Xarig fannaan kuma cusba Soomaalida. Hadraawi iyo Cabdi-Qays ayaa
nool. Cabdulle Raage ayaa na soo maray. Liisku waa dheer yahay.
Sida maanta oo kale, waxaa berigaa jiray dad ku ra’yi ah madaxda ama
dano ay ku haysteen dartood, iyaga oo aan loo dirsan is xilqaama oo isku dayi jiray
in ay u qiil dayaan xarigga fannaanka. Weliba berigaas fannaaniinta la xiro
waxay ahaayeen kuwa isku daya in ay dadka u sheegaan ama ay tusaan wax aanay
Madaxdu dooneyn in uu shacabku ogaado ama uu arko.
Rajadu waxay ahayd in nidaamkii militeri ee lala dagaallamay ay la
dhammaadaan cabburinta, xad gudubka xorriyadda shakhsiga iyo isku dayga Madaxda
oo ahaa in loo nacamleeyo iyada oo aan su’aal la weydiin oo xataa aan la
fekerin.
Madaxdii berigaas waxay doonayeen in haddii ay yiraahdaan dhaqaaqa, ay bulshada oo dhami mar qura u dhaqaaqdo dhanka farta loogu fiiqay oo ay
welibana isla hesho laafyaha.
Toddobaadkii ciidda waxyaabaha ay dhallinyarada Muqdisho iyo dhexmeerayaasha saxaafadda bulshadu ay aad u hadal hayeen, la xiiseynayay, anigana i soo jiitay waxaa
ka mid ah Barnaamij faneedka Xiddigaha Geeska oo aad looga jecel yahay
Muqdisho.
Waan dhibsaday in Xiddigaha lagu xiray Hargeysa iyada oo dembi looga
dhigay Nairobi ayaa la idiin fasaxay ee Muqdisho la idiinma fasixin.
Fannaan anigu waxaan u aqaan in uu yahay Biri-ma-geydo. Sidaa darteed ayaan keligeey fekeray. Waxaan qiyaasay su'aalaha uu sarkaalka Booliska
Soomaaliland ee "dembiga" baarayaa uu weydiin karo marka uu mid mid u wareysto Xiddigaha xiran. Ka dibna waxaan mala awaalay jawaabaha uu fanaan kastaa ka bixin karo
su’aasha la weydiiyo.
Maxaad Muqdisho u tagtay?
Taageerayaasheeyda, oo ay ka mid yihiin qaar badan oo reer
Somaliland ah, ayaa Muqdisho jooga oo aan booqday. Magaceyga iyo horumarka
fankeyga ayaana ku xiran in marka aan awoodo ama la iga casuumo aan tago meel kasta oo la iga dhegeysto, taas oo ah meel kasta oo ay Soomaali deggan tahay.
Yaa kuu fasaxay Muqdisho?
Horta xor ayaan u ahay dhaqdhaqaaqeyga. Midda kale, keligey ma aha ee haasaawe doonka, lammaanayaasha, ardayda, xoogsatada,
shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, wadaaddada, ganacsatada, diblomaasiyiinta
iyo xataa siyaasiyiinta hoose intuba wey isu socdaan. Anigu waxa keliya oo aan uga
duwan ahay waa in aan intaas ka wada caansan ahay oo ay saxaafaddu aad uga hadashay
socdaalkeyga.
Miyaanad ogeyn in aan ka goosannay Soomaaliya?
Fanku soohdin ma leh. Hargeysaba Magool iyo Maryan Mursal waa laga
dhegeystaa.
Calanka Soomaaliya maxaa kuu geeyay?
Hadba taageerayaasheyda aan markaas u heesayo astaanta ay leeyihiin
ma khilaafo. Fannaaniinta caalamku haddayba astaan qaadanayaan waxay qaataan
midda waddanka ama magaalada ay ka tumayaan ay leedahay. Fanka jilidda
ayay ka mid tahay. Aniguna fannaan ayaan ahay ee caadi iska dhig Taliye.
Ma og tahay in aad wiiqday jiritaanka iyo sumcadda Somaliland?
Xaqiiqadu waa taa cagsigeed. Muqdisho oo dhan waa laga ogaa in aan ka nimid Somaliland. Si wanaagsan ayaa naloo soo dhoweeyay. Si wanaagsanna ayaa
looga soo qeyb galay barnaamij faneedka aan dhignay. Farxaddii la innagu soo dhoweeyay tu la mid ah ayaa la innagu soo sagootiyay. Taas ayaana sharaf u ah
Somaliland ee adigu hadda sumcadda ha ka xumeyn.
F. G. Cinwaanka, su'aalaha iyo jawaabahu waa curis.
"ee caadi iska dhig Taliye."
ReplyDeleteFadlan aragtidaada halkan ku reeb. Mahadsanid.
