Dowladda Soomaaliya iyada ayaa goosatay istaraatiijiyad ku dhisan
midnimo iyo in aan la aqbalin in dalka la kala gooyo.
Sidaa darteed, dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku jira loollanka aan
sahlaneyn ee siyaasadeed ee Muqdisho yaalla, gaar ahaan kuwa u hanqal taagaya
xilalka Federaalku waxay mudan yihiin in saamigooda ama ugu yaraan in ka daba
dhow ay helaan.
Inkasta oo ay kaabayaasha siyaasadda ee reer Koofureedku uu haysto
aanay ayaga u dhammeystirneyn, haddana waa in loo tixgeliyo xuquuqdooda muwaaddinnimo
oo la siman muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed. Weliba xilalka keliya ma ahan ee
waa in lala wadaagaa deeqaha waxbarasho iyo takhasusyada maamulka iyo amniga.
Haddii la gacan bidixeeyo, waxay taasi dhibcaha u sii kordhineysaa kuwa u
ololeeya gooni isu taaggu in ay u quus gooyaan qofkii innaba rajo ka qabi lahaa
midnimo.
Dhanka kale, ruug caddaaga reer woqooyi ee xilalka Qaran ee xag diblomaasiyadeed,
xag amni, xag maamul iyo xag siyaadeed soo heyn jiray muddada dheer ee hadda ku
sugan caasimaddu waxay mudan yihiin ka warqab, daryeel iyo ka talo gelin arrimaha dalka, siiba kuwa woqooyi.
Waa dad iyaga oo heli kara sida ay Soomaali badani sameysay in ay
degaannada laga yaabo in ay ku dhasheen oo nabad ah ay ku noolaadaan, ka door biday in ay ka shaqeeyaan Muqdisho ama ay astaan u ahaadaan midnimada Soomaaliya. Kuwaas oo qaarkood ay ku nool yihiin
Hoteello, qaarna ay naftooda ku waayeen. Ku darso, ma ahan dad sugaya ama u diyaar ah in xilal loo magacaabo. Qaarkood nooc ay tahayba hore ayay u soo arkeen iyada oo tan maanta ka awood iyo sharaf badan.
Ismaaciil Buubbaa oo ilaa horraantii sagaashamaadkii ka shaqeynayay
midnimo, kana qeyb galay ku dhowaad shir kasta oo Soomaali ay isugu timid,
noqdayna Ra’iisal Wasaare ku xigeen, dhowrjeerna Wasiir noqday ayaa ka huleelay
Muqdisho. Waxaa ka horreeyay Axmed Samatar oo in badan u dooday midnimo, ahaa
Xildhibaan Federaal ah, marna isu taagay Madaxweyne.
Cali Kahaliif Galaydh isaguna wuxuu ku tilmaamay in kala go’a dalku
uu ka socdo Muqdisho.
Ma ahan in aan qiil u sameynayo Samatar iyo Buubbaa, muddicise kuma
ihi. Sidoo kale, ma doonayo in aan halkan ku lafa guro sida ay aragtida Galaydh
sax u tahay ama aanay u ahayn.
Weliba waxaan qabaa in sababaha ay labada mas’uul ee hore ay u
faleen waxa ay faleen, Galaydh-na uu u yiri waxa uu yiri, aanay ahayn kuwo isku
xaalad ah ama isku dan iyo ujeeddo ah, laakiin waxaan tuhunsan ahay in si uun
la isu waafajin karo. Aragtideyda, waxaa dhammaantood ka dhex muuqda quus ama
quus ku dhowaad mashruuca midnimada oo ay saddexduba si buuxda u
aamminsanaayeen. Nin wax tari lahaa
midnimada laakiin ka calool goostay waxba kuuma tareyso in aad ka gar hesho,
haddii ay ujeeddadaadu tahay mudnimo.
In Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhowaan loo magacaabay General khabiir ah oo degaan ahaan ka soo jeeda Woqooyi waa tallaabo horusocod ah, waanan bogaadinayaa. Laakiin weli fari kama qodna.
Qormadan waxaan ku soo beegay xilli la hadal hayo in Dowlad
Goboleedyadu ay kaalin ku yeeshaan soo xulidda xubnaha Baarlamaanka sannad ka
dib howgeli doona. Waxaan ognahay in Dowlad Goboleedyadu ay ka dhisan yihiin
koofurta oo keliya. Waxaan halis ugu jirnaa in aan yeelanno Baarlamaan ay
xubnihiisa qaar ka mid ahi sheegtaan in la soo “doortay”, isuna arkaan in ay ka
mudan yihiin Xildhibaanno safka dambe ah oo iyaga la soo “xulay”.
Waxayna taasi heer Baarlamaan gaarsiin doontaa, kala duwanaan keeni karta kala mudnaan Koofur iyo Woqooyi. Taas oo ah waxa ugu muhiimsan ee ay raadinayaan walaalaha Somaliland ee qiilka u doonaya in ay reer woqooyi oo wadajira ay u caddeeyaan in gooni isu taaggu uu uga badiyo midnimada.
F. G. Somaliland waxaan ula jeedaa degaanka Gobollada Woqooyi ee Somaliya ee Ingiriisku gumeysan jiray ee xornimadana qaatay June 26, 1960. Somalia waxaan ula jeedaa Dowladda Soomaaliya.
F. G. Somaliland waxaan ula jeedaa degaanka Gobollada Woqooyi ee Somaliya ee Ingiriisku gumeysan jiray ee xornimadana qaatay June 26, 1960. Somalia waxaan ula jeedaa Dowladda Soomaaliya.
Mahadsanid in aan akhrisay qormada. Fadlan aragtidaada halkan ku reeb, maaddaama qormada laga soo gelayo qeybo kala duwan oo saxaafadda bulshada ah oo aan iyagu is akhrin karin. Kana dhowrso hadal xanaf leh.
