Total Pageviews

Tuesday 24 February 2015

Gurieceel dagaalka Ka Dib


Dagaalka Guriceel kuma dhiman doonaan dadka amarkiisa dhiibaya oo qaarkood laga yaabo in ay meelo fog fog joogaan. 
Kuma dhiman doonaan nimanka u sarreeya ee hoggaaminaya dagaalka. 
Lagumana dili doono kuwa hubka daabbula iyo kuwa shidaalka iyo lacagta dagaalka bixiya.
Si kama dambeys ah looguma kala adkaan doono maaddaama ay dadka degaanku ku kala qeybsan yihiin.

Marka ay xabbadu istaagto waxaa magaalada degganaan doona dhammaan dadkii hore u degganaan jiray marka laga reebo kuwa dagaalka ku dhintay iyo kuwa ku dhiman doona.
Xabbad nin xal ku raadiya haddii aad aragto siyaasadda ayuu caammi ka yahay ama uu ku fashilmay ama labada ayaa isu raacay.

3 comments:

  1. Al-Ustaad Garaad, waa ereyo waaweyn oo dhuux adag leh waadna la heshay halkii aad la rabtay, lakiin wax ku qaadan maayaan kuwa dagaalka hurinaya ama ha fogaadeen ama ha dhawaadeene, Gurceelna waxaa ka jiri jiray iskaashi Qaadireysan marna Qabiileysan hadda waxaad moodaa in ay kala soocmayaan oo la doonayo in Qaadiriyadii iska tag laleeyahay lakiin ay Qaadiriyo dhulka isku dhajineyso, taana waxaa sabab u ah nidaamka dhiig-iyo-muran-la-roorkaa ee Soomaali dooneyso in ay qaadato ( Federalka ) Marka waxaa wanaagsan in ay Qaadiro iska samirto oo ay dadka Dhulka leh u deyso nooca ay u rabaan aayahooda, oo ah in dhistaan Galmudug State of Somalia, Reer jameecana ay raadsadaan meel kale oo aan lagula dagaalin dhulka illaahay waa balaaran yahay, ama dadka ay duudkooda ku dagaalami-jireen ay colaada ka daayaan oo ay la noolaadaan.

    ReplyDelete
  2. Al-Ustaad Garaad, waa ereyo waaweyn oo dhuux adag leh waadna la heshay halkii aad la rabtay, lakiin wax ku qaadan maayaan kuwa dagaalka hurinaya ama ha fogaadeen ama ha dhawaadeene, Gurceelna waxaa ka jiri jiray iskaashi Qaadireysan marna Qabiileysan hadda waxaad moodaa in ay kala soocmayaan oo la doonayo in Qaadiriyadii iska tag laleeyahay lakiin ay Qaadiriyo dhulka isku dhajineyso, taana waxaa sabab u ah nidaamka dhiig-iyo-muran-la-roorkaa ee Soomaali dooneyso in ay qaadato ( Federalka ) Marka waxaa wanaagsan in ay Qaadiro iska samirto oo ay dadka Dhulka leh u deyso nooca ay u rabaan aayahooda, oo ah in dhistaan Galmudug State of Somalia, Reer jameecana ay raadsadaan meel kale oo aan lagula dagaalin dhulka illaahay waa balaaran yahay, ama dadka ay duudkooda ku dagaalami-jireen ay colaada ka daayaan oo ay la noolaadaan.

    ReplyDelete
  3. Scw..wiil jigjiga..soomali ala mideyo..hawiyana alaha xabada ha nacsiiyo..mantoo dhan dagal le ku jiran.. ceyr so ma nasto...

    ReplyDelete