseeya oo faaqidaaddoodu ay xanuun badan tahay.
Waxaan arkayay dad badan oo cambaareynaya. Dadkaasi waa dad
tirsanayay Soomaaliland, sidaa darteedna qaadan waayay waxa ay Soomaali kale
kula kacday.
Waxaan qabaa in Somaliland xaq loogu leeyahay in ay jawaab ka bixiso
gefka ay u geysatay dirka Soomaaliyeed iyo weliba aadminnimada. Waxaa la
gudboon in ay bixiso fasiraad aanay iyada keliyihi isu akhrin ee ah mid ay Soomaalidu
fahmi karto.
Haddii kale, khalad waa dhacaaye, waa in ay raalli gelin ka bixiso.
Dadka Somaliland, gaar ahaan madaxda Somaliland waa dad u bisil mowduucan. Ma ahan dad la
barayo waxa ay tahay qaxootinnimo, nugeylka qaxootiga, xuquuqda qaxootiga iyo
xusuusta aan tirmin ee qaxootiga. Madaxda Somaliland kuma yara qaar sita
baasabboorro dalal Galbeed ah oo qaxooti ahaan loogu soo dhoweeyay markoodii hore.
Hadda ka hor tallaabooyin ay Somaliland qaadday oo dhowr ah waxaa ka
muuqday khibrad iyo biseyl ku wajahan qaxootiga iyo barakacayaasha.
Waxaan joogay magaalada Hargeysa 2007, markii dad tarxiil ah oo Soomaaliyeed
dayaaraddii sidday ay ka degtay Gaalkacyo maaddaama uu Muqdisho berigaas dagaal
ka socday. Maamulkii Puntland ee berigaas ayaa u diiday in ay dayaaradda ka soo
degaan dadka aan u “dhalan” Puntland.
Dayaaraddii ayaa dadka lagu celiyay, aakhirkiina waxay dayaaraddii la
fariisatay Hargeysa, waana loo oggolaaday in ay magaalada galaan. Isla galabtii
la keenay ayaan habeenkii ku soo booqday Hoteelkii la dejiyay si aan u hubsado
arrinkaas oo ay igu adkeyd in aan rumeysto. Tusaalahan oo ah mid foolxun calool xumana leh,
waxaan u soo qaatay in aan Hargeysa weydiiyo – Maxaa hadda is beddelay?
Taariikhdu waa ay qormeysaa. Umadda Sooomaaliyeedna waa xidid iyo
xigaalo. Ma ahan midabbada iyo naqshadaha calammada ujeeddo badanka ah ee la
sameystay in lagu dawakho. Soomaaliland, cidina ma aqoonsana. Berbera waxay
caalamka u tahay deked Soomaaliya ka tirsan. In qaxooti Soomaaliyeed loo diido
in ay ka degaan iyo in la dejiyo ee weliba doomo kalluumeysi loo qeybiyo, midna waxba
kama beddeleyso xaaladda.
Xataa haddii uu Somaliland u rumoobo hammigeedu, oo ay noqoto dal la
aqoonsan yahay waxaan qabaa in hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed oo ka qaxaya
dagaal dal shisheeye ay xaq caalami ah iyo xeer Soomaaliyeedba khasab ku tahay
Somaliland in ay soo dhoweyso.
Horraantii 1994 ayay ahayd markii iigu horreysay ee aan ka degay Djibouti. Waxaan sarkaalkii socdaalka ka codsaday in aanuu bog dhan iga
khasaarin ee isla bogga dal-ku-galku uu ku dhegsan yahay uu ku dhufto gelitaanka.
Maaddaama aan Dowlad Soomaaliyeed oo baasabboor i siineysaa jirin, ayaan
u raaciyay.
Jawaabtiisii ilaa maanta ma illoobin. “Haddii uu kaa buuxsamo, aniga
ii imow, anaa Baasabboor ku siinne ”.
Wuxuu i xusuusiyay in Djibouti ay tahay dal xor ah oo iyadu
baasabboorkeeda leh, laakiin qiran waxa Soomaali kala dhexeeya.
Somaliland kama harayo xataa haddii ay aqoonsi hesho. Waan tirsanayaa. Waxaan rabaa in ay ka mid noqoto dalalka iyo dadka Soomaaliyeed ee is shinsanaya.
Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay qormada. Fadlan aragtidaada halkan ku reeb.
ReplyDeleteYusuf garad waanku salaamay marka hore...
Delete2007 kii waxa ka danbeeyay imika oo somaliland qaabishay ka badan 10 markab oo sida ilaa 5000 oo qof, laakiin somaliland waxa goonkaa khaldan laakiin ay kanoqotay imka ku kalifay waa maamulka somalia oo si indhola'aan ah u sheegta mar walba dalkayaga iyo dakadayaga , tanina wuxuunbay aheyd in latuso awoodooda
Yusuf Garaad, jawaab intaa ka sii ballaadhan ayaan kaa filayay. Haddii magacaaga laga tiro qoraal kan oo la i wayddiiyo 'bal malee cidda qortay qoraalkan?' waxaan ku jawaabi lahaa: qof yar oo dugsi hoose ah ayaa qoray. Cay ugama jeedo. Dhammaan qoraal kani waxaan caaddifad ahayn ma xanbaarsanna.
