Total Pageviews

Friday 30 October 2015

Duqa cusub ee Muqdisho


Duqa magacaaban, yacni aan xilka weli la wareegin, ee magaalada Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale, ayaa billaabay wadatashi uu la yeelanayo Soomaalida deggan caasimadda.

Ujeeddadu waa si uu u helo talooyin iyo fikrado uu ku biiriyo Barnaamijka oo awalba ka fekerayay ee uu doonayo in uu caasimaddeenna ku horumariyo.

Waxaan ka mid ahaa aqoonyahanno xalay lagu marti qaaday kulankiisii ugu horreeyay ee la tashi ee uu sameeyo.

Dadka la martiqaaday oo leh khibrado iyo waayo aragnimo kala duwan, waxay dhammaantood ama aan dhehee ugu yaraan intii hadashay ay ka dhawaajiyeen fikrado waxtar leh ama ugu yaraan dood dhalin kara.

Waxaa la isla soo qaaday talooyin la xiriira sugidda amniga caasimadda, kobcinta dakhliga Gobolka Banaadir, siyaasad ahaan sidii dadweynaha Soomaaliyeed ay u dareemi lahaayeen in ay caasimaddu tahay caasimaddooda oo aan laga xigin, xalka Khilaafaadka dhulka, Xafidaadda ammaanada, Xuquuqda haweenka, xaaladda barakacayaasha, Xuquuqda Dumarka, sidii dadweynaha Muqdisho ay u heli lahaayeen xuquuq la siman midda dadweynaha Gobollada marka ay joogto Golayaasha ay  Dowlad Goboleedyadu ku matalaan dadweynaha kale ee Soomaaliyeed oo aan Gobolka Banaadir ku jirin,  ka digtoonaanta masiibooyinka dabiiciga ah, dhismaha waddooyinka iyo qodobbo kale oo badan.

Erayo kooban oo uu goobta ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee magacaaban, Yusuf Xuseen Jimcaale, waxaa ka muuqday in uu yahay mas’uul fahamsan miisaanka iyo muhiimadda xilka loo magacaabay. Wuxuuna hadalkiisu u muuqday mid yididdiilo gelin kara dadweynaha Muqdisho, iyada oo weliba aan la gaarin inta aanuu xilka la wareegin.

9 comments:

  1. Dadka dulman ee xabsiyada qarsoon lagu ciqaabo sharci ma helidoonaan Mudane Jimcale mase Gobalka iyo ciidamda amniga wa kala labo sidii xiligii dhamaday ee Muungaab ? MR GARAD suashaas iga gaarsii mahdsanid

    ReplyDelete
  2. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  3. Waxan kudari lahaa in laqurxiyo dibadda Airpot-ka Muqdisho oo caws iyo doog qurxan lagu beero, Parkino baabuurta ah loo yeelo. ammaankisa la adkeeyi islamarkaana free lagadhigo Galiddiisa oo hadda ku adag dadka ehelkooda ama asxaabtooda sagootisa ama soo dhoweeyso.

    ReplyDelete
  4. Talooyinka ma qoranyay (Notes) ahaan ma u qaatay? Waxaa ugu yaraan halkaa laga qiyaasi kari lahaa in danta uu shirka ikhyaarta ula qaatayi ahayd inuu talo helo.
    Ninkaa Allah ha ka dhigo kii ogsoon waxa uu yahay iyo xilka saaran shaqadiisana guta.

    ReplyDelete
  5. Kii lagu nastee lagu nagaado allaha ka dhigo. Aamiin.

    ReplyDelete
  6. Yuusuf Mahadsanid marka hore. Waxaan soo dhaweynayaa magacaabista gudoomiyaha cusub ee gobolka. Inkastuu Muungaab gudoomiyaha xafiiska baneeynaayo noo ballan qaaday qofka isaga badalayo inuu ahaan doono mid lasoo doortay, hadana magacaabista qof mudan lasoo xulo ceeb målsjanser. Gudoomiyaha cusub ma ballan qaaday asna cida badali doonto in ay noqon doonto qof lasoo doortay.

    ReplyDelete
  7. waa sugeynaa wax qabedka Shiikha warkuna waa denbeeyaa,

    ReplyDelete
  8. Mas'uul aan heysam madaxbanaani dhan oo ku aadan hawlaha loo igmaday waxba kuma soo kordhin karo hawshaas loo xilsaaray. lug jiidna ka biximaa. Wax walba waxaa asaas u ah amni. amniga caasumada gacantiisa kuma jiro oo wuxuu hoos yimaadaa xitaa hay'ada iyaga aan iska warqabin. calaa kulli xaal guul ayaan u rajeyneynaa guddoomiyaha cusub!!!!

    ReplyDelete
  9. Waxaan u baranay hadal macaan iyo howl yar kii kabad baada allow nooga yeel

    ReplyDelete