Total Pageviews

Monday 19 October 2015

Kaalinta Haweenka ee 2016


Haweenka Soomaaliyeed waxay la tiro eg yihiin ragga, haddaysanba ka badneyn. Haddana waxay fursadaha siyaasadda mar kasta ay uga marti yihiin ragga. Maanta waxaa Xamar ka furmay  wadatashi ku aaddan aayaha dalka. Bal qiyaas tirada haweenka cod leh ee shirkaa fadhida.

Maxaa keenay in haweenku ay ragga uun u daba fadhiyaan maslaxadda dalka? Miyaan iyaga waajib ka saarneyn nabadeynta, hoggaaminta iyo horumarinta dalka? Miyeyse ka xuquuq yar yihiin ragga? Dalkuse ma ka maarnaa dadkiisa barkiis in aanay talada wax ku lahaan?

Dabcan waan ka warqabaa kaalinta muhiimka ah ee qoyska, bulshada, ganacsiga iyo waxbarashada iyo dhinacyo kale ay ku leeyihiin gabdhuhu, waxaanse halkan uga hadlayaa kaalintooda siyaasadda.

Weliba waxaan ka warqabnaa in gabdhuhu ay waayadan dambe, siiba xagga qurbaha, ay waxbarashada uga wanaagsan yihiin ragga? Waxaan ognahay in ay soo baxeen gabdho aqoon wanaagsan, waxqabad wanaagsan, arrimaha dalkana khibrad u leh, qaarkoodna ay shaqooyin wanaagsan dalka ka hayaan. 

2012 waxay ballantu ahayd in kuraasta Baarlamaanka 30% ay haweenku lahaadaan. Saamigaas oo markii horeba aan caddaalad ku saleysnayn, xataa isagii lama fulin. Hadda 2016 maxaa dhici doona? Maxay gabdhuhu ku dhaqaaqeen si ay markaan xuquuqdooda u qaataan? Mise waxay rajo ka qabaan in raggu uu intii hore dhaami doono, oo markaan uu dib uga degi doono?

Qormadaan kooban waxaan ugu talo galay bal in gabdhaha iyo wiilashuba Soomaaliyeed ay is weydiiyaan su’aalo la xiriira kaalinta haweenka ee qaabeynta, meelmarinta iyo hagidda siyaasadda dalka.

Haddii aad ila qabto in haweenka ay tahay in ay dadaalkooda kor u qaadaan, maxay kula tahay sida ugu habboon ee ay isu abaabuli karaan si ay doorkooda u dhacsadaan, kaalintoodana ay u buuxiyaan?




4 comments:

  1. Waxay aniga ila tahay in dumarku is abaabulo xaqoodana raadsadaan oo aysan ka sugin kuwa qurxiyey dulmiyey waa ragga Soomaaliyeed eh oo inta aan anigu ka warqabo maantay ay ka aqoon badan yihiin ka dhaqaalo badan yihiin waxaa intaas udheer in aysan Dalka iyo Dadka danbi ka galin wixii burbur qax hoog dhacay. Dumarku ma is abaabuli karaa? "Haa" waa is abaabuli karaan oo Madaxweyne Wasiir ama agaasime kii raba in xaflad loo qabto kaamerada laga arko dumar buu baryaa iyagaana abaabula dhaqaale iyo camiraadba waa in ay sidaas oo kale isku abaabulaan aniguna cod dheer baan ugu sheegayaa in aysan kaalintooda cidna kabaryin kana sugin maadaama awood dhaqaale iyo Cilmi Alle siiyey ragana ay ka badan yihiin maantay talada dalkana wax ku leeyihiin waliba mas'uuliyad ka saarantahay sida qoyskooda oo kale.

    ReplyDelete
  2. Waxay aniga ila tahay in dumarku is abaabulo xaqoodana raadsadaan oo aysan ka sugin kuwa qurxiyey dulmiyey waa ragga Soomaaliyeed eh oo inta aan anigu ka warqabo maantay ay ka aqoon badan yihiin ka dhaqaalo badan yihiin waxaa intaas udheer in aysan Dalka iyo Dadka danbi ka galin wixii burbur qax hoog dhacay. Dumarku ma is abaabuli karaa? "Haa" waa is abaabuli karaan oo Madaxweyne Wasiir ama agaasime kii raba in xaflad loo qabto kaamerada laga arko dumar buu baryaa iyagaana abaabula dhaqaale iyo camiraadba waa in ay sidaas oo kale isku abaabulaan aniguna cod dheer baan ugu sheegayaa in aysan kaalintooda cidna kabaryin kana sugin maadaama awood dhaqaale iyo Cilmi Alle siiyey ragana ay ka badan yihiin maantay talada dalkana wax ku leeyihiin waliba mas'uuliyad ka saarantahay sida qoyskooda oo kale.

    ReplyDelete
  3. mudane yuusuf waxaad tahay aqoonyahanada somali ay manta sheegan karto raga ugu horeeya, balse hadan su aal ku weydiiyo raali maka tahay in gabar aad dhashay ay la safarto nin aan murxum u ahayn isla markaas raali ma katahay in ay kula kaliyowdo qol xiran mid aftahan ah oo madexeeda maja urogaya, mida kele raali mowga tahay in ay banankiina u soo baxaan shaqadii guriguna u dheeraato

    ReplyDelete
  4. mudane yuusuf waxaad tahay aqoonyahanada somali ay manta sheegan karto raga ugu horeeya, balse hadan su aal ku weydiiyo raali maka tahay in gabar aad dhashay ay la safarto nin aan murxum u ahayn isla markaas raali ma katahay in ay kula kaliyowdo qol xiran mid aftahan ah oo madexeeda maja urogaya, mida kele raali mowga tahay in ay banankiina u soo baxaan shaqadii guriguna u dheeraato

    ReplyDelete