Xabsiga Dhexe ee Xamar - 29 Okt 2015 |
Waxaan ku soo wareegnay qolal ay maxaabbiistu is kor tuban yihiin.
Waxaan tagnay qeyb loo yaqaan qamta oo qolalku ay ka yaryar yihiin qeybaha
kale. Qeyb kale waa Piemonte iyo qeybta haweenka. Piemonte waa Gobolka caasimaddiisu ay tahay Torino ee dalka Talyaaniga. Ma aqaan sababta magacaas loo siiyay.
Waxaa xabsiga ku jira dad ay tiradoodu kor u dhaaftay 1200 oo
maxbuus oo isugu jira dad ay Maxkamadi xukuntay iyo dad aan weli la soo taagin
maxkamad.
Dadka xukuman waxaa ka mid ah qaar dil ku xukuman.
Qaarkood way ka qeylinayeen codkoodana si sax ah looma kala saari
karin, laakiin waxaan maqlayay mid ku qeylinaya shan bilood ayaan xirnaa iyo mid
leh saddex sano ayaan xiran ahay ee maxaan bi’iyay?
Bal qiyaas in xabsi lagu dhigo adiga oo Maxkamad kugu xukuntay aanay jirin.
Maxaabbiista aan maanta soo arkay waxay isugu jiraan haween, carruur
aan qaan gaar ahayn iyo rag u badan dhallinyaro. Carruurta iyo dadka waaweyni
ma kala soocna.
Sidoo kale, ma kala soocna nooca dembiyada ama tuhunka ay u xiran yihiin dadku. Si kale haddii aan u dhigo, dad iyagu ka tirsan kooxo isu cadow ah marka ay bannaanka joogaan, ayaa laga yaabaa in ay hal meel ku wada xiran yihiin.
Sidoo kale, ma kala soocna nooca dembiyada ama tuhunka ay u xiran yihiin dadku. Si kale haddii aan u dhigo, dad iyagu ka tirsan kooxo isu cadow ah marka ay bannaanka joogaan, ayaa laga yaabaa in ay hal meel ku wada xiran yihiin.
Xabsiga waxaa loogu tala galay ugu badnaan 400 oo Maxbuus. Laakiin
hadda waxaa ku jira saddex-laab tiradaas. Meeshii loogu talo galay in hal qof
lagu xiro, waxaa ku jira 4 ruux. Sidaa darteed waxaa aad ugu adag jiifka oo
aanay haysan dhul ugu filan in qof waliba uu dhabanka dhigo. Sidaa darteed
waxay iska sugaan hurdada oo marba in ayaa seexata inta kalena way taagtaagan
yihiin oo waxay kuwa hurda ka sugayaan meeshii ay dhinaca dhigi l;ahaayeen. Waxaan soo xusuustay xabsiga Kigali oo aan booqday 1995 gumaadkii dalka
Rwanda ka dhacay bilo yar ka dib. Xaaladda Xabsiyada Rwanda waxay berigaas ahaayeen kuwo caalamka oo dhami uu ka hadlay.
Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, waa xabsi uu dhistay gumeyste.
Waa meel aan dhir badan lahayn. Qorraxdu ay aad u kulushahay. Qolalka ay
maxaabbiistu ku xiran yihiin oo iska soo horjeedana inta u dhexeysaa ay tahay
sibir. Deyraddu dusha ayay ka bannaan tahay oo qorraxda sibirka ku dhacda ayaa dib kuugu soo laabaneysa oo saameyneysa neeftaada. Waa xataa haddii aad dibadda taagan tahay.
Bannaanka ayaan joogi kari la’ayn kuleyl dartiis. Qaar badan oo naga
mid ah shaararka ayaa ku qoyay dhidid awgiis. Ma qiyaasi karo inta uu le’eg
yahay kuleylka haya 40 ruux oo ku jira qol loogu talo galay 10 ruux. Hawada keliya ee ay haystaan waa midda ka soo
dhex dusta biraha isu dhow dhow ee sida ulo u teedsan ee ay ka sameysan yihiin dariishadda
iyo albaabka oo quful weyni saaran yahay.
Waxaan booqannay jikada iyo qeybta caafimaadka xabsiga.
Waxa aan la yaabay arrin uu Xeer Ilaaliyuhu ii sheegay. Waa in ay
jiraan dad uu waalidkood soo xiray. Taas oo waafaqsan, ayuu yiri, sharciga dalka.