ReplyDeleteWaxaan u qabay in Taliya Ciidanku yahay Dhulbahante reer Puntland ah hadaanan khaldaneyn hadduse Somaliland yahay Isaaq waa si wanaagsan
ReplyDeleteAniga waxaan aamin sanaan jiray somali weyn iyo dadka in la mideeyo laakiin waxbadan oo aan arkay iyo sad bursi iyo niman umaleeya somali kaligood inay yihiin ayaan uga baxay fakarkaas somali weyn qof walbaa meeshuu ku noolaan karo haku noolado waagii somali lahelo alaha nagaarsiiyo
ReplyDeleteAniga waxaan aamin sanaan jiray somali weyn iyo dadka in la mideeyo laakiin waxbadan oo aan arkay iyo sad bursi iyo niman umaleeya somali kaligood inay yihiin ayaan uga baxay fakarkaas somali weyn qof walbaa meeshuu ku noolaan karo haku noolado waagii somali lahelo alaha nagaarsiiyo
ReplyDeleteAniga waxan aaminsanahay Mas ,uul kasta oo Xil loo magacaabo in aan loo fiirin Dhan ,balse loo fiiriyo Aqoonta iyo waaya aragnimadaada uu u leeyahay Xilkaas loo dhibay. Ismaamul goboleedyada waxan u arkaa dhufeys loogu jiro Kursiga Muqdisho ee Berri.
ReplyDeleteDadka koonfur hogaanka u haya hadana midnimo soomaliyeed raba woxoodu waxaa weeye hana go in hana igu soo biirin arinta koofurta dacad midayn soomaliyeed oo aan afka dhaafsiisnayn ayay meesha ku ahayn welina ficil la oran karo midnimo soomaliyeed bay diyaar u yihin kama muuqato dadka wooye soomalia midnimo hadii aay arkayan iyaga jecel si kastaba ha ahaatee
ReplyDeletewaa fakir saxan Yusuf waa run kuwa degan somaliland ee wali taageersan somalinimo xitaa iyaba tixgelin kuma haystaaan oo way quusteen tusaale cali khaliif iyo bulshada degta sool iyo sanaag somalia hada waxaa u talisa intii koonfurta iyaga ayaaana isu arka somaliya inay tahaya
ReplyDeleteAduunyadi waxay mareysaa Heer waddamadi oo idil ay isku tagaan si ay awood u yeeshaan, Somaliweyn iyadaaba u baahan in inti kale la soo celiya balse Go'itaan qarnigaan jooga waa laga muhiimsanyahay.
ReplyDeleteWalaalaha Koonfurta waxaa laga rabaa hadii wax laga tirsanaayo in ay saxaan qaladkaas, walaalaha waquuyigana ma aha marka uu xilka ka dhamaada ama ay heli wayaan in ay hargeysa tagaan oo si calool xuma ku jirta u hadlaan, waa in ay xeeriyaan waxbadan.(walaalaha wuquuyi ku nool ha ogaadeene raga shaqada somaliweyn haayay ee markaas iyaga u imaaday in tageera ama go'itaan waquuyiye aysan rabine ay shaqadi ka soo dhamaatay, bedelkoodi ay kuwa kale jogaan oo ka soo jeeda gobalada waquuyi.
Gunaanad ,
Generalada, madaxdi hore, proffesors , iyo dhamaan inta xilka jacel yaysan jiilka danbe lumin, Soomaaliweyn waa Gobalkasta iyo degaan kasta ayaa u baahan, maxaa yeelay weynu nahay dad masaakiin ah oo carabna ay riiceysa africaana riicayaan, oo hal Qabiil ah. Somali waa wadanka halka qabiil laga helo africa, sidaas darteed waddan donaayo in la kale gooye ma jirte balse waqtiga baa la ridayaa hormarkeeni dib baa loo ridayaa.
Wixi aan qalday raali ka ahaada,
wixi aan saxayna ila qaata.
Wali kubbadu meel baydhsan bay bawda ku haysaa, anigu waxaan garan la'ahay maalinta ay Koonfuri wax xaqiiqsan doonto. Ummad dhan oo aayaheedii ka tashatay oo dhidibada u aastay dawladnimo hab dhamays tiran ayay khiyaali iyo midnimo saqiirtay kula dul wareegayaan, walaalayaal hadday inaga xumaatay inaynu noqono walaala midaysan, yaanay inaga xumaanin inaynu noqono Walaalo deris wadaaga oo xushmad iyo walaaltinimo ku wada nool. Waad ogtiinoo jujuub cidina wax kuma hesho.
ReplyDeleteThis comment has been removed by a blog administrator.
ReplyDeleteWaa fikir wanaagsan in walaalaha gobolada waqooyiga ee somaliland waxaanba kula Talin lahaay dadka koofurta somalia kadoo jeedaa in ay xilka wadanka ugu sareysa ey iyaga oo kaliya isku koobaan oo ay wax Mira dhal ah aysan ka keenin 25 sano ku wareejiyaan walaalhood woqooyi laga yaabee inay ku soo celiyaan nidaam ka wanaagsan oo ay garan la yihiin
ReplyDeleteSalaam
DeleteWalaal ma Rabaaaan ee inaka daa ha Ku wareerine
Waa fikir wanaagsan in walaalaha gobolada waqooyiga ee somaliland waxaanba kula Talin lahaay dadka koofurta somalia kadoo jeedaa in ay xilka wadanka ugu sareysa ey iyaga oo kaliya isku koobaan oo ay wax Mira dhal ah aysan ka keenin 25 sano ku wareejiyaan walaalhood woqooyi laga yaabee inay ku soo celiyaan nidaam ka wanaagsan oo ay garan la yihiin
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteYuusuf Garaad walaal waad mahadsan tahay.
