Total Pageviews

Wednesday 28 October 2015

Iridda Keliya ee Gegida Dayaaradaha ee Muqdisho

Haddii aad rabto in aad garato sida aan uga guran nahay curinta ra’yi ama wax cusub oo aan hore u jirin si ay noloshu noogu fududaato, waxaad eegtaa iridda laga soo galo garoonka dayaaradaha Muqdisho lagana baxo. Waa gegida dayaaradaha ee caalamiga ah ee Aden – Cadde.

Garoonku wuxuu ku yaal meel dabiiciyan aad u qurux badan. Dhabbaha ay dayaaraduhu ku rooraan wuxuu la teedsan yahay badda oo meelaha qaar aad mooddo in hirka baddu uu soo gaari karo.

Jawiga magaaladu waa mid wanaagsan sannadka intiisa badan, sannad kasta.

Intaas waxaa dheer in garoonku uu ku shaqeeyo iftiinka qorraxda oo keliya oo shaqo habeen aanay jirin marka amniga laga reebo.

Inkasta oo garoonku uu leeyahay shan irdood oo aad u kala fog oo laga soo geli karo, qaar hor lehna la sameyn karo, haddana isku hal irid ayaa loo adeegsadaa Gelid iyo Bixid labadaba.

Waddada keliya ee lagu galo, haddana dhinac ayay ka xiran tahay, waxaana dhex yaalla dhagxaan waaweyn oo shub ah oo jidgooyo u eg looguse talo galay gabbaad nooc dhufeys ah. Waxaa intaa dheer dhowr isbaaro oo isla waddadaas dhex yaalla oo lagu baaro gaadiidka. Qaarkood ciidan Soomaali ah ayaa taagtaagan, kuwa kalena askarta iyo saraakiisha AMISOM ayaa fadhi iyo taagniba ku maamula.

Waa meel isgoys ah oo waddada Medina ka timaada ay uga soo dhacdo waddada gegida lagu galo.

Mararka qaar waxaa dheeraada safka ay ku jiraan baabuurta sugeysa in ay gasho gegida dayaaradaha. Taas ayaa saameysa isu socodka gaadiidka ee isgoyska. Marmar waxaa dhacda in baabuurtu ay isku xannibmaan. Hal baabuur haddii loo diido in uu galo gegida, oo dib loo soo celiyo xaaladdu wey ka sii dartaa oo waa in uu dib ugu soo laabtaa isla waddadii baabuurtu ay safnayd.

Saxmadda Dadka
Waxaa iyaguna isla goobta tuban dad tiro badan oo kala ujeeddo ah. Waxaa ka mid ah askar badan oo hubeysan oo qaarkood ay sitaan boobayaal kala nooc ah oo uu ka mid yahay qoriga riddada dheer ee dabamiinshaarka loo yaqaan, markaana isdhaaf u garwaaxiidsan rasaas. Askartan oo gashan direys ciidan oo kala nooc nooc iyo midabbo ah, waxay isugu jiraan kuwo gegida ilaaliya iyo qaar meesha ku sugaya soo laabashada baabuur ay ilaalinayeen oo gudaha ku maqan.

Inkasta oo mas’uuliyiiinta sare ee Dowladdu ay isticmaalaan irdo kale, haddana mararka qaar waxaa dhacda in sidii dagaal dhici rabo ay goobta yimaadaan baabuur dul bannaan ah oo xawaareynaya, oo markaa ay ka soo daataan askar aad u hubeysan oo tiro badan. Waxay markiiba ka howlgalaan si ay u gudbiyaan baabuur dhex iyo caga waaweyn oo la yiri xabbaddu ma karto oo ay gelibinayeen. Waxaad qiyaasi kartaa uun in uu fuushan yahay qof madax ah. Markaas ayay saxmadda gaadiidka iiyo midda ciidankuba ay ka sii daraan. Is dhex yaaca, fara isku taagga iyo qeyladuna wey bataan.

