Total Pageviews

Saturday 26 September 2015

Imaan Allaa Uur Buuxiya


Waxaa billaaban doonta soo noqoashada dadkii soo gutay waajibaadka Xajka.

Xujaajta Xamar iyo magaalooyin kale oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ah ku noqon doona waxaa ka mid ah Soomaali ka shaqeeya siyaasadda iyo qaar ka shaqeeya ganacsi laakiin wax ku darsada siyaasadda si ay hantidoodu ugu badato.

Waxaan u rajeynayaa in cibaadada, qushuuca iyo goobaha barakeysan ee ay booqdeen ay saameyn ku yeelato dhaqankooda siyaasadda iyo ganacsiga oo ay ka dhowrsadaan xuquuqda dadka, gaar ahaan hantida Qaranka ee ummadda ka dhaxeysa oo ay ku jirto hantida ma guurtada ah.

Kuwii awalba ka dhowrsanaana waxaan u rajeynayaa in ay sidooda ku socdaan.

7 comments:

  1. Yusuf Garaad waa wano fiican somalida allah iga yasiro dhibka heysto waxaan gaarnay inaan madaxweyne iyo dadkuu madax u ahay ay ajaanis ay kala dhex galayaan

    ReplyDelete
  2. Waano iyo waqti ku habboon. Mahadsanid, Xj Yuusuf.

    ReplyDelete
  3. "Geel didday, waxaro lagama qabto". Waxaa muhiim ah in dadka si furan loo baraarujiyo, oo fariimuhu dadka intiisa badan gaaraan .

    ReplyDelete
  4. "Geel didday, waxaro lagama qabto". Waxaa muhiim ah in dadka si furan loo baraarujiyo, oo fariimuhu dadka intiisa badan gaaraan .

    ReplyDelete
  5. Waa fariin waqtigeedi leh mudane
    Alle hanagu wada anfaco

    ReplyDelete
  6. Waa fariin waqtigeedi leh mudane
    Alle hanagu wada anfaco

    ReplyDelete