Waxaan qiyaasay in waalidkaasi uu yahay mid aan ka warqabin xaaladda xabsigu uu
ku sugan yahay. Marka labaadna ma garanayo sababta uu sharcigu u fasaxayo in
qof qaangaar ah oo isagu hadduu doono waalid ah haddana xabsi la dhigo damaca isaga waalidkiis awgii.
Rajo
Markii uu dhex wareegga xabsigu noo dhammaaday, waxaan Xafiiskiisa ugu
tegey Taliyaha Ciidanka Asluubta, Sarreeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac. Inkasta
oo uu qiran yahay dhibaatada xabsiga ka jirta haddana wuxuu ii sheegay waxyaabo
dhowr ah oo uu rajo ka qabo.
Wuxuu ii sheegay in sariiro is dul saaran ay u soo socdaan Xabsiga,
kuwaas oo suurta gelin doono jiif sidaan ka wanaagsan. Sariiruhu maaddaama ay
is dul saran yihiin waxaa rajo laga qabaa in ay soo haraan qolal bannaan oo
waxbarashada maxaabbiista loo adeegsan doono. Bisha Febraayo ee sannadka 2016 ayaa noo asteysan, ayuu yiri.
Waxaa la hirgeliyay biyo gelin
musqulaha qubeyska. Ceel ayaa loo qodi doonaa xabsiga.
Qeybta Piemonte waa la dayactiray oo anigaaba indhahayga ku soo
arkay. Waxaan arkay qeyb kale oo la dhisay oo loogu talo galay in tababbar
xirfadeed lagu siiyo maxaabbiista. Waxaan arkay baabuurta shabaqlaha ah ee
maxaabbiista lagu qaado oo laba ah oo la diyaariyay maaddaama dhibka Maxkamadda
daaheysa ay qeyb ahaan u sabab tahay in aan la hayn gaadiid ku habboon in
Maxbuuska lagu geeyo Maxkamad. Waxaa kale oo la i tusay xafiis Xabsiga ku dhex
yaalla oo Maxkamad ahaan loo adeegsado mararka qaar.
Mashaariicdaas oo isugu jira qaar la fuliyay iyo qaar soo socda,
waxaa ku deeqay ganacsato iyo hey’ado samafal oo Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo i dhiirri geliyay in dhowr ka mid ah maxaabbiista loo oggolaaday in Madaxweynaha ICRC, Peter Maurer, ay keligood la kulmaan maanta iyada oo aan askari iyo cid kale la joogin.
Waxaan jecleystay sida Maxaabbiista codsigooda loo tixgelinayay maanta, haddaysan ahayn show xilligaas ku eg. Maxaabbiistu waxay ku qeyliyeen war naga daaya kaamerada, markii ay weriyayaashii damceen in ay sawirtaan video-na ay ka duubaan maxaabbiista. Markiiba saraakiisha ciidanka oo uu Taliyuhu ka mid ahaa ayaa iyaguna ku dhawaaqay war ka daaya.
Dabcan maxbuusku in uu yahay qof ciqaab looga aargoosanayo iyo in uu yahay qof xuquuqdiisa la dhowrayo, lana toosinayo waxay saameyn ku leedahay bulshada berri lagu soo dhex deyn doono.
Dabcan maxbuusku in uu yahay qof ciqaab looga aargoosanayo iyo in uu yahay qof xuquuqdiisa la dhowrayo, lana toosinayo waxay saameyn ku leedahay bulshada berri lagu soo dhex deyn doono.
Waxaan u mahadcelinayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta, Sarreeye Gaas
Bashiir Maxamed Jaamac, oo mar aan usbuucan horraantiisii kala hadlay ra’yi aniga
igu dhashay oo Maxaabbiista waxtari kara, igu martiqaaday booqashada Xabsiga,
iyo Xeer Ilaaliyaha Guud, Axmed Cali Daahir, oo si wanaagsan ii soo dhoweeyay
xog bandanna i siiyay. Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa Taliyaha Xabsiga
Dhexe iyo saraakiisha kale ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay qormada. Fadlan aragtidaada ku reeb isla boggan.
ReplyDeleteaad ayaad umahadsantahay Yusuf Garad xogtaan aad waqtigaga galisay wa mid ay bulshadu u omaned.