Aniga ilama ahan in muuqaalkaasi uu yahay midka ugu fiican ee magaalada ra’yi wanaagsan ka siin kara qofka Soomaaliga ah ee dalka muddo moogaa ama ay hadda ugu horreyso sida dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay. Sidoo kale qofka ajnebiga ah oo markii horeba shakiga iyo baqdinta ka qabay imaatinka Muqdisho, marka waxa ugu horreeya ee uu arko uu yahay muuqaalka noocaas ah, waxa keliya oo ku sii kordhi kara shakiga awalba ku jiray ee ahaa armay khalad tahay in uu Muqdisho yimaado.

Haddii ay wax dhacaan ma laha waddo kale ama jiho loo baxo oo xaaladdaas looga badbaado.

Meel Baabuurta la Dhigto
Garoonku ma laha xero baabuurta la dhigto oo nadiif ah laguna ilaaliyo. Weliba dhul weyn oo ballaaran oo aan dhisneyn oo ay Dowladdu leedahay ayaa ku dhinac yaal iriddan mashquulka badan. Bannaankaas oo la oodo, irdo loo yeelo, ilaalana la dul dhigo wuxuu dadka safraya iyo kuwa sagootinaya ama soo dhaweynaya u sahli lahaa howshooda iyo bedqabkooda. Waxaana ka soo xaroon lahaa dakhli.

Dakhli naga soo gala iska daaye, Barxaddaas annaga ayay hadda lacagi nooga baxdaa sannad kasta. Marka ay dabayshu ka soo dhacdo dhanka badda, waxay hore u soo martaa dhulkaa bannaan, waxay ka soo qaaddaa bacaad ay ku reebto waddada. Wuxuu uga sii daraa waddada oo uu dhinac dhan si ku meel gaar ah uu u dul deggenaado ilaa kharash lagu bixiyo oo laga qaado inta aanuu ku soo laaban saacado ka dib.

Gelid iyo Bixid
Waxaa iyadana ay taladeedu maqan tahay in la helo irid laga galo gegida iyo mid laga baxo oo haddii ay suurta gal tahay kala fog. Tusaale ahaan, Iridda hadda loo yaqaan Medina Gate waxay noqon kartaa Gelid, u furan dhinaca Gegida oo keliya, kana owdan dhanka Xalane. Iridda hadda la adeegsadana waxay khaas u ahaan kartaa Bixid oo keliya. 

Sir ma ahan in Medina Gate ay badiyaa AMISOM adeegsato, laakiin waxay AMISOM  adeegsan kartaa iridda loo yaqaan Jazeera Gate ama irid kale ayay sameysan kartaa.

Taasi waxay dhimi lahayd saxmadda, waxay koobi lahayd wakhtiga uu safarku qaato, waxayna yareyn lahayd khatarta amni oo xataa haddii aad is illowsiiso adiga oo Muqdisho jooga, iyadu is kaa xusuusineysa.

27 comments:

  1. Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay qormada. Fadlan aragtidaada ku reeb isla bartan.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waa talo aad uqiimo badan. Mahadsanid Mudane Yusuf Garaad. Lkn waxan ka codsanaya in aaadan social media taladaaa qimaha badan ku gaabsan e fadlan cidda eey quseyso isku day inaad si formal ah ugu gudbiso waayo waxan qabaa inaad heli karto access kaa.

      Delete
    2. axmed cali maxamed
      waa dhab arintan aad ka hadashay lkn waxaa moodaa inaanan hada waqtigeedii lagaarin lkn taas oo dhan waxaa iiga sii darayd aniga 16/09/2015 ayaan rabay inaan ka duulo adan cade airport markii aan jeekinka koowaad soo dhaafay ayaan aqoo waayay meel aan sii aado sababtoo ah wax calaamad ah ama ishaaro meesha aad u socoto ah malahan meel ciidan ayaan galay kadib ayay itoosiyeen.
      waxaa kasii daran dadka maamulaa ama waxbaaraa somaliba maahan ugu yaraan waxay ahayd inay lashaqeeyaan ileen shacabku luqadaha mawada yaqaaniine