DeleteInta aannan ka hadal ''sax iyo khalad'' mid ka ay ahayd arrintaa qaxootigu, waxay ahayd Garaad in arrintaasi halkay ku danbaysay na uu sheego, sida uu dhacdada billowgeedii ba u sheegay. Haddii aan intaa maankiisu kolba dhan ka soo joogsan karinna in uu afka xidho ayaa ku wacnayd.
Sida uu isba sheegay, qaxooti iyo dhibaatadiisa dadka Somaliland cidi u sheegi mayso, halaaggaa uu ku halqabsannayo maanta Garaad qof Koonfurta Soomaaliya ka soo jeeda oo carrab ka ku dhuftay muu jirin waagii ay dhacayeen: sheekh iyo shariif, aqoonyahan iyo siyaasi, shicib iwm. Iyada oo ay sidaa tahay, Somaliland iyo dad keedu kol iyo laba iyo saddex oo uu mid Garaad imaka xusay waxay ka gaysteen gacan walaalnimo. Wada dhalashadaasi iyo walaalnnimodaasi Somaliland ayay laabahooda weli ku sii negi tahay. Taana lagu murmi maayo, oo wixii horteenna yaala ayaa markhaatiyo cadcad u ah.
Aan u soo noqdo ''horjoogsiga'' qaxooti soomaaliyeed oo xabad ka cararaya: waa foolxumo iyo khalad, lamana aqbali karayo. Somaliland na dad keedu way ka gadoodeen waannay canbaareeyeen; iyaga oo aan sabab u samayn ama sababibihii loo sheegay dheg jalaq u siinnin afkay gacanta geliyeen waanay ka dhiidhiyeen. Dad kii qaxayay iyo maraakiibtii iyo doonyihii na sidoodii ayay ugu soo xidhanayaan dekedda Berbera ee gobolka Saaxil, Somaliland.
Dawaladda Federaal ka ah ee uu Garaadku ku hunggoobay in uu xil ka qabtaa weli waxay aflagaado liidid ku hayaan Somaliland iyo dad keeda.
Ugu danbayn, Yuusuf Garaad garawshuhu nin weyn waxba ma yeelo, fulaynimo na ma aha, ee waa raganimo iyo geesinimo. Dad kaa Berbera wadhan waxaa dad u ah reer Berbera iyo reer Somaliland. Adigu waxaad wax ka tartaa kuwa Koonfurta Somaliya gudaheeda ku barakacay, ee askarta dawladdu bacaha ay roob ka iyo cadceedda iska dhigaan maalin walba ka dumiso, habeen kiina u soo daadato ee hadimayso.
SC, sida cad dhamaan dadka somaliland badidoodu waxay ahayd talaabo ay cambaareeyeen, lkn waxa xusid mudan oo ah inaan la iloobin in dadka dekeda berbera laga hor istaagay ay socotay muddo kooban iyadoo markii danbe la ogolaaday, mushkiladiina halkaas lagu xaliyay, yaan dadka looga dhigin in maalmo iyo bilo ay halkaas ku xayirnaayeen, mawduuca yaan la dhaafin xadkiisa buunbuunintana halaga daayo; tacadiyo intaas ka badan ayaa dhaca oo hadana aynaan ka hadal sida dhibka haysta muslimiinta qaxoontiga reer burma kuwaasoo mudo dhowr bilood ah bada dul heehaabaya oo la' cid magangelyo siisa
DeleteWaa fikrad wanaagsan Garaad balse sidaa maqlay anigu arintu laba sababood ayay ku sheegeen masuuliyiinta Xukuumadda SL oo kala ahaa 1. In haayadaha qaxootigu diideen in ay caawiyaan oo ay deegaanada ay rabaan la geeyo iyo 2. Xaga amniga in lagu so dhex dhuunto. Balse anigu shaqsiyan waxaa qabaa haddi ay haayadahu diideen in shacabka SL loo daayo intaas iyo in ka badanba way ka adag yihiin. Arinta amnigana in lagu xaliyo sida qaabka Jabuuti oo kale ee ah baaritaan iyo xooraamin balse aan la celin dadka jilicsan mahadsanid Yuusuf Garaad
ReplyDeleteArinta ay sameeyeen maamulada Somaliland iyo Puntland waa wax ceeb ku ah dhaqanka Soomaalida.
ReplyDelete1- Somaliland - Maalin ka hor ayey u qorantay taariikh xun, dad masaakiin ah in badda lagu dhex celiyo waa arin ka baxsan dhaqanka Soomaalida.