DeleteArintaa aadka murugada igu reebtay waa caruurta aan qaangaarka ahyn ama hada soo qaan gaaray ee qolka kula jira kuwaa wa wayn qolkuna cariirigan ba, ani ka jiro yaa damaand qaadaya amaanka caruurtas dhicankasta ha noqote haba ugu darnaate kufsiga lo gaysanyo dowladusa maku baarugsantahy arinkaas Yuusuf Garaad. Waxa ila wanaagsan in barnaamij laga qabto idaacaha dal iyo dibadna lacag logu aruuriyo si xaldan adag oo qafiifiyo waayo waa caruurteni wa dadkeni waxu dhibka haysta inagay tahy inaan is gargaarno oo cid shisheeye wax ka sugin. Taldayda. Aadbanuga calool xumaaday maqaal kan. Mahdsanid in badan.
Deleteaad iyo aad ayaad umahadsantahay mudane yusuf garaad run ahaantii waa wax laga noxo qol loogu talagalay 10 qof inay ku jirto 40 balse umada somaliyed waxan ushegayaa inusan isbadalka halmar imaan balse noloshaan laga bixi doono sanadaha soo aadan haduu Alle idmo sababta aan taa uleeyahayna waa dhalinta somaliyeed oo waxbarashada uhogaansamey dal iyo dibadba isbadalkana gacantooduu ku jiraa insha Allah markale mahadsanid mr Yusuf
DeleteYuusufow mais leedahay baahida aadka u baaxada wayn ayadoo umad kale waxba looga baahneyn reer muqdisho kaliya inay inta wax iska doo aruuriyaan baahidaas oo dhan iska xallin kara dad arintaas u koco mala waayay waad aragtaa tv yada soomaalida maalin lacago sadaqo aa la aruuriyaa oo masaajido malaayiin dollar joogo lagu dhisaayo miyaanan arintaan dad u kaco maxaa loo waayay
ReplyDeleteAragtideyda, reer Muqdisho ma xallin karaan baahida Qaranka oo dhan. Laakiin inta ay si wanaagsan u xalliyaan dhibaatada Muqdisho taalla ee aan yareyn, ayay weliba gacan wanaagsan ka geysan karaan midda degaannada kale. Laakiin taasi hadda iima muuqato. Mararka qaarna inkasta oo aan arko dad reer Muqdisho ah oo wax fiican qabanaya, haddana waxaan arkaa qaar kale oo dhib abuuraya ama dhib abuuran uga sii daraya.
DeleteCiidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa uu ubaahan yahay in dib u eegid qoto dheer lagu sameeyo iyadda oo laga duulayo in maxaabistu ay yihiin Bi'aadam khald ka dhacay bulshaduna uu baahantay in uu dib ugu soo noqdo isaga oo muwaadin sharciga raacaya ah.
DeleteCiidan aqooni hagto hadaf iyo himilana leh ayay ila tahay in uu xal u noqon karo dhibka aad Yusuf ka sheekeysay...
Waan hubaa 2025 in xabsiga dhexe iyo guud ahaan dalku uu maanta ka wanaagsanaan doono.
ReplyDeleteGeelu laba jirka waa soo wada maray.
Dhaliilaha u jeedada ka dambaysaa ha ahaato in wax la dhiso.
Hal sawir ayaa kafiican kun eray, inkasta oo ay kuqeeylinayeen "kamerada nagadaaya"waxa ay u aheeyd fursad dadka somaliyed ku arkaan dhibka haysta,waxan kaxumahay in warbixin noocaan Oo kale ah,uunan lasocon wax muuqaal ah.
ReplyDeletewaad mahadsan tahay lkn waxaan tabayaa wax mar walba dhagahayga ku soo noq noq da inkasto aadan sheegin wax maxabiis ah oo aad lahadashay hadana waxaan mar walba maqlaa in maxaabiista xabsiga dhexe koranto lagu dhajiyo oo danbiyo aysan lahayn ay dusha saartaa marka yuusufow majirtaa cid aad arintaa wax ka way diisay oo kuu sheegtay wax xog ah oo ku aadan ?
ReplyDeleteWaa Mahadsantahay xogtaan xasaasiga aad nala wadaagtay, waxanse ka naxay caruurta xabsiga ku jirto iyo cariiriga xabsiga ka jiro ayadoo iyo maxabistii oo aan maxkamad lageyn qof maxbuska waxay rajadisa ku xirantahay in maxkamad la geeyo lana xukumo sida sharciga in la iska haayo qof goob cafimaad ahaan aan wanagsaneen asago xor aan ahyn way dhib badan tahay, waxaase rajo igaliyay wax qabadka yar ee taba rucaada ganacsatada iyo Hay'adaha soomaaliyeed waxase rajayna in xogtaan aad la wadagi doontaan madaxda umadan u dhartay.
