Total Pageviews

Thursday 8 October 2015

Kenya: Xalka muranka soohdinta Baddu waa Wadahadal


Riig Shidaal ka baaraya Badweynta India
NATION MEDIA GROUP

Kenya waxay ku gacan seyrtay dacwadda ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal ee deriska ah.

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation, Garyaqaanka Guud ee Kenya, Githu Muigai, ayaa ku doodaya in Soomaaliya aanay dow u lahayn in ay dacweyso Kenya, maaddaama ay labada dal ku heshiiyeen 2009 (MoU) in ay wadahadal ku dhammeystaan khilaafkooda.

Heshiiskaas oo ay labada dal kala saxiixdeen 2009, inkasta oo aanay ku qornayn in uu hirgalayo marka uu ansixiyo Baaralmaanku, haddana Baarlamaanku wuu fariistay oo u codeeyay oo diiday heshiiska.

Maaddaama uu heshiiska ku qoran yahay in uu hirgalayo marka la saxiixo oo ahayd 2009, loona gudbiyay Qaramada Midoobay 2011, Kenya waxay qabtaa in heshiiskaasi uu saldhig u ahaado xalka khilaafkan.

Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa in ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu ay tahay in iyadu ay xukun soo saarto.

Waxaa la rumeysan yahay in badda ay ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya uu hoos ceegaago keyd shidaal oo fara badan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya waxay hadda ka hor ka digtay in haddii ay Soomaaliya ku guuleysato dacwadda ay suurta gal tahay in Kenya ay ku dhacdo bad la'aan.

2 comments:

  1. Kenya waa nafla caari oo xaalmastuur ayey wax ku raadineysaa oo xitaa kuma dhiiran in ey tiraahdo badda aniga ayaa leh. Waa ku qabso ku qadi meyside. Hadey taa weyso wexey rabtaa waa boob iyo xoog.

    ReplyDelete
  2. Kenya waxa ay iska dhega tiraysaa oo aaney dooneyn in ay aqbasho amaba ay aqoonsato diidmadii uu heshiis ku sheeggaasi ku diidey Baarlamaankii ku meel gaarka ahaa ee Soomaaliya, UN-tana loo gudbiyey diidmadaasi ayada oo qoraal ah, UN-tuna ay sheegtay in uu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan aan lagu hawl geli karin ama aan lasoo xigan karin kol haddii uu diidey Baarlamaankii Soomaaliya, sidaana warkiisu ku dhammaaday. Markaa in ay Kenya weli ku andacooneyso heshiis xaalkiisu sidaa ku dhammaaday, taa micnaheedu waa quursi ay Kenya ku quursanayso jiritaanka Dalka Soomaaliya iyo Hay'adihiisa Sharciga ahba, mana aqbalayno taa si kasta oo aynu maanta u tabar daran nahay, waxaynu nahay Dal iyo Qaran jira oo Xubin Buuxda ka ah Qarammada Midoobey sida Kenya oo kale annagoo weliba Kenya taa kaga horreyney waayoo Kenya horteed ayeynu Dal Xora ahayn UN-tana kamid noqonay ayagoo (Kenya) weli la gumeysto. Marka uu xaalku sidaa yahay waxa aan aniguna kula talinayaa Baarlamaanka Soomaaliya in uu aqoonsiga kala laabto gebi ahaanba Dawladda Kenya iyo Baarlamaankeeda iyo dhammaan hay'adeheeda kala duwan iyo wax alla wixii sharciyo iyo go'aanno ay hore usoo saareen amaba ay hadda kadib soo saaraan, lana kansalaa wax alla wixii heshiisyo hore u dhex maray Dalka Soomaaliya iyo dalkii hore loo oran jirey (Kenya) intii aan aqoonsiga lagala laaban

    ReplyDelete