ReplyDeleteMhdsanid y garaad hadi aan fikir ka dhiibto arinta somalind waxay ila tahay in ceeb tii ugu darneyd thy in fanaan afka somali ku heesaa loo diido dadka maxaad somali ugu heestay waxan somalind ay luqd gooni ah sameysato hadii ay saas unecebtahay somaali
DeleteBal ka waramaa Yusuf Garaad iyo inti tageersan, haadi uu wiil yare intuu Alshabaab la soo caweeyo,oo waliba uu calaankooga isku xardhoo oo uu isku soo taswiiro.
DeleteHadana dib uu aad yar o dhalatay ugu soo nooqdo Xamar.
Side baad ka yeelaysaan ?
Soow ninka fiikirkaa alshabaab aminsaan ama iskii iska taga meesha ay ka taaliyan. Waliba laa soo qakhweeya oo hadaan calaankooda madow isku taswiira, soow lama toogto mise lama xiidho ? Ama dawlad xaamar ha noqoto ama UK ama USA.
Markas hadal iyo dhamaanti, xooriyatul qawlka qof waxaay lee dahay xaad iyo xayndab. Somalilandna waa dal iyo dad xoor ah, dawladodu waa mid ku tiimid one man one vote iyo rabitaan shacbi. Amisom maa keeni.
Maarkasi Xamar waxaan uga xoroownay sii aayna xeer ka hargeisa lagu maamulo, xamar iyo meel kale la inoga yeedhin.
Hadab Yusuf Garaadow adigu caadi iska dhiig
Abdourahim IBRAHIM
Lyon - France
Facebook
Waxa aan u arkaa xariga fanaaniinta mid ay dowlada somaliland ay ceeb ku tahay marka laga Fiiriyo dhinacyo badan ... Fanaaniintu waa Somali ee Itoobiyan ah Meesha ay Rabaan ayey ka soo heesi Karaan Somaliland Mel xun ayey siyaasada ka fiiriyeen Mida an oo kalana Waa waxa soo Dadjiya burbur Waliba in bulshadii aaminsaneed IN LA GO ay is badal ku keeni karto Mahadsanid moha films Gothenburg
ReplyDeleteWaxa aan u arkaa xariga fanaaniinta mid ay dowlada somaliland ay ceeb ku tahay marka laga Fiiriyo dhinacyo badan ... Fanaaniintu waa Somali ee Itoobiyan ah Meesha ay Rabaan ayey ka soo heesi Karaan Somaliland Mel xun ayey siyaasada ka fiiriyeen Mida an oo kalana Waa waxa soo Dadjiya burbur Waliba in bulshadii aaminsaneed IN LA GO ay is badal ku keeni karto Mahadsanid moha films Gothenburg
ReplyDeleteSheeko jilicsan oo wakhtigii aan ku skhriyey ba u qalmayn ayaan u arkaa waxaan aad malmaluuqday.
ReplyDeleteSomaliland gaadhi mayside iska daba saqlee.
Xarig fanaan kuma cusba Somaliya iyo magacayada aad tirisay Yaad ku qancineysaa? BBC Laanta afka Somaliga Markii madaxda lagaaga dhigay,,, Shaqaale badan waxey shaqada uga tageen nin muqdisho kayimid baa BBC Madax ka noqday,, Y Garaadow Ileen doqoni dibir kama dharagto
ReplyDeleteHassan Barow ka carar mesha wyo somaliland baad is mooday jareer haduu ka dharko qaxwo ama shaax kulul waxa uu is mooda bilis aniga somaliland baan ahy Yusuf Garad nin saxafad ku garana ma qabno odayashi BBC ka cararayna waraaqado ama shahaado la an ayee u kala yaaceen
DeleteWaad mahadsan tahay Yusuf garaad. Maskax saliim ah in ey kasoo curatay jawaabo saliim ah ayaan dareemayaa... Jawaab intaasi dhaafsan oo laga bixin lahaayna garan maayo. Xariga xidigaha loo geystayna hadii uusan kaduwaneen xarigyadii fanaaniintii hore loogeysan jiray, waxaa ii muuqaneysa in somaliland rajada yar ee u ifeysa in ey iska ciideynayaan, kala daadsanaana in ey usii socdaan... marka waxaan leeyahay qaladkii inasoo maray dhaxalkiisa aragnayee yaanan dib loo milicsanin.
