Total Pageviews

Wednesday 30 September 2015

Suurgaddoon (Gabay)

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa Gabay uu tiriyay Xuseen Cabdi Xalane, oo noqday Wasiirka Maaliyadda Xilligii Madaxweyne Shiikh Shariif iyo mar kale Xilligan Madaxweyne Xasan Shiikh. Gabayga oo uu aniga igu hal qabsaday, isla Gabyaaga ayaa u qoray araarta. Wuxuu yiri Xalane:


Suurgaddoon

Xuseen Cabdi Xalane



Anigoo London maraya ayaa Yusuf Garaad oo ah madaxa Laanta Af-Soomaaliga ee BBC igu yidhi “barrito Istuudiyaha noogu imow aan wareysi kaa qabannee”. Habeenki baan ka fikirey arrintaas, waxaana igu soo dhacdey, tolow ninka Soomaaliga ah ee waxgaradka ah maanta muxuu sheegi karaa, Yusuf Garaadse ciddee wax garanaysa oo uu hadalka gaadhsiin karaa. Waxaa intaas dheer khatarta ah in warkaad sheegto qolo dhibsato iyagoo kuu arkaya nin af­qabiil ku hadlaya taasoo sii hurin karta colaadaha. Gabaygan aan Yusuf ku halqabsaday tilmaan ka bixinta xaaladda Soomaaliya ka sokow arrimahaas buu wax ka ifinayaa.




Waa suurgaddoon Yuusufow, gadahan muuqdaaye

Maandhow afkaa loo ganbiyey, guul wixii jiraye

Adaa gaafan mooyeen tolkaa, geesi ka idlaaye

Gaashaanliyo sargaal gaammuriyo, gaadh hayihi beesha

Jananadi garbaha buuxsadiyo, geeshka taladiisa

La gumaad raggii gali yiqiin, gaylan dirireede

Raggi talada loo geyni jirey, nabad ha goobeene

Gadh­castiyo garaadyadi la madhi, ganafta weyne

Mooryaantaa dalkii goofisiyo, gaangis baa hadhaye

Ciddeed hadalka gaadhsiin rabtaa, oo wax garanaysa

Xamartaad bidhaan garan jirtee, gabi hillaacaysey

Wixii daar gamaamnayd wixii, fawqayo lagu gaarey

Gumucii gun iyo baar rasaas, lagu garaacaayey

Waa gidaar dalooliyo dhulaan, guri u nooleyne

Ma guurtiyo hantidi guud taniyo, gaalo laga reebay

Nin waluba intuu gaadhi karay, goosay tabartiise

Jidaad garan jid xaafado ku geyn, waa horuu gudhaye

Waa godad biyeed laamiyadi, giigsanaan jiraye

Gawaadhida gurrani gees walbay, gabi u jiidhaane

Geddii beledka loo gooshi jirey, laga gawaan raacye

Waayarradi la goo iyo xadhkihi, laydhka gayn jireye

Gudcur iyo mugday gudi hayaan, goosaankaa hadhaye

Waa galangal madhan ceelashay, gogoshu kuu tiile

Gabbal baa ku dumey reer tolkaa, geedu joogaba e’

Ciddeed hadalka gaadhsiin rabtaa, oo wax garanaysa

Gacalkaa isnacay eedahaa, beesha kala geeyey

Galinkiyo dagaal lagu go’iyo, gawraciyo meydka

Islaamaha gablamay reerahaan, gaban u soo cayman

Islaamaha asaydii gu’ hore, wali ku gawriirto

Gagsan waa dadkeenii waa kaa, gees walbow qaxaye

Galbeed iyo sharqiba maatadaa, gaalo ehel moodey

Asal­guurka dhacay ceebahaa, saaran guradeenna

Waxaasoo gubtaanyo ah anoo, gudub u eegaaya

Gaw­gawda hadal gaabanoon, dunida gaadhsiiyo

Maandhow wuxuu gali karaa, waanan garanayne

Caqligaa gabaabsiyey dadkaa, maanki laga guurshay

Ninkii hadalsan gaadhsii yidhaa, way gurracayaane

Gabal gaabtay iyo BBC, fiid warkaad galiso

Guulaamooyinkay sii hurshaan, godobti aasneyde

Intay taladu geed saaran tahay, soo gondegi weydey

Gawraarta dheer iyo intay, gabi ka laadlaado

Ee collaadan guunka ah le helin, xalaan ku soo goyno

Inaan gaabsannaa ila habboon, yeynan sii gubane


Raad­reeb: in kastoon marar badan ka hadlay BBC, haddana waxaan doortey in aanan siyaasadda ka hadlin mar hadday sidaas u murugsan tahay, balse aan suugaanta siiba gabayga iyo dhaqanka xoogga saaro.