2- Puntland - Waxaan xasuustaa in sanadkii 2011-ka ay ku dhaqaaqday Puntland ficil aad u xun, dad masaakiin ah oo Soomaaliyeed oo magaalada Boosaaso ka xamaalan jiray ayey soo raafeen, waxay ku soo daadiyeen koonfurta Gaalkacyo iyagoo timaha ka xiiray si ay u aqoonsadaan haddii uu ku soo laabto qofkaas deegaanada Puntland ka taliso.
2007-dii waxay Puntland diiday in diyaarad siday dad la soo tarxiilay inay cago dhigato garoonka Gaalkacyo oo dadka Gaalkacyo ka wada dhexeeyo.
Isku soo wada duuboo, labadaan maamul waxay dadka Soomaalida ku sameeyeen ayaa ka badan waxyaabaha ay sheegtaan ee wanaagga ah.
Yusuf waad mahadsan tahay faalada lakin waxaan aad ula yaabay waxaad si yar u faalaysey xumaantii iyo naxariisdarradii reer hargeysa sameeyeen waxaanad buunbuunisey wanaag yar oo ay sameeyeen.
ReplyDeleteLaakiin taa bedelkeeda kamaad hadlin inaba wanaagii sharaftii dadnimadii deeqsinimadii xattaa ha'yadaha maanta somaliya joogaa aysan awoodin ee reer puntland sameeyey oo cid samayn karta oo somaliya aanay maanta jirin only waxaan filayaa turki uun baa samaysayn kara waxaanse kugula talin lahaa inaad faallo gooniya ka qorto si aan u fahamno inaad yusuf ahaan wanaagga iyo xumaantaba ka war haysid
Saaxiin Puntland waa Soomaali oggol Soomaaliya. Wixii ay sameysa oo wanaag ahna waa waajib saaran, waanan ku taageersan ahay. Laakiin sideedaba maqaalku kuma saabsana Isbarbardhig, kumana saabsana Puntland. Hargeysa ayaan la hadlayay oo weydiinayay waxa keenay isbeddelka maaddaama ay hadda ka hor qaabbileen qaar laga soo diiday Soomaaliya.
Deletein wax lees weydiiyo maxuma somaliweyn
DeleteLaakiin Hussein taariikhdu waa ay qorantahay oo lama dafiri karo ee ogow, haddii ay noqon lahayd 2007 iyo 2011.
DeleteThis comment has been removed by the author.
DeleteTaariikhdu dadkay bartaa dunida waayeheeda,dhacdadaan 28 05 2015 iyo midii 2007 iyo 2011 waxay dadka somaliyeed barayaan dunta saxdaa ee maamulada ka jira degaanadaa, waxaana moodaa midba markii mid wax xumayso in mida kale xooga wanaag ah muujinayso , waxaan leeyahay bulshada ku nool degaanadaas ha ogaadaan waxa magacooda taariikh xun lagu dhigayaa in ay ayaga yihiin, siyaasiyiin waa maalin goosato , xiligaaban shaqeeya.. waxaan isleeyahay waa kartaan in aad tiraahdaan nooma qaadanto waana mahadsantihii intiina dadaalka wanaaga ugu jirta,,,,,
ReplyDeleteSomaliland ujeedada ay go'aanka hore ugu qaadatay inkastoo aan laga dhabayn oo qaxootigii la sheegay in laga celiyey berbera maanta diyaar u yihiin in laga ambabixiyo berbera, waxay ahayd in caalamku ogaadaan culayska gaarka uga haysta dhinaca dhaqaale iyo amaan qaxootiga soomaalida ee ciddi la ogeyn, maantana markii lagu baraarugay hay'adihiina ku qasbanaadeen inay taakuleeyaan qaxootiga soomaalida, way ka noqotay Somaliland go'aankoodii hore, inakstoo naanays aanay xaqiiqdii mutaysay kaga timi qaxooti diid.
ReplyDeletewaa arin aad iyo aad looga xumaado falka ee ku kaceen reer somaliland waxaana ka lumay kalsoonidii somaliweyn u haayeen waana adagtahay sida ee ku soo noqoto kalsoonidii loo haayay reer somaliland
ReplyDeleteasc bacda salaan waxaan ahay muwadin reer somaliland ah si adag ayaan uga so hor jeeda arinka ka dhacay berbera waana arin diin ahaan iyo aadmi ahaanba aad u xun waana ficil abuuri kara isnacayb iyo isu arxamiwaa hor leh wuxuunbaan ugu danbayn ku talin laha in loo arko ficil xun oo ay ku keceen maamulka dakada kana danbaysay xukumada silanyo shacabkuna aanu wax lug ah ku lahayn waxaanan jeclahayn in aan laba arin oo walal iga horey taabtay aan u sheego in aanay cudurdaar haba yaratee unoqonayn xukumada silanyo 1 wuxuu sheaagay in hayadihii dideen in ay wax siyaan =ilaahba wax baxsha ee hayado wax aan sun ahayn ma baxshaan taasi waa taa 2 xag amaan in looga baqay ma hooyooyinka caruurtu docda ka nugaysaybaa amaan daro looga baqay ?! ta sadexaad goobta hadalka kamay odhan ee waxay dheheen "somaliland cid aan ahayn uma ogolin"
ReplyDeleteWaan Ka xumahay falka somaliland. Lkn jawaab ay ka bixiso dawladda somaliland uma malaynayo inay ka dhaqeyso ceebtii karaacdey falkan xanuunka badan.
