Total Pageviews

Saturday 5 September 2015

Xaashi Bulxan


Xalay waxaa aad ii damqay markii aan daawaday Sarkaal sare oo militeri ah, oo dalka u soo shaqeeyay, oo waayeel ah, oo jooga caasimaddiisa oo kamera horteed ku ooyaya. Waa Gaashaanle Sare Xaashi Bulxan.

Waxa uu tirsanayaa caddaalad darro. 

Anigu ma ogi kiiska. Dhinacyada kalena ma dhegeysan dooddooda.

Xaq ayuu ugu leeyahay Dowladda Hoose iyo Dowladda Federaalkuba in ay ka garbaxaan mas’uulkaas. Oo haddii uu gar leeyahay la siiyo gartiisa.

Annaguna shacab ahaan, xaq ayaan Dowladda ugu leennahay in ay noo fasirto sida ay wax u dheceen, isla markaana ay si daahfuran noogu xaqiijiso in mas’uulkaas kiiskiisa la marsiiyay sharciga dalka.

Caddaalad soo daahday waa caddaalad xumo.


36 comments:

  1. Waa dareen intiisa leh waana sida sheegtay mudane cadaalad soo daahday waa cadaalad xumo ee daah furnaan ayaanan jirin ee aan u kacno odayga soomaaliyed in uu xaqiisa helo. Mahadsanid

    ReplyDelete
    Replies
    1. yuusuf wax lala yaabo ma ahan maxaa yeelay cadaalad darrada iyo musuq maasuqa ka jira hay adda garsoorka waa mid baahsan oo dadkoo dhan ay wada og yihiin in xukunka maxkamadaha dowladu ku dhisan yihiin laaluush

      Delete
  2. Yuusuf må waxaad isku badashay qareen ,saxb qofwalba waxa uleeyahay cadaalad in loo sameeyo xataa dowlada ,marka nin kastoo saxaafadda yimaad in aad soo qorto maahan, adna kuu mafiicna ,xaqraadina maahan .

    ReplyDelete
    Replies
    1. Khaliif, walaal Yuusuf wuxuu ka hadlay waa dhacdo lagu sameeyey Odaygaas Maskiinka ah, cid walbo oo cabasho tirsato Xaq ayeey uleedahay in laqanciyo waana waajib Dowlada saaran, lakiin waxaa laga yaabaa adiga qundhaada inaad aaminsantahay Erayga ah ANIGA AYAA TAABSADY.

      Delete
    2. Runtii ma fahmin sababta u Khalif u maagay qoraaga, lagse yaabee in u arrinta odayga waayeelka ahi tirsaday wax ka ogyahay. Intaas kadib qof kasta oo muwaadin ahi wuxu xaq u leeyahay in haddii u cadaalad daro arko ama maqlo cida mas'uulka ah wax ka waydiiyo, qasab ma aha inu gar yaqaan yahay. Waxa hubaal ah in haddii cadaalad la waayo nabadna la wayayo, haddii nabad la waayana nolol la waayayo.

      Delete
    3. Waxaad ku indha-qaaday cadaalad Darro iyo baacsi bililiqo.
      Odaygaan haduusan kudamqin waliba sharciga aynu kukalabaxno lasootaagan adaa walee xalaal kaafogtahay

      Delete
    4. Runtii ma fahmin sababta u Khalif u maagay qoraaga, lagse yaabee in u arrinta odayga waayeelka ahi tirsaday wax ka ogyahay. Intaas kadib qof kasta oo muwaadin ahi wuxu xaq u leeyahay in haddii u cadaalad daro arko ama maqlo cida mas'uulka ah wax ka waydiiyo, qasab ma aha inu gar yaqaan yahay. Waxa hubaal ah in haddii cadaalad la waayo nabadna la wayayo, haddii nabad la waayana nolol la waayayo.