ReplyDeleteSoomaalida Koonfur waxay ku maah-maahdaa "Wax la qariyo QURUN ayaa ku jiro".
Laga soo bilaabo xiligii Somalia ay madax banaanideeda ka qaadatay gumeystaha waxaa Maamulka SOMALIA ku hardamaayey beelaha HAWIYE iyo DAAROOD oo ilaa maanta hardankooda uu gaaray inay isku adeegsadaan Ethiopia iyo Kenya.
Beelaha Somaliland dego kuwooda ugu waaweyn sida ISAAQ iyo SAMAROON boos ugama bannaana Muqdishu. Haddii xalka lagu raadiyo qaabka reer Koonfur maanta adeegsanayaan ee ah la abuuro KHAATUMO iyo qashin kale oo ay moodaan in Somaliland lagu soo jiidan karo, taasi wax soconaayo ma ahan. Haddii beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante aysan dhameyn 20% dadka Somaliland, ma xal baa lagu keeni karaa in Jabhado been-been la abuuro?
Yuusuf, Ma waxaad is leedahay beelaha SOMALILAND dhinacooda ha ka soo galaano hardanka kursiga waalida noqday?
Mohamud, Waad ku mahadsan tahay jawaabta. Marka hore waa qadaf in aad erayada qaar u adeegsato maamul ay samaysteen dad kugu xuquuq ah. Marka xiga ma hubo in aad akhrisay qormadeyda, waayo su'aasha aad i weydiisay qormada ayaa ka jawaabeysa.
Deleteruntii maqaalkan wuxuu ku cadaynaya in konfur aqoon yahan iyo jahilba aay aay isku heer ka tagan yihiin laba xubnood oo barlamanka ah ayaa tv sii caad uga sheegay in somalia gumaysii ku jirtoo yusuf garaad waa kii sida ka dhidhiya laha
ReplyDeleteyusuf garaad waligii kamu hadaal in baabuurta dagaalka ee gafur culust wadatoo in dariiqyaad muqdisho ku jidhaan caruurtood dibna anaay usoo eegin lakin wuxuu ka hadlaay somaliland iyo somaliland baa sidaanaa runtii dada mark la rogaay aqoyaahankeduna iyo madaxdeedu sidaanay noqdaan
taladaydu waxaay tahay yusuf garaad iyo intaa la maankaa shaqaa indiin taal runtii ka waayn inaad somaliland hadal haysaan
Hanad, anigu marka hore hal shakhsi ayaan ahay. Mowduuc kasta oo Soomaali u dan ahna keligeey ma awoodo in aan xog ku filan ka helo, khibraddiisa lahaado, khasabna ay igu tahay in aan ka hadlo. Haddiise aan kuu soo koobo, ciidammada shisheeye joogitaankooda waxaa u sabab ah maqnaashaha Dowladnimo Soomaaliyeed oo hanqaadda Siyaad Barre ka dib. Cudurka in la daweeyo ayaana igala muhiimsan in astaamihiisa la isku dayo in la xalliyo.
Deleteanu bag kan kumaan arag inankii yara ii mustaqbalka wadanka ahaaa ee isagoo ku bad soo qabsanayaa aay togteeen ugandiskuu amaa afarti iyaagoo kubad ciyaray ay jidhaan baabuurtaa africaan ku micnahayguu hadad uu dadagtoo somaliland ka hadlkeed iyo inaad wax ka sheegtoo miyaay ka muhimsaan labada dhacdoo fosha xun
Deleteqofku maaha waxawalba ka hadle. ee waxa kuu muuqda iyo waxa u muuqdaa way kala duwan yihiin boowe, isaga ha dirine adigu ka hadal
DeleteYaab. Animiyaa ismooda kankaliya ee Yaaban!?
ReplyDeleteHadaan heli gacantayda midig inay Mida bidix QUUDIN Miyaan...............................................................................................
...................
Bal iibuuxiya Ayadoo si Caqliyaysan ah hadaad laqdabo iyo Sixun iigubuuxiso walaal ani iimaDan hadal
Wcslm
Yaab. Animiyaa ismooda kankaliya ee Yaaban!?
ReplyDeleteHadaan heli gacantayda midig inay Mida bidix QUUDIN Miyaan...............................................................................................
...................
Bal iibuuxiya Ayadoo si Caqliyaysan ah hadaad laqdabo iyo Sixun iigubuuxiso walaal ani iimaDan hadal
Wcslm
Dadka hogaanka u haya maamulka koonfurta ka dhisan uma diyaarsana inay qanciyaan waxna la qaybsadaan walaalahooda waqooyiga kaso jeda.
