Total Pageviews

Monday 12 October 2015

12 - ka Oktoobar, K'naan, Xalane iyo Muuro


Waddaniyiintii hore iyo kuwa maanta ahba waa in aan ku faannaa kana warqabnaa. K'naan wuxuu ka mid yahay ragga calanka Soomaaliya boorka ka jafay oo masrax caalami ah ku soo bandhigay, ka dib markii lagu martiqaaday in uu ka heeso furirtaanka cayaaraha adduunka.

K'naan waa nin dhallinyaro ah, xoog ah oo shaqeysta. Waan u hambalyeynayaa. In badan oo kalena waan ka sugeynaa.

Laakiin aan is xusuusinno oo aan is weydiinno xaggeen ku ognahay halgamaagii weynaa ee SYL, Maxamuud Yusuf Muuro? 

Wuxuu ahaa ninkii si mutaddawcnimo iyo naftii horennimo ah isu tallaalay isaga oo iska dhigaya Cabdullaahi Ciise. Si Cabdullaahi oo safar ahaa uu uga badbaado sun laga baqay in gumeystuhu uu ugu daro tallaalka ama ugu yaraan laga baqay in uu ku qandhado tallaalka.

Muro isaga ayaa aqbalay wixii Cabdullaahi lagu duri lahaa in isaga lagu duro, si Cabdullaahi u badbaado oo isaga oo badqaba uu u tago New York oo ka akhriyo khudbaddiisii taariikhiga ahayd ee Gobinnimo-doonka.

Khudbaddaas waxaan akhristay sannado badan ka dib aniga oo jooga London, ilaa iyo haddana ma arag khudbad u dhiganta oo masrax caalami ah uu ka jeediyay hoggaamiye Soomaaliyeed weliba marka loo eego xilligaas aqoonta Soomaalidu sida ay u koobnayd.


Geesiyaalka aan magacoodu ka go’i doonin xusuusta shacabka Soomaaliyeed waxaa ka mid ah Maxamed Cabdulle Xalane, oo ku dhashay Ceel Buur, kuna geeriyooday, Wajaale, isaga oo diiday in uu dib u gurto isaga oo aan calanka Soomaaliya ka qaadan goobta ama aan ku daaficin.

Xalane isaga waxaa maamuusay Dowladdii Kacaanka waxaana loogu magac daray Dugsi militeri oo ku yaala magaalada Muqdisho.

K'naan iyo Muuro iyo inta u soo halgantay xornimadeenna iyo inta maanta u taagan badbaadinta iyo horumarinta Soomaaliya in calankeenna kor laga yeelo, Ilaaheey ha guuleeyo. 


7 comments:

  1. Doco iyo ammaan ayaan u dirayaa dhamaan intii u soo halgantay gobanimada Somaliya.

    Haday maanta joogi lahaayeen, murugo iyo uur-ku-taalo ayay u dhiman lahaayeen.

    Shantii Somaliya inay isku keenaan ayaa hamigoodu ahaa. Maantana, labadii nasiibka u yeelatay inay is raacaan ayaa lix iyo kabadan loo qaybinayaa.

    Uma jeedo iftiin ka bidhaamaya dhamaadka godka aan ku socono.

    Waxaa niyadayda sii dilaya: inaynaan wali garan wixii dhacay iyo sababta keentay midna.

    ReplyDelete
  2. Doco iyo ammaan ayaan u dirayaa dhamaan intii u soo halgantay gobanimada Somaliya.

    Haday maanta joogi lahaayeen, murugo iyo uur-ku-taalo ayay u dhiman lahaayeen.

    Shantii Somaliya inay isku keenaan ayaa hamigoodu ahaa. Maantana, labadii nasiibka u yeelatay inay is raacaan ayaa lix iyo kabadan loo qaybinayaa.

    Uma jeedo iftiin ka bidhaamaya dhamaadka godka aan ku socono.

    Waxaa niyadayda sii dilaya: inaynaan wali garan wixii dhacay iyo sababta keentay midna.

    ReplyDelete
  3. Somaliland iyo Somalia, halkaa aay sartu ka qudhun taay waa Shantii somaliyeed haa la mideeyo.

    Bal dadka wali is leeh somali waa mid, hal aan waydiiyo : Dawlada jaabuti, marki aay qadanaaysa xoriyada , barlamanka xamar miyaan laga ogalaan inaay jabuuti dal xoor ah noqoto ?

    Haadi aay jawabtu tahay ha. Hadaba shan somaliyeed maa jirto ee waa 4 ayaa soo hadhaay. Markaa hadi shantii somaliyeed been noqotay oo jabuuti dal xoor ah loo ogal yahay, maxaad uu xaasidaysaan Somaliland, macaal Yusuf Garaadkiisan ku dheeh oo ????

    ReplyDelete
  4. Aniga aya noqon doona geesiga xiga ee ka danbeeya MUURI wayo mardhow ayan ka dul taagi doona calanka SOMALIA, JIG JIGA iyo WAJEER insha allh ilaah kuma adka taaas wana ku jiifta kama hadlaya SOMALILAND iyo gobalada Soomaaliya .

    ReplyDelete
  5. Yuusuf Garaadow maxaa kugu kalifay inta aad isku Reerka tihiin soo qaadato bes ? Mise Qabiil aan Qabiilkaaga ahayn halgamaa Somaliyeed maleh ?

    ReplyDelete
  6. yusuf garaad mano shegi karta Cawale wuxu qabte

    ReplyDelete