Duullimaadyada maalin walba yimaada
Soomaaliya ee ka yimaada Kenya waxaa ay tiradoodu celcelis ahaan kor u dhaaftaa 30.
Qaarkood waa rakaab
cammiran, qaarna waa xamuul. Ilo xog ogaal ah ayaa ii sheegay in celcelis ahaan 18 ka
mid ah duullimaadyadaasi ay sidaan Qaad.
Dayaaradahaasi Nairobi ayay ka soo kacaan waxayna toos uga degaan magaalada Soomaaliya ee ay u socdaan iyaga oo aan meel kale lagu weecin si loo baaro.
Sii laabashadooda, intooda badan, weliba
kuwa xamuulku waa faaruq. Haddana gebigood, xataa kuwa faaruqa ah, waxay Kenya ku leexisaa oo lagu sii baaraa
Wajeer inta aan loo oggolaan in ay Nairobi tagaan.
Isu dheellitir la’aanta ganacsi ee labada
dal ee deriska ah maxaa lagu xallin karaa ayay kula tahay?
Sideese la isugu soo dhoweyn karaa
habdhaqanka aan is waafaqsaneyn ee hey’adaha Soomaaliya iyo Kenya siiba kuwa amniga, socdaalka iyo canshuuruhu ay ula dhaqmaan dadka iyo ganacsiga isaga gooshaya
labada dal?
No comments:
Post a Comment