ReplyDeleteSida ay u liidato rajada laga qabo dawlad Somaliyed waqtiga dhaw ayay u liidata rajada laga qabo wax wada qabsi, isqancin iyo isu tanaasul dhexmara labda qaybood
Wariye yusuf garaad waa ku salaamay mid sare intaa kadib waxaan aad ula yaabay cinwaanka aad siisay qormadaada aadka u siyaasadeysan waxaan kala soo dhex baxay dhowr ujeedado oo qoraalkaag xambaarsan yahay runtii lama yaabin oo wax badan kama duwana fikirkii aan kaa qabay kaas aan sal uga dhigay intii aad haysey xilka idaacada bbc da nuxurka aan kala dhex baxay waa 1---IN AAD XILKA PRIME MINISTERKA AY MUDAN YIHIIN 2----OO AH IN AAD DOONEYSO IN FEDERALKU NOQDO MID KOONFUR IYO WAQOOYI WAANA ARIN AY KA MIDEYSAN YIHIIN MUQDISHO IYO HARGEYSA ANAGOO OG CIDA AAD ULA JEEDO SOMALILAND INKASTOO AAD ISKU DAYDEY IN AAD DABOOSHO IYO WALIBA CIDA LOO YAQAAN KOONFUR WAA FIKIR AAN QARSOONEYN IN XAMAR IYO HARGEYSA MUDO DHEER KU RIYOONAYEEN 3---WAA ARIN AAD UGU OLOLEYNEYSO NIDAAMKA 4.5 OO AAD XAMAR IYO HARGEYSA KU DHAGAN YIHIIN SIDA AAD WALIBA UGU MICNEYSEY OO AAD QIIL UGA DHIGTAY ADOO WALIBA KUWA LA SOO DOORTAY DIIDAN WAX IGU CUSUB KAMA DHEX ARKIN UJEEDKA QORAALKAAN WAA INTII LA ISKU HAYEY ILAA 1991 BAL XASUUS HADALKII JENERAL CAYDIID AUN KU YIRI ABDULLAHI YUSUF KU YIRI ABDULLAHI REER WAQOOYI LUGTEENA AYAA GAARTAY MARKA WAA IN GACANTEENU GAARTAA HADAFKA JENERAL CAYDIID BAL DIB U FIIRI MUXUU KAGA DUWAN YAHAY SALAN SARE MAR LABAAD WAXAAN RAJEYNAYAA IN SOMALIDU KUU SINAATO WAAYO NAGU FILAN WIXII LA ISLA SOO MARAY
ReplyDeleteAbdirahman, waxaan marka hore kaaga mahadcelinayaa in adiga oo aan aad u kala fikir duwan nahay, ama aan iraahdee fikrad aad u fog aad iga aamminsan tahay, in aad haddana bareerahaaga caddeysatay adiga oo si asluub leh iila hadlaya. Walaal marka hore, sax ayaad ku tahay reer Woqooyi ama reer Somaliland waan u qabaa in ay mudan yihiin Ra'iisal Wasaare iyo ka badan. Laakiin laba arrimood aan daba dhigo. Marka hore, ulama jeedo Somaliland reer keliya, umana aqaan. Waxa aan ula jeedo Somaliland waxaan ku qoray fasiraadda hoose ee qormadeyda. Tan labaad, aniga suurta gal igama aha in aan raalli ka ahaado in reer Soomaaliyeed ay laba reerood oo kale ay u tashadaan. Waxa aad tilmaameyso waa laba reerood oo aad ku sheegtay Muqdisho iyo Hargeysa, in ay reer kale u tashanayaan. Anigu raalli kama ahaanayo taas. Mana aamminsani in Soomaalinnimo ku imaaneyso in Soomaalida reer ka mid ah loo tashado ama la duudsiyo xuquuqdooda. Meesha aad igu tilmaantay in inkasta oo aan qarinayo aad i fahamtay, walaal ma jirto cid igu khasbeysa in aniga oo wax qarinaya haddana aan waxaas uga hadlo saxaafadda bulshada. Waxaa wanaagsan in aan isku aammino qowlkeenna, qofkii been sheega aan markaas lagu caddeyn karinna Ilaah lagu sii daayo. Ogow su'aal aan ku khasban ahay cidi ima weydiin oo kama aan jawaabeyn, ee aniga ayay ila noqotay in maslaxadda iyo midnimada Soomaaliyeed sida ay iigu muuqato aan fikir ku darsado. Markaa ma jirto wax aan qarinayo iyo wax aan cid u dusinayo toona.
DeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteAsc. Yusuf inad fikirkaga shegto ma xuma laakin qoladaa aad u naxayso ee muqdisho lagu ilaaliyo u malayn maayo inay talooyinkan dhag u dhigayaan. Laakin waxan ku talin lahaa wali wax badan baa iskaga xidhan labada dhinac. In loo fududeeyo reeer somaliland wixii magaca somalia kaga xidhan waa muhiim. Laakin xil magac uun ahi waxba u tarimaayo dadka reer somaliland. Xagayagana khiyaamo qaran ayuu ka yahay.
ReplyDeleteSomaliyey nabad
ReplyDeleteasc, Yuusuf Garaad, aad baad umahadsantahay fikirkaaga sharafta leh ee aad halka bulshada ugu soo bandhigtay, anigu waan kula qabaa fikirkaa, sida aan aaminsanahayna waa halka ay ka qaloocatay wadadii ama jidkii loo jeexay somalia maalmihii xuriydda dalku helay1960-kii, waxaan qabaa in tabashada reer somaliland in badan oo kamid ahi ay sax tahay, oo ay maqantahay xuquuq badan oo ay shacabkaasi leeyihiin, kuma jiro dadka qaar ee qaba marka somaliland lasoo hadal qaadaba in reer kaliya laga hadlayo, somaliland waxaan ugaranayaa anigu shanta gobal ee waqooyiga somlia dhacda ,shacabka iyo dowlada ay samaysteen oo aan lakala qaadin, waxaana aaminsanahay in dowlada somalia ay fargalinta maldahan kadayso somaliland, sida in ay taageerto koox hubaysan oo aaminsan in xoog wax lagu keeni karo ama qabiil dagan somaliland oo xurguf kala dhaxayso beel ay kasoo jeedaan raga talada somaliland markaa haya, waayo waan hubnaa wadadaa oo lamaraa natiijada aanu kasoo hoyn karno, waa in aanu aaminaa in aanu raadinayno midnimada dal iyo dad kalatagay 20sano kahore, dowlada fadaraalka ayada oo taa ka amba qaadaysa waxaa ila haboon in somaliland arimaheeda ay kala hadasho madaxweynaha somaliland iyo xukuumadiisa waana dariiqa rasmiga ah ee xalka somalia laga raadinkaro, in sidaa loowada hadlaana macnaheedu waxaa weeye in la is ixtiraamo, la is aqoonsado, la isugaraabo, lakala garqaato iyo in lafahmo danaha ummadda somaliyeed, waxaan orankaraa hadii jidkaa loo maro midnimada somalia iyo kala tageedaba in guul laga gaari karo
ReplyDeleteAscww. Mr. Garaad, aad ayaan kaaga Mahad celinayaa qormadaan xiisaha badan leh. Anigu fikrad ahaan waxaan aaminsanahay dadka Mogadishu, maanta ka taliya in uu yahay dhibka jira, waayo waad aragtaa dad ay horumarka iyo midnimida Somalia kala wayntahay xoogay ay uruursadaan oo aanay hankoodaba kujirin wax noqda ama dal hormariya ama umad isu keena. Waa nasiib daro in shacabka Somaliteed ay matalayaan dadkii Ilaahay laga nabad gali jiray dharkooda, marka aan sidaa leeyahay uuma jeedo qabiil waxaan ujeedaa waxa talada dalka gacanta kuhaya laakiin aan ahayn dad uqalma in ay masiir shacab kataliyaan. Markii ay wax walba dhameeyeen ayey hada xaasaskoodii iyo xafiisyada uuga shaqaynayey safiiro umagacaabayaan. Marka ay arka shacabka reer Somaliland, waxa sidaa wax umaamulaya ma idiinla muuqataa in ay geesi galinayso in Somalida LA midobaan mise way sii fogaanaysaa.