ReplyDeleteWalaal waa wax laga xumaado in aay soomaali sidaa isku nacdo!!
DeleteYuusuf waa aqriyey maqaalkaaga. Waana mid xaqiiqda ka hadlaayo.
ReplyDeleteSomaliland ma xumo shacabkeeda. Shacab walbana dad xun oo u fakira dhanka xumaanta wuu leeyahay. Waana kuwa sharafta shacabka meel uga dhacaya.
Aniga waxa daawaday video ay isku xanaaqayaan masuuliyiinta dekada iyo kuwa Magaalada berbera. Waana ku kala qeybsanaayeen soo dajinta dad saaran maraakiibta.
Jawaabta somaliland waxaa igu maqaalo ah in aay ka jawaabtay oo aay xabsiga dhigtay masuulkii falkaas ku kacay oo malaayin soomaali ah calool xumada ku abuuray. Walibana waay fasaxday Maraakiibta iney keeni karaan qaxootiga soomaaliyeed.
Waana soo dhaweynaynaa anigoo magaca dhalinyarada soomaaliyeed ku hadlaayo
Ascw: wa maqaal aad noo soo jiitay, wax damqay soomali dhamaanteed ayuu aha , reer soomaliland laftooduna way ka xumadeen arinkan, lkn waxan filayna in cid gaar ahi gaysatay, wa run hadalkaagaasi xata haday somaliland go;do laga hari maayo soomalinimada , oo dadku wa isku af,walal iyo dad is dhalay oo wada dhashay, waxan qaba sida yuusuf in arintan jawab laga bixiyo hadii iyo hadii kaleba. sidii bisaylku u jirayna wa in bisaylkii u sii socda , taladayduna wa meel kasta oo dhul soomaliyeed ah , ama ethopia ha ahato ama kenya , ama jabuuti ama somaliland ama somalia, soomali baa leh, ee aynu soomaalinimada tix galino.
ReplyDeleteDhibka jira Soomaalidu waa wada siyaasi, qofkasta wuxuu xumaan iyo samaamba ku difaacayaa Qabiil ama maamul ka jira gobolka uu qabiilkiisu ka soo jeedo. Tusaale hadaad rabtana wareyso laba qof oo kasoo kala jeeda Somaliland iyo Puntland oo midba markiisa sameeyay xumaan iyo samaan.
ReplyDeleteYuusuf Garaad waxa aan akhristay faaladaadii gaabnayd ee arintan ku saabasan qaxootiga yaman ka imanaya ee soomaali iyo dad kalaba leh.
ReplyDeleteHadalkaaga si fiican ayaan u dhuuxay, hadii aan ka jaawaab celiyana bal aan usoo qaato in yar in yar.
1) Hooyooyin soomaaliyeed oo tabaalaysan ayaa markab dushii lagu xanibay, Haa waa run taasi, mudo ku siman 2 saacadood ayaa la xanibay, iyadoo la maareeye ku xigeenku uu diiday in la soo dejiyo kadib amarkii wasiirka arimaha gudaha Warancade. Halkan hadaan yara faahfaahiyo, amarada dawlada JSL ee siyaasiyiintu sameeyaan, shacabka JSL masuul kama aha. Taas siyaasad iyo siyaasi weeye.
Sababaynta arimahan aan is dul taagno in yar, (A) Dawlada JSL iyadoo qiyaasaysa awooda maaliyadeed ee ay leedahay, kadib diidmadii UNHCR ay diiday in ay u aqoonsato qaxooti dadka soomaalida ah balse ogolaatay in ay bixiso kharashka dadka aan soomaalida ahayn. Tan waxa ay sababtay in Yemeniyiin la sii daayo iyo Xabashida.
(B) Amaanka, sida aad la socotaan dhamaantiin ururo argagixiso ayaa ka jira yemen ha u horayso qaacidada yemen iyo qaar kalabee. Tan waxa ay sababtay in dawlada JSL ka werwerto amaanka muwaadiniinteeda, waayo dawlad kasta masuuliyadeeda koowaad waa ilaalinta amaanka shacabkeeda, wixii kale ha danbeeyaane. (C) Hadalo deel qaafa oo ka soo baxaya Dawlada Somalia, ugu horeeyaan hadalo wasiiradeedu iska yidhaahdaan sida JSL waa ka mid Somalia, inkasta oo ay saxan yihiin marka sharciyan qaanuunka aduunka la eegayo, balse marka reality on the ground ama facts on the ground la eegayo ay taasu been tahay. Tani waxa ay keliftay sida fikirkayga ah, in siyaasiyiinta JSL rabeen in ay publically disprove gareeyaan arintan iyagoo xanibaya doon qaxootiyeed wakhti koobaan, tusinayana caalamka in dawlada Somalia aanay lug qaadi Karin iska daa hadal afka baarkiisa ahe.