8 comments:

  1. Asc Yuusuf gabaygu Waa fiican yahay Masha Allah laakiin, damiir ruuxii Leh bey waanadu damqisaa oo ka dorqa waxa looga digayiyo dabka meesha loo tilmaamo.

    ReplyDelete
  2. Ustaad,Yusuf waa ku salaamay, gabayguna waa qiimo badanyahay aragtidayda, waxaan isleeyaha,waxaa ka maqan waxa dhacay sababtoodi taas oo hadaan la sheegin, ay cadaalad daro iigu muuqanayso, alle ha naxariistee abwaan dhoodaan arintaas wax ka yiri xiligii kala orodka, anigoo xadfaya maadama uu si taas ah beelo u tilmaamayay, wuxuu yiri ,, Reer hebel iyo Reer hebel kaa bursade waana kula beere, reer hebel bireeyaay waxaa loogu wada baaqay, iyagoon tolnìmadii ka bixin oo wax kaa bi,nin, adinkaa ka baayacay waxay belo sameeyeene, hadaba in aan gabayga ka muuqan Dawladii lahayd mas,uuliyada ee aniga xuseen cabdi xalane aan kaadirinta sare ka ahayn, sow cadaaladii oo indha laga xiray maaha?markale salaan qaaliya,Yusuf
    By Ahmed

    ReplyDelete
  3. Gabyga ayaan in kale xusuustay,waana sidaan reer hebel iyo reer hebel kaa bursade waana kula beere, reer hebel bireeyaay waxaa loogu wada baaqay iyagoon tolnimadii ka bixin oo wax kaa bi,nin basar xumadi lagu qaabiliyo baylki lagu sayray ciilkay la barareen ayay kugu butaaceene, adinkaa ka baayacay waxay belo sameeyeene,,

    ReplyDelete
  4. Gabaygani wuu ila wanaagsan yahay, wuxuuna iila ekaaday in laga minguurshay gabay aan hore u arkay, si kastaba waxa uu waano u yahay ummaddeena.

    ReplyDelete
  5. xusen cabdi xalane wuxuu i galiyey rijo ah in uu wali jiro siyaasi somaliyeed oo qalbigiisu nool yahay. xusen cabdi xalane wuxuu badalay fikirKii aan qabay dhamaan siyaasiyiinta somaliyeed ee hada nool. xusen cabdi xalane in kastoo awoodiisu ay xadidantahay waxaan rijeynayaa in uu helo dhowr asagoo kale ah oo isla garta waxa nagu dhacay, waxa nala gudban iyo sida aan ku gaari karno. xusen cabdi xalane ku amaani maayo shaqo wanaagsan oo uu qabtay oo aan ku arkay iyo mid la iiga sheegay toona lakin cudurka aad qabto qofkii kula qaba isku tolbaad tihiin.

    ReplyDelete
  6. Yuusuf aad ayaad ugu mahadsan tahay murtida uu gabaygani xambaarsan yahay ee leh aragti fog oo wax lagu waano qaato ah. Waxaan leeyahay Abwaanka "Mahadsanid". Mida kale dadka qaar waxay jeclaadeen dulmigii dhacay in qiil looga dhigo rajiimkii 20ka sano dalkan u talinayey dhibaatadii uu dhigay oo aan oran karo 1 sano wixi ay bi'iyeen kuwii asaga xukunka kala wareegay in ay aad uga badan tahay. Haddaba, caqligu ha shaqeeyo oo yaanan meel loo dayin dambiyadii Somali dhexdeeda ka dhacay. Tanaasul iyo isa saamax ayuu yahay xalka umada horyaalaa maanta ee maaha horaad ii dishay anaa maanta dilkaan ku geysanayo waa xaq.

    ReplyDelete
  7. guri quxoon oo si fiican loo dhisay ayaa alaab fiican la dhigaa, soomaalida badankood maanta maskaxdooda ayaan diyaar u ahayn hadal wanaagsan, gabay ama murti wax ku ool ah.

    ReplyDelete