ReplyDeletewaxaad u malaysaa koofurta eey daashay haddii la sii wado tayda anaa iska taada kula lihi dulqaadku waa dhamaan doonaa waxaa fiican somalinimada la isla wado ina garaadow
ReplyDeleteYuusuf Garaad (Waxaa run ah in adduunku geeddi u yahay midnimo. Waxaaba la hawaysanayaa qaarad kasta in ay ku midowdo dal keliya. Waxaa lagu hawlan yahay midaynta Bariga, Galbeedka, Badhtamaha iyo Koonfurta Afrika,. Aragtidaasi ma ah mid ka maqan Somaaliland. Run ahaantiina dad iyo xukuumadba waxaa suurto gal ah, haddii la heli karo, dalku in uu la midoobo Geeska Afrika. Hase ahaatee waxaa gabaabsi ah in dib loo soo nooleeyo midnimada shanta Somaaliyeed. Maanta Djibouti waxay u taagan tahay iskeed, halka Soomalida kalena ku dhex milmeen dalalka Ethiopia iyo Kenya. Sidoo kale, waxaa dhintay oo aaskeedii laga soo dareeray in dib loo mideeyo labadii dale ee Somaaliland iyo Somaaliya.
ReplyDeleteOgow dabayshu gebi ahaanba midnimo u ma dhacayso. Tan iyo intii uu soo afjarmay Dagaalkii Qaboobaa waxaa dunida ku soo kordhay dalal faro badan oo si nabad ah uga dhashay burburkii Midowga Soofiyati. Dhiig badan oo ku daatay dalweynahii Yugoslavia isagana waxaa ka soo biqlay dhowr dal sida Slovenia, Croatia, Bosnia Herzegovina iyo Macedonia. Qaaradda Aasiya iyana waxaa ku soo biiray dal cusub oo loogu wanqalay East Timor. Afrika iyaduna kuma qadin taranka dalalka oo waxaa laga xalaaleeyay dalalka Saxaaraha Galbeed, Eriteria iyo Koonfurta Suudaan.
Haddaba, dhan kasta oo la iska taago, shaki kuma jiro qadiyadda Somaaliland in ay mudan tahay garwsho. Hase ahaatee, waxaa ka sokeeya xukuumadda ka arrimisa Somaaliya in lagu soo dhisay, laguna qotomiyay Dastuur qeexaya in Midnimada Somaaliya tahay Muqadis (wax ka soo degay xagga Eebbe). Sidoo kale, xukuumadda Somaaliland waxaa horyaalla Dastuur isaguna (Muqadis) ka dhigaya Gooni_Isu-Taagga. Waxaa u sii dheer Madaxweyne aan ku iman doorashada labo boqol balse lagu soo doortay codka 500,000. Waxaa qalin iyo xisaab la sugaya labo gole xeerdejin oo mudoo 20 sannadood ah u taagnaa iyagana lagu soo doortay Qadiyadda Somaaliland. Waxaa ka danbeeya saxaafad aan xadhig iyo xabbad midna ka baqayn oo ku soo caano maashay sheegista runta iyo wax dheerba.
This comment has been removed by the author.
ReplyDelete, Yuusuf Garaad, aad baad umahadsantahay fikirkaaga sharafta leh ee aad halka bulshada ugu soo bandhigtay, anigu waan kula qabaa fikirkaa, sida aan aaminsanahayna waxaan ila haboon Bulshadu iney uga Fakerto si Caafimaad iyo samaani ku jirto si loo arko wixii naga qaldama ama saxan oo xumaanta iyo wax qaloocintu waa waxa halkaas na dhigay oo asageen iyo Dunidii naga reebay .
ReplyDeleteQof walba Illah ayaa daalacanaya Quluubtiisa ,wax San Sheeg noqo intaad wax xun sheeg noqon lahayd Aakhiro iyo Aduun kala Badane
Waad salaaman tahay mudane yuusuf garaad cumar.
ReplyDeletekala kaxaynta iyo isu keenida labadaas gobol ee soomaaliyeed cid si gaar ah uga masuul ahi ma jirto ee waa hadba sida dan loo arko ee la isla ogolaado labada dhinacba. waxa aan filayaa qofna in aanu ogolaadeen in abbaan looga ahaado qarankiisa, hadii aad adigu reer koonfurka u aqoonsan tahay in ay midida daabkeeda hayaan oo cda ay doonaan soo dhawaysan karaan cidii ay doonaana eryi karaan, waxa aan arkayaa in qalooc wayni ku jiro qaranka aad doonayso.
sida aad adigu xalkaaga iyo kaygaba u aragto ilaa aan kula qaato qorshe uma samaysan kartid adiga kugu gaar ah.