2) “Somaliland xaq ayaa loogu leeyahay xaq in ay jawaab ka bixiso in ama raali gelin qaladka ay u gaysatay dirka soomaaliyeed”
Hadalkan kamaad fiirsan Yuusuf Garaadow, aan fasiro sababta walaal. Dadka doonta saarna saacado kooban ayaa la xanibay oo markii danbe wasiirka ayaa amar kusoo rogay badhasaabka gobolka Fahmi Bidaar dabeeto waa la fasaxay tii shalay timidna waa la fasaxay.
Sadex, tan iyo bilowgii dagaalka yaman dhamaan dadkii qaxootiga ahaa ee ka soo degay Berbera waa la qaabilay, ma garanayo sababta aad taa uga booday!
24 sano dadkii dagaaladii dagaal oogayaasha iyo kooxo diimeedyada iyo xabashida u dhexeeyay dadkii ka soo cararay oo kor u dhaafaya 100 000, ayaa JSL jooga, ka shaqaysta nabad iyo sharaf ku jooga. Taasna waxa aad uga booday adaa sharaxi.
In yar hadaan hadaba taariikhda dub ugu noqono, 1980, waxa bilaabmay dagaalkii ugu horeeyay ee ka dhaca wadankii la isku odhan jiray jamahuriyadii soomaaliyeed kaasoo socday ilaa 1989kii horaantiisii. Waxa dawlad soomaali sheeganaysa ay hubkii dadka soomaaliyeed lagu difaaci lahaa dhegta dhiiga ugu dartay 60 000 oo dad soomaaliyeed ah (Africa watch, 1990). Qaxootii 100 kor u dhaafayaa ayaa muqdisho oo markaasi ahayd nabad magan gelyo u doontay, waxaa iyana qaar dhegta dhiiga loo daray habeen madow (xasuuqii Jazeera 1989). 0.5 million kale waxa ay u qaxeen Ethiopia, oo ahayd cadowgii soomaaliyeed, hadana soo dhawaysay dad soomaaliyeed. Maalintaa halkaad joogtay halkay se waalaaltinmada soomaaliyeed maalintaa joogtay?
Nabaday walaalayaal.
This comment has been removed by the author.
ReplyDeleteSomaliland wey ku
ReplyDeletekhaldenayd shacabkuna wuu ka diiday dibna waa loo ogolaadey qoxootiga. waxba reer Somaliya yeyna afka gacanta iska gelin hadda! 1988kii nalagama nixin marki magalooyinkeyaga Dawlad ku shegii Somaliyeed ay dhulka dhigeen anakuna hadaan ahayn maatadii xiliga aan ku dhibaateysneyn xeryaha qoxootiga Reserved Area Ethiopia. xageed joogteen? Markaan caruuraha dalqaminee ku dhacney daleel iyo deegaan cidla ahoo duur joogta cawshiyo, doofaarka mooye dad dhaqaaqa lagu arag! wataan dal qabaney Dulcad iyo Daroor iyo dhulkii diiftu taaley. Danbigaad naga gasheen oo derdertiisii qaboo dabalaab sitaa yimi! ku yeh deydeybaan ahay, dawlad ku sheegbaan ahay dalkan daara kuma lihi dekadaha waxba kama raro waxna kalama soo dego
danna kama lihi hadii uu diriro shiden yahay! Mustafa Zürich
Switzerland
Waaku fahan adeer haa umalayn inaan lafahmayn uma jeedid s.land ee puntland baad ujeedaa lkn waxbaan kaa oran laha hadaana ku aqoon oo aana xaadir ahyn 2007 iyo 2011 iyo wixii dhacayba masaasa rabtaa inaa ugu tartantid xil madaxwayne
ReplyDeleteWaad ku mahadsantahay Yusuf Garaad maqaalkan runti kusoo beegmay xiligii loo baahnaa taabanayana xaqiiq ama dhacdo runtii xanuujisay cid kasta oo soomaaliyeed meeshey joogtaba hooyooyin soomaaliyeed ee kasoo cararay dhibaatada kasocoto Dalka Yeman oo dhamaantood af, dhaqan iyo diin isku mid ah in lakala saaro qaarna lagu sii hayo maalmo Markabkii dushiisa runtii waxay ahayd wax gaf ku ah xeerka qaxootiga caalamka, kan islaanimo iyo kan soomaaliniba intaba sababaha ay sheegeen runtii uma noqonayso cudurdaar ama wax aan ku qanci karno marka sidaad sheegtay Somaliland waxaan uga fadhinaa waa inay cudurdaar ah rasmi ah ka bixisaa deeqsinimadii iyo dadnimadii lagu yaqaanayna soo ceshataa ugu danbaystii ilaahay hanoosoo celiyo doladnimdeenii soomaaliyeed iyo maqalkii soomalinibo.