      Delete
  2. Mohamed Farah, Yususf dareenkan aniga mar hore ayuu igu jiray dadka wax fahmaayo sida adiga oo kale ahna waa ku jiraa,, waxa la qaban karo waxay tahay shaqsiyan adiga waxaa saxib dhaw la tahay dadka dowlada madaxda ka ah ilaa agaasime aqoon fiican iyo marxabeyn ayaa idinka dhaxeyso, waxan kugula talin lahaa shir arinkaas looga hadlaayo qabo kuna casuum dadka ay quseyso , waxaa intaas sii dheer oo aadan sheegin dhibaatada ay ku qabaan dadka baahiyaha gaarka leh (NAAFADA) taas oo aan laba mar oo hore aan kala kulmay masuuliyinta gagida si wax loga qabto lakin wali wax lagama qaban , isku soo duub howshaan wax badan waa ka badali kartaa oo aanan ahayen lifaaqan,

    ReplyDelete
  3. Yusuf Waan Kugu Raacsanahay Dhibaatada Ka Taagan Garonka Adan Cadde Waxaana Ila Qurux badan In Dhibatadas Dowlada ay Xaliso Ileen mar hadii 5 Irdood Laga soo galo Uu Leedahay Garoonka Maxeey tahay Sababta Loo isticmaali waayay
    Mida kale in Jid Gooyo Dhaxaan la Dhigto Wadadkii Gali laheed Garoonka Misana Dhibaato La gala Kulmo Wax ay Sumcad Daro waliba Horimar Xumo U tahay Garoonka oo hada Bulshada Somaliyeed ay Indhaha ku Hayaan Ileen Waa Ishii Dalka Marka La Yimaado Lagu Qaban Lahaaa .
    Mahadsanid
    MOHA FILMS

    ReplyDelete
  4. waa tala wanaagsan mahadsanid Yusuf Omar

    ReplyDelete
  5. Yusuf Waxaad si dhab ah uga hadashay marxalada uu ku sugan yahay Gegida Diyaaradaha Ee Mogadishu.
    Waa muhiim in loo sameeyo Labo irid oo midna laga baco midna laga galo.
    Waxaad kaloo sheegtay Parking la aan. Waa runtaa ma jiro Wax Parking ah. Dhul balaarana wuu leeyahay airport. Ee waxaa muhiim ahaan laheed in dhulkaas laga kireeyo ganacsato oo aay ka sameeyaan parking la waardiyeey. Qidmad yarna laga qaado Gaadiidleyda. Waa fiki3 ahaan eeysa.

    ReplyDelete
  6. Yusuf Waxaad si dhab ah uga hadashay marxalada uu ku sugan yahay Gegida Diyaaradaha Ee Mogadishu.
    Waa muhiim in loo sameeyo Labo irid oo midna laga baco midna laga galo.
    Waxaad kaloo sheegtay Parking la aan. Waa runtaa ma jiro Wax Parking ah. Dhul balaarana wuu leeyahay airport. Ee waxaa muhiim ahaan laheed in dhulkaas laga kireeyo ganacsato oo aay ka sameeyaan parking la waardiyeey. Qidmad yarna laga qaado Gaadiidleyda. Waa fiki3 ahaan eeysa.

    ReplyDelete
  7. Mudane:Yusuf waa arrin aad looga xumaado maanka iyo maskaxda dadka dalka jooga iyo kuwa ka maqanaa ee hadda yimid midna aan u rooneyn, hase ahaatee marka laga tago doorka meesha ka maqan ee Soomaali-weyn,Cidhiidhiga, Cad-ceedda kuleylka badan, Khatarta ammaan,iyo Wakhtiga meesha kaaga dhumaya,
    1. Yaa iska leh shaqadaan?
    2.Agaasimah gagidda meesha ma maro miyaa?
    2.Maareeyaha Airport-ka culays ma saarna miyaa?
    3. dadka dibadda ka yimid ee Airporradda addunka arkey Ra'yi ma hayaan miyaa?
    waxaas oo dhib ah waxaa noo leh oo noogu wacan waa Hogaan la'aan,iyo shacabka oo aan dhibkaba dareemeyn.
    REER BA'OOW YAA KU LEH..