Mahadsanid.
Same, warka aad sheegtay waa sax. Doodna kama qabo, marka laga reebo inta aad qiyaastay waxa ay ila tahay. Walaal labada Gobol iyagaa midoobay iyaga ayayna ka go'daa in ay ku socdaan midnimadii, ay wax ka beddelaan ama ay ku kala tagaan. Mid gooni uga mas'uul ah midda kalena ma jirto. Laakiin, Dowladnimadii aan ku midownay wey burburtay. Soomaaliland iyada ayaa keligeed gooni isu taagtay. Wadahadalkii wuu socdaa haba iska dhutiyee. Anigu marka go'aanka kama dambeysta ah kama hadal oo waxaan u daayay Madaxda labada dhinac. Laakiin dhinaca aan anigu joogo, ee Dowladnimada labada Gobol sheeganaya, caalamkuna uu u aqoonsan yahay, ayaan tilmaamay galdaloollo iiga muuqda in aanay qaban dadka reer Woqooyi ee ama aqoonsan midnimada, ama aan siyaasadba ku jirin sida ardayga raadinaya fursad waxbarasho ama shaqo.
Deletewaad ku mahadsan tahay yuusuf jawaabta cad ee aad is waydiintayda ka bixisay.
Deletecida aad danaynayso in aad aragtidaada siyaasadeed ku sabto, tab iyo xeelad walbana u adeegsato soo xero galintiisa waad ku saxan tahay. waxa se in badan isu kay qaban waayay, ilayn sida qoraxda ayay u cadahay heerka ay labada dhinac kala joogaane, maxaa looga baahan yahay in la isu af gobaadsado ee runta loo abbaari la' yahay? iyo ujeedada isku adkaynta laga leeyahay. iyada oo aan laga tagayn danta dhinac waliba dhinaca kale ka leeyahay in is duridda iyo jaafaajiriqa laga gudbo oo runta loo guuraa, waxa ay ila tahay in afgarasho ku iman kari lahayd.
yuusuf garaad aad baad ugu mahadsantahay fikirkaaga iyo sida aad u jeceshahay inaad fekerkaaga aad ula wadaagtid dadka soomaaliyeed...marar badan ayaan akhristey maqaalo aad soo qortey laakiin maanta waa maalintii iigu horeysey ee aan ka jawaabo..soomaalidu waxay ku maahmaahdaa findhiculku ma xaaraan baa mise waa xallaal, xusitaankiisa ayaaba xun..aniga fikredeyda gaarka ah waa khalad maanta in dad soomaaliyeed ay isku hawlaan ama wakhtigood ku lumiyaan amaba isku barbardhig ku sameeyaan somalia iyo somaliland. waxaan markasta naftayda weydii waayo bay dadka soomaaliyeed iyadoo waxyaalo badan oo wanaag ahi ka dhaxeeyo ay isula soo hormaraan 10% ay ku kala duwan yihiin. dadka soomaaliyeed siyaasad ayaa lagu kala gedisan yahay lakiin waxyaalo badan oo wanag ah ayaa ka dhexeeya, dhibaatooyin oo badan oo ka dhaxeeyaana way jiraan.waxay aniga ila tahay inta la iska dhaafo waxa lagu kala aragti duwan yahay in laga wada hadlo waxa la isku raacsan yahay, oo ay ugu horeyso in wadanka soomaaliya laga saaro ciidamada ajaanibka ah ee maalin kasta shacabka aan waxba galabsan si toos ah iyo si aan toos ahaynba u laynaayo. in laga fekero dadka soomaaliyeed ee wadamda jaarka iyo xeryahay qaxootiga sidii ay dalkooda uga soo noqon lahaayeen. arimahaasi waa arimo u baahan in qofkasta oo soomaali ahi ka fekero. waxaabad moodaa beryahan danbe inaanay dadku dareenba aanay alahayn oo iyaga uun la isku jeediyey. waxaan qabaa waa caqli xumo in iyadoo wadankaagii berri iyo badba la guranaayo oo wax laguu dhaafey aanu jirin inaad ku mashquusho maamul hebel iyo maamul hebel. waa i lagu farxaa oo ay noqotaa horumar qof kasta oo soomaali ah oo ku guuleysta inuu meesha uu degen yahay ku soo dabaalo horumar iyo badhaadhe. marka la helo dhul aan dagaal ka jirin oo xasiloon, cida kala goaysa iyo cida wada joogeysa waa mid u taala shacabka soomaaliyeed. arinta somaliya iyo somaliland, shacabka somaliland iyo dawladiisu waxay ku guuleysteen inay xasilooni iyo nabad ku soo dabaalaan dhulkooda oo ay ka hirgeliyaan in muwaadinku wax dooran karo lana dooran karo. walaalaha soomaaliya waa in ay ku dadaalaan inay heerkaa gaadhaan,oo tusaan siyaasiyiintooda inay wax dooran karaan.( meelo badan oo soomaaliya ah ayey ka jirtaa nabadi, laakiin weli kama hirgelin hal qof iyo hal cod). marka soomaaliyana sidaas oo kale laga hirgeliyo ayaa loo gudbi karaa wada hadal, waanan hubaa in waxuun lagu heshiin karo, laakiin hadeer waxay noqon ku jiid aan ku jiido waa gacmo daalis. Walow, ay kala siyaasad duwan yihiin misana waxaan cadaynayaa inaan dadka soomaaliyeed aanay ka dhaxayn cadaawad, taasina waxay ku cadahay qofka soomaaliga maanta inuu ku nool yahay ama degen yahay meel kasta oo dhacda dhulkii la isku odhan jirey soomaaliya, kana shaqaysan karo. intaasaan kusoo koobayaa fekerkeyga ii gaarka ah. raaligelin ayaan ka bixinayaa hadii qof soomaali ah dhibsado fekerkayga , ka igu raacsana waan soo dhoweynayaa. ilaahay umadda soomaaliyeed ha tuso wanaaga , dhulkoodana ha u barwaaqeeyo, khilaafka ragaadiyeyna ha ka dhex saaro.