ReplyDeleteMahadsanid mr.garaad
Caadi is kadeg somaliland
ReplyDeleteCaadi is kadeg somaliland
ReplyDeleteXariga fanaaninta iyo diidmadii qaxootigii yamennloo diday iney kadagan markabka waa colaad hada iyo kow larabo in dadka laga dhex abuuro Somali land cagaha dhulka dhiga yaa dhaho
ReplyDeleteAbdi Mohamed Fahan ciyaarta. Somaliland waxaa jooga SOOMAALI OO DHAN looma diido cidna OROMO iyo CARAB ayaa xitaa ka buuxa, Tii markabku wuxuu ahaa mid dawlada xamar masuul ka tahay intay markab soo kiraysay oo UN la soo heshiishay oo shir jaraaid qabatay ayay tidhi xeebaha soomaalia oo dhan waa laga soo degi karaa markabkiina tidhi dadka berbera gee Siday xukunto. Ogow dadka soomaliyeed markii Puntland diyaarada diiday inay ka soo degaan berbera ee ay tidhi ka baxa puntland somaliland waxay tidhi welcome. markaa waxaa la diidayey in dawlada xamar ka talisaa isu muujin inay xukunto xamar. laakiin sida kale gaadhiga xamar ka baxa iyo diyaaraduba way sii maraan Hargeysa kuna degaan fiisana loogama baahna. marka se dawlada somaliya amaro socdaalka ah soo rogto waa la diidaa taasina waa siyaasad. ee la qabso sxb
Deleteaniga waxeey illtahy in eey qalad tahy in laxaro fanaan oo sabab looga dhigaayo yaa kufasaxay taasne waxeey ceeb kutahy dhamaan maamulka somaaliland
DeleteYusuf Garaad Waad Mahadsantay Marka Hore Marka Labaad Dhinac Dawlada Somalia Ayaad U Xaglinaysaa Kama Aha Maqaal Ee Waxay Kaa Tahay Weerar Jiritaanka Somaliland ah Waxan Ku Sheegaya Laakin In Jiritaanka Somaliland Aan Fanan Iyo Cidkale Toona Loo Daba Fadhisan Karin Sharciga ayaana La Marinayaa Xidigaha Geeska Haduu Sharcigu Qabto Waa La Xumaya Hadii Kale Waa Lasii Daynayaa wabilaahi tawfiiiq
ReplyDeleteWaa qoraal fiican oo macquul oo qadarintisa leh. Mahadsanid
ReplyDeleteSC. Yusuf Xidigaha geesku waa shaqaale dawladeed oo mushahar ka qaata Dawlada sida lagu soo eedeeyay, maaha dad caadi ah sida aniga iyo malaa adiga oo aan xil hayn ama dawlad u shaqayn. laakiin dadka siyaasiyiinta ah ee Somaliland u dhashay ilaa ay u shaqaynayaan Somalia waa ka mamnuuc somaliland, Suldaanku sidoo kale oo xilbuu hayaa oo qarankan u hayaa. XORIYADA laga hadlo halkan USA ba kuma haysano , waaba Somalia. Ciyartowgii Dennis Rodman waatii N Korea lagu qabsaday maxaad u tagtay, Cuba dadka maraykanka ahi mamnuuc bay ka ahaayeen. Tani way ka duwan tahay oo sidaa Korea iyo Cuba shacabka laysuma diidin laakiin dadka xilalka haya sharciga Somaliland ayaan ogolayn laba canlayska. mida kale Xidigaha dawladaa soo saartay waxaanay ahaayeen role model dhalinta ah, waxaa ka danbaysa siyaasad inaan dhalinta somaliland u hanqal taagin SOMALIA ilaa ay dawlad gaara noqdaan.
ReplyDeleteaf aa igu yaalo aa u hadleesaaa,
Deletexidagaha geeska waxaaa soo saaray,
mursal muuse
qadra sineemo
axmad wali furunle
asma love
iyo laabsaalax oo aas aasay, 4ta hore ethiopia ayee ka wada yimaadeen,
tan ah maamul ayee ka qaadaan mushaar waxaaa beeniyay gudoomiyaha kooxda, adigu maxaa ku cadeen kartaa
intaas ka dib somaliland hadaaa dowlad u taqaan, anigu waxaa u aqaaanaaa urur aan go'aan iyo mooqif cad midna laheen,
somalida aad maanta ka carareesan, adinkaa lugihiina ku doontay majirto cid ama dowlad idin qasabtay, ma jirto cid idiin baaqday ee anaga nagu soo biira idin dhahday,
isla sal fudeedki iyo mooqif xumadi ayaa maanta anaga noo xag xaganeesaan adinkana isku caburineesaan,
walina mooqif xumadi iyo sal fudeedka ayaa caruurtaas u xirteen,
qaxootigii yamen ee masaakiinta ahaa i ciqaabteen hadana mooqif xumo waa ku adkeesan weeseen go'aankiini xumaa oo wasii deeseen,
siyaasiinta ayaaa muqdisho to hargeysa
hargeysa to muqdisho iskaga kala goosha muqdisho waa kasoo dhamaaday leh iyo mid muqdisho waa usocdaa leh
aan kuusoo qabto fardowsa yuusuf xaaji aadan iyo hurre buubaaa
marka muuqif cad yeesha anagana hana xag xaganina eee goosta adinkoo carruurta iska xirin
Dhallintaa fannaaniinta ah xariggoodu waa awood-sheegasho. Soomaaliya waa mid dal ah dadkeeduna waa walaalo aan kala maarmin. Ruuxii siyaasi aan han lahayn u jiibunayaa se isagaa khiyaaliya ku daali.