ReplyDeleteWaa Faalo Qurux Badan Lagana IlaaIiyey Hadal Qadaf Ku Ah Cida Ay Qusayso Kuwa Leh In Aad Intaan Ku Gaabsato May Ahayna Malaha Waxay Rabeen In Ay Kugu Oodaan Mooro Qabiil Ood Horena Laguugu Baran... Somaliland Gaf La Saxay Ayaa Ka Dhacday Waxaana Qabaa In Loo cudur daaro Mahadsanid Y G
ReplyDeleteUgu horayn waan salaamaya odayga hawshan soo qoray salaan kadib.
DeleteRuntii waa wax laga xumaado arinta Berbera. Somalinimadana ka baxsan waana cabaraynaynaa
Taariikhduna waa wax isqorta intaa kadib waxaan rabaa inaan yuusuf garaad yara xasuusiyo inkuu kamid yahay dadka .qaswadayaasha. Runtii siyaasinta somalida waxaad mooda inay xeedhya fal cuneen kun hadal bay ku hadlayaan. Yuusuf garaad waxa uu ahaa kii meelkasta la taagna Somaliland waa Jamhuuriyad maantana waxa uu qoraalkiisa ku xusayaaa Somaliland waa maamul Somalia kamida "ma isgaa waalan anagaa walan" manta yuusuf garaad haduu arkay dad reer koonfureed ah oo Berbera laguyara dhibaateyey ma intaa buu ku ilaaway dawladnimadii iyo gooni isutaagi uu uqirayey Somaliand yusuf garadow bal isku noqo meel iskugu soo baydh
yusuf foow salaadkasta wakhtigeda latukada puntland xilgaas waxay ku jirtay dagaal aad ka qayb qadanaysey adigu oo maxkamadaha ahaa marka il gooniya bey ulahayd dhaq dhaqaqa maxakimta firxadka ah somalilana maxakim iyo shabaaba waa lashaqanaysay illahada oo ay lashaqaso kuwa ka dagalama buraha gal gala marka ku aad shegaso ee labada qof ahaa xagee ku danbeyeen jawabtedu adigaa lagaa rabaa kasoo gudub abeeso nin koriyey baa u aaya waxuu ka helana waa inay qaniinto somaliland adigaa buun buuniyey waxaysan ahana ka dhigay markaad bbcda joogtay maantana caruurtaadi weye waxay u diiday inay yimadan bebara abaalkaa noqday sidaa puntland nin neceb iyo mid jecel toona iyadu waa ka cafimaad qabtaa dadkeeda somaliyeena waaa cawinaysa kala sooc iyadoo aanuu jirin xataa hargasaa loo diray kuwo qakhootiga kamid ah si qurux badan maato doonsaran oo nasiib ku yimid 2 qof oo diyarad ku socday oo maxkamada katirsanaa in aad buun buuniso oo bar bar dhigto waa wax aan lagugula yabay yusuf nin baa laga sheegay dhurwaa ma qosol baan ku haystay yusufoow puntland awalba afwanagsan kama sugeyn
ReplyDeleteYusuf garaad waan kaaga mahdinayaa inaad dareenkaaga nala wadaagto
ReplyDeleteqof isir soomaali sheegta oon arintan ka qaylin majiro
qaldku wuu dhacaa lkn kuwa kalaabta ayaa ugu wanaagsan
waxaan rajaynayaa war wanaagsan inay somaliland arinkan ka soo saari doonto
umada soomaaliyeed dhibta allah ka dulqaado annagana wixi aan bixin karno aan bixin walaalayaal qayr allah idiin siiyo mahdsanidiin
http://gabiley.net/2015/05/yaa-siyaasadeeyey-qaxootiga-fariin-ku-socota-qof-kasta-oo-ka-faallooday/
ReplyDeletexaqiirnimo baan u arkaa xumaanta puntland inaad sheegtid wanaaga hada ay sameenaysona aad ka gaabsatid
ReplyDeletemaamulka somaliland ceebtii ugu xumayd ayey ku kaceen dad qaxooti ah oo walaalihiin ah oo dagaal ka soo cararay oo sadex habayn badda ku jiray in markabka dhexdiisa lagu haybsado oo dadka lagu kala sooco dhaqan soomaaliyeed ma aha wax horay u dhacayna ma aha arin fudud maha
ReplyDelete#YusufGarad Somalidu Ninka Wanajiya Ayay ku Xaraan Oo xumeyaan Somaliland Qoxonti Badan aya Kunool oo Somaliya Ka sobarakacay Somalidu Asxaan malaha
ReplyDeleteYuusufow ma mid mise mid maamulka soomaaliland.xaq umalahayn inay bahdood iyo beeshood, dhal iyo dhalaan sadex ku hor istaagan, Bad, baahi iyo bugto colaadeed. wayna ku khaladanyihiin middaas waxaanuna leenahay haka bixiyeen raali gelin iyo wax raasumaal gelaaya.