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
DeleteSaeed Ali, Sxb waad ku mahadsan tahay jawaabta aad bixisay. Waan kula qabaa in la soo hormariyo waxa la wadaago iyo waxa la isku waafaqsan yahay inta aan laga hadal waxa la isku khilaafsan yahay uun waa talo wanaagsan. Haddiise aad qormadeyda dhuuxdo labada midna kuma saabsana. Anigu kama waxaan la hadlay oo keliya, Madaxda iyo siyaasiyiinta kale ee Muqdisho. Mowduuca ayaa ah Somaliland, laakiin waxa aan ka hadlayaa waa Dowladda iyo Siyaasiyiinta Soomaaliya.
Deletemaqaalka sare waxaaqorey anigoo ah Saeed Ali
ReplyDeletemaqaalka sare waxaaqorey anigoo ah Saeed Ali
ReplyDeleteKoonfur General Gabre markay iska xoreyso oo ciidan qaran oo qabiil ka hufan yeelato ayey dowlad noqonaysaa.. Hadda waa maxmiyad Ethiopia iyo Kenya kala qeybsadeen oo federal qabiil loo kala googooyay..
ReplyDeletewaa qodob aad u muhiim ah Garaad, waana kuugu taageersanahay arintaas ah in dadka midnimadu ka go'antahay la taageero . laakiin ma ogtahay in Somaliland lafteeda ay dadku u arkaan inay bixiso Xilal qaawan oo weliba Hooseeya miyaad aragtay weli xilalka culculus oo loo dhiibayo beelaha hartiga khaas ahaan dhulbahante. waa maya jawaabtu tan labaadna waxay samaysay in qofku hayn karo xil laakiin aanu awood u lahayn inuu xilkiisa shaqadiisa qaban karo waxaa shadaas qabtaa waa ku xigeenkiisa oo awooda lasiiyo maadaama aan la ogolayn in khayraadka la qaybsado, haday ahaan lahayd meelkasta oo waxtar leh , shakhsiga xilka hayaana waa mushahari oo reerka keliya buu ka biishaa ee uma leh xaq inuu maamulo shaqada,
ReplyDeletewaad salaamantihiin dhamaantiin
ReplyDeletewll yuusuf kala go.a koonfur iyo waqooyi waa mid sabab kutimi loona baahanyahay in lafahmo, iimana muuqato in ay fahamsanyihiin illaa hadda madaxda koonfureed, waayo waxa keliyoo dareemi kara ninkii kunoolaa waqooyi.
hadalada ay ku hadlaan madaxda somaliana maaha mid wax hagaajinaysa inay sii kala fogayso maahaane, koonfurina ma ogola wax waxlaqaybsada waxaana caddayn u ah in kuwii illaa sagaashankii joogay xamar ay maanta kasoo huleelaan,
lkn hadaan suaal ku waydiiyo yuusuf inbadan waxaad tahay xoogagaal ,suxufina waad tahay aanay waxba kaqarsoonayn adoo sidaacada uga jawaabaya suaasha makula tahay in ay suurto galtahay midnimo dhexmarta marlabaad koonfur iyo waqooyi??????
Boowe thanks suaasha Yusuf wuu ka aamusee
Deletesoomaaliya waa basal la fiiqay markasta gal cusub baa soo baxaya boowe, hadii muqdisho iyo hargasa la mideeyo yaa mideynaya garoowe iyo hargaysa, yaase mideynaya laascaano iyo garoowe, ama laascaano iyo hargaysa, waad og tahay in soomaaliya kala jajabtay oo dowladii lawaayey laga cabayey. hadaba maanta somaliland waxay ku sii socotaa wadadii burburka , waxaa aduunka ugu neceb qofka kasoo jeeda laascaanood buuhoodle badhan ceerigaabo , hadaba ma midnimada isaaqa iyo dhulbahantaha baa ka horysa ta soomaalida kale? mise tan hargaysa iyo xamar?mise tan dhulbahante iyo majeerteen? kagudub taas
waxaan hubaa in maanta ninka dhulbahante ee jooga laascaanood buuhoodle ama ceerigaabo uu kaga kalsooni badnaan lahaa gumaysiga isaaq mid Engiriis xukumo ama Itoobiya xukunto, waayo? Gumaystaha banaanka ka yimaada wuxuu leeyahay dan keliya oo ah inuu khayraadkaag iyo dadkaaga xukumo adna aad noolaato oo aad u shaqayso isaga raacdo fekerkiisa IWM. dhinaca kale Gumaysiga isaaqu wuxuu leeyahay laba danood , mid uu u fulinaayo dowlado kale oo isaga uu ka amar qaato, iyo mid uu isagu gaar u wato oo ah inuu ku kaa raro dhulka kuna nabaad guuriyo, yuusufow marnaas sidee loo kala xoroobaa baa laga hadlaaye sidee laysu sii gumaystaa waqtiga hadhay maaha arintu. si toos ah waxaan u wada hoos tegi doonaa mid kamida dowladaha deriska ama waxaan ku noqon doonaa gumaysiigii wanaagsanaa ee reer YURUB ee aynu fahmi wayney inay danteenu ku jirtey. marnaba ma soconayso soomaali gumaysata soomaali kale iyo isaaq gumaysta dhulbahante midina ma soconkarto waqti intaa hada lagu jiray ka badan???
