Total Pageviews

Saturday 1 August 2015

UK oo baareysa eedeyn Musuqmaasuq Soomaaliya

Xafiiska [la dagaallanka] Musuqmaasuqa Culus ee UK ayaa xaqiijiyay in uu dembi baaris la xiriirta eedeymo musmuqmaasuq Soomaaliya uu ku sameynayo sharikadaha SOMA Oil & Gas Holdings Ltd, SOMA Oil & Gas Exploration Limited iyo SOMA Management Limited iyo qaar kale.
Warku wuxuu sheegay in dadka xogta hoose bixiya ay ilo muhiim ah u yihiin baaritaanka kiisaska SFO. Wuxuu raaciyay "Waan soo dhoweyneynaa cid kasta oo xog hoose ka haysa kiisaska aan baareyno oo uu kani ka mid yahay".
Dadka waxaa loo sheegay in sirta ay bixiyaan loo xafidi doono. "Waxaad nagula soo xiriiri kartaa hab aan leennahay oo asturan, oo laga soo geli karo barta internetka SFO".
Fiiro Gaar ah wuxuu warku bixiyay in SFO lagala xiriiri karo halkan ama barteeda Internetka www.sfo.gov.uk
Waxaa dadka loo tilmaamay in ciddii email u direysa ay raaciso ereyga "SOMA" halka ujeeddada emailka lagu qoro.
FCO waa Waax Madax bannaan oo Dowladda UK ay leedahay oo mas’uul ka ah baaritaanka iyo dacwad soo oogidda musuqmaasuqa culus ee silloon, laaluushka iyo wax isdaba marinta. Waxaa madax u ah Agaasime, David Green CB QC.
Afeef: Weriyayaasha warkan soo xiganayaa waxaan ka dalbayaa in aanay waxba ka beddelin cinwaanka iyo qormada inteeda kale, waxba ku darin, waxna ka reebin maaddaama ay tahay xasaasi una qoran tahay hab qaanuuni ah.

3 comments:

  1. Waad ku mahadsan tahay haddii aragti aan cidna u gefin aad halkan ku reebto.

    ReplyDelete
  2. Arrinta baarista shidaalka ee shirkaddo badano oon dibedeed waxaa aad lagu tuhun sanyahay inay suubiyaan wax is daba marin iyo musuq xilliyada ay heshiisyadda la galayaan maamuladda iyo dowladda federaalka. Anigu waxaa is waydiinaya Soomaaliya wax shidaal iyo Gaas ah ilaa hadda lagama soo saarin, in kastoo shirkaddo badan heshiisyo sharci ama sharcidarro ha noqdeene la galeen maamulladda iyo dowladda dhexe oo lacago badan ku bixiyeen, marka la la oran karaaa shidaalkii Soomaaliya isagoo duuggan ayaa la iibsaday illeen sharciyan lacagahan iyo kharashkan badan waxay u bixiyeen inay shidaalka Soomaaliya la soo baxaa xilli ay noqotana dayntan Soomaaliya waaa inay gudda?

    ReplyDelete
  3. waxan soo dhaweynaa baarista lkn ma shidaal qodis ayey sameeysay? mase dowlada ayey lacagsiisay?waa maxay nuuca musuqmaasuq ee lagu eedeyanayo? jawab ha laga siiyo qofkii xog dheeri ah ka heysa

    ReplyDelete