Total Pageviews

Friday 4 September 2015

Qaboojiye


Wiil ka mid ah dhallinyarada ilaalisa madaxda ayaa la weydiiyay bal in uu yaqaan AC. Wuxuu ku jawaabay waan aqaan oo waa kan kuleylka badan.

Ninkii sheekada ii sheegay wuxuu ku macneeyay in wiilkaasi uu mar kasta taagan yahay qolka uu qaboojiyuhu ku jiro dibaddiisa oo ah dhanka uu qaboojiyuhu ka sii daayo hawada kulul. Qolkaas oo Xafiis ama guri u ah qofka madaxda ah ee uu ilaalinayo. Waxaan u qaatay in ay tahay sheeko curis ah laakiin nuxurkeedu intaa ka badan yahay.

Marka aad meel qabow ku jirto xusuusnow meel qorrax ah waxaa taagan dad dhallinyaro u badan si ay u xaqiijiyaan in aad adigu qabowga fariisato. Haddii aad Hotel ama guri deggan tahay dadka qorraxda kuu taagan waxaa ka mid ah ilaalada albaabka hore joogta. Waa haddii degaankaagu uu ilaalo leeyahay.

Haddii aad magaalo nabad ah deggan tahay, dad ayaa meel ay xabbadi ka socoto ama mar kasta ay ka billaaban karto jooga si ay u xaqiijiyaan in aad adigu halkaaga nabad ku joogto.

Waa muhiim in la is xasuusiyo in Dhallinyarada qorraxda iyo khatarta jooga lagu qaddariyo dadaalkooda loona abuuro fursado ay hore ugu tallaabsadaan.

10 comments:

  1. Maashaa allaah Nin laguseexdoow haseexan iga dheh.

    ReplyDelete
  2. Maashaa allaah Nin laguseexdoow haseexan iga dheh.

    ReplyDelete
  3. Waa talo khusaysa ruux kasta oo mujtamaca ka mid ah. Mahadsanid, Yuusuf...

    ReplyDelete
  4. Yuusuf qoraalkaaga wuxuu i xusuusinayaa dhallinyaro waardiye ka heeysay hotel aan degganaa muddo bil ku dhow, sanad ka hor, Hawshooda sida ay u adkeed iyo in dadka loo shaqeeynayo aysan ka muuqan garasho la xiriirta shaqadaa loo hayo. Waxaan si aad ah ugu baraarugay dhibka dhallinyaradaa in ciiddii Soonfur oo la galay maalmahaa, wiilashaa iyo gabdhahaana aysan qeeyb ka qaadannin damaashaadka ciidda oo dhar kan ugu roon ee la heli karo oo la xirto iyo salaadda ciidda oo la aado ay ka mid yihiin. Waxa kali ah oo markasta ka muuqday in ay ka haqab tiran yihiin wuxuu ahaa qaadka maxaa yeelay goor kasta oo aan arkaba qaar ayaa qayilayay.

    ReplyDelete
  5. Wariye yusuf garaad waa arin jirta waa xaqxaqiiq in uu waardiyuhu banaanka tagan yahay kuleyl iyo qabowba laakiin waxaad hilmaantay in uu fiyaar u yahay in uu xabada isku dhigo marka ma kuleyl baa dhib ku haya

    ReplyDelete
  6. yusuf garad intaan kali ah ka mamudno dhalintaa ee plz in kabadana ka sugaynaa waayo ubax dalka badbaday rabaan

    ReplyDelete
  7. Miskiin :( AC muxuu dhahay waa halka kuleelka badan.Wiilkaas dhallinyaradaa uma naxsani oo laba gooraba qoraxdaasuu hoosteeda irsaaqada kala soo baxaa, ee waxaan ka naxsanahay kan aan u ugeyn wiilkaa qorraxda u taagan cuqubada ku dhici doonto.

    ReplyDelete
  8. I am Hwa Jurong, a Private Money Lender do you need a loan to start up business or to pay your bills and a corporate financial for real estate and any kinds of business financing. I also offer Loans to individuals,Firms and corporate bodies at 2% interest rate. I give out loan to serious minded people that are interested of loan if interested contact this email: hwajurong382@yahoo.com or hwajurong12@gmail.com

    ReplyDelete