    ReplyDelete
  8. Waad ku mahadsantahay yuusuf sida indheer garadnimada iyo xusuusinta leh ee aad noogusoo bandhigtay halka boogtu nagaga taalo waxan qiyaasayaa in dhibaatada dhan ay aqoon xumo masuul ka tahay waayo hadii maareynta aad ka dhawaajisay iyo kuwa kaleba la sameyn lahaa wax badan ayaa hagaagi lahaa
    Aniga ahaan waxan ku tali lahaa:
    1.in aslanba laga qaado dhagxaanta hay'adaha qaar ay difaaca u dhigteen ayadoo loo marayo cida aya khuseydo ama awooda sharci u leh sida duqa magaalada muqdisho amaba gudoomiyaha degmada garoonku ku yaalo
    2.in irdaha la kala bedelo yuusuf ayan la qabaaaa
    3.inaad yuusuf ahaan uwajahdo arintaan adoo la kaashanaya cida wax kaala qaban karta shir qabatayaa am xariir shaqsi la sameysayaa cida awooda sharci u leh wax ka qabashadeeda
    Mahadsanid

    ReplyDelete
  9. Runtii taladu waa fiicantahay sidaan oo kale uugu dir maamulka garoonka iyaguna ha arkaane

    ReplyDelete
  10. Mudane Yuusuf Garaad marka hore waad ku mahadsantahay warbixintan kooban iyo aragtidaada ama talada aad ku dartay. Ma awoodaa in aad taladaas aad soo jeedisay u gudbisid dawlada, gaar ahaan laamaha ay khusayso?

    Waxaan qabaa anigu, hadii dadka ku nool magaalo kasta ay dhibkooda u iftiimin lahaayeen sida aad adigu dhibkaan u iftiimisay, kadibna ay dadka maamula ula tagaan lahaayeen (ama si toos ah ha ula kulmeen ama ha mudaharaadeen) in wax badan ay iska badali lahayd xaalada soomaaliya oo dhan.

    Waad mahadsantahay.

    ReplyDelete
  11. Xaqiiqadu waxay tahay in xoogaa horumar lataabankaro ah laga sameyey AIRPORTKA ADEN-CADE. Waxa la dhameystiray Terminalkii cusbaa oo Turky iney dhiseen aan filaayo (mahubo).

    Waxaa lakala saarey qeybtii Dhoofitanka (depertures) iyo midii Soo degista (arrivals). Waxaana si sahlan loo ogaankaraa Diyaarsda aad raaceyso waqtigeeda iyo goobta aad dhiganeyso alaabtada (lagages). Nadaafadu ma xuma inkasto meelaha qaar ay si kordhin uga bahantahay.

    Goob cabistaanka, coffe, shaah, ama quraac fudud (take away food) aad ka helikarto ayaa jira. Amniga gudaha Airporka waa mid xassiloon, inkasta oo aan 100% la damaanad qaadikarin dhacdooyinka halista leh ee amaanka la xirira.

    Waxan intaas oo idil u xusaayo maahan inaan leeyahay looma baahma inta Yussuf sheegay ee waxaan u jeedaa waa inaan muujiyo dhabaka fiicana iney dowladu wax kaqabatey, kuwa lq tilmaamey ee harsanna ay ku dadaasho sidii loo ebyi lahaaa.

    MAHDSANID YUSUF XUSUUSTADA WANAGSAN IYO VARAARUGGA AAD UGUGTEY......

    ReplyDelete
  12. Xaqiiqadu waxay tahay in xoogaa horumar lataabankaro ah laga sameyey AIRPORTKA ADEN-CADE. Waxa la dhameystiray Terminalkii cusbaa oo Turky iney dhiseen aan filaayo (mahubo).