      Delete
    5. Waxaad ku indha-qaaday cadaalad Darro iyo baacsi bililiqo.
      Odaygaan haduusan kudamqin waliba sharciga aynu kukalabaxno lasootaagan adaa walee xalaal kaafogtahay

      Delete
    6. In ninkaasi laga gardaranyahay adiga ayaaba caddeyn u ah KHALIIF, maxaa yeelay haddii aad adoo muuqaalka daawaday sidaan u fakareyso maxaa diidaya in dadka asaga dulmiyayne adiga kugu caqli yihiin, qof dhaya sharciga iyo garsoorku qaladkey i saaraan waan qaadanaya haddii kale ammaan halla i siiyo, aniga ma garanayo wax qalad ah uu sameeyay, mahadsanid

      Delete
  3. Yuusuf må waxaad isku badashay qareen ,saxb qofwalba waxa uleeyahay cadaalad in loo sameeyo xataa dowlada ,marka nin kastoo saxaafadda yimaad in aad soo qorto maahan, adna kuu mafiicna ,xaqraadina maahan .

    ReplyDelete
  4. Inta aan meel kalaba laga eegin waxa sharci jebin ah: Xiddiglle xidhaya Gaashaanlle sharci iyo distoor toona maaha. Lkn Muqdisho wax waliba way ka dhacaan, waxa la laayaa beelo gaar ah, waxa la xoogaa beelo gaar ah, waxa la baadaa beelo gaar ah, dalka waxa maamula beelo gaar ah, waxa la shaqaalaysiiyaa beelo gaar ah, halkan waxa ku lumay xuquuqdii muwaadinka. Ilaahay ha u gargaaro kornaylkaas loo xoog sheegtay.

    ReplyDelete
  5. su aal furan.muungaab muxuu wadi jiray markii maxamed siyaad bare uu xaashi bulxan darawalka u ahaa ???????? cayduna waa reeban tahay su aal furan

    ReplyDelete
    Replies
    1. ciyaal magaalo ayuu ahaa, maxaa yeelay da` ahaanna nin aad u weyn maahan, oo xilliga dhallinyaruu ahaa, arday ayuu ahaana kuma dhihi karo maxaa yeelay wax uu bartay ma aqaan, mahadsanid

      Delete
  6. Mungaab waa nin boob ku caan baxay waxaase ka sii daran gardaro garab og oo madaxwaynaha ayuu yiri waan u sheegay raali ayuuse ka yahay

    ReplyDelete
  7. Yusuf anigu ma daawan, waxaase muhiim ah oo kula qabaa in odaygaa cadaalad loo sameeyo, hadii uu qaladanyahayna bulshada loo bandhigo qaladkiisa ,cadaalada daahda waa cadaalad la,aan, cabasho aan laga jawaaina waa dulmi, khaliif maxamed waxaan waydiin lahaa muxuu ku dhibsaday qormada Yusuf, mase kiiska ayuu dhinac kayahay, oo warka boog taabanaya, asxaabta wax walba shaqsiyeeya waxaan ka codsan lahaa in wanaag laga fekero, oo si guud wax loo tilmaamo, oo adoo xaldoonaya aadan xumaan abuurin, waa mahadsantihiin dhamaantiin,by Ahmed Mohamud Hassan

    ReplyDelete
  8. Allah ayaan cadaalad waydiisanaynaa waxaan oo kale waa Rajo xumo waxaa meesha ka baxayo rajadii iyo hamigii loo qabay in la helo Dowlad Wanaagsan oo cadaalad ah, ma aaminsi Odaygaas been inuu la ooyey waxa ka oohinsiiyey ayaa jiro. Lakiin midaan waa Musiibo cid walbo ka aamusto ayagoo wax ka qaban karo maalinka aakhira waa lawaydiin doonaa.

    ReplyDelete
  9. Umaley maayo iney cadalad ka,imaan doonto sababto ah sargaal wade gaari u ah raizalwazaare oo ooynaya waa cadalad darada taala Somalia

    ReplyDelete
  10. Umaley maayo iney cadalad ka,imaan doonto sababto ah sargaal wade gaari u ah raizalwazaare oo ooynaya waa cadalad darada taala Somalia

    ReplyDelete
  11. markaad comments ka dad wayanaha fiiriso waxaad ogaanaysaa inuu jiro dareen somalinimo oo waliba xoogan. nin gunguri qaaday iyo mid xanuunsanna waa nagu jiraa, waase laga badan yahay. kornayl ka oo loo cadaalad falo ayaan kaga fadhinaa maamulka gobalka Banaadir. Mahadsanid Yusuf Garaad.

