Total Pageviews

Saturday 12 September 2015

Xeer iyo Xeer - Jajab

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxman Cirro (dhex) iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Baashe Maxamed Faarax (bidix) oo ah laba mas’uul oo aan ixtiraamo waxay maanta ku kaceen gef iyo foolxumo.

Inkasta oo ay raalli gelin bixiyeen haddana Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenkiisu in ay isku feeraan Golaha Wakiillada Soomaaliland oo fadhiya waxay ahayd sharaf-dhac.

Inkasta oo maalmahan aan murankooda si xiiso leh ugala socday saxaafadda, haddana doorkeyga ma ahan in aan isku dayo in aan labada mas'uul midkood aan si gooniya farta ugu fiiqo. Mana doonayo in aan mid la safto.

Waxaan arrintaan maanta Hargeysa ka dhacday aan u soo qaatay ma ahan in aan uga sii daro ceebta labada mas’uul. Waxaa iiga muhiimsan casharka laga baran karo.


Kala dambeyn, shuruuc iyo xeerar kala haga dadka marka la hareer maro waxa keliya oo dhici karaa waa fowdadii maanta ka dhacday Golaha Wakiillada Somaliland.

Khalad wuu dhacaa, laakiin waxaa la isku dhaafaa sida loo saxo ama looga gaabiyo in la saxo.


6 comments:

  1. Fadlan halkan ku reeb aragtidaada. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Yusuf Garaad aad baad u mahadsantay, waxna maad xumeyn oo midkoodna maad eedeyn, waxayse tahay ama u waa khalad beri hore oo iyagoo mucaarad ahaa ay kuraasta ku bahoobeen lana baxeen iyagoo laba xisbi mucaarid ahaa in ay ku shuraakoobaan wax la yidhaa shir guddoon baal marsan xeerkii uu lahaa Golahu.Waxaana Xeer jajabkaasi keeney in maanta uu ka xishoon waayo Guddoomiye ku xigeenkii Godoomiyihii Golaha oo uu ka dhinac hadlo isla markaana la maamusho waayo wuxuu barkan yahay oo lagu yidhi ku dhaqma markii ay hore usoo dhex gashay Guurti ku sheega HADA SII SAQIIRTEY ee ay ka joogaan Afar odey ragii ruug cadaaga ahaa ee Madaxdhaqameedku so xuleen. Waa runtaa XEER JAJAB iyo ISXAMBAARBA ku dhaqankiisu wuxuu keena iska hor imaad,

    ReplyDelete
  3. Waan daawaday waxa dhacay, mana quruxbadnayn hayeeshee Ustasd yusuf waa ka garnaqikartaa muuqaalka , shir laba gudoomiye hagaamiyaan ee baarlamaan kaliya fadhigii, waa muuqataa cida fawdada markaa wada, baarlamaanada waa iska horyimaadaan, oo shirku socon waayaa ,oo Gudoonku shirka xiraa in xaaladu ka dagayso, hadiise xaaladu soo gaartay meeshii aan arkaynay wax gacan ka hadal looga badbaado ma muuqan, sharciyada hadii la raacayo haamaha shidaalka barbara dab kuma socon eego,aankooda si miirqaba ayaa lagu gaari karay, waqti ku filana waa la siin karay, ee waxay ila tahay wax kale ayaa ku hoos qarsan,waana mahadsantahay,by Ahmed Ifcc

    ReplyDelete
  4. Yuusuf waa sax qalad wuu dhacaa lkn cashir in laga qaato aa muhiim ah somalind tan waxay u tahay cashir aan la iloobi doonin waxana laga baran karaa nidaam la aanta iyo kala danbeen la aanta inay waxwalba dumiso

    ReplyDelete
  5. I am Hwa Jurong, a Private Money Lender do you need a loan to start up business or to pay your bills and a corporate financial for real estate and any kinds of business financing. I also offer Loans to individuals,Firms and corporate bodies at 2% interest rate. I give out loan to serious minded people that are interested of loan if interested contact this email: hwajurong382@yahoo.com or hwajurong12@gmail.com

    ReplyDelete
  6. Khilaafka siyaasadeed ee Soomaalilaan ku soo noqnoqdaa waa mid ka soo jeeda hirdanka sharciga iyo sharci darrada. Ma jiraan hay’ado garsoor oo si madax bannaan uga garnaqi kara

    khilaafaadka sharci ee dalka ka dhaca, haddii ay jiraanna hannaanka ay u dhisan yihiin ayaan u saamaxi karin inay waajibaad intaa le’eg gutaan. Taasi waxay meesha ka saartay kalsoonidii lagu qabi lahaa awood dhexdhexaadisa awoodaha qaran ee maalin walba madaxa iskula jira. Si taa la mid ah, ma jiro shacab si caqli ku dhisan uga garsoori kara murannada sharci ee dalka la hadhay iyo garasho bulsheed oo dhaaddan qiyamta sarraysa ee sharciga.

    Murannada sharci ee ka dhex oogma golayaasha iyo axsaabta kala duwan ee qaranka waxa badiba hadheeya dareenno dahsoon oo siyaasi ah. Mar walba waxa is haya laba dhinac; laba qof, laba kooxood, iyo laba danood. Labada dhinac ee is hayaa ma wada saxnaan karaan, mana wada khaldanaan karaan. Waa inuu jiraa dhinac saxsan oo dooddiisu sharciga waafaqsan tahay iyo mid khaldan oo mawqifkiisu sharcidarro yahay. Sidaa darteed, mar kasta waxa jira dhinac badheedhsan oo si indho la’aan ah ugu tumanaya sharciga. Waxa kale oo jira dhinac sharciga ku taagan, laakiin si khaldan sharci wax ugu doonaya. Labadaa oo waayay cid u garsoorta ayaa xaajada ka dhigay mid magansata odayaal cumaammado sita oo magacyo reereed ku xoogsanaya iyo dad kale oo badan oo wejigooda ka ganacsanaya.

    ReplyDelete