    Waxaa lakala saarey qeybtii Dhoofitanka (depertures) iyo midii Soo degista (arrivals). Waxaana si sahlan loo ogaankaraa Diyaarsda aad raaceyso waqtigeeda iyo goobta aad dhiganeyso alaabtada (lagages). Nadaafadu ma xuma inkasto meelaha qaar ay si kordhin uga bahantahay.

    Goob cabistaanka, coffe, shaah, ama quraac fudud (take away food) aad ka helikarto ayaa jira. Amniga gudaha Airporka waa mid xassiloon, inkasta oo aan 100% la damaanad qaadikarin dhacdooyinka halista leh ee amaanka la xirira.

    Waxan intaas oo idil u xusaayo maahan inaan leeyahay looma baahma inta Yussuf sheegay ee waxaan u jeedaa waa inaan muujiyo dhabaka fiicana iney dowladu wax kaqabatey, kuwa lq tilmaamey ee harsanna ay ku dadaasho sidii loo ebyi lahaaa.

    MAHDSANID YUSUF XUSUUSTADA WANAGSAN IYO VARAARUGGA AAD UGUGTEY......

    ReplyDelete
  13. su,aashu waxay tahay Yusuf yaa laga doonayaa inuu shaqadaas qabto adigoo og gacmaha badan ee garoonku ku milqan .hadiise ay naga go,an tahey inaan wax inaga qaldan tilmaameyno sow kuma haboona inaad karbuuno ku ifido cidda wax qaldeysa iyo cidda iney wax saxdo laga doonayo.Mahadsanid

    ReplyDelete
  14. Yusuf.. taladaada wa qurxoon tahay waan tala curin cusub ah hadii erayga sax yahay-creative thinking... waxaase u baahan inaan ogaano cida maamusha garoonka cida ay tahay inaan ogaano iyo inay jiraan ciidan soomaaliyeed oo shaqada soomaalida laga rabo qaban karta.. markaad maamul soomaali ah oo haysta ciidan tayo leh ayaan talo soomaaliyeed oo hormar leh ku fakari karnaa sida aragtida fog ee Yusuf.

    ReplyDelete
  15. Osman ali

    Runtii aniga wax badan ayaa, ka faa, iidey war bixintada inkasto wadanka aanan joogin hadana waxa leeyahey madax fiyoow oo wadaniin ah allaha nasiiyo ka fikira mustaqbal dal iyo mid dadeed hadan usoo laabto hadalkada aniga lama yabani cariiriga ama saxmada inta la, eg waxad arkeysa sida qoralkada kucad Garoon diyaaraded misna Internetnational hadana aan laheyn parking babuurta ladhigto mid VIP & mid kale shacab ah intaba nasiiy darada heesato uma waxa kaso gali lahaa dakhli aad u badan sida aad sheegtey dhulka banan hadii looga faa, iideyo allaha xaqa nawafajiyo insha allah wad ku mahadsan tahey mas, uul

    ReplyDelete
  16. Waa la gaari doonaa dhamaan quruxda iyo qaabka aad ku taamauso, Yuusufow.

    "Rooma maalin qura lama dhisin".

    Guud ahaan Muqdisha way ka duwantahay 2006-dii
    sidii ay ahayd.

    Soo jeedinta ra'yiga qurxoon waad ku mahadsantahay, hana ka daalin, Yuusufow.


    ReplyDelete
  17. Yusufow ku mahadsanid arrintan aad bidhaamisay. Haddey suuroggal tahay fakarkan waad la wadaagi kartaa madaxda ay ka go'do talada. Soomaalidu waxay tiraa 'aqool xumo ka daran irmaan guray.'

    ReplyDelete
  18. Yusufow ku mahadsanid arrintan aad bidhaamisay. Haddey suuroggal tahay fakarkan waad la wadaagi kartaa madaxda ay ka go'do talada. Soomaalidu waxay tiraa 'aqool xumo ka daran irmaan guray.'