    ReplyDelete
  12. aniga ma ogi sida wax u jiraan lakin yusuf garad omar ayaan la qabaa fekerka ah in aan ogaano oo nalaga shaafiyo dhibka u muwadinka somaliyeed sheegtay waayo waxaan nahay shacabkii dawladu ay metelaysay masuuliyadana u dhiban laha marka ay timado in cod la qaado balse cornayl ciidanka qaranka ka mid ah oo leh ha la iga gar baxo wadada sharciga ahna ha la ii so maro iyadoo aan dhib la ii geysan waa qaracan aad u xun weliba ku leh laba alifle ayaa ii xidhay xageen aadna hadii tanoo kale run tahay miyanay ahayn in aan al shabab aadno miyanay ahayn in naloo cadeeyo dhibka dhacay ee ninkan muwadinka ah u tirsanayo yusuf garad omar waxaad tahay aqoon yahan saxafi muwadin manta waxaan u bahananahay inta aad halkan ku soo qortay oo cod dheer ah in aad media kalena ka sheegto oo aqoontada ama suxufinimada muwadinimadada kartidada aad noogu fa,iidaysid fadlan cod dheer ayaan ka codsanaynaa in aad xita madaxdada dawlada ku maqashisid waayo hadii aynan ka hadlin tan oo kale dadnimadeena ayaa xita mugdi gelaysa marka wixii fursad ay ku hadlan haysta iyo wixii umadan indho u ah ama codkooda la yaqano ee dhegaha dadku markay maqlan garanayan ha hadleen iyo dhamaan wixii awooda waayo wuxuu dhahay xaashi bulxan xita hadii la igu haysto guriga ama dacwad la ii qabo taliye ayaan le yahay habka nidaamiga ah ha la ii soo maro iyadan la ii dhibatayn dabcan markaas ayaa wixii u xaq u leyahay la cadayn kara iyo saxafaduna joogto sida aan u maqalnayna naloo maqashiin karaa lakin tanoo kale waxay nagu riixaysa in aan u aragno sii kale hadan nahay shacabka somaliyad kuwa leh yusuf ma qareen ayaad noqotay ama wax hala hubiyo waxay ila yahay aniga idinka hadii aysan manta idinku dhicin tan kale waay idin soo martay ama way idin sugaysa cadalada u hiliya

    ReplyDelete
  13. cod dheer ayaa la iska raba in lagu diido hadii cadalad daro jirto shacabka iyo wax garadka ayaa laga raba arinkan waa in naloo cadeeyaa meeshu ku danbeeyo iyo wixii keenay in ay dhacdo in kornayl xooga dalka somaliyed ah kamaro ku hor ooyo yusuf mahadsanid

    ReplyDelete
  14. Laakiin adiga shacab matihid ee waxaatahay masuul ee arinta wax kaqabo gacmaha haka laaban

    ReplyDelete
  15. Ana haray looma hadlo (Ironically I am about to.lol). Warkii aniga iga guuxayay waxaa yiri Yusuf. Mahadsanid Mudane.

    ReplyDelete
  16. Waxay ila tahay in marka hore lasoo qabqabto dadkii sarkaalka gurigisa inta tageen oo barakac ku riday reerka iyagoo heysan warqad lagasoo saaray maxkamada ama waxa loo yaqano "warrant ". Ka dibna tahay in laga garbaxo oo maxkamada dhexgasho oona sharciga la tiigsado... waa sidaas sharciga haddii Somalia tahay meel cadaalad ka jirto. Wabillahi towfiq

    ReplyDelete
  17. Waa sax waa inuu cadaalad helaa Xaqa uu leyahay waa in la siiyaa hadii uu xoola islaameed u ooyana waa laga qaadaa runtana loo sheegaa