ReplyDeleteaad bn uga xumahay xariga dhalinta da'yarta ah oo aan siyaasad ku lug lahay
ReplyDeletetaasna waxy dhaawicikartaa walaalnimada dadka afka soomaaliga ku hadla iyo fankaba
mahadsanid yuusuf garaad
Anigu waxan u arkaa in maamulka Hargaysa uu qalddhabaayo. Hadda wuxu meel kaga dhacay qodobka 13aad ee Xuquuqda Aadamaha oo odhanaaya, " Socdaal in la sameeyaa waa xor." Markaa yaynaan la yaabin maamulkan indho la'aanta gudcurka gudaaya.
ReplyDeleteCalanka itoobiya hadduu xiran lahaa
ReplyDeleteCidu lama hadasheen.
Waa horu-mar aaynu gaarnay
Haddii eeynu nahay soomaali.
aad bn uga xumahay xariga dhalinta da'yarta ah oo aan siyaasad ku lug lahay
ReplyDeletetaasna waxy dhaawicikartaa walaalnimada dadka afka soomaaliga ku hadla iyo fankaba
mahadsanid yuusuf garaad
yusuf mahadsanid walaal waa abuur aad u wanaagsan
ReplyDeleteSomaliland wax kasta oo xun way sameeyeen 24 kii sano eey jireen,Mar aay gabar ayr xirtaan, mar aay dadka suuqa ku dhex boobaan sababtoo ah waa somali kale, iyagoo iska caytamaya mar walba, nacayb fara badan ooy somali oo dhan u hayaan. waxaa oo dhana maaha dhibaato somali kasoo gaadhaye waa arinkaan gooni ugaasadkaa waxa cuqdadaa dhan abuuray,,,, REE SOMALILAND HAL SUAAL BAAN WAYDEENAYAA,,,,,,HARTA AQOONSIGA MARNA MA ISKU DAYDEEN SOMALI IYO ADUUNKABA IN AAD SI DAGAN OO IQYAAR NIMAA UGA DHEXRAADISAAN??????
ReplyDeleteWaa Hal abuur wacan Yuusufoow. Anigu waxaa dhihi lahaa dhalin yaradaa ha la iska sidayo waa bilaa dambi.
ReplyDeleteJigjiga soo tii la tagey???
This comment has been removed by a blog administrator.
ReplyDeleteWan Ku salaamay Yuusuf Garaad arrimahaan Waa xasaasi dadka qaar xamaasada ayaa meel xun ka tuurta anigase fikirkeyga Waa Soomaaliland Saxaafadeeda iyo Fanaaniinteeda xoriyad ha siiso marna ma u maleynayo waxa ay sameeyeen fanaaniinta in ay qadiyadooda wax u dhibeyso.
ReplyDeleteMahadsanid.
Waa salaaman tihiin
ReplyDeleteWaxaa ku darsanayaa hal taasoo ah in aay dhamaaneeyso arintaan qaadan doontana waqti noqona doonto mid aan loo laban hadii kalena dhasha in aay saxaafada oo idil ka wada haajiraan somaliland
Waa salaaman tihiin
ReplyDeleteWaxaa ku darsanayaa hal taasoo ah in aay dhamaaneeyso arintaan qaadan doontana waqti noqona doonto mid aan loo laban hadii kalena dhasha in aay saxaafada oo idil ka wada haajiraan somaliland
Aniga waxan u arkaa Yusuf Garaad qormadani in ay taabaneyso ninka Taliyaha wax baraya in uu liito dhanka aqoonisya Sharciga
ReplyDeleteFIKIRAT
Reer Mogadishu waad hormarteen nin walba oo shaqaala ah waxa uu u soo xamaali doonanaya sanadahani wa dhankena ee idinkana balaayo iska dhiga jileeca dhaafa reer xamarnimada iska dhaafa kii imaaado fanaan oo ka imaado hargeysa Caasimada labaad ee Somaliya ha la tarxiilo sida KSA wayo Hogaamiyaha Xidigaha Geeska xalay waxa uu dhahyay anaga ma awoodno in aan qaadano calanka Somaliya waxa ay aheed wa photoshop ee Reer Hargeysa ciyaarta ka daaya facebooka
wAAAW waaa layaaab
ReplyDelete