ReplyDeleteAllahow sidii roon.
Waa wax laga xumaado wa dhacdo xanuun leh in dad soomaaliyeed oo hadana cax ah loodiido in ay wadan soomaali leedahay gudaha u galaan . waxaana cad in soomaaliland mugdi usoohoyday taariikhdana ay meel kagalidoonto lagu xasuusto.
ReplyDeleteWaxaase jira shacabka reer soomaaliland in ay arinkaan kaxumaadeen falxuna ay kutilmaameen . Su'aashu waxaytahay maxaa sababay in dad masuliyiin ah falkaan kufakaraan? Hada se maxaa wax lagu xalinkaraa ? Oo maanta soomaaliland uhaboon in aysamayso .
Yuusuf garaad waad kumahadsantahay maqaalka dheer ee aad kabixisay dhacdadaan xanuunka leh
This comment has been removed by the author.
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteasc Yusuf Garad Omar iyo asxabta kale,
ReplyDeleteaniga oo xuman udhaheyn hadalka aan uwado somaliland ugana jawabayo somaliland hadalka ay dhahday oo ahaay in qaxootiga somaliyeed looga diday inay kasoo degan dekada berbera waxa ugu wacan labo arin.
1. in somaliland aay gacan saar laledahay xuutiyinta ka dagalameyso yeman kuna dhaheen dadkan qaxooya oo an ku dhax gamban laheeyn waxay ka degayaan dekada aad mamushan taasne waa balankii an galnay inad nooga baxdeen.
2.in somaliland aaysan aheeyn dowlad umadeeda wax uqabata lkn ah na jecel inay is tutusto wadamanka aay madax bananida ka radinee taas kuu cadeyneyso malintii kowad wey isku sawireen ayagoo soodajinaa lkn kadib aay arinku ka calway
aadban uga xumahay arinkaas aay ku dhaqantay
ayadoo somalinima sheganee luqadeena sheganee lkn waa mid meel kutala.
waan ka xumahay in somalida la kala faquuqo
ReplyDeletewaa wax lala yaabo hadii somali is naceysa aaway islaamnimadii aaway dhaqankii quxoonaa waxaana sabab u ah waa madaxda ka taliso
ReplyDeleteThis comment has been removed by a blog administrator.
ReplyDeleteHANALOO DUL QAATO MAANTA WEYNAGA CIIRTAYE SOOMAALIYEEY.
ReplyDeleteWaxaan aad u salaamaya wallaalkay YUSUF GARAAD oo arkey khaladkan dekedda Berbera ka dhacay, Aad baanu uga xanahay hadaanu nahay shicibka Somaliland wixii dadkaa shicibka ah ee Qaxootiga ah ee kasoo cararay dagaalka kasocda Yemen, may ahayn in laysku hor taago albaabka Markabka, Manay ahayn in laga lagu yidhaahdo dib ugu noqda manay ahayn in xitaa la tuso hadal ama ficil waxyeeli kara waxna u dhimi kara damiirkooda, WALLAALAYAAL WAA MARKII U HOREYSEYE EE AANU SIDAN OO KALE NALAGU ARKEE HANALOO DUL QAATO. Waxa jira buuq siyaasadaysan oo ah gudahaga.
Sedex eray ayaan ka oranayaa oo dag daga
ReplyDelete1 . Somaliland wax qurxoon ma sameyn
2. Dadkan soo qaxay iyaga oo intaan ka miskiisan ayay boosaaso ka tahriibeen bal dhibta iyo silaca ku qabsaday doomaha iyo raga hubeysan ee wata oo lawada yaqaan ka wareysta
3. Tahriibka waxaa u lahaa qixii laga soo qaxshay koknfur si dadban iyo si toosaba
Raad arooryo dib looma raaco gacma geel jirana hoos ayaa loo dhaqaa
soomaali waa mid mana kala maaranto ee ninow ninna ha eedin doonta wan wada dajinayay aan is wada badbaadino o sharafkeenii iyo dad nimadeena dib u soo ceshanno habeenna makala maaranee
This comment has been removed by the author.
Deletewaan ku salaamay yuusuf garaad marka hore somaliland way ku khaldantahay inay hor istaagto qoxoonti soomaaliyeed oo aynu wada ognahay dhibka haysta intuu leegyahay.
ReplyDeletesomaliland lagama filayn inay falkaas oo kale ku kacdo balse hadda way dhacday waxaanu ka codsanaynaa inaanay mar dambe waxani dhicin.
yuusuf adna waad mahadsantahay waxaad na xusuusisay taariikh hore aanaan ogayn soomaaliya Alle dhibaatada ha ka dul qaado.
