Total Pageviews

Wednesday, 7 October 2015

Maxaan ka baran karnaa xarigga Weriyayaasha?


Si wanaagsan ayaan Online ugu daawaday Doodwadaag uu fahamkeygu yahay in uu ahaa barnaamijka ay NISA ku tilmaantay lif hore ayaa laqanyo kiciya.

Barnaamijka marka aan qiimeeyo aniga oo weliba ku eegaya il cillad raadis ah, wuxuu yeelan karaa laba dhaliil. Cilladahaasi waxay yihiin in Barnaamijka lagu marti qaaday laba Xildhibaan oo isku ra’yi ah inta badan, marka ay kala ra’yi duwan yihiinna aad isugu ra’yi dhow.

Waxay ahayd in mid uun la soo fariisiyo oo ay dadku s’uaalo weydiiyaan. Waxaase ka sii qurux badnayd in la keeno laba xildhibaan oo kala aragti iyo mowqif duwan si ay dood u noqoto oo dhinac kasta arrinta looga eego.

Dhaliisha labaad waxay ahayd in Barnaamijku uu si dadban u dhiirri gelinayay in ay dhallinyaradu kacaan oo dagaal ama ugu yaraan ay farasaar ku dhaqaaqaan.

Khaladdaadkaas waxaa xallin karay soo saaraha iyo Tifatiraha Barnaamijka ama midkood. Ma ugu talo galeen in aanay sixin mise wey ka hoos baxday? Taa anigu kama jawaabi karo.

SI kastaba ha ahaatee, anigu ma arko sida ay xal u noqoneyso in la xiro weriyayaasha iyo in ciidan lagu dalbado in ay xiraan xafiiska Muqdisho ee TV-ga Universal.

Casharro dhowr ah ayaa laga baran karaa xarigga Cawil iyo Cabdullaahi, isku deyga u qiil dayidda xarigga iyo weliba sii deyntooda.

Casharka Laamaha Dowladda
Saxaafaddu waa xor marka ay sharciga u hoggaansan tahay. Wasaaradda Warfaafintu waa hey’adda Dowladda u qaabbilsan Warbaahin oo dhan. Laamaha kale ee Dowladda oo dhan waa in ay iyadu ka xigsataa weriyayaasha. Taas macnaheedu ma ahan in weriyayaasha laga deynayo u hoggaansanaanta sharciga. Laakiin waa in ay iyadu taas xaqiijisaa. Waa in ay ruqsadda bixiso, digniin bixiso, ganaax soo rogto, wadashaqeynta ka goosato, shatiga la noqoto iwm.

Haddii ay u taag weydana iyada oo sharciga mareysa sida Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadaha waa in ay la kaashataa ciidanka oo ay habboon tahay in ay ahaadaan booliiska. Marka la arko Nabadsugid iyo weriyayaal qoorta iskula jira, su’aashu waxay noqoneysaa – miyaan Dowladdu lahayn hey’ad Warbaahinta u qaabbilsan oo rayid ah?

Tan kale, tallaabadani waxay lid ku tahay kalsoonida ay saxaafaddu ku qabi karto dalka. Saxaafadda shisheeye iyo midda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ka shaqeysaa kuma soo dhiirran kari doonto in ay dalka u soo guuraan ama ay ka dhistaan Istuudiyayaal waaweyn.

Ogowna, sharikad kasta oo dooneysa in ay dalka soo degto dadka ugu horreeya ee ay dalka ka wareysato waxaa ka mid ah weriayayaasha iyo diiblomaasiyiinta.

Ugu dambeyn Xuquuqda Muwaaddinka Soomaaliyeed ma ahan in lagu xadgudbo, oo marka la dhibsadoba la xiro iyada oo aan sharciga la eegin. Ayaan ka dibna la sii daayo.

Saxaafad xor ah, mar kasta wey ka careysiisaa Dowladaha, laakiin qaanuun ayay ku dhisan tahay oo daafac.

Casharka Saxaafadda
Inkasta oo aanay marinkeeda ahayn, oo la rabay in Warfaafintu ay shaqadaas qabsato, haddana NISA waxay soo jeedisay eedeymo culculus oo ku wajahan Saxaafadda guud ahaanba. NISA caddeyn ma soo raacin, laakiin weriyayaasha qaarkood iyo idaacadaha iyo baraha Internetka qaarkood dadka ka shaqeeya ama la macaamilay iyo weliba dadweynaha qaarkiis wey og yihiin in ay saxaafadda ku jiraan qaar ku dhaqma si aan waafaqsaneyn anshaxa saxaafadda.

Bahda saxaafadda, waxaa la gudboon in ay fahmaan in inkasta oo weli ay sharci darro iyo xad gudubyo ka jiraan dalkeenna, in haddana uu dalku ku sii luudayo dhinaca sharciga. Marka waa in ay isbeddelkaas la jaanqaadaan.

Taas macnaheedu ma ahan in ay ka gaabsadaan khaladdaadka Dowladda ama cid kale ay ka galeyso dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waa in ay ka hadlaan welibana ay tooshka ku ifiyaan ciddii xad gudub wadda. Laakiin taas waa in ay sameeyaan iyaga oo xaqiijinaya in barnaamijkoodu uu dheelli tiran yahay, ujeeddada Barnaamijkuna ay tahay in wax la saxo ee aanay ahayn in qof ama hey’ad lagula diriro ama looga aargoosto.

Taas ulama jeedo in eedeynta NISA ay sax tahay. Laakiin waa in saxaafddu ay isa saxdaa, si mar kasta oo la qabto ay u noqoto in laga gardaran yahay.

Casharka Inta caddaaladda jecel
Dad badan oo ka qeyliyay xarigga labada weriye waxaan ku dhiirri gelinayaa in mar kasta oo muwaaddin la xiro, ay u kuur galaan isla markaana ay ka qeyb qaataan in muwaaddinka xuquuqdiisa la sugo lana marsiiyo waxa uu sharcigu qabo.

Intii qof sharci darro ku xiran laga aammusi lahaa, waxaan ka door bidi lahaa in laga qeyliyo qof kasta oo xariggiisa uu shaki ku jiro in uu sharciga waafaqsan yahay. Waayo Dowladdu haddii ay qiil sharci ah u haysato xarigga, qeylo waxba kama dhibeyso.