    ReplyDelete
  18. xamar cadaalad ma taale qof kastoow meesha tagto xayn daabo dowlad soomaaliyeed u fadhisaa ayaysan jirin x. Sh maxamuud walalkiis hadii u wax dhacayo. Wa qofma qofk cadaalada looga fadhiyaa" Allah swt ayaa cadaaladda hayee hadii aan soomalinahay Allah hanaga saaro dhibkaan 1990 ayaan gadaal ugu laabanay qof masuul ah Gurigiisa Xoog la rabo looga saaro waliba xabad lagala daalay. Allah ka bad baadshay. Allah maskiinka & dhamaan soomaaliba ha u gargaaro

    ReplyDelete
  19. xamar cadaalad ma taale qof kastoow meesha tagto xayn daabo dowlad soomaaliyeed u fadhisaa ayaysan jirin x. Sh maxamuud walalkiis hadii u wax dhacayo. Wa qofma qofk cadaalada looga fadhiyaa" Allah swt ayaa cadaaladda hayee hadii aan soomalinahay Allah hanaga saaro dhibkaan 1990 ayaan gadaal ugu laabanay qof masuul ah Gurigiisa Xoog la rabo looga saaro waliba xabad lagala daalay. Allah ka bad baadshay. Allah maskiinka & dhamaan soomaaliba ha u gargaaro

    ReplyDelete
  20. Colonelkii ayaa la boobay maxaa u maleynee qof shacab ah...

    ReplyDelete
  21. Waa sax waa inuu cadaalad helaa Xaqa uu leyahay waa in la siiyaa hadii uu xoola islaameed u ooyana waa laga qaadaa runtana loo sheegaa warkaas baa sax ah

    ReplyDelete
  22. MUWADIN KASTA WAXAA UU XAQ ULEEYAHAY IN CADAALAD LOO SAMEEYO SAX IYO KHALADBA WAXA UU LEE YAHAY WAA IN LOO SHEEGAA..

    ReplyDelete
  23. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Xaqiiqda shabta ah wey soo baxday...in uusan Xaashi Bulxan Guriga laheyn..Odeyga wuxuu wato waa waraaq NAADO ah..hlakan ka daawo
      https://www.youtube.com/watch?t=1715&v=7ZfumfsIuaY

      Delete
  24. Jac iyo ceeb bayga raacay intaan odayga u danaani is lahaa, illaa waa nin intuu xooga lahaay xoolo dad leeyahay qaatay. Odaygu dhul 1961 la bixiyay ayuu noogu sheegay in ay tiilay haanta qashinka dowlada hoose. Markaan daawaday jawaabta uu bixiyay madaxa gudi xaliya is qabqabsiga dhulalka ee Xamar, wax kale ayaa iisoo baxay. Ceebta Allaha asturo laakiin degmada Cabdulcasiis inaan dhul naado iyo codsi lagu qaataa ku oolin 1984 Allaah ayaa ka marqaatiya. Odayga hadii shalay wax boobay asoo xoog dowladeed adeegsanaayo inuu maanta calaacalo maaheyn, weliba intuu doono ha jiree ciqaab ayuu istaahilay.

    ReplyDelete
  25. Ilahay danbiga dadka somaliyeed ha ka dhaafo guriga ninkaan in uu leeyahay ma cado aniga aa xafadaaas ku dhashay baar liido ninkii yaqaano aa yaqeenee guriga b alkaas u ka so horjeedaa nibkaan muda wa dagana lakin lama cadeen karo in uu asagu leeyahay

    ReplyDelete
  26. I am Hwa Jurong, a Private Money Lender do you need a loan to start up business or to pay your bills and a corporate financial for real estate and any kinds of business financing. I also offer Loans to individuals,Firms and corporate bodies at 2% interest rate. I give out loan to serious minded people that are interested of loan if interested contact this email: hwajurong382@yahoo.com or hwajurong12@gmail.com

    ReplyDelete
  27. Waan diidanahay in cid la dulmiyo lkn Yusuf dharka uu xidhanyahay ayaan dulmi ka dhex arkaa markaa qof wax dulmiyay in la dulmiyaa waa waxaan lala yaabi karin waayo waa imtixaan la tusayo wixii uu samayn jiray.

    Yusuf ha noqon emotional layskaga oohiyo oo iska qiirooda.

    ReplyDelete