AAMIIN AAMIIN AAMIIN
Somaliland
ReplyDeleteSomaliland
ReplyDeletewaxaan doonayaa inan u jawaabo wiilkan yar ee yuusuf iyo wax layidhaa anigu ma aqaanee adeer waxa maqaal aad wakhti badan kaa qaata u baahan hadiiba aad wax ka qorayso kan qolka maamula ee hantidii umadan lahayd account nada yurub ku shubtay ee aad cid iskugu xigtaan mee sowta hadalka aan cidi kaga badin aaway maaxaa aamusiiyay sowkii somalia maamulayay maxaa helay ma waxaad naga dhaadhicinaysaa muqdisho dekedeeda cidi kama dagi karto mise muqdisho cidi ma dagi karto 7 million dadka badan ayaa maanta muqdisho dagan kuwaas ayuun bay ku biiri lahaayeen ee waxay diidayaan hantida umada loogu dhiibay ee hayadaha calamku ugu dhiibay inay siiyaan waa kuwa dubia isaga raaxaysanay hantidii umada aaway wasiirka arimaha dibada sheegayana ee hadalka nacas nimada ah ku hadlayay xaguu ka keenay lacagta uu dubia ku raaxaysanayo waa hantidii dadkan qaxoontiga ah kaas iyo madaxwayna qolka maamula ayaa u baahan inad maqaalo ka qorto waliba maxkamad lasaaro
ReplyDeletewaxaan lahadlayaa kuwa somaliland sheeganaya ee iska dhigaya dad reer somaliland ah ha sheeganina dad aydaan ahayn ceebtiin maahoo somali oo dhan ayaa somaliland sheegata mar mar ka qaar markaan bbc da dhagaysto waxan maqlaa qoraalo aan aad ugu qoslo oo samays ah waxaad moodaa inay ciyaal u sheekaynayaan hebel hebel oo hargaysa jooga fikir kiisu waa sidaa hebel hebel kale oo burco jooga fikir kiisu waa somalia ha noolaato waxaas iyo khiyaaliga aad naftiina ugu sheekaynaysaan intaad ka baxdaan ha ku mashquuline waxaan dantiina ahayn ee waxaad ku mashquushaan sidaad dhibkan idin haysta ee aad gacmihiina ku iskugu gaysateen illaahay idiin muu keenine illaahay wax xun looma nisbeeyo idinkaa sidaa isku galay is dulmay is dhacay is kufsaday is dilay illaahay intaad u noqotaan somaliland iyo bunt land waxaa wakhtiga ha iskaga qaadinee isutaga isa saamaxa sulmiga iska daaya illaahayna barya illaahay wuu idiin dhisi dawlade
ReplyDeleteYusuf Garaad Maqaal Xaqiiqada ku dhisan ayaa ku waajibay
ReplyDeleteAssalaamu Calaykum,
Waxa aan si hufan u akhriyay maqaalka uu Yusuf Garaad ka diyaariyay dhacdadii la buunbuuniyay ee qaxooti la sheegay in Berbera laga celiyay. Si qurux badan oo farshaxnimo ka muuqato ayuu Yusuf u qoray maqaalkaas.
Haddii dhacdadu ay tahay sida uu Yusuf u sheegayo ama ujeeddada madaxda Somaliland tahay in ay qaxootiga ku celinayeen Soomaali nacayb, maqaalku waxa uu noqonayaa arrin gar ah.
Laakiin waxa muuqata in maqaalku yahay mid caadifadaysan, Yusuf waa suxufi ruug caddaa ah, xeerarka saxaafadana waxa assal u ah DHEXDHEXAADNIMO iyo aragtida ama cabashada darafka kale in aad soo xigato, nasiib-daro, maqaalka kama muuqato meel uu Yusuf Garaad kaga hadlay doodda iyo ula-jeeddada madaxda Somaliland.
Yusuf Garaad waxa aan u soo jeedin lahaa - horaa loo yidhi 'nin habari-dhashay dal ma seegi waydee' - in uu dhacdadan baadhitaan ku sameeyo dhacdadan, dabadeedna, xaqiiqada dib u baahiyo, haddii kale, maqaalku waxa uu u muuqanayaa mid calool xumo iyo cadaawad ka dhex abuuraya Soomaalida, sidoo kalena weerar ku ah qadiyadda Somaliland.
Waxa aan qirayaa in dhacdadaasi ay ahayd mid xanuun leh oo aan loo baahnayn, xataa haddii Somaliland la xumeeyay, laakiin aqoonyahanka iyo indheer-garadka uu Yusuf ka mid yahay waxa la gudboon in aanay horseed ka noqon isku-dirka Soomaalida. Haddii kale, qoomiyadda Soomaalida oo ah - dad wadaaga, diin, xidid iyo xigaaleba - waxa ay ku abuuri kartaa cadaawad iyo is fogeyn, waayo Soomaali meel kasta oo ay joogto ma kala maarmi karto xattaa haddii Somaliland la aqoonsado.