ReplyDeleteMudane Yusuf Garaad, aad iyo aad baad ogu mahadsantahay sida wanaagsan ee maxbuusta warbixinta noogu soo bandhigtay, run ahaantii qofkasta oo muwaadin ah waa in laga war hayaa xabsi ama bannaan meelkasta oo uu joogaba.
ReplyDelete1-warbixintaaan aad soo qortay xukumada ayaa laga donayaa in ay xisaabta ku darsata oo ay xabsigia balaariyaan.
2-Warbixintaan waxaa kale oo ladoonayaa xukumada in ay ka faaideysata in shaqsiga èedeysanaha ah in ka badan 48saac in aanan lagu haynin xabsiga asaga oo aan maxkamad aysan xukumin,
3-caruurta yaryarka ah waxay leeyihiin xaquuq gooni ah sidaas darteed ma aha in xabsiga dhexe la geeye oo lala xiro shaqsi dilkeystay ama danbi weyn.
FG: waalidka ma aha in laga yeela in caruurta yaryarka ah ay ku soo xiraan xabsiga weyn ee maxabuusta. Waa in meelkale lagu xanaaneeye.
Wixi aan qalday raali ka ahaada.
Mahadsanidin
Warbixin qiima badan. Waxaa iiga soo baxday in ihmaal ana dayacnaan badani jirto. Una malayn maayo in dhaqaala xumi keentay. Waxaan aaminsanahay haddii shacabka fursad loo siiyo loona soo bandhigo documentary ku saabsan mucaanaatka xabsiga in aanu dayac tiri karno. Balse ay muuqato in aan dani laga lagayn. Xittaa nidaamka caadiga ah ee kala soocidda dambiyada, csruurta, haweenka iyo dadka xanuunsanaya oo u baahan nidaamin aanan la doonayn in wax laga qabto. Allah ayaa u maqan.
ReplyDeleteThanks yusuf
DeleteAhmed hashi
ReplyDeleteQofka Somaliga ah ee mutaham ka ah ku xadgudubkiisa waxa uu kasoo bilowdaa marka laqabanayo ilaa halka aad kusoo aragtay. Cida ku xadgudubtana kalia maaha ciidama qaranka ee amaanka kaliya ee waxay isugu jiraan qaybo badan oo bulshada ah. Waxaa aad iiga caraysiiya markii aan Tv yada kadaawado wiil 20 jirah oo Somaliyeed oo inta tarjiinkagurigiisa loogu tagay ayadoon wax warrent qabasho la haysan lasoo raafo oo indhaha laga duubo feerahana laga qaawiyo caalamka laga daawado sidii dhurwaa cadow dabin ugaly.Yusufow haadaain in haalkaaga ilaahay cid wax kutaraa a arkaa una sheeg kuwa sxbadaa ah ee saxaafada iyagaa inay xuquuqda shaqsiga waxa wax u dhimaya ka fogaadaan.
Ahmed hashi
ReplyDeleteQofka Somaliga ah ee mutaham ka ah ku xadgudubkiisa waxa uu kasoo bilowdaa marka laqabanayo ilaa halka aad kusoo aragtay. Cida ku xadgudubtana kalia maaha ciidama qaranka ee amaanka kaliya ee waxay isugu jiraan qaybo badan oo bulshada ah. Waxaa aad iiga caraysiiya markii aan Tv yada kadaawado wiil 20 jirah oo Somaliyeed oo inta tarjiinkagurigiisa loogu tagay ayadoon wax warrent qabasho la haysan lasoo raafo oo indhaha laga duubo feerahana laga qaawiyo caalamka laga daawado sidii dhurwaa cadow dabin ugaly.Yusufow haadaain in haalkaaga ilaahay cid wax kutaraa a arkaa una sheeg kuwa sxbadaa ah ee saxaafada iyagaa inay xuquuqda shaqsiga waxa wax u dhimaya ka fogaadaan.
Waad ku mahadsantahay warbixintaada. laakiin maxaad ugu jawaabcelinaysaa qaylada maxaabiistaad maqlaysa? Muuqaaladii foosha xumaa ee aad kusoo aragtay?. Tankale maxaad tallobixin siisay mamulkii?