    ReplyDelete
  19. Roooboooow meesha lagaaga baahanyahay ku da'a buu dhahay odaygiii...
    Si aad u gaarto meeshaan lagaaga baahneyn...
    Waxaan kaga gol leyahay..
    Qormadaan waa mid mudan in dadka ay ka go'ado talada dalka lala wadaaago waaaba hadii ay dalku ayaga maamulaan...
    Inagana markaas mira dhalkeeda aan aragnoo..
    Mahadsanid yusuf garaad

    ReplyDelete


  20. ASC dhamaan inta afsoomaliga aqrisa yusuf garaad waxad kahadashay wax wanagsan tusale ficana wad bixisay hayeshe waxa dhibatatu katagantahay mahan airporka oo kaliya ee waa wadanko idil , dadka aragtida wanagsan adiga iyo inta kula midkana marwaliba wayshegan dhibka jira iyo waxa xalka noqonkara misana dhibki sanadabadan kadib wasidisi marka arintu waa dibiga doolod dhegahiisu waxsan waa maqlan lkn indhihisu waxsan ma,arkan waxana kugu boorinaya in aad waqti kubixisid bal inad wax ka,ogaato sababta hugaamiya yaasha soomalida marwalba hadalkoda iyo ficilkodu isuqilaafo , mahadsanid yusuf garaad.

    ReplyDelete
  21. Waa muhiim in wax laga badalo garoonka aadan cadde

    ReplyDelete
  22. Waa fikrad aad uwanagsan waankaga mahadcelinayaa talada wanagsan ee marwalba aad bulshada iyo dowlada siisid walow aysan dowladu waxba kasoo qaadin talooyinkan oo kale waxaana mooda in howlo kale oo gooniya lagu mashquulsanyahay ee aan masuuliyad laiska saaren.

    Mudane yuusuf garad adoo mahadsan waxan rabaa inan kuweydiiyo adiga hadii ad madaxwene noqoto mustaqbalkan dhaw howlahaas maqaban laheed?

    ReplyDelete
  23. Yusuf Aad&Aad ayad u mahadsantahay,waxay ila tahay aniga in hadalkadu yahay mid sax ah lona bahanyahay in lagu dhaqaqo fulintiisa oo ay ku dhaqaqan cidda ay quseyso.
    lkn mudane madama ad tahay in cana oo bukshadu inta badan wada taqan raga dowlada ku jirana an u maleyna in ad qarkod sxbo dhow tihiin mala wadagtay arintan ayaga si wax loga qabto?
    Mida kale waxad ahyd qurba jog waqti badan fahansana habka ay u shaqeyan madara calamiga ah ee dunida ku yala ma is tiri alley lahe hadii kan kagu dhiibo wax wad ka bedi laheyd?
    ra'yigeyga aniga waxay ila tahay in garonka wajigas laga bedelo askarta madaxda wardiyeysa mel lo sameyo.
    Albabo ka galid(Input) iyo kabixid(output) lo sameyo.
    Mida kale garoonka waxa dadka bara ciidan shisheshe oo mararka qad ay dadka is af garan wayan.
    wa in garoonka lo sameyaa ciidan gaar ah oo qalabeysan tabar ku filan leh,qata mushar ku filan,ka fog qabiil&nin jecleysi,qata dhar ayaga qas u ah oo an lala wadagin.
    wa aniga ra'yigeyga.

    ReplyDelete
  24. waa talo aad u wanaagsan oo ubaahan dhaqan gelin iyo aqli wanaagsan hasayeeshee waxaa moodaa inaad ka tagtay arin kale oo habooneyd in iyana wax la iska dhaho ama dib u habeyn lagu sameeyo oo ah Habdhaqanka lagula dhaqmo dadka muwaadiniinta ah ee aan heysan ID card dowladeed iyo mid Airporka una baahan in adeg ka helaan garooonka

    ReplyDelete