Aniga waxay ila tahay qoraalkani waxa uu xambaarsanyahay micne fog oo la xidhiidha sida ay Somalidu isu colaadiso ee waliba siyaasaddooduna ay ku salaysantahay! Waa tudhid la'aan iyo waliba xanaf ku dilid leh ficil, hadal iyo isdiidsiinba. Waxaase wax naxdin iyo warwar kugu sii beeraya markaad yaqiinsato/ogaato in taasi aanay ka jirin kaliya Xamar/Koonfur laakinse ay ka jirto mamul kasta, gobol kasta iyo dagmo kasta!! Dadkalaan sugaynaa!!
ReplyDeletesomalida ayaa tidhaa, taariikhdu ma dhimato, taariikhdu been ma sheegto, taariikhdu iyadaa is qorta
ReplyDeletewaxaan uga jeedaa anigu waxaan garaadsaday oo aan qaan gaadhay 1995 wadankuba wuu kala "maqnaa" waxaan ku barbaaray jawi degan, nabada, horumar jiro inta uu doono ha noqdo e waliba waqbarasho ayaan helay, waxaan ahaay oo aan ahaa oo aan ahaan doonaa hadii ALLAH idomo sida geed ku baxay biyo saafi ah
waxaan aan doonayaa mawduucan in aan wax ka idhaahdo marka loo noqdo taariikhda duuga ah ee 1960 waxaa mideeyey koonfur iyo waqooyi hal aragti oo ah in la helo shan(50) somaliyeed oo xor ah dabadeedan la midoobo, taasi manooshahay mise way dhimatay tolow?!!!
hadaba waxaan hubaa inta maanta talisaa joogi mayso labada dhinacba, oo waxaa iska dhamaan ajashooda, waxaa soo socda dad aniga oo kale ah labada dhinacba gaar ahaan somaliland dad aad u cabsan oo aan arag barwaaqada taal jamaame, jilib, afgooye iyo jawhar toona, ee ku kalsoon beeyada sanaag, beeraha wajaale iyo gabilay, kaluunka ku jira bada 1800 km ah ee somaliland oo aan dan kalahayn kuwaa hore, waxaan aamin sanahay in aan waxaa wanaag ah ee aan kor ku xusay ee aan aaminsanahay uga tanaasuli karo hadii la keeno aragtidii 1960s kii la aaminsanaa, hadii la helayo shan somaliyeed oo madaxbanaan oo la isu keenayo diyaar ayaan u ahay in aan ka tanasulo somaliland, hadii aan helayo khariirada somali oo ka duwan tan maanta waa 7 oo kale e oo ka bilaabanta jabuuti xadkeeda shishe kuna dhamata inta somali taaganyahay ilaa kenya, ALLAH quruxbadanaa oo midaysan oo hal dawlad ah walahi suma walahi waan dhigayaa somaliland intaas inta aan la hayn ha iga filan aniga iyo somaliland midna in aan halkaa soo hosomaro, waliba waxaan jeclaa in koonfuri wataa tahli wayday waxay ku riyoonaysaye si la isu cafiyo ay ugu horayso wadan citiraafa somaliland oo ay ku dhawaaqdo anagana waxaan rajaynayaa in aanu 50% ilaawi doono hirigtay namariyeen iyo waxyeelo kasta oo naga soo gaadhay calanka buluuga ah ee dhiiga badan nagaqaba.
Aniga waxay ila tahay hadii la rabo in lasoo celiyo midnimadii luntay, daacadna laga yahay arrintaas, xilalka u sarreeya dawlada haloo dhiibo cid aan labada beelood ee waligoodba talada dalka soo haynayay aan ahayn. Soomaaliya soomaali oo dhan baa leh ............
ReplyDeleteAnigu waxba kama fahmin!! No Comment.. just kidding!!
ReplyDeleteRuntii waa qoraal iyo arrin fikirkeeda siyaasadeed leh oo looga doodi karo taxxadar xumada Siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya kaga aaddan siyaasiyiinta waqooyiga Soomaaliya ee Midnnimida ku dad iyo duunyaba waayay!!
asc yusuf, anigu shaqsi ahaan waxan ahy qof jacal nabada Somalia iyo Somaliland ba labdi wadan ii ku midoow union of 1960. kadib waxan raiygu kuso kobi laha, ha la qabato referendum o ka dhan ah British Somaliland si lo ogaado shabac degan J.Somaliland argtiuda hadey jacalad wadan cusub noqda wa walaltino hadey kuso noqdaan Somaliweyn na wa weclome. Lkn isjiid jidde iyo riyo ku nool cidna uma fcna anigu waxan ku talinaya waliba siyassinta reer koonfor ha ka deganina shababka iyo dowalada Somaliland ka jirta cadow wayo aduunka ma aha malin , taqriindana wa la qori, hadey dahaco Somaliland oo la aqoonsado (imika ah defacto State Sovereignty) waxan ka xuman laha moqdisho oo noqonin dalalka ugu horeya ii aqoosanda Somaliland. waxakasta wa malin lkn ruunta anigu waxan jacalhy in dadka niyada fcn ee qalba wacan in ey is caweyaan. ruunti hadan eego Dowlada ka jira Somaliland , waxey ila tahey malin uun ba la aqoonsan,. kalmada koonfruta lasoobdna wey xausan dooanan 4 million ee degata Somaliland. marka walalayaal aan isu tanasuulno entey goori goortay wayo addunka maha ha ayaam uun. ummada somali melaakasto joogta, wa ig sallam sare iyo asc wr brkta.
ReplyDelete