ReplyDeleteAsc walaal waad kumahadsantahay inaad soo booqato xabsiga dhaxe ee Soomaalia dhamaan dhibaatada aad sheegtay waa jirtaa sida aan maqlay arinta kale ee huru marka ah ee aad sheegtay waa in lagu farxaa 2- sheey waxeey qaas u uyahiin bulshada aan kadhalanay dhaqankeeda iyo diinteeda inta kalena waxaa nala qabo dowladaha aduunka kajiro oo dhan intaan Ka aheyn kuwa reer galbeedka 2-da qaaska noo ah waa diinteenu sida aay qabto qofku waxuu kuqaan gaaraa 15 sano balse una maleyn maayo qof kayari xabsigaa ku xiranyahay tan 2 aadna waa in waaridku canugiisa hadii dadku kanabad gali waayo xiran karo intoow rabo illeen waxaan nahay musline inta kale oo soo hartayna aduunka dhan dowladaha kajiro marka laga reebo 30 dowladood ayaa nala wadaago Kenya , ethiopia , saudi arabia , qatar , sudan, eriteria isku day inaad xabsiyadooda soobooqato marka walaal uun dhaliil ha utaagnaanine dowladaada taageer ewelba wadankan aad hada u hanqal taageyso inaad hogaamiso waa midkaad mic-ga kudumisaye iga raali noqo hadii aan runta kuusheegay waalasl balse waxaan rabay inaan kudareensiiyo waxa aay Somalidu kaa aminsantahay
ReplyDeleteDhibaatadaan aad Ayaan uga damqaday waxaan eebe uga baryayaa in uu xakhooda siiyo asaga ayaa xakh soore ah. Dadku maheystaan nolal iyo meel ey alle ugu cibaadeystaan. Waa wax xanuun badan. Waana wax cuqubadeeda leh. Dhibaatada inaheysato maanta hadii aan kusii darsano cuqubo aan kagalno dadkeena anigu ma ogi wax aan kusugnaan doono.
ReplyDeleteYusuf adiga walal rabi hakaa abaal siiyo intaad uqabatay af iyo adinba.
Waxa aad kamid tahay dadka hadalkoogu meeldheer gaaro walalow dhibkaan gaarsii inta aad isleedahay wax ayeey kaqaban karaan jasaka Allah.
Waa ku mahad santahay warbixintada ad noo so gudbisay marka hore xur nimada oo leska qaado ruuxii garanayo uun baa ka damqayo arintaan kuwa madaxda ka ah dalka ee damashadka ku jira marba dal u dhoofa intaan aakhira lagaarin waa in lala xisabtamaa hana qoto qalabeynta xabsiga ama dhismihiisa ama daryelka maxabiista intaba talada labaad waa in garsorka dalka labadalaa lana keenaa dad shaqada garsoorka aqoon u leh cadaladana ku dhaqmaya wan hubaa in ee ku jiraan xabsiga dhaxe dad an danbi laheen Kuwa danbi lehna laga sii daayo marki la doono caruurta iyo dadka waa weyn waa in laba meel lagu kala xiraa dadka waa weyn laftigooda side ee u kala danbi waa weyn yihiin lookala soo caa taladeyda ugu danbeysa waa in ladhisaa xabsi caalami ah lajaan qaadi karo xabsiyada dunida lagana guuraa midkan qadiimiga ah
Delete�������������������� Illahoow noo naxariiso
ReplyDeleteWali waxaan dareemayaa in uu dhibku intaas ka badan yahay SOOMAALI ILLAHAA U MAQAN
MAXABIISTA IYO KUWA XANUUNSAN ILLAHOOW DHIBKA KA QAAD
Xabsi qiimiihiisa waxaa yaqaano qoki xabsi soo arkey
w. yusufv garaad waad ku mahadsan tahay warbinta aad xabsiga ka soo gudbisay iyadoo aan oran karo wa markii ugu horeysay ee warbixin laga helo jeelasha soomaaliya
ReplyDeleteruntii wax badan oo hurumar ah way jiraan balse waxa hubaal ah inay ka jirto cadaalad darro baahsan waayo soomaaliya dadkii banaanka joogay oo aan jeel ku jirin ayaaba cadaalad darro badan sheeganaya waaba kuwo jeel ku jira e
ilaahay how fududeeyo dadka xukunka gacanta ku hayana ilaahay